SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAINE

Dhambaal Tahniyadeed ee Doorashada loo doortay Madaxwaynaha Dawladda Federalka ah ee Somaliyeed, Abdulaahi Yusuf Ahmed. 

Dorashadii Golaha Shacbiga ee Qaranka Somaliyeed uu kuu doortay October 10, 2004 waxay ka tarjumaysaa ka soo horjeedka ay kasoo horjeesteen bur burka dalka, dhul boobka iyo dhaca hantida dadka xubnaha goluhu. 

Waxayna muujinaysaa bislaanshaha shacbiga Somaliyed diyaar u yahay soo noolayntii Qaranka Somaliyeed iyo dhismo Dawlad cadaalad ah oo loo dhan yahay.  

Hadaba Golaha Badbaadada iyo Nabadgelyada ee Beesha Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku nool North America, Yurub, Asia, iyo South Pacific uuna Gudoomiyaha u yahay Ahmed Jamac Abdulle Gengeli oo uu weheliyo Garaad Abshir Saalax Gadhwayne waxaany taageerayaan doorashada laguu doortay Madaxwaynaha Dawladda Federalka ah ee Umadda Somaliyeed iyo guulaysiga shirwaynaha dib u heshiinta ee Kenya.  

Waxaana gaar ahaan ugu hanbalyeyninaa Abdulaahi Yusuf Ahmed dadaalkii dheeraa ee uu u soo galay shirwaynaha heshiisiinta, Nabadda iyo dhismaha Dawlad Somaliyeed ka dib bur burkii dawladii Somaliyeed14 sano socday.  

Haddaanu nahay Golaha Badbaadada Beesha Sool, Sanaag, iyo Cayn iyo Garaad Abshir Salax waxaanu ballan qaadaynaa in aan taageero hiil iyo hooba ah siin doono Madaxwaynaha Abdulaahi Yusuf iyo Dawlada Federalka ahba, taas oo soo celin doonta sharaftii umadda Somaliyeed iyo Dawladda Somaliyeed. 

Waxaana sidaas si le'eg hanbalyo u soo jeedinaynaa xubnihii Golaha Shacbiga Qaranka ee codkooda ku doortay hogaamiye karti leh waxna ka qaban kara  bur burka dalka ka dhacay, daacadnimona ku darsaday, qorshihiisuna yahay: 

  • 1. Dawlad Federaal ah oo ay awoodda leeyihiin goballadu.
  • 2. Ganacsiga suuqa xorta ah.
  • 3. Hub ka dhigista dagaal oogayaasha hubaysan.
  • 3. Nabad ku wada noolaansho wadamada dariska ah ee Geeska Afrika, iyo
  • 4. Xiriir adag oo uu la yeesho wadamda Galbeedka.

 Wabilaahi Tawfiiq.  

Golaha Badbaadada ee Beesha Sool, Sanaag iyo Cayn ee Jaaliyaddaha Dibedda.   

Waxaa lagala xiriiri karaa qoraalkan:  

Abdisalam  Ismail Yusuf

Portland, Maine.

abdisalam@consultant.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2004


WARAR GOOS GOOS AH::::
»Wakiil kamida Wakiilada Barakaad oo Caawa lagu toogtey Muqdisho
»Waa sidee Dareenka Dadka Reer Nairobi ee Codbxintii MDFKMG
»Khamiista oo La Caleema Saari DOono C/Laahi Yuusuf
»Dr Cabdi Fitaax: Waxaan wax ka qaban doonaa dhismaha isbitaalada
»Xuskii shanaad ee Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed
Dhammaan ka akhri halkan...

Ururka DDP, Beesha Cabdi Koombe, Jaaliyadda Malaysia, Jaaliyadda London Ontario oo Taageray Dawlada Cusub
Qoraalada hambalyada iyo taageerada ah...
ka akhri halkan...  Oct 13

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
kaah



HTML CD