SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

QOXOOTI-DOON SOOMAALI AH OO LAGU QABTAY XEEBAHA JASIIRADDA MALTA  

Dad Soomaaliyeed oo ka kooban 29-ruux isuguna jira, 14-Rag ah, 9-Dumar ah iyo 5-cunug ayaa laga helay iyagoo dooni ay kula soo caarisay xeebaha Jasiirradda Malta; gaar ahaan Xeebta Deegaanka Xatt it-TibenI, lama sheegin halka ay doonidaas ka soo raaceen doonida sidday, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jasiiradda Malta (Malta Media News).

Sidoo kale; wakaaladdu waxay sheegtay in maalintii Axadda ahayd ee aynu soo dhaafnay oo bishu ku beegnayd 5-ta September doomo wada in ku dhow 52-ruux oo qoxooti doon ah ay ku soo caarisay xeebaha deegaannada Gozo iyo Marsaxlokk, sidoo kale waxaa iyana laga helay xeebaha Wied iz-Zurrieq 26-ruux oo qoxooti doon ah, iyadoo sidoo kale laga helay xeebta degmo yar oo lagu magacaabo Haywharf 28-ruux oo qoxooti doon ah balse dadkaas lama sheegin dowladihii ay u dhasheen.

Maalintii Jimcaha ahayd ee aynu soo dhaafnay oo ay bishan September ay ku beegnayd 3-da, waxay ciidammada ilaalada xeebaha Jasiiradda Malta gacanta ku dhigeen 26-ruux oo dooni la socday, dadkaan la qabtay 20 ka mid ah waxaa la sheegay inay Soomaali yihiin, waxayna ka koobnaayeen: 14-nin, 3-haween ah iyo 3-cunug.

In ka badan 400-ruux oo dhamaantood qoxooti doon ah kana kala yimid waddamo badan ayaa muddo bil ah gudaheed gaaray xeebaha Jasiiradda Malta, sida ay wakaaladda Wararka ee Malta, waxaana dhamaantood gacanta ku haya booliiska Malta oo su’aalo weydiinaya.

Ma ahan markii ugu horreysay ee dad Soomaaliyeed oo qoxooti doon ah laga helo xeebaha Jasiiradda Malta iyo Xeebaha koonfureed ee dalka Talyaaniga, waxaase kal hor ku geeriyooday doomo ay ka raaceen dalka Liibiya Soomaali fara badan oo doonayay inay Yurub u haajiraan, waxayna taasi keentay in dowladaha Talyaaniga, Libya iyo Malta-ba ay gacan ka yeeshaan sidii ay uga ilaalin lahaayeen xeebahadooda dadkaas Muhaajiriinta ah ee ka soo fatahmaya waddamada Afirka iyo Aasiya.

W/Diyaariyay: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: Somalitalk.com | Sept 10, 2004

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD