SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

....C/Nuur Xaaji Maxamed "kan waxaan u hibeeyay IGAD"

...Qaylo dhaan ka soo yeertay degmada Cadaado


C/Nuur Xaaji Maxamed "kan waxaan u hibeeyay IGAD"

Waxaa soo dhawaaday gabagabadii shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaana la filayaa haddii EEBBE idmo in 10-ka bishan la doorto madaxwenihii Soomaaliya.

Fursadan soo muuqata ayaa I walaacisay waxaan bilaabay inaan dhowr gabay ka diyaariyo guud ahaan shirka dib u heshiisiinta, waxaan maanta doonayaa in aan soo bandhigo tix yar oo aan madaxda IGAD ee u safartay xaruntii qaramada midoobay kula hadlayo, waxaan dib u milisaday waxyaabihii dowladii Carta u diiday in ay durduriso oo ay cagaheeda ku istaagto waxaa ii muuqday in taageeradii caalamka laga xarrimay dowladdii Carta.

Waxay markan ila noqotay in madaxda IGAD ee ku maqan qaramada midoobay aan ku iraahdo taageerada caalamka ee dowlada cusub waa in la soo hormariyaa ee marnaba ha soo aqbalina haddiba daacad jirto in dib loo dhigo, tixdeyda waxaan dowlada ku cabiray in Gaari Faras, iyadoo taageerada caalamka aan u soo qaatay Faras.

Tixdeyda oo ku qoran afka Ingiriiska waxaan hor dhac uga dhigayaa sawir yar oon ka bixinayo dalkeyga Soomaaliya anoo ku matalaya qof dumar ah oo dhibaato ba’an ka soo gaartay dagaalada sokeeye, ereyadaas oo soomaali u qorana waa kuwan:

  • Way garaaceen wayna cidleeyeen.

  • Illintii indheheedii quruxsanaa bay ku dhex qalashay.

  • Waxay dhibaato ka soo gaartay kufsi laysugu tagay.

  • Waa Afrikaan, waa dhulkii hooyo ee Soomaaliya.

  • IGAD baa ugu deeqday Gaari-Faraskii nabada.

  • Laakiin caddaalad la’aan gaari ma wadan karto.

  • Fadlan Soomaaliya siiya Faras xoog badan.

  • Oo waxaad dhigtaan xagga hore, ee ha kaga xirina xagga dambe.

  • Sida dhacday dhowr jeer ee hore.

Tixdan oo ingiriis ku qoranna waa tan:-

  • She is beaten and lonely

  • Tears dried in her lovely eyes

  • She is a victim of a gang rape

  • She is an African. She is mother Somalia

  • A peace wagon is offered to her by IGAD

  • But without justice she can not ride it

  • Please give Somalia a strong horse

  • And put it in the front, not behind

  • As happened many times before.

Kala xirrir Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Qaylo dhaan ka soo yeertay degmada Cadaado

Guud ahaan gobolada dhexe waxaa ka taagan abaaro aad u daran oo ilaa iyo hada aysan jirin cid gurmad dhab ah gaarsisay, iyadoo deegaanadaasi ayaba saarnayd wax u muuqday cunaqabatayn caalami iyadoo ay indhaha ka xerteen hay’adaha iyo ururada wax caawiya.

Urur lagu magacaabo ururka horumarinta bulshada iyo daryeelka deegaanka (Social Development and Environmental Protection Association SODEPA) oo sanooyinkii ugu dambeeyeyba ka howl galayay degmada Cadaado iyo deegaanada hoos yimaada ayaa qoraal uu ka soo saaray xafiiskiisa degmada Cadaado kaga waramay xaalada abaarta ee deegaankaas waxayna qoraalkooda ku sheegeen in abaartu ay iminka marayso heerarkii ugu ba’naa iyadoo xoolaha intii hartay haddii raxmada EEBBE oo degdeg ah la helin inay Qatar ugu jiraan in ay baaba’aan, sidoo kalena waxay warbixintu sheegtay in ay iminka soo muuqanayaan xaalado macluul oo dhinaca dadka ah. Qoraalka waxaa lagu xusay arrin degdeg ah oo maalinimadii khamiistii degmada Cadaado ku soo korortay taasoo ah cudurka shubanka oo ka dilaacay magaaladaasi iyadoo isbitaalka degmada ay ilaa iyo hada jiifaan 8-qof oo uu shubanku soo riday.

Agaasimaha Isbitaalka wuxuu sheegay in isbitaalka uusan dadkaasi u heli karin daawooyinka looga hortago fuuq baxa una baahan yihiin in gargaar degdeg ah lala soo gaaro.

Isbitaalka degmada Cadaado oo tan iyo burburkii xirnaa waxaa dib u dayactiray ururka SODEPA oo ilaa iyo hadana gacanta ku haya iyadoo dayactirkiisa ay ku baxday lacag aad u fara badan oo inta badan ka timid jaaliyadaha degmada ee dunida ku dhaqan.

Dhinaca kale Xaawo Abtidoon oo ka mid ah haweenka ka howl gala isbitaalka degmada Cadaado ayaa xalay wargeyska u sheegtay in degmadu markiiba laga bilaabay wacyi gelin la xiriirta sida looga hortago cudurka shubanka iyadoo shalay laga bilaabay olole nadaafadeed oo ay sameeyeen haweenka degmada iyadoo goobo badan lagu gubay qashin aad u fara badan. Gudoomiyaha ururka SODEPA mudane C/qaadir Sh.Maxamed Ilig-Beyle ayaa sheegay in hay’adaha iminka doonaya inay wax ka qabtaan abaaraha gobolada dhexe aysan wax badan kala socon ururada ku howlan wax u qabashada dadweynaha ku nool deeganadaasi, isagoo is weydiiyey in ururo cusub oo qaarkood la abuurmay dhawaaqa xaalada abaareed la howl geliyo ay wax soo kordhin karaan iyadoo ururadii dhowrka sano ka soo shaqeynayey deegaanadaasi oo ilaa iyo iminkana xafiisyada ku leh loo arki waayo wax qabadkooda gacanna loogu siin la’yahay sida xaalada taagan ay wax uga qaban lahaayeen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 4, 2004


Waraaqo uu Kujiro Hilib Doofaar oo Loo Diray Soomaalida NewZealand
Waraaqahaas oo xambaarsan nacayb iyo cabsi gelin..
Guji...
Booliska Scotland Yard ee Britain oo u kuura galay Gudniinka fircooniga ah: warbixintii Ridwaan..
C/RAXMAAN JAAMAC BARRE IYO TARTANKA  MADAXTI-NIMADA
Qaybtii 3aad ee  tartamayaasha madaxweynaha. Fahad...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD