SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

Ra'iisul wasaaraha DFKMG ah iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka dagay dalka imaaraadka Carabta.

Canab Mumtaz
SomaliTalk | Nairobi

 
Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka kowad ee dowladda FKMG ah ee soomaaliya waxa ay dalkaasi u tageen si ay uga qayb qaataan maalmaha xusuusta murugada leh ee ku aadan geerida madaxweynihii imaaraadka carabta Shaikh Zayed bin Sultan Al Nahyan oo todobaadkan ku geeriyooday magaalada Dubai.
 
Ra'iisul wasaaraha dowladda Somaliya Prof:Cali Maxamad Gedi iyo wafdiga uu hogaaminayo waxa xuskaasi ku matali doonaan Soomaaliya,waxayna joogi doonaan maalmo kooban iyagoo uga tacsiyayn doona shacabka imaradka carabta geeridi ku timid (Allaha u naxariisto) madaxweynihii dalkooda Shaikh Zayed bin Sultan Al Nahyan.
 
Ra'iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa mas'uuliyiinta dalka imaaraadka midoobay,iyadoo ujeedada uga wayn ay tahay in ay shacabka reer dubai iyo mas'uuliyiintaba kala qayb qaataan maalmahaas murugada leh oo ay xusayaan uguna baroor diiqayaan madaxaweynahodi iyadoo maalmahan ay fasax yihiin goobaha waxbarashada oo dhan si loo muujiyo geerida sheekha.
 
Wasiirka koowaad  waxa uu sheegay in xiriirka caalamka ee Somaliya ay la yeelan karto caalamka uu kor u qaadi doono si ay Somaliya u kasbato saaxiibtinimada caalamka guud ahaan,sidoo kale madaxweynaha dowladda FKMG ah ayaa isagana ku sugan dalka Ugandha ka dibna uga sii gudbi doona dalka yaman iyo waddamo kale, waxa uuna sheegay in ay shaqo badani hor taalo si ay somaliya caalamka uga hesho taageero dhaqaale iyo aqoonsi caalami ahna ay samayanayaan xiriir wadamada dariska iyo fogba ah.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>
SomaliTalk Nov 5, 2004


axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi Somalitalk

 Tageero ku aadan  Wasirka koowaad ee DKF Soomaliya oo ay soo jeedinayaan jaaliyada soomaaliyeed ee Wadanka ISwissarland

                                    Switzerlnd  Zürich

Waxaan tahniyadeynayey  anigoo ku Hadlaya jaaliyada Soomaaliyeed ee degan Dalka Switzerland Gaar ahaan Magalada Zürich 

Wasiirka Kowaad Prof Ali Mohamed Geedi  xilka loogu doorday in uu soo dhiso dowlada  Shanta sano  waxaana ii farxad inoo ah shaqsi aqoonyahan in uu yahay waxaan ilaah uga baryeena in uu noqdo kii isu soo duma ummada somaliyeed  kalana dhaxdhigi nabad iyo is aamin, Jaaliyada Soomaalida munaasabadaan ay ku taageerayaan dowlada Cusub ee u dhalatay Somaliya waxaan leenahay noqo Mandelihi Somaliya, kana dalbo  beelaha Caasimada Muqdisho in leys garabgalo lagana  tago waagii adkaa ee soo maray caasimada loona gudbo waa Cusub oo wata dhiig cusub 

 Abdullahi Yusuf oo loo doortay madaxweyne doorashadaan oo timid waqti aad umuhiinsan ahna tilaabo weyn oo wax ka badali doonta mustaq balka Wadankiina.

Dib udhiska dowlad cusub oo qaadatay tacab badan badankiin waxaa idiin taabtay dhibaatooyin badan oo laga soo waaqsan Karin sanooyinkii la soo dhaafay .

Dowlada cusub waxaanu u aragnaa mid la imaandoonta tilaabooyin cusub iyo rajo sareeysa taas oo gunaanadkeedu yahay dhibaatooyinkii ukeenay burburkuu dalka 13 sano.

Marlabaad wadanka Soomaaliya wuxuu la tartami doonaa dalalka degan oo barwaaqasooranka.

Doorashooyinkii la soo dhaafay oo Mr. Abdullaahi Yusuf ku soo baxay waxay tusineysaa dadka oo aad iyo aad uxiisay nabadii dalka soomaaliya ka jirtay iyo xurnimadii.

Dhibaatooyinkii soo maray mujtamaca hoos uma dhigin dadka soomaaliyeed.

Way cadahay dadnimad soomaaliyeed & wadajirnimadooda iney soo bandhigtay muuqaal sareeya oo u isticmaaleen  nabada

 Waxaana ku Booroneena shacabka reer muqdisho in eey hiil iyo hooba la garab sitaagan dowlada uu madaxda ka yahay  prof ALI MOHANMED GEEDI

Waxaan marlabaad u tahniyadeenayaa dowlada cusub.

 

Mustaf bashir haaji Gobdon

Jaaliyada soomaliyeed ee dalka switzerlnad iyo
Xiririyaha heyadaha ka howgala soomalia iyo Switzerland
gobdon@bluewin.ch


axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi Somalitalk
 
 

Xirsi Geele Faarax Murux (Xirsi-maadhar)Ja: Nabada soomaaliya in aan raadino xukun xalaal ah  ayaan ku heshiinay kharan sameynta madaxda in aan kala doorano oo sidaas aan u samata bixino soomaaliya

 

Oo kamid ah ergooyinkii soomalaiyeed  Ee ka qeyb galayay wadda hadalada Nabada soomaaliyeed Ee in Mbagati  ayaa noo sooragashay in aan wax ka weydiino Doorashidii ka dhacday  10 Oktobar Ee lagu soodooratay madax weyne C/laahi Yuusuf Axmed Xirsi Waxuu iisheegay in uu ka mid ayahay siyaasiintii shirkaas umatalayay shirkaas meesha reer xaaji saleebaan.

 

Su: Waxaan oganahay in lasoo doortay dhawaan madax-weyne C/laahi Yuusuf Axmed malashaqeyneysaa Madaxweynaha ?

 

Ja: Aad baan ugu farax sanahay waxbadana waan u soo marnay in uu madax weyne noqdo shaqsi ahaan iyo beel ahaanba madaxweyne C/laahi Yuusuf Caawana madaxweyne waayahay Doorashiida Enarji Badan iyo  howlo badan ayaan usoomarnay aad iyo aad ayaana ugu farax sanahay madaxweyne nimadiisa.

 

Su: Sidaan oganahay waxaa uu magacaabay Resul wasaare Geedi Malashaqeyneysaa?

 

Ja: Prof  Max’ed Cali Geedi Nin aan shirka ku arki jiray maahan ismana naqaan laakiin habeenkii dhaweyd oo lamagacaabay ayaa iigu horeysay aragiisa iyo magaciisaba  wax aan ka sheegi karo oo shaqsi ahaan ahi majiraan

 

Su:  Laakiin mataageer santahay maadaaba uu yahay wasiirka koowaad Ee soomaaliya?

Ja: Aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay nin kii soomaali ah kharinimada soomaaliyeed ka shaqeynaya waxii uu lasoobaxo ayaana ku tixgalineynaa waxkale oo aan ka sheegayaa majiraan.

 

Su: shaqsi ahaan taada mataageer santahay adigu?

 

Ja: maba aqaan laakiin shaqsi walaal ah in uu yahay ayaan aaminsanahay.

 

Su: Intii aan asaga ladooran beeshiinu waxey isku waday in aynoqoto Resul Wasaara Soomaaliya Ee maxaa badalay fikradaas?

 

Ja: taas waxbadan baa kajira waxaan carabaabi karo oo aan caawa meeshaan ku cadeyn karo majiraan waa jirtay in aan isku diyaar gareyanay  Raysul wasaare intii aan qaranka soomaaliyeed shirkiisa lagaarin madaxweyna caawa jira C/aahi Yuusuf balan baan ku laheyn xiriir dheer oo soo jireen ah iyo axdi naga dhexeeyay kan beel ahaan iyo kan qof ahaan in aan wax urabnay masuuroobin xaga madax weynaha ayay ka suuroobi weyday habeenadaan wax xog ah kama heyno.

 

Su: sharci ahaan sideed ugu hesheeseen maadaaba uu yahay kursigu mid udhaxeeya bulsha weynta soomaaliyeed  ?

 

Ja: Nabada soomaaliya in aan raadino xukun xalaal ah  ayaan ku heshiinay kharan sameynta madaxda in aan kala doorano oo sidaas aan u samata bixino soomaaliya.

 

Su: laakiin maaha beeshiina iyo C/laahi yuusuf in ay ku heshiiyaan Soosaas maaha?

 

Ja: nabad baan raadineynay nabad ninkii keenaana madaxtinimada  waa leeyahay.

 

Su: Waamaxay nabada Aad keenteen ?

 

Ja: Waxaan keenay qaran iyo caawa wax hididiile soomaaliya u leh.

 

Su: oo maxaa kamid ah ?

 

Ja: dhismaha dowladeed oo Raysul wasaara caawa magacaaban ayahay.

 

Su: Dabcan C/qaasin Salaad Xasan waxuu ahaa madaxweynihii Kahoreeyay Madax Weyne C/laahi Yuusuf  kaqabiil ahaana isku meel ayaad kasoo jeedaan wax cilad ah miyaa ku jira hadii madaxweynuhu cid kale u magaabo Reysul wasaaraha Oo uusan mar kale habar gidir kucelin?

 

Ja: Aa Taas anigu kama jawaabayo madax weynaha hadii aan is aragno arintaas waxii uu ku qaatay anagoon waxba ka ogeyn markaas ayaan ogaan doonaa.

 

Su: warkaaga waxaa kamid ah in uu ku qiyaanay oo  aad sababtaas uga soo hor jeedo Reysul Wasaaraha uu magaacabay.

 

Ja: horjeed caawa mucarad nimo mamuujinayo Laakiin balan aan laheyn oo ogaal la’aan hadda filiclka uu qaatay anoon hadda waxba kasheegeyn intaas ayaan hadda kahadlayaa hadda kasoo horjeed iyo  mucaarad nimo aan cadeynayo majiraan caawa sxb.

 

Su: fikir ahaan maxaad usoo jeedinaysaa Dowladda uu madax weyne C/laahi yuusuf uu madaxda kayahay?

 

Ja: Ee aniga haguuleysato ayaan leeyahay dowaladu Tiinga dhexeysana madax weynuhu fakarka uu kaqabo oo hadda aan dhaliisha ku muujiyay waxaan rajeynayaa hadii aan iskaga imaano  oo aan kawada hadalno waxii sababta arintaasi ay ku dhacaday iyo balan kabax yadaas waxii kadanbeeya baan arki doonaa.

 

Su: hadii uusan waxba ka qaban oo halkaas looga gudbana.

 

Ja: waxaasi waxey noqonayaan waxii dhici jiray un bay kamid yahiin ayadana aragtideeda yay leedahay jawaba danbe ayaan ku bixin doonaa.

 

Su: maxaad isleedahay  waad sameyn doontaan?

 

Ja: hadda macadeyn karo ficil noo qor sheysana majiro imashihiisa ayaan sugeynaa haduu jawaab naga siiyo oo naga qanciyo sababihii meeshaas soogalay iyo balankii in uu jabo hadii taasi macquul noqoto fadaaka weeye hadii ay noqon weydo tala kale ayay yeelaneysaa.

 

Su:  laakiin fikradaada soo uma eka mudane in aad shacabiga soomaaliyeed aad marlabaad dhibaato ku celineyso markii aad dowlada beeshaada uga jeedi weyso?

 

Ja: Waxii balan ah oo dad gaar ah naga dhexeeyay in aanan ku xiray unbaan cadeynayaa qarnimada shacbiga soomaaliyeed iyo dowladdooda  waxii rag naga dhexeeyay anagey naga dhexeeyaan Ee soomaali kamadhaxeyn saas aan isleeyahay in aanrabsho iyo balaayo danbe dhicin rabshana caawa horseedi maayo shacabka soomaali yeedna waxaan usoo jeedinaynaa in ay qaataan qaranka loo sameeyay lana shaqeeyaan dowladda mudo 14 sano ah ayay dhib ku soo jirreen anagu caawa u hor seedi meyno dowlad la’aan balan rag kadhexeeyay waxba kama quseeyo qaranka soomaaliyeed.

 

Su: golaha baar lamaan waxey isku raaceen in wasiiradu aysan ka imaan Karin markii laga reebo xubna baar lamaanka  fir radaasi sidey adiga kula tahay?

 

Ja: arintaasi waa waxaan u aragnaa arin aan macquul aheyn  Ee waxa kalatiyayna waxaan u ragnaa in aysan aheyn soomaali doon iyo dowlad doon midna maahan sideydaba aragtida aan kaqabo sida loo xulay ayaan u arkaa in aysan aheyn soomaaliya u geyn lahaa dowlad nimo  ama sharciga u ulaalin lahaa oo hurumar gaar siin lahaa nin ka ku fakaray ama sidaas baar lamaanka yeelayna soomaaliweyn baa u jawaabeysa in aysan xil qaadi Karin iyo sharaf soomaaliyeed iyo dowlad nimo wax ka aqoon saas ayay ku caddahay ninka yiri oo rayigaas soo jeedayay maaha nin soomaali dowlad nimo u hor seedi kara

SomaliTalk | Nov 6, 2004

 


Waftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha DFKMG oo Ka Degay Kampala

MDFKMG oo uu soo dhoweynayay Madaweyne ku xigeenka Ugadha.
ISHA SAWIRKA:
Newvision Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG ee Soomaaliya iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa waxa shalay galab 3:40pm waqtiga Afrikada bari ka degeen garoonka caalamiga ah ee Entebbe Airport. Waxaana halkaas ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Uganda, Prof. Gilbert Bukenya, iyo wasiirada kala ah: Kirunda Kivejinja iyo Nshimye Sebuturo, iyo Safiirka Kenya u fadhiya Ugandha Brig. Matayo Kyaligonza. Waxaana madaxweynaha lagu soo dhoweeyay 21 mad-fac oo salaan sharaf ah.

Waxaa kale oo garoonka waftiga kusoo dhoweeyay jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Ugandha oo uu hor kacayay ganacsade Umar Ahmed Mandella. Halkaas oo uu Cabdullaahi Yusuuf ku qacan qaaday dadkii soo dhoweeyey intii aysan u dhaqaaqin magaalada, halkaas oo uu kula kulmi doonaan madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni iyo saraakiil kale oo ka tirsan dawlada Uganda.

Waftiga Soomaaliyeed waxa ay Ugada booqasho ku joogi doonaan muddo laba maalmood ah, kadibna waxay uga sii kicitimi doonaan dalak yemen.

Tarjumadii: SomaliTalk | Nov 5, 2004 | Isha: Newvision Uganda


GeediRA'IISUL WASAARAHA DFKMG  EE SOOMAALIYA OO LA MAGCAABAY
Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi oo... Guji...
Culimada Soomaaliyeed oo Baaq Samo ka talin ah u Jeediyay madaxda S/land iyo P/land
Culimada ugu waaweyn ee bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibaddaba dalka ayaa... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD