SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Waxaa isku Soo dubaridey:
C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com


 QUUDHSIGA IYO TAKOORKA QIIL MA LOO HAYAA?! 

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Waxaa Sabtigii la soo dhaafay ka dhacay gole ka mid ah golayaasha Jaamacada weyn ee magaaladan Minneapolis ay leedahay shirkii looga wada hadlayey in loo raadiyo in takoorida iyo quudhsigu uu yeelan karo sabab iyo haddii loo waayo sidii looga bixi lahaa ama looga waantoobi lahaa. Waxay Sabtigii la soo dhaafay ahayd maalin ay aad qoraxdu u kulushahay oo ah cimilada lagu yaqaano gobolkan Minnisota oo ah ka saxaraha oo kale. Saxaruhu habeenkiina beerkaa ku gariiraya maalintiina madaxaa ku karkaraya; waa la mid Minnisota waa xilli naqasku kugu dhegayo kuleyl awgiis iyo xilli dhaxan awgeed neeftu kugu dhegayso. Inta aad dibada golaha lagu shirayo joogtid baad isku dhegdhegaysaa laakiin hoolka dhexdiisu Baydhaba Janaay waxba uma ogeyn. 

Cabaar markii la sugayey habqanka iyo dib u dhaca Soomaalida ayaa waxaa codbaahiyaha ka dhawaaqay cod laga soo jeexay weriye caan ahaa oo aan ka maqli jirey Radiyihii gablamay ee Muqdisho. Wuxuu ahaa Mascade oo xiriirinayey shirka wuxuuna dhegeystayaasha u sheegay in uu shirku furan yahay isagoo ku soo dhaweeyey Abdi-Mahad Xaaji Warfaa in uu ku furo aayado quraan ah. Dhegeheenii buu Abdi-Mahad ku akhriyey aayado uu Eebe kaga hadlayo in aan Muslimiintu is quudhsan, is takoorin, isku xad gudbin oo aanan is jaajuusin. Wuxuu na xasuusiyey in uu Bakhtiga Walaalkii oo mayd ah uu cunayo qofkii qof xanta. Wuxuu nagu dul akhriyey aayadaha Qura’anka Kariimka ah ee ka hadlaya in Laandheeruhu uu yahay qofka xaga Illaahay ugu dhow ee ugu cibaadada badan!. Wuxuu ku gabagabeeyey Eebaa Run Badane ah. Haddaba waxaan la yaabay kelimadaa oo markiiba aan u arkay in haddii hadaladaa Eebe ee nalagu kor akhriyey aan khilaafno in ay la micne tahay in aanu ka soo hor jeedne kelimadaa ah Eebaa Run Badane ah! Eebow nagu anfac oo tawbada ha na seejin. Wallee dhegihii wax maqlaa waansama! 

Dad badan baa la yaabaya marka la yiraahdo quraanku xili walba waa la socdaa oo ilaa qiyaamaha waxa iman doona way ku jiraan! Waa kuwaa oo aayadahaasi anagey nala hadlayaan oo nagala hadlayaan quudhsiga, takoorka, xanta, Naaneysaha xun, jaajuusida, afduubka iwm. 

Waxaa uu haddana Mascade ku soo dhoweeyey Imaamka Masaajidka Ummatul-Maxamed bal si uu dhegeheena iyo maskaxdeena u jilciyo.  Sheekh Ahmed Sh. Cumar    ( Sh. Ahmed Taajir) ayaa salaan iyo duco noogu hambalyeeyey. Wuxuu Sheekhu noo sheegay inuu ka hadli doono Islaamka hortii quudhsigii jirey iyo sidii Islaamku u dabargooyey. Wuxuu na xasuusiyey in Laandheere uu yahay ka Eebe ka baqa ee noogu cibaadada badan. Wuxuu sheegay Shiikhu in Islaamka hortii in takoorku uu ka jirey meelo fara badan laakiin uu ka hadli doono kii ka jirey Jasiiradii Carabta. Wuxuu noo sheegay Shiikhu in:

•   Haweenka aad loo dulmin jirey oo dhibaatooyin badan loo geysan jirey ay ka mid tahay haddii ninkeedu dhinto ay dhaxalka ka mid ahaan jirtay. Islaamkuse haweenka wuu sharfay oo quraanka suuradaha ugu dhaadheer waxaa ka mid ah kuwa xambaarsan magacyada naagaha ama ka hadlaya haweenka iyo sida loola dhaqmo

•   Gabdhaha iyagoo yar la aasi jirey. Ninkii ay gabadhi u dhalatana uu murugoon weji doorsoomi jirey kadibna uu iyadoo nool aasi jirey. Islaamku wuu tirtiray caadadaas foosha xun ee ka soo horjeeda deeqda Eebe iyo Qadarkiisa

•   Takoorka xag midabka, timaha, guurka, farsamada(kaba tole, qoti, waardiye,tumaal iwm) ama nasabka. 

Wuxuu sheekhu na xasuusiyey Aayadihii uu noo akhriyey Abdi-Mahad iyo in qofkii qof muslim ku yiraahda wuxuu dhibsanayo ay xanta ka mid tahay. Shiikhu wuxuu yidhi kuwa ku quudhsada dadka denbi aysan lahayn cadaab badan bay Eebe agtii kala kulmi karaan. Ogaada ayuu yidhi in denbiyada waaweyn ay ka mid tahay Nasabka iyo maytida oo la caayo. Haddaba wuxuu yidhi Islaamku guur takoorkii waagaas jirey wuxuu u baabiiyey in ay dhacday in gabdhihii Qureysh ee Laandheerayaasha ahaa ay guursadaan dad adoon ahaan jirey ama dad madoow oo Afrika ka soo jeeda. Tusaale ahaan 

OLOLAHA LADAGAALANKA GUUR IYO HAYB SOOCA
Nimaan hadlin Hooyadiisna Qadisay; waa qaybtii labaad ee qoraalo taxane ah oo uu qoran... Guji

Bilaal oo nin madow Zayd binu Xaarith oo ahaa Adoon ayaa wuxuu guursaday Zeinaba bintu Jaxsha oo Nebigii Suubanaa(csw) Inaa Abtidii ahayd markii danbana noqotay nebiga xaaskiisii. Bilaal oo nin Afrikaan ah ahaa ayaa wuxuu guursaday C/Rahman binu Coof walaashiis. Abu Xudeyba ibnu Cutba ibnu Rabiica ayaa gabar uu adeer u yahay wuxuu u guuriyey  Saalim. Qadaad ibnu Aswad oo nin madow ahaa ayaa la siiyey Rubaaca bintu Zubair. Haddaba qabiilka Qureysh oo laandheere ah Soomaalida Ajiga ahina ay ku abtirsato ayaa waxay ogolaadeen in ay Adoon iyo Afrikaan ay gabdhahoodii siiyaan.  Shiikhu wuxuu yidhi 24 sano ka hor ayaan tafsiir akhrinayey markaasaa markaa la soo gaara meelaha Qur’aanka ay kaga jirto kelimada Cabdi ama Adoon ayaa dadka qaar madaxa foorariyaan ama ka yara xumaadaan, markaa wxuu yidhi aqoon la’aan iyo jaahilnimo dadka ka badatay ayuunbaa keentay in walaalahood takooraan. Wuxuu noo sheegay in uu Nebigu(csw) yidhi waxaa laysoo diray in aan dhamaystiro akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan. Markaa waxaan culimada ku boorinayaa meel ay joogaanba iyo ay xaqa cadeeyaan oo si aan gabasho lahayn uga hadlaan takoorka iyo quudhsiga lagu hayo dhamaan dadka walaalaheen ee naga midka ah oo aanu isleenahay. Waa in culimadu ay ka qayb galaan meelaha looga hadlayo  amuurahaan oo kale si ay dadka u baraarujiyaan ayuu yidhi. Wuxuu sheekhu ku soo gabagabeeyey in aanu Quudhsiga qiil u hayn laakiin uu aaminsan yahay in uu tirtirmayo haddii:

•   Islaamka loo soo noqdo oo Manhaj laga dhigto lana cadeeyaa diin ahaan in takoorku xaaraan yahay cadaabna lagu mudan karo

•   La wado baraarujin iyo wacyi gelin guud oo ay ka qayb galaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay iyagoo adeegsanaya dhamaan qalabka warbaahinta iyadoo la sameynayo Muxaadarooyin, dood cilmiyeedyo iwm.

•   Laga wado hawsha gudaha wadankii ee aan laga wadin dibada oo keliya. Waa in gudaha iyo dibadu isku xirmaan oo iska warqaataan meelna ka soo wada jeestaan. Yaan laga daalin wacyigelinta dadkeena iyo dood cilmiyeedyada la qabanayo.

•   Lagu baraarujiyo dadka in xirfadu iyo qofka muruq maalka ahi uu Islaamka darajo weyn ku leedahay kan tuugsadana uu duli iyo mid hoose uu yahay

•   Si dheelitiran looga hadlo oo yaan dhinac keliya arrintan laga eegin. 

Waxaa codbaahiyihii qabsaday abwaanka iyo macallin Siciid Saalax. Salaan ka dib wuxuu abwaanku yidhi wax sad ah kuma lihi mawduuca laysiiyey ee ka hadal lay yidhi. Wuxuu yidhi taxanihii Quudhsigu qiil ma leeyahay maaha fikradeyda ee waxay ahayd ururis ay soo ururiyeen dadka u dhaqdhaqaaqa dabargoynta caadadan foosha xun. Bal aan ka akhriyo intii aan ka gaadho ayuu yidhi. 

Ilaa 6-dii sano ee ugu danbeysay ayay hadal haynta arrintan waayadii hore afka lagala biqi jirey aad u soo korodhay. Waxaan ka jeclaan lahaa in loogu magic daro Quudhsigu Qiil maleh. Laakiin waxaan filayaa buu yidhi Siciid in su’aal looga dhigay si Soomaalida dhegaha adag leh loogu daayo inta ay ka quusanayaan oo qiil ka waayayaan. Ama waxaan filayaa Su’aasha ayaaba ka fiican oraahda caadiga ah oo su’aashu waxay keynasaa fikirid iyo dib isugu noqosha iyo ka baaraan deg. Wuxuu xusay in Midguhu ay ka mid yihiin beelaha aan hubeysnayn ee xilli walba lagu xadgudbo, markaa taasi waxay keeni kartaa in ay bulshada ka dhexbaxaan. Si aysan taasi u dhicin buu yidhi waa in arrintan deg-deg wax looga qabtaa. 

Ka hadalka ereygii cadhada lahaa ee afka lagala biqi jirey waxaa markii u horeysay ku dhawaaqay oo bilaabay BBC iyo weriye Maxamed Abdillahi. Waxay BBC-du soo deysay barnaamij taxana ahaa oo loogu magacdaray Quudhsigu qiil ma leeyahay? Ilaa iyo maantana oo sanooyin badan ka soo wareegtay ayaad arkasaa iyadoo weli laga hadlayo oo maalinba maalinta kale ay ka sii fiicnaanaso, shirar badan iyo dood cilmiyeedyo badana meel walba lagu qabanayo. Waxaa ka mid ahaa kuwii lagu qabtay Jarnalka, Holland, Sweden, Minneapolis, Hargeisa iyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya. Wuxuu xusan doorka ay Abwaanada iyo Culumaaudiinku ay ku leeyihiin la dagaalanka qadiyadan. Wuxuu sheegay Siciid in ay baxeen Gabayo iyo Suugaan fara badan sanadahan danbe oo lagula dirirayo laguna baabiinayo Sheeko Xariiradii quraafaadka ahaa. Wuxuu Abwaanku ku soo gabagabeeyey in ay ururinayaan wixii xal ah oo  uu dhamaadka shirka soo noqon doono si uu u sheego sidii loo wadi lahaa iyo cidii sii wadi lahayd arrintan iyo xal ka gaarideeda. Waxaanse la yaabanahay in uusan Siciid nagu soo noqon mar danbe, waxaa laga yaabaa in uu iloobay! 

Xiriirye Mascade ayaa na xasuusiyey in Siciid uu shirkii hore ka saxiixay dadkii isugu yimid meesha waraaqo axdi ah oo ay ballan ku qaadayaan in ay la dagaalami doonaan quudhsiga iyo takoorka. Waxaa waraaqahaa ku qornaa in cidii saxiixda la soo wici doono markii shir la qabanayo uuna ka mid noqon doono guddi markaa la yidhi in la sameyn doono si uu hubka darandooriga ula dhaco quudhsiga. Waxaan filayaa in dadkii saxiixay ay weli arrintaa sugayaan ilaa iyo haddana aan la soo wargelin waxna loo sheegin!. Magaalada xanta ku jirtay maalintaas shirku dhacayey ayaa waxay ahayd in Gabadh u dhalatay qowmiyada la takooro ay isjeclaadeen wiil u dhashay qowmiyada Warsangeliga Waqooyi oo maalintaa uu shirku dhacayo ay isguursanayeen. Waxaa la waayey wax qadada arooskii taga oo beeshaas ah marka laga reebo in yar oo jifada wiilka ah. Habeenkii la soo gabagabeynayey shirkana waxaa jirtay dabaaldegii arooska. Markii laga soo dareeray golihii jaamacadu lahayd ayaa nin u dhashay qowmiyadan la yaso ayaa wuxuu weydiiyey Abwaan Siciid Saalax waxa uu u tegi waayey arooska. Siciid wuxuu ku yidhi waxaan necbaystay oo aan ka soo horjeedaa sida khaldan ee ay gabadhu u inkirayso qabiilkey ka soo jeedo. Maxay u sheeganaysaa Ogaadeen may tiraahdo waxaan ahay Midgaan markaa waan tegi lahaa arooskaa oo ka ciyaari lahaa!! Ninkii weydiiyey baa………….. 

Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey Sandheere oo ah xubin firfircoon oo ka mid ah ururka ardayda Soomaaliyeed. Wuxuu ku dheeraaday quudhsiga iyo fool xumadiisa iyo in lagu takooray dadkaa xirfadaha ay sameeyaan iyo shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan. Wuxuu na xasuusiyey sidii ay dadku markii la soo qaxay bakhti xoolo iska daaye ay u ruugeen dad dhintay si ay u badbaadiyaan inta kale. Wuxuu yidhi xirfadihii laga faani jirey ee aanu ku caayi jirnay walaalaheen ayaanu ka qabanaa halkan: Makaanik, Injineer waa Tumaal, warshadaha hilibka anagaa ka shaqayna, dhulkaanu xaaqnaa, timahaanu jarnaa, warshadaha iyo tukaamada kabaha ayaanu ka shaqaynaa. Wuxuu na weydiiyey sow markaa Tumaal, Midgaan, Yibir, Jareer ma wada nihin? 

Wuxuu u sheegay in dadka la quursado ay sameystaan urur u adeega danhooda iyo fikrad aan anigu aad ugu bogay oo ahayd: mar haddii qowmiyadan lagu takooray farsamada in ay sanadkii bil ka mid ah fasax qaataan si loo waayo wax hawsha qabta! Waxaan filayaa Aji badan baa Midgo noqon lahaa! Wuxuu u soo jeediyaya dadka wax quursada in ay Illaahood ka baqaan oo ay ku mahadiyaan kuna qiimeeyaan shaqada iyo farsamada ay walaalahood u hayaan. Dadka la quursado wuxuu u soo jeediyey inaysan ka caajisin dadaalka ay ugu jiraan ciribtirka caadadan iyo in ay sameystaan dad badan oo taageera oo raacsan fikradooda. Waxaa tusaale noogu filan buu yidhi wadankan aanu joogno oo quudhsigii iyo adoonsigii lagu hayey dadka madow ay ka dhiidhiyeen qaar ka mid ah dadka Franjiga ah ee Cad. Waxaa dhacday buu yidhi in aan buug ka akhriyey markii loo doodayey sinaanta dadka Madow iyo Kuwa Cad in ay jirtay gabadh ka soo horjeeday sida daka Madow loo galayo. Gabadhaas waxay cadaysay in aysan garanayn inta goor ee xabsiga loo taxaabay badnaan awgeed iyo in ay dhar badan iska dulgashan jirtay jeeb walbana ka buuxsan jirtay nacnac iyo cunooyin fudud si haddii laxiro ay u hesho dhar ay xabsiga dhexdiisa ku bedelato iyo waxay cunto. Wuxuu ku soo gabagabeeyey in hawl kama daalooyin aad hawsha u dhabar adeegtaan meeshii ay idinla gashaba ilaa inta ay hogoshu ka da’aso! 

War maxaa qoraalka iga haysta, haatana waa Abwaankii caanka ahaa ee Sangub oo na bariidiyey ka dibna qiso sida uu isugu keenkeenay iga yaabisay ka meeriyey Golihii. Wuxuu ku bilaabay Sheekoy sheeko 

Beribaa waxaa jray laba nin oo walaala ahaa oo la kala oran jirey Ajeeye iyo Mideeye. Ajeeye wuxuu ahaa nin dhib badan oo dagaal badan oo aan waxba qabsan oo haddana uusan ka amaan helayn walaalkii hawlkarka ah ee Mideeye. Mideeye wuxuu beertay beer si fiican ugu baxday oo uu kaalmo ka waayay walaalkii Ajeeye inuu la beero lana tabco. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Mideeye walaalkii ka codsaday inuu beerta u sii ilaaliyo inta uu soo noqonayo wuuna ka yeelay. Ajeeye oo beertii dhexjooga ayaa shimbir beertii ka xaday markaasuu qabtay oo canaan dhegaha u saaray. Waxaa ka soo gaadhay Mideeye oo u sheegay in shimbirta saaxiib yihiin oo uu iska daayo laakiin nasiib xumo Ajeeye oo ahaa nin camal xumaa wuu ku gacan sayray. Mideeye ayaa walaalkii ku sameeyey khayaano kana sii daayey shimbitii ka dibna shimbirtii inta ay soo duushay bay baalasheedii la dhacday Ajeeye oo ku tidhi Colaadi yaryareysi ma leh ee la soco. Ajeeye ayaa aad u xanaaqay oo u sheegay shimbietii in ay qareen qabsato. Shimbirtii baa u tagtay dabangaale oo ku tidhi ii noqo qareen, markaasuu dabangaalihii u sheegay in aan hadalkiisa waxba laga soo qaadeyn maadaama wixii iska khayaali ahba la yiraahdo waa dhaan dabangaale ee talaan ku siinayaaye u tag Fadhaanfadh. Faraanfadhkii markay u tagtay buu isna ku yidhi ilaa maanta godadkaan soo qodayey baa dadka cagtoodu iga duugasaaye wakhti kuuma hayo. Daanyeer meesha joogay baa qosol ku dhuftay oo yidhi waxaa laygu suureeyaa bini aadamka laakiin iyagaaba iga sii daran! 

Waagii danbe ayaa abaar xumi dhacday oo la damcay in la guuro. Ajeeya ayaa calaacal iyo qayla dhaan ku dhuftay kuna muusanaabay walaalkii Mideeye isagoo leh yaan layga tegin aan idin raaco. Mideeye ayaa diiday in walaalkii kaxeeyo oo uu soo raaco kadibna iyadoo arrintu meel xun maraso ayaa waxaa yimid shimbirkii una sheegay in uu walaalkii ka roonaado oo uu kaxeeyo. Waxa uu shimbirkii yidhi barasho wanaagsan anigu waxaan ahay wakhtiga! Wuxuuna Abwaanku ku soo hooriyey qisadan cajaaibka leh dhamaanteen sida shimbirkii baynu nahay oo wakhtiga ayaa isu keen keenay! 

Xikmada ay xambaarsan tahay sheekadan waxaan u fahmay in labada nin ee walaalaha ah ay ahaayenn Ajiga iyo Midgaanka. Midgaankuna uu ahaa muruq maal Ajiguna iyo dilaa boobaa. Wakhtigii waagii hore u masaamaxay in uu takooro oo uu adoonsado Midgaanka ayaa waayadaan danbana ku khasbay in uu sheegto Magacii uu ka faani jirey si uu dibadaha ugu aado oo uu qaxooti u noqdo! 

Tusaalahaa xiisaha badan ka dib ayaa waxaa uu bilaabay Sangub maanso dheer oo aan ka soo qaatay tixahan hoose. Fadlan Gabaygii oo dhameystiran naga suga.

•   Ayax Dhowre quudhsiga dadku waysku wada qayb

•   Waa in lays qadariyaa wuxuun buu ka qoonsaday qadafkii markaa jirey

•   Welina way qadoodaa buurihii qabiilkuyoo way kala qoqoban tahay 

Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey Maryan Mohamed oo markiiba ku bilowday noocyada kala duwan ee quudhsiga iyo sida haweenka Soomaaliyeen aan loo siin tixgelin iyo qadarin la mid ah ta raga jaal kooda ah la siiyo. Waxaa ay aad ugu dheeraatay sida ay hooyooyinku uga qayb qaadan karaan suulinta quudhsiga iyadoo laga soo bilaabayo tarbiyada ubadka. Waxay tidhi Hooyooyinku waa aasaaska nolosha iyo kuwa ilmaha ka dhigi kara kuwo ka saafi ah takoor iyo quudhsi. Waxay sheegtay in mustaqbalka ilmaha lagu soo barbaariyey quudhsi iyo takoor uu noqon doono mid aan la qabsan Karin mujtamaca oo uu faquuqmi doono taasina ay sabab u tahay wixii lagu soo barbaariyey.

Waxay sheegtay in loo baahan yahay in jahliga laga baxo oo wax labarto isla markaana ay cadaysay in waxbarashadu aysan ahayn oo keliya jaamacad la aado ee xikmada, waaya aragnimada, wax isbarida sida akhriska badan ay ka mid tahay aqoonta. Waxay Maryan ka sheekeysay yaraanteedii iyadoo carruur yar yar kula cayaarasa garoon ku yaala magaalada Xudur ee ku caanka ah halhayska “Madhaaytiyo Moora Gaabay Lan maalee degee” ay is qabsadeen carruurtii kale oo rabshdi bilaabantay. Anigu waxaan isu haystaa bay tidhi gabadh Reer Madhaayti ah laakiin waxaan arkay carrutii oo igu leh Faradheerta. Waxay taasi ku tusinasaa bay tidhi waxyaabaha aanu carruurta ka soo barno guriga in ay hadhow isticmaali doonaan oo ay halkaa ka bilaabmaso colaad iyo isu fiyoobi la’aan. 

Waxaa la soo gaadhay tookadii Shiikh C/Rahmaan Sh. Omar, Salaan iyo duco kadib ayuu Shiikhu nagu booriyey in sanadka danbe magaca shirka laga dhigo Quudhsigu qiil ma leh, waayo buu yidhi waa wax cad in aan loo helayn sabab iyo xujo cad. Shiiku wuxuu ku dheeraaday sida Islaamka hortii uu quudhsiga iyo takoorku u jirey iyo sidii Islaamku u baabi’iyey una soo saaray ummad aan ku abtirsan qabiil kana kooban dhamaan qaybaha bulshada oo walaala ah, siman oo aan isku xad gudbayn.  Sidee Islaamku ugu guuleystay arrintaas? Sheekh C/Rahmaan wuxuu yidhi ummada waxay haysteen Manhaj la yiraahdo Qur’aan, halhayskooduna wuxuu ahaa Laandheere waa kan Eebe ugu dhow oo noogu cibaada badan miisaankooda ay wax ku cabirayeena waa kaas! 

Sh. C/Rahmaan wuxuu u soo daliishaday aayado badan in quudhsigu uusan qiil lahayn wuxuuna Eebe yidhi buu yidhi in Illaahay uu dadka iyo qabiilada kala duwan u sameeyey in ay isku gartaan ee uusan u sameyn in lagu kala laandheeraado. Wuxuu tusaale u soo qaatay asxaabtii faraha badnaa ee Shiikhii hore kor noogu soo sheegay. Tusaale kale wuxuu yidhi nin saxaabi ah ayaa Bilaal ku yidhi ina hooyo madoobe. Markii Suubanihii loo sheegay ayuu saxaabigii ku yidhi ma adigoo Rasuulkii eebe ag jooga ayaa weli quraafaadkii baa wax kaaga sii hadhsan yihiin! Saxaabigaas aad ayuu uga qoomameeyey hadalkaas uu ku yidhi Bilaal oo inta uu dhulka dhaban saaray buu ka codsaday in Bilaal oo kabahiisa gashan oo dhabanka kaga istaago! Waxaa kaloo dhacday buu yidhi Shiikhu in wiilkii adoonku dhalay ee Usaama binu Zaid uu Suubanuhu uga dhigay hogaamiye dagaal ciidan ay ku jiraan Asxaabtii kuwii ugu waaweynaa sida Abuubakar, Cumar iyo kuwo kale. Shiikh C/Rahman wuxuu u soo jeediyey in culumadu ay daacad ka ahaadaan arintan iyo tirtirideeda isagoo sheegay in ay culumadu dhutinayaan iyagoo baqdin ka qaba mujtamaca iyo in lagu shimbira waaqleeyo. Golihii dadkii fadhiyey baa jaanta wada rogey markii uu Shiikhu ka sheekeeyey marmarsiiyada ay culimadu sameyn karaan. Waxuu yidhi waxaa dhici karta nin wadaad ah haddii gabadh Midgaan ka soo doonto in uu aayad kale oo qiil u noqota uu la soo baxo isagoo diidan in gabadha uu bixiyo! 

Shiiku wuxuu na xasuusiyey in intii dawlad na soo martay haba u danbayso tii kacaanka ah waxay isku dayeen in ay tirtiraan takoorka haddana waxba kama suurta gelin. Waxa keliya ee suulin kara caadadan foosha xun waa iyadoo si dhab ah loogu dhaqmo diinta Eebe. Wuxuu xusay in ay Soomaalidu ay ahaayeen dad ixtiraama diintooda xushmeeyana culumadooda. Waxuu tusaale u soo qaatay nin Sheekh ahaa oo ka mid ah qowmiyadaha la yaso oo lagu siyaarto Beledul Kariim ay dhamaan qabiilada Soomaalidu u guurin jireen gabdhahooda. Waxyaabaha kale ee kaalmeyn kara in ay tirtiranto waxaa ka mid ah in qadiyadan lagu daro casharada, muxaadarooyinka iyo duruusta loogana sheekeeyo si cad oo aan gabasha lahayn.  Waxaa kaloo duminteeda qayb weyn ka qaadan kara Kaaba Qabiilada iyo Ugaasyada beelaha kala duwan ee Soomaalida maadaama ay iyagu yihiin kuwa dadka dhexdooda nabad iyo colaad ka dhex sameyn kara. Madaxya dhaqameedkani buu yidhi waa kuwa sameeya xeerarka ay ku dhaqmaan qabaailka Soomaalidu iyagaana u sameyn kara xeer lagu mamnuucayo takoorkan foosha xun! 

Sheekh C/Rahman wuxuu xusay in uu weli xasuusto hadalkii hooyadii mar uu isagoo yar oo hooyadii la socda uu kaba tole ka soo toshay kabo markaas buu yidhi kaba tole markaasay hooyadii ku tidhi waa abtigaa! Wuxuuna ku adkeeyey carabka sidii Maryan in la hagaajiyo oo laga ilaaliyo takoorka barbaarinta ubadka. Shiikhu wuxuu noo sheegay in Islaamka hortii Suubanuhu(scw) uu ka qayb galay heshiis lagu mamnuucayo in Maka dadka lagu dhibo oo lagu dulmiyo, markii islaamku yimid ayuu Suubanuhu ku yidhi asxaabtiisii hadda waan saxiixi lahaa heshiiskaas oo kale!  Wuxuu Sheekhu xusay in Midgaha lagu caayo bakhtibuu awoowhood cunay laakiin diintu ay banaysay in la cuno oo aadan naftu aysan gaajo kaaga bixin. Wuxuu yidhi ninkaasi wuxuu ahaa nin caqli badan maadaama kii kale uu garan waayey nafta daba qabo; waana lagu cadaab mutaa buu yidhi haddii wixii laguu xalaaleeyey aad xaaraan ka dhigtid oo sidaa ay naftu kaaga baxdo. Wuxuu ku soo gabagabeeyey Shiikhu aanu isugu tagno oo xidido siibno takoorka iyo quudhsiga wax qiil ahna uma hayno loona heli mayo!!!!!!!!! La soco dhamaadka. 

AAH! ANIGAYBA NAFTU IGA SOCOTAAYE MAXAA II DHOW!!!!!
 

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk | July 21, 2004

QUURSIGU QIIL MALEH
Shirweyne si heer sare ah loo soo abaabuley oo lagu qabtay Jaamacadda Minnesota ayaa looga hadlay Takoorka iyo Quursiga; waxaana Guji july 14

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

HA U DAYM ALA"AAN IN AAD AKHRIDID: SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD