SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB

Maxaad ka taqaana habka wax barshada jaamacadaha Brussels

Brussels caasimada Midoowga Yurub waa magaalo ay ku nool yihiin dad badan oo kala duwan kana kala yimid caalamka oo dhan haba u badnaadaan dad ka reer Yurub oo ka shaqeeya xafiisyada Midoowga Yurub sida EU Comission, EU council iyo EU Parlement sidoo kale waxaa ku nool bulsho badan oo ka kala yimid caalamka kale sida Africa gaar ahaan dallakii uu gumaystey dalka Belgium sida Congo Rwanda iyo Brundi waxaa kaloo ku nool Marooka dad ka yimid oo ka sameeya ganacsi kala duwan hadaba magaaladaas oo ah magaalo kulmisa wax badan sida NATO xarun u ah ayaa waxaa ay dowlada isku daydaa in ay waxyaabo badan u fududeyso dad ka ku nool dalkaasi gaar ahaan Brussels hadan wax ka eegno dhanka shaqada dalkaasi waxaa jirta mar mar caqabad luuqadeed sida waa inaad taqaan luuqada Aflamish ka loo yaqaan ee dutch ka  iyo waliba luuqada Faransiiska hadii aadan labadaas luuqadood aqoon oo aad ku nooshahay Brussels waxaa aad kugu adkaanaysa si aad ku hesho shaqo balse hadaan si gaar ah u eegno dhanka wax barshada waxaa jirta habab badan oo kala duwan
 
Soomalida iyo wax barashada Brussels
Soomalida ku nool Brussels waxaa inta badan in ay wax bartaan ka horyimaada luuqadahaas oo ah kuwa soomaalida aysan ku hadlin oo laga doonayo in ay bartaan markii loo fiirsho qofka ka yimid Jabuuti wuxuu horaba u yaqaanaa luuqada faransiiska mark kama horyimaadaan caqabado la mid a kuwa ka hor yimaada Soomalida balse markaad tahay Soomali waxaa ku soo xiraya laba arimood oo kala ah koow luuqada oo ay qasab tahay inaad taqaan hadii aad doonayso inaad jaamacad gasho inta badana soomalida ma jecla in ay waqti badan galiyan luuqadaha dalkaasi
laba waxaa soo xirta Wasaarada Wax barashada oo in badan la kulmay dad soomaliyeed oo inteey shaaado u gaysteen ku qortey da` ka yar 18 ka sano ee lagaga baxo iskuulka sare ama dugsiga sare taasoo markii ay bareen oo ay suaalo la yeesheen dadkii laguna yiri da`aad jirtaan iyo shahaadadiina sheegysa inaad ka qaadateen dugsi sare islama eka macquulna maaha kadib ku jawaabay waxaa shahaadada la ii siiyey hadiyad ahaan ama waan soo samaystay taasookeentey in shahaadooyinka soomalida ay ka aamin baxaan wasaaradaha Brussels iayado ay qasab tahayna inaad markaad jaamacad rabto in ay shahaadada kuugu sameeyaan qiimayn hadii aadan heysan qiimayntaanaaadan heli karayn jaamacad hadaba haweeney ka shaqysa xafiiska qiimaynta shahaadooyinka ayaa maalin igu tiri waan ka aamin baxnay shahaadooyinka soomaalida marka caqabadahas jira ayaa waxay irridka u istaageen Soomaalidii taasoo yaraysay in ay wax ka bartaan jaamacadaha dalkaasi inkastoo ay jaamacada cidii dalkaasi sharci ku leh ay u yihiin lacag la aan sida jaamacada dalkaasi ugu wayn ee ku taal Brussels ee loo yaqaan ULB ayaa ah mid ayadu lagu barto lacaga la aan balse ay mar kastaa Soomalida hortaagan yihiin caqabadihii aan soo sheegey marka markii ay taasi dhacdo ayaa Soomalida lagu yiraah waxaa idinka maqan dhismihii Dugsi sare ee iska soo dhisa iskoolada loo yaqaan EPFC
 
Waa maxay EPFC 
EPFC waa Iskoolada loo diro dadka ka saaqiday Dugisga sare ee dalka ama ay aqoonta ku yar tahay taasoo looga dhiso aqoonta guud dadkaas ka saaqiday iskuulada si ay markeey uga baxaan ay wax xooga aqoon ah u lahaadaan hadaba waa maxay faaiidada Iskuladaan loo yaqaan EPFC? waa iskuulo aan ugu horeyn wax xiriir ah la lahayn jaamacadaha Dalkaasi ama caasimada Brussels ku yaal waa iskuulo iskood u taagan oo shahaado aad ku shaqaysan karto laga so qaato balse aadan ku tagi kareyn jaamacad iyadoo wadada ugu sahlan ee jaamacada lagu tagi karaa ay tahay marka hore adigoo bartaa luuqadaha dalkaasi faransiis iyo Dutch ama Aflamish kadibna mara imtixaan hadii aad ku guulaysato aad si toos ah u codsan karto jaamacad hadaba Soomali badan oo aan ka waraystay xiriika ma ka dhexeyn karaa Iskuulada loo yaqaan EPFC iyo jaamacadaha Brussels sida ULB waxay ii sheegeen in uu EPFC gu yahay kaliya in adiga laguu sameeyo aqoon aad ku shaqysato ee eysan ahayn wax ku gaarsiin kara Jaamacadama inta badan iska ah kuwo luuqada inaad wax ka fahanto kuu yar sahli karaya.
 
maxaa looga faadieysan karaa Jaamacadaha Brussels
Jamacadaahan Brussels ee lo yaqaan ULB iyo VUB ayaa waxa aay tahay faiidada ku jirtaa kaliya in dadka gudaha dalka ku nool ay isku dayaan in ay waqti badan galiyaan luuqadaha iyo sidii ay ugu baasi lahaayeen imtixaanada lagu codsado Jaamacada iyo in uu qofku maro wadooyinka lagu tago jaamacada intaba teeda kale oo aan runtii ula jeedey maqaalkaan ayaa ah faaiido intee la eg ayay ka faaideysan karaan jaamacadaahan Dadka soomaaliyeed ee ku nool Yurub? waxaa jira in hadii uu qofka soomaliga ah ee ku nool Yurub uu dowladiisa ka codsado in ay u diraan jaamacadahaas brussels inuu si fudud ku dhigan karo loona samaynayo fududeyn gaar ah oo la siinayo 6 bilood barasho luuqada oo degdeg ah hadii u hore u haystey darajo hore oo ilaa heer jaamacdeed ahna loo ogol yahay in lagu baro luuqada Ingiriiska aya waxa ay u noqon kartaa jaanis dadka ku nool wadamada ay wax barashadu cariiri ku tahay hadaba cid walbaa oo xiiseyneysa in ay wax badan ka ogaato habka waxbarashada jaamacadaha Brussels fadlan waxaan u ahay diyaar inaan uga jawaabo suaalaha ku saabsan wax barashada jaamacadahaas wixii suaal ahna la soo xiriir saidavip1@yahoo.com hadii aad danaynayso
 
 Saida Sheikh Ahmed VIP

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2004

»SHIRKA KENYA OO SOO GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD
Faalladii Maxamed Jantiile

»BAARLAMAANKA CUSUB SHAKI BAA KUJIRA SHARCI AHAANSHIHIISA
Faalladii Maxamed 'Ingiriis'

»XILMA DHIBAYAASHA NA LOO XULAY: Faaladii Cabdulla
»Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo Xil-kasnimo Muujiyey [C/waxid]
»
Shariif, Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»
Shacbiga: Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD