SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

DOWLADA CUSUB IYO DIB U HABEYNTA DHAQAALAHA WADANKA

C/risaq Maxamed xuseen.

Hordhac

Dhaqaalaha wadan oo loo maamulo si cadaaladi ku dhisan tahay, waxaa ay qayb
weyn ka ciyaartaa kalsoonida uu shacabku u hayo dowlada iyo siyaasadeeda
dhaqaalaha. Maamulkaas dhaqaale ee cadaalada ku dhisani waxaa kaloo uu
keenaa in qof kasta oo muwaadin ahi dareemo in ay qaybi kasoo gaartay
dhaqaalihii wadanka. Qaybtasi siyaabo kala duwan ayey shakhsiga ugu iman
kartaa, tusaale ahaan hab waxbarasho, caafimaad, wadooyinka la maro, xagga
nabadgelyada iyo siyaabo kale oo badan. Haddaba maxaa la gudboon dowlada
cusub ee soomaaliya iney ka yeesho dhaqaalaha si muwaadin kasta oo soomali
ahi u dareemo inuu qayb ka yahay dhaqaalaha wadanka. Waa hubaal in dowladu
howsheeda kowaad ka dhigi doonto sugida nabadgelyada iyo soocelinta amarkii
iyo kala dameyntii. Balse talaaabada lagu habeynaayo dhaqaalaha waa iney
barbar socotaa midaas nabad sugida ah. Sidaas darteed waxaan qormadan kaga
faaloon doonaa siyaabaha kala duwan ee dhaqaalaha soomaliya loo habeyn karo
loogana dhigi karo mid si cadaalad ah wadanka u wada gaara.

  Tiirarka dhaqaalaha ee wadan

Si loo soo saaro waxyaalaha uu wadan u baahan yahay, waa in la helaa saddex
waxyaalood oo muhiim ah: Kuwaas oo loogu yeero " factors of production" ama
aaladihii wax soosaarka. Arimahaas saddexda ah ee muhiimka u ah dhaqaalaha
wadan waa kuwan hoos ku xusan.

·Kheyraadka wadanka rabi ku mineystay ( land). Waxyaalaha halkan soo gelaya
waxaa ka mid ah, kheyraadka dabiiciga ah sida dahabka, dheemanta, koberka,
basiinka, dhulbeeraha ku haboon, webiyo, dhul macdanta laga qodo iwm

·Cududa shaqaale ee wadanku leeyahay ( labour). Qodobkan waxaa loola jeedaa
shaqaalaha guud ahaan. Wadamada qaarkood waxaa aad ugu yar dadka, taasina
waxaa ay wax u dhimeysaa wax soosaarkii wadanka. Wadamada qaarkoodna waxaa
ay meelay kala geeyaan waayen dadkii sida shiinaha iyo hindiya. Waxaa iyana
kolkii qodobkaan laga hadlaayo la xusaa tayada cududa shaqaalaha ee
wadankaas. Taas oo loola jeedo waxbarashada iyo tabarka ay qabaan dadka
shaqaalaha ahi, maxaa yeelay dadka aqoonta lihi waa ay ka wax soosaar badan
yihiin kuwa aan aqoonta lahayn. Arintaas reer galbeedku waxaa ay ogaadeen
wakhti haatan laga joogo in ku dhow laba boqol oo sano. Waxaana si wanaagsan
u sharaxay dhaqaale yahankii caanka ahaa ee reer scotland lana oran jirey
Adam Smith. Waxaa uu arintaas kaga faalooday buugiisii caanka noqday ee la
yiraahdo "Wealth of nations"

.Horumarinta qaab dhismeedka wadanka ( capital). Halkaan waxaa soo gelaya
wax kasta oo sahlaya in wadnku horumar gaaro. Waxyaalaha aad loo soo qaato
waxaa ka mid ah, qaab dhismeedka wadanka ( the infrastructure of the
country). Waxaa ka mid ah: wadooyinka, dhismayaasha xafiisyada, dekadaha
habka wanaagsan loo dhisay iyo weliba qalabka lagu shaqeeyo sida mashiinada
iyo computerada.

Haddaba wadamada ilaahay isugu daray saddexdaas arimood ee dhaqaalaha
muhiimka u ahi aad bey u yar yihiin. Balse wadankii saddexda midkood ku
fiican waxaa ka maqan midka kale. Sidaas darteed waa in cududa wax soosaarka
wadan uu ku saleysnaadaa saddexdan shey hadba midka uu ku fiican yahay.
Waxaa kaloo iyana muhiim ah in wadanku uu xaqiiqsado meelaha wadanka ka mid
ah ee ay qodobadaas dhaqaalaha kabaa ku badan yihiin. Tusaale ahaan
wadankeena soomaaliya goboladiisa kala duwani midba waxbuu ku fiican yahay.
Gobolada ay webiyadu maraan waxaa ay buuxinayaan qodobkii ahaa "Land", ee
aynu kor ku soo sharaxnay maadaama ay aad ugu haboon yihiin wax soosaarka
beeraha. Gobolada qaarkood waxaa ay ku haboon yihiin xoolaha, kuwo kale
waxaa ay ku fiican yihiin xagga kaluunka, kuwo xagga macdanta iyo waxyaalaha
dhulka laga qodo, kuwo kalena waxaa ay ku fiican yihiin xaga dalxiiska.

Waxyaalahaas goboladu ku kala fiican yihiin si looga miro dhaliyo, waxaa loo
baahan yahay in si buuxda loo isticmaalo waxyaalihii aan ka soo hadalay ee
dhaqaalaha muhiimka u ahaa waa: land, labour iyo capital.

  Maxaa la gudboon dowlada

Haddaba si aaney ilihii yaraa ee dhaqaalaha wadanku ugu soo ururin magaalo
keliya ama gobol keliya, waa iney dowladu dhaqan gelisaa waxa ay dhaqaale
yahanadu ugu yeeraan "Effective allocation of resources". Taas oo loola
jeedo in dhaqaalaha wadanka lagu faafiyo wadanka oo dhan iyadoo laga
faaìideysanaayo gobol walbaa waxa uu ku fiican yahay. Waxaa loo baahan yahay
in ilaha dhaqaalaha wadanku ku soo ururin hal magaalo oo keli ah, sidii ay
sameeyeen xukuumadihii wadanka horey uga jirey. Tusaale waxaa kuugu filan
caasimada soomaliya ee Muqdisho dagaalka ka hor. Wax kastaa halkaas ayey ku
urursanaayeen, wasaaradaha oo dhan, wakaaladaha,hayàdaha waaweyn ee dowliga
ah, jaamacadihii iyo cisbitaaladii waaweynaa. Taasi waxaa ay dhalisay in
qofkii doonayaa in faaìidada dhaqaalaha wadanka ay wax ka soo gaaraan inuu
iska soo xaadiriyo magaalada muqdisho, maadaama ay fursadaha wax ku oolka
ahi intooda badani ay halkaas ka jireen.
Waxaa kaloo ay umuurtaasi keentay in ay muqdisho noqotay meel ciriir ah oo
ay dadku aad ugu badan yhiin. Waxana halkaas ka bilaamay dagaal dabiici ah
oo loogu tartamayo ilihii yaraa ee dhaqaalaha ee halkaas ku urursanaa.
Taasina saameyn ayey ku yeelatay is nacaybka dadkii halkaas joogey
dhexmaray, iyadoo koox weliba koox kale ku eedeyneyso iney ka badsatay waxii
dhaqaale ahaa ee wadanka laga soo saaray.

Sidaas darteed, anigoo tixraac ku sameynaayo waxyaalaha aan ka soo faalooday
waxaan u soo jeedinayaa dowlada cusub ee soomaaliya iney ugu horeyn
sameeyaan gudi ka kooban dhaqaale yahano oo soo dersa sidii hab cilmiyeysan
ilaha dhaqaalaha loogu baahin lahaa wadanka oo dhan. Taas waxaa aan ula
jeedaa in xarumaha dowliga ah sida wasaaradaha, wakaaladaha, jaamacadaha,
cisbitaalada waaweyn iyo hayàdaha kaleba lagu kala meeleeyo gobolada kala
duwan ee wadanka. Iyadoo la eegaayo gobol walbaa wasaarada ama wakaalada uu
ku haboon yahay. Tusaale ahaan xarunta wasaarada beeraha laga dhigo gobolada
ay webiyadu maraan si ay shaqadedii ugu dhowaato.Xarunta xanaanada xoolaha
la geeyo meelaha xoolahu ku badan yihiin ee laga dhoofin karo. Wasaaradaha
kalena sidaas oo kale loo geeyo meelaha ku haboon. Arintaasi waxaa ay
keeneysaa in dhaqaalihii wadanka uu miisan jeesho, qofkasta oo somali ahina
uu helo Fursad cadaaladi ku dheehan tahay.

                               Mahadsanidin


C/risaq Maxamed xuseen.  Master degree in economics. The University of
Gävle- Sweden
                            
habdirisak@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004


GeediRA'IISUL WASAARAHA DFKMG  EE SOOMAALIYA OO LA MAGCAABAY
Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi oo... Guji...
Culimada Soomaaliyeed oo Baaq Samo ka talin ah u Jeediyay madaxda S/land iyo P/land
Culimada ugu waaweyn ee bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibaddaba dalka ayaa... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD