SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA
Daabaco Boggan | Print


Shil Gaari oo ka Dhacay Kanada oo ay Ku Geeriyoodey Labo Soomaali ah.
  • Labo kale oo Soomaliyeed ayaa shilkaas ku dhaawacmay, dhaawac halis ah, waxayna Afarta Soomaalida ahi ku socdeen Aroos ka dhici lahaa magaalada Edmonton..

Canada (SomaliTalk.com): Warar SomaliTalk kasoo gaarey dalka Kanada ayaa sheegay in shil gaari oo ka dhacay meel u dhexaysa magaalada Edmonton iyo Fort McMurray ay ku geeriyoodeen laba nin oo Soomaali ah, waxaana  shilkaas ku dhaawacmay labo kale.

Labada nin ee geeriyoodey mid ka mid ah waxa uu ahaa nin aad looga yaqaan magaalada Toronto, waxaana loo aqoon jirey ama uu caan ku aha naanaysta "Gafaaje", ninka kale ee geeriyoodey magaciisu weli nama soo gaarin.

Labada dhaawaca ah mid magaciisa waxaa la yiraahdaa Cabdi Ismaaciil Maxamed, waana dhaawac halis. Ninka labaad oo dhaawaca ah oo aanaan weli magaciisa helin waxa la sheegay in uu kujiro como (ama suuxsan yahay).

Shilkan oo dhacay shalay subax (Axad 19/12/2004), kana dhacay wadada loo yaqaan Highway 63, meel qiyaastii magaalada Fort McMurray ujirta 210 km, waxa ay afarta Soomaalida ah u socdeen aroos ka dhici lahaa magaalada Edmonton ee galbeedka Kanada.


semi-truck


minivan


SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

Gaariga ay wateen Soomaalidu waxa uu noociisu ahaa minivan, waxana ay isku dhaceen gaari kale oo ah nooca loo yaqaan semi-truck (ama is-jiid maca rimoor). Afarta Soomaalida ah waxaa la sheegay in ay ka tageen magaalada Fort McMurray.

Labada marxuun ee dhintay waxaa la sheegay in ay fadhiyeen kuraasta gadaal ee gaariga minivan-ka ah, taas oo markii shilku dhacay ay ka finiineen gaariga, meeshii shilku ka dhacayna ay ku geeriyoodeen. Dareewalkii iyo ninkii kale ee kursiga hore fadhiyey gaariya kama finiinin, waana kuwa badbaadey ee dhawaca ah. Waxaana la sheegay in wadadaas Highway 63 markii shilkaasi kadhacay la xiray muddo afar saacadood ah si loo baaro qaabka uu shilkaasi u dhacay ama sababta keentay shilka.

Sarkaal u hadlayey booliska Kanada oo magaciisa la yiraahdo Staff Sgt. Colin White oo ka warbixinayey sidii shilku u dhacay, oo ay soo xiganeysey jariidad ka soo baxda magaalada Fort McMurray, waxa uu yiri "Waxay u muuqataa in labada nin ee dhintay uusan u xirnayn suunka gaariga (seatbelts)", waxana uu sarkaalku intaas ku daray in roobka qabow ee habeenkii shilka ka horeeyey da'ay ay dhici karto in uu ka qayb qaatay dhicitaanka shilka. Waxana uu intaas kusii daray "ma dhehi karo xaqiiqo ahaan marxuumiintu wey badbaadi lahaayeen haddii suunka gaarigu u xirnaan lahaa, laakiin waxaa siyaadi lahaa fursadooda ay ku badbaadi lahaayeen".

Labada Soomaalida ee dhaawaca ah, dareewalka iyo ninkii hore fadhiyey waxaa markii hore la geeyey cisbitaalka "Boyle Hospital" halkaas oo lagu daaweeyey. Waxaana la sheegay dareewalka oo dhaawiciisu uu ahaa mid halis ah in diyaarad loogu qaaday cisbitaalka Jaamacada Alberta ee loo yaqaan "University of Alberta Hospital", halka ninka labaad oo dhaawiciisu uu intaas ka sahlanaa gaari loogu qaaday cisbitaal kuyaal magaalada Edmonton.

Dareewalkii wadey gaariga kale ee semi-truck wax dhaawac ma gaarin.

Wixii warkaas kusoo kordha waan idinla soo socdsiin doonaa...

Faafin: SomaliTalk.com | Canada | Dec 20, 2004


Dagaal Ka Dhacay Muqdisho::

Dec 20, 2004: Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa shegay in ugu yaraan shan qof ku dhinteen, 12 kalena ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay degmada Shibis ee magaalada muqdisho.. Lama sheegin waxa sababay dagaalkaas, laakiin dagaalkaas waxaa la isu afdeegsadey qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo hub culus.


Halista HIV/AIDS & Dhallinta soo Koreysa
London: Ururka SIIC oo soo qaban qaabiyay Barnaamij looga hadlay ka hortagga xanuunsidaha HIV/AIDS-ka Guji Dec 20

Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda SL
Hargeysa: baaq ku wajahan Xuquuqda Iinsaanka oo naqdiyey hab-dhaqanka Hay’addaha Garsoorka dalka.. Guji Dec 20

Wareysi Hay'ad NGO Soomaaliyeed
Nairobi:
Warasysigii Gudoomiyaha Hay'adda Somlink, Mudane C/qaadir Xuseen Maalin (marshaale)...  Guji.. Dec 20

Wareysi Somalitalk la yeelatay Wardheere
Minneapolis: “Samsam in cafis la weydiisto ayadaa mudan iyo in xaal la siiyo”.. Guji... Dec 20

BOOQO BOGGA: www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD