SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Iskuuladda Imaamu-Nawawwi:- Iftiinka aqoonta ee Somaliya. 

Cilmiga ayey diintu islaamku aad uga hadashay allaha wuxu ku yiri Qur'ankiisa kariimka ah (ma siman yihin kuwa wax garanaya iyo kuwo an wax garanayn) dabcan waa maya caalimka ayaa diinta islaamka qiimo iyo qaayo ku leh. 

Tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee somaliya 1991, waxa aqoon yahano reer puntland ahi ka hirgeliyeen waxbarasho qiimo leh puntland, iskuuladda hano qaaday ee baarka sare garay waxaa ka mid ah iskuulada Nawawwi oo intooda badan puntland ka furan. 

Hawl wadeenada iskuuladan ayaa ah naftooda hurayaal muddo dheer ku so shaqeeyey iskaa wax u qabso wakhti badane ku bixiyey hirgelinta iskuuladan qiimaha weyn, waxaa as-aasay iskuuladan Jamciyadda Tadaamun (Tadaamun waa jamciyada ka shaqaysa arimaha bulshadaa waxa ku bahoobay aqoon yahanno somaliyyeed waxaa astaan u ah; Qoriga dhig Qalinka qaado) iskuuladda Nawawwi waxaa dhigta kumanaal arday ah macaliminta ka shaqaysa iskuulada ayaa ah macalimiin cilmi akhlaaq iyo garasho u saaxiib ah, sidoo kale ardayda ayaa diin, aqoon, ixtiraam lagu barbaarshaa, waxaa xusid mudan boqolaal ardayda nawawwi wax ku baratay in ay u aadeen Jamacaddo dibada ah qaybtoodna taclinta sare dhigtaan. 

Akhristow bal shaxdan ila eeg. 

Nawawwi Bosaso. 

Tirade Ardayda.

Macalimiinta

Shaqaalaha.

5500(shankun iyo shan boqol)

110

22

 Nawawwi Qardho. 

Tirada ardayda

Macalimiinta

Shaqaalaha

850

18

5

 Iskuuladan o dhan waxa wada hirgeliyey hay'adda tadaamun oo maamusha. 

Iskuulka Sheikh Xaamud ee Garowe. 

Tirade ardayda

Macalimiitna

Shaqaalaha

750

16

4

Iskuulka Macalin Jaamac ee Laas-caanood. 

Tiradda Ardayda

Macalimiinta

Shaqaalaha

950

21

7

Al-Furqaan Baran.

 

Tirada Ardayda

Macalimiinta

Shaqaalaha

745

19

5

 Nawawwi Galgudub.

 

Tirada ardayda

Macalimiinta

Shaqaalaha

456

10

4

 Xaaji Ali Biixi (Kalkacyo)

 

Tirada Ardayda

Macalimiinta

Shaqaalaha

1339

32

7

 Akhristow dugsiyadan waxaa haysta Dhisme ay leeyihiin Nawawwi Boosaso, Nawawwi Qardho, Xaaji Ali biixi Kalgacyo iyo Alfurqaan Baran, inta kale waxay ku jiraan dhismayaal kirro, ah.waxaa jira dhul iskuuul kasta leeyahay oo la rabo in dhakhso loo dhiso ciddii khayrka jecel ee ka qayb qaadanaysana wuu u furan yahay.

 Horaa loo yiri:- Haddii Baarigeenu(xoogeena) isu tago buuruhu Jebin- Ka warama haddii an dadaal ku bixino wadooyinka khayr sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhamaan ilaha khayrka ee ciiddaas ka badan. 

Aqoon yahannada suurta geliyey iskuuladan waxay Somali ku dhex leeyihiin sharaf iyo xurmo, waalidinta  ilmaha dhalay ayaa ku qanacsan sida ilmahooda wax loo baro, maamulka iskuulka ayaa u taagan wakhti walba sare u qaadidda iyo casriyeynta iskuuladan si ay ula jaan qaadan waxbarashada dunida, sidoo kale wuxu rajaynayaa maaamulku wakhti dhow in dhamaan puntland oo dhan la gaarsiiyo aqoonta waxaa hambalyo iyo bogaadin u diraynaa aqoon yahanada isu xilsaaray hawsha wayn, waxaa hubaal ah in shacabku maalin amaal marin doono. 

Waxaaa xusid mudan in ay jiraan iskuulo badan o iyana puntland ka hawl gala bulshadana hawl muhiim ah u haya sida iskuulada Shaafici, xaaji mire, Biyo kulule, Sheikh Osman Secondary Gardo, Al-azhar, almusqabal, Darwiish, Gambool, Mumtada Al-islami, Cumar Samatar, Saxan saxo iyo weliba labada Jaamacadood ee Bariga Africa iyo Puntland University, waxaa kaloo jira Machadyo lagu barto caafimaadka, farsamada, maamulka iyo maareynta iyo Computers-ka waxan isku deyi doona inan kaga hadalno iskuladaas iyo waxqabadkooda qoraaladeena danbe, waxaan u rajaynayaa guul dhamaan ciddii ku hawlan waxbarashada iyo horumarinta umada somaliyeed. Somaliya Guul Somaliya Dawladnimo..

 Sharma'arke Abdi Risaaq Elmi (walac-Walac)

Al-azhar University

Cairo, Egypt

shsugulle@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004


GeediRA'IISUL WASAARAHA DFKMG  EE SOOMAALIYA OO LA MAGCAABAY
Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi oo... Guji...
Culimada Soomaaliyeed oo Baaq Samo ka talin ah u Jeediyay madaxda S/land iyo P/land
Culimada ugu waaweyn ee bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibaddaba dalka ayaa... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD