2) Lacagtaasi iyada ah waxey
noqoneysaa kharash diiwaangelin, fulinta howlaha doorashada gundhig
daqli dhaqaale oo uu yeesho baarlamaanka federaalka ee Jamhuuriyada
Soomaaliyeed.3) Doorashada &
shuruudaha kale ee doorashada madaxweynenimada waxaa nidaaminaya
qodobka (40 iyo 41) ee axdiga qaranka.
Intaas kadib gudoomiyaha ayaa
dalbaday in cod loo qaado qodobkan isla maanta inta ogol in uu
dhaqan galo iyo inta ka soo horjeeda.
Xubnaha baarlamaanka ee soo
xaadiray maanta oo gaarayay 172 waxaa isku raacday in Xeerkan uu
dhaqan galo 160 xildhibaan halka 8 ka mid ah ay ka soo horjeesteen
in uu dhaqan galo waxaana ka aamusay afar xildhibaan oo
kaliya.gudoomiyaha ayaa sheegay in qodobkaas uu sidaas ku dhaqan
galay maanta laga bilaabona aysan jiri doonin cid ka hadli karta mar
hadii intii badnayd ee ay isku raaceen in uu dhaqan galo.
Dhinaca kale waxaa maanta kulan ugu
qabtay xarunta shirka ee Mbagathi musharaxiinta madaxweyne guddiga
nidaaminta doorashooyinka oo u cadaynayay musharaxiintaas in ay soo
gudbiyaan lacagta iyo waliba in ay buuxiyan foomamka keenaana laba
sawir iyo araajidooda balse wax walba ay ka horeyso lacagta.
Arrintan ayaa buuq ka dhashay kadib
markii qaar ka mid ah musharaxiinta ay arrintan lacagta ku gacan
sayareen iyagoo sheegay in baarlamaanka wado arrin caburis oo uu
dadka ku kala eryayo xuquudoodana meel looga dhacayo.
Balsee guddiga nidaaminta
doorashada ayaan arrintan ka hadlin iyagoo siiyay musharax walba
waraaqo ay qoron yihiin shuruudaha looga baahan yahay musharax walba.
guddiga nidaaminta ayaa ilaa hadda
lacagta curaarta ah ka helay todobo musharax sida uu sheegay
gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah shariif xasan Sh Aadan.waxaaa kale
oo gudoomiyuhu sheegay in musharax walba laga saxiixayo in uu la
shaqayn doono madaxweynaha la doorto.
Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>