SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Saxariirka Loo geystay Samsam iyo Saxaafadda Somaliland

Maxamed Hirad
San Diego, California

Xagar2000@aol.com

Waxa beryahan isa soo taraya wararka ku saabsan silica iyo dhibaatada loo geystay  gabadha da’da yar ee lagu magacaabo Samsam Axmed Ducaale. Waa masiibada gabdhaas yar ee ayaanka daran ku habsatay oo qof walba oo damqasho iyo dareen baniaadam lihi dhegaha faraha geliyay. Waa arrin laga ducaysto in aan Ilaaha weyni aanu kugu keenin. Waa arrin aanan malahayga marna ka filayn in ay Hargeysa ka dhacdo. Waa arrin aan isleeyahay maanlaawyaasha ku kacay falalkaas dhaqanka,  iyo diintaba ka baxsani malaha cuqdad qabiil baa u wehelisay. Waxaase isweydiin leh maxay uga aamuseen arrinta ma hadhada noqotay siyaasiyiintii Hargeysa ku sugnaa iyo saxaafaddii Somaliland. Waa arrin taariikhda geli doonta, magac xumona usoo jiidi doonta reer Somaliland haddii sidaa looga aamuso. Bal aan halkan ku yara gorfayno sababaha keeni kara in saxaafadda Somaliland arrintaas ka gaabsato.

Shacbiga reer Somaliland waa kuwo runtii dhibaato xoog lihi ka soo gaadhay taliskii Soomaaliyeed ee uu Maxamed Siyaad hogaamiyaha ka ahaa. Waa dhacdada ay inta badan ku saleeyaan shacbiga reer Somaliland gooni isu taagga maamulkooda iyo ka go’idda Soomaalida kale. Waxa la odhan karaa waa arrinta mas’uulka ka ah in shakhsi u dhashay Hargeysa iyo inta la haybta ahi aanay su’aal ka keeni Karin in laga goosto Soomaalida kale. Waa arrinta dusha laga saari karo in ay keentay naca ay reer Soomaaliland u qabaan Soomaali inteeda kale, gar iyo gardarro midkay doontaba ha noqotee.

Haddaba shacbiga noocaas ah ee dhibaatada baaxaddaas lihi ka soo gaadhay ku tumashada xuquuqal insaanka tolow  bal maxaa ku kallifay in ay falalkan arxanka daran ee waxahnimadu ku dheehan tahay kula kacaan gabadh yar oo safar ah oo da’adeeda lagu sheegay  16 jir? Maxay ku mutaysatay in laga galo dembiga intaa le’eg? Xannuunkii iyo dhibkii la yeellay durba ma illoobeen?  Waa su’aalo maanta dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay isweydiinayaan. Waa su’aalo dadka badankiisu jawaab u waayay. Waxa weliba dadka ka wareerisay kuwii loo xilsaaray ilaalinta nabadda iyo sharcigu in ay ku kacaan falalkan aan loogaba fadhiyin.

Waxaase hadda soo baxaya warar sheegaya in aanay gabdhani ahayn tii u horaysay ee ay bilayska Hargeysi jidh dil iyo kufsi u gaysteen. Nin lagu magacaabo Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo ka mid ah hawl wadeenada  haya’adaha wadaniga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha  ayaa sheegay arrintan ka hor in bilayska ilaaliya xarunta Radio Hargeysa ay kufsadeen gabadh dhego la. Arrintaas oo sida tan Samsam ay xukuumadda iyo saxaafadda Hargeysiba cabudhiyeen. 

 Waxa laga yaabbaa in aad isweydiiso tolow xumahan iyo dhaqankan foosha xun ee ay ku kaceen bilayska xukuumadda Riyaale ma ka dahsoon yahay saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah? Jawaabta waa maya! Waxa laga yaabbaa in aad is tidhaa hadday jawaabtu saas tahay maxay haddaba wax uga qori waayeen dhacdadan dhaqanka iyo diinta Islaamkaba ka baxsan?  Jawaabtu waxa ay u muuqataa in saxaafadda iyo siyaasiyiinta Somaliland ay arrimo badan qariyaan iyaga oo malahooda u qaba in ceebaha sidaas oo kale ahi ay horjoogsanayso doonista   aqoonsi ee maamulka Somaliland. Waxa aad arrintaa si wacan uga dhadhamin kartaa jawaabaha iyo faallooyinka inta badan laga sii daayo Radio Hargeysa. Tusaale ahaan haddii aad wax yar dib u dhugato faallooyinkii Radio Hargeysa ee ku saabsanaa dhacdada gabadhan yar ee reer Boosaaso waxa ay dooddoodu kuwada salaysnayd cid kasta oo su’aal ka weydiisa xukuumadda arrintan in ay ku eedeeyaan kuwo u shaqaynaya cadowga Somaliland waxna u dhimaya sumcadda iyo raadinta aqoonsi ee dalka.

Saxaafadda Somaliland waxa ay sida arrinta Samsam oo kale ka yeeshay dadkii lagu xidhxidhay Hargeysa ee ka soo jeedday gobolka Soomaalida ee Itoobiya iyo kuwii Soomaalida koonfureed ee laga masaafuriyay  Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee uu ka taliyo maamulka Riyaale. Maamulka Hargeysi waxa dadkaa u dhashay gobolka Soomaalida ee Itoobiya uu u dhiibay xukuumadda Itoobiya iyaga oo ku eedaynaya in ay ka mid ahaayeen ONLF. Arrintaas oo sida dadku dhammaan wada qiyaasi karo la mid ah iyada oo dil lagugu xukumay. Waxa sidoo kale aanay saxaafaddu waxba ka odhan sidii bani’aadamnimada ka baxsanayd ee loola dhaqmay dadkii Soomaaliyeed ee koonfur loo tarxiilay. Kuwaas oo qaar ka mid ahi ku dhinteen shilal baabur.

Dhaqankan saxaafadda Somaliland ee ku aaddan dadyowga aan ka soo jeedin gobolkaas marka aad barbar dhigto sida ay ka yeellaan tacaddiga loo gaysto dadka u dhashay Somaliland waxa kuu soo baxaya arrin hannaanka saxaafadda ka baxsan. Tusaale ahaan saxaafadda Somaliland aad bay uga gilgilatay xidhxidhkii lagula kacay qaar ka mid suxufiyiinta reer Hargeysa. Qurbe joogga reer Somalilandna arrintaas waxa ay gaadhsiiyeen  meel kasta  oo arrintaa caddaadis lagu saari karo dawladda. Waa arrin sax ah loona baahnaa. Waxaase khalad weyn iyo meel ka dhac ah marka xadgudub lagu sameeyo dadka aan hayb ahaan ka soo jeedin Somaliland in ay ku dooddaan xukuumadda ayaa sidaa sheegtay iyo waa dacaayad. Maamulku ma waxa uu runta sheegaa oo keliya marka Soomaalida kale tacaddi loo gaysto?

Haddaba xaqiiqadu waxa ay tahay in saxaafadda Somaliland aad mooddo mid lagu ababiyay  nac iyo karaahiyo qabiil. Waa mid runtii aad u baal marta hannaanka aasaasiga ah ee saxaafadda. Waa kuwo aad mooddo in mar walba ay ku saleeyeen aragtidooda tan qabiilkooda. Waxa ay aad ugu dhiiran yihiin wax ka sheegga iyo faro ku fiiqa Soomaalida kale.

Arrinta gabadhan yar waxa si cad uga muuqata in ay saxaafadda degaanka Somaliland si badheedh ah iyada oo aan cidina ka codsan cabudhisay. Waxa maqaal lagu daabacay Afrol News (afrol.com) uu tifaftiraha awdalnews.com uu si aan qarsoodi ahayn ugu sheegayaa weriye ka mid ah Afrol News in ay arrinta gabadha iyo dhibaatada loo gaystaba ay qariyeen. Intaas waxa weliba dheer in aanay illaa hadda wax macno leh ka qorin dhibaatada Samsam loo gaystay saxaafadda Somaliland guud ahaan.

Taliyaha ciidanka bilayska Somaliland ayaa ku dooday in gabadha yari ay u socotay in ay disho madaxweyne xigeenka Somaliland iyo arrimo basaasnimo. Waa eedayn runtii aan aad ula yaabbay. Tolow maxaa Somaliland yaalla ee laga basaasaa? Maxaa laga helay oo caddaynaya in gabadhu qorshe dil oo ku aadanna madaxweyne xigeenka? Illaa hadda waa arrimo aanu bilaysku ka jawaabin. Qofkiise caqligiisa la kaashada way u caddahay jawaabtu.

Ugu dambayntii waxa aan maqaalkaygan ku soo gabogabaynayaa maansadan yar. 

  • Guurtidii Hargaysaay                        gar waa loo wada islaam ehe

  • Haddii gabadh habow ihi      dhex timi guri mas’uulkiin

  • Waxba yaan gasiin iyo          la siin gogol furaashkeede

  • Garba duub maxaa loogu xidhay     Jeella loo geliyay

  • Garayskiyo maxaa looga jaray          goonnaday wadatay

  •  

  • Haddii gocorro tuugihi         falkaa geystay oo fuliyay

  • Sideebaan wax garad                         goor horeba uga galiilyoonin

  • Wargeysayada xorta ahi may qoraan                        hadal garow sheegga

  • Mise ciil ku gaamuray naftaa                       qoomka wada gaadhay

  • Ma lagooyey gacaltooyo iyo              xidid geyaankiiba

Maxamed Hirad

San Diego, California

Xagar2000@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004


GeediRA'IISUL WASAARAHA DFKMG  EE SOOMAALIYA OO LA MAGCAABAY
Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi oo... Guji...
Culimada Soomaaliyeed oo Baaq Samo ka talin ah u Jeediyay madaxda S/land iyo P/land
Culimada ugu waaweyn ee bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibaddaba dalka ayaa... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD