SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  JARMALKA

Soomaalida Jarmalka oo soo dhoweeyay xaalada shirku uu marayo. 

Ridwaan Xaaji C/wali
10 /9/2004, London
 

Soomaalida ku dhaqan dalka Jarmalka oo in muda ahba ka cabanayay sharciyada dalkaasi oo ah kuwo ay adagtahay in la siiyo qofka magangalyo doonka ah ee dalkaasi iska dhiiba ayaa waxaa ay si aad ah usoo dhoweeyeen marxaladda haatan uu galay shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed, waxaana ii suurta gashay in aan la xiriiro qaar ka mid ah aqoon yahanada soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. iyadoo guud ahaana dalalka reer galbeedka soomaalida ku dhaqan ay muujinayaan sida ay uga xunyihiin dhibaatada dalka gudihiisa ku haysata shacabka soomaaliyeed ee dawlad la'aantu ay saamaynta ba'an ku yeelatay. 

Waxaana intooda badan ay qabaan fikrado ah in xiligan dalka soomaaliya uu u baahanyahay bad baado iyo in baarlamanka soomaaliyeed ay u doortaan gudoomiyaha baarlamanka qof aqoon u leh isla markaana dalka ka saari kara dhibka , halka sidoo kalana madaxwaynaha ay ku sifaynayaan in uu qabto qof aan ka qaybgalin dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay. 

Cabdulaahi Axmed Nuur oo loo Yaqaano Raashiya , kana mid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Jarmalka ayaa waxaan wax ka waydiiyay sida haatan soomaalida ku nool dalka Jarmalka ay u arkaan marxaladda uu ku talaabsaday shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka haysta qaxootiga soomaalida waxaana uu u dhacay waraysigu sidatan: 

Ridwaan: Waxaa Nairobi ka socda shirkii dib u heshiisiinta oo haatan u gudbay gabo gabo iyadoo dhowaana la filayo in la dhamaystiro qaybaha harsan ee doorashooyinka baarlamanka iyo madaxwaynaha hadaba sidee ayaa soomaalida dalkaasi ay u arkaan? 

Raashiya:    soomaalida wadankan ku nool  waxay aragtida kala midaysan yihiin intooda badan guud ahaan soomaalida meel kasta oo ay joogto , waxayna u arkaan marxalaada cusub ee uu shirku galay in ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabada iyo dib u heshiisiinta ayna waajib tahay  in dadaal loo galo sidii loo dhamaystiri lahaa qaybaha harsan loona soo celiyo karaamada iyo nidaamkii dhexe ee dalka iyo dadkaba waxaayna u rajaynayaan in uu ku dhamaado guul iyo isafgarasho.  

Ridwaan: Sida dad badan ay ka warqabaan waxaa jira dhibaatooyin haysta qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Jarmalka , Gaar ahaan arimaha sharciga iyo dhaqanka maxaad kala socotaa? 

Raashiya: runtii marwalba qaxooti meelkasta ha joogee dhib la'aan ma ahan ayadoo ay saas tahay ma jiraan dhib gaar ah oo haysta soomaalida jarmalka ka sakoow dhibka guud ee qof kasta oo soomaali ah oo u soo haajiray wadamadan galbeedka ha ahaato caruurta oo afka iyo luqadda  ka lumaan iyo mashaakilaadka xaga bulshadda ah, laakiin wixii dhib ah ee si shakhsi ah u gaaro qofka dabcan si caadi ayaa wax looga qabtaa oo waxay kala siman yihiin dadyoowga kale ee dalka ku nool. 

Ridwaan: Soomaalida dalkaasi jarmalka bal ka waran xagga fahamka iyo wacyiga ay ku noolyihiin dalka gudihiisa mase leeyihiin ururo arintaas daba gala? 

Raashiya: waa su'aal adag runtii in la qiyaaso ama la ogaado wacyiga dad meel ku nool waa arin u baahan diraasad in lagu sameeyo  waxaa kale oo hubaal ah qof walba inta aqoontiisa iyo caqligiisa iyo waayo aragnimadiisa la egtahay ayuu wacyigiisu dhanyahay, waxaa kale oo taas dheer dadka markii ay leeyhiin ururo ama kalaabyo oo wax uun arin ama hawli ay ka dhexayso ayaa la qiyaasi karaa heerka dadkan wacyigoodu uu maraayo meel kastaba ha ku wajahnaadee hadaba maadama aysan taas jirin way aadagtahay in la ogaado waxa dhabta ah ee jira. 

Ridwaan: Dhibaatooyinka xagga sharciga ka haysta soomaalida qaxootiga ah ma iyaga ayuu gaar u yahay mise wadan walba dhibaatooyinka noocan ah waa ay la soo gudboonaataa? 

Raashiya: maya walaal, gaar uma ahan soomaaalida ee wax ay la wadaagaan dhamaan dadyowga kale ee ku dhaqan dalka jarmalka.

Ridwan Haji <ridwanhaji@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2004

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

MUSLIMIINTA WADANKA AUSTRALIA IYO DOORASHADA SANADKAN (VOTE 2004)
Mudo kayar bil waxaa wadanka Australia kadhici doonta doorashadii guud ee ... Guji... Sept 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD