Baarlamaanka cusub shaki baa ku jira sharci ahaanshihiisa
Maxamed
Xaaji (Ingiriis)
EPFC, University of Brussels
E-mail:
Ingiriis@yahoo.com

Maxamed Xaaji (Ingiriis) |
Toddobaadyadii la soo dhaafay buuq badan ayaa jiray oo ku
saabsan sharci ahaanshaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
ee lagu dhidbay Nairobi. Dadka qaar baa ku dooday inuu
sharci yahay (legitimate), kuwa kalena waxay yiraahdeen wax
qiil ah looma raadin karo oo waa sharci-darro dhismihiisu.
Marka aan miisaameyno baarlamaanka cusub inuu
sharci yahay iyo in kale, sharcigee ayaan ku miisaannaa? Ma
waxaan raacaynaa sharciga caalamiga (International Law)?
Mise Kenyan Law? Mise Ethiopian Law? Mise IGAD Law? Mise
shareecada Islaamka?
International Law, ma soo dhex geli karo
sharciyada hoose (local law) ee ay dowladuhu leeyihiin.
Sidaas darteed, waddan waddan kale local law-giisa dhex geli
kara ma jiro. Shareecada Islaamka warkeedaba daa, waayo ma
oggolaanayso Gole xeer-beegti oo ay soo dhiraandhiriyeen
qabqablayaal dhiig-yacab ah iyo baaderi diinta Christian-ka.
Constitution-ka lagu sameeyey Mbagathi wax awood
ah uma siinayo qabqablayaasha inay Baarlamaanka iyaga soo
dhisaan. Maadaama ay yihiin rag xaaraan ku caan baxay marna
ma keeni karaan tiirarkii lagu aasi lahaa guri xalaaleed oo
ay Soomaalidu ku soo wada hirato iyo dowlad sharciyan
macquul ah (credible legal government).
Si kasta oo ay noqoto dowladda dhalan doonta ma
noqonayso mid shaqeysa. Sababtoo ah qabqablayaasha daacad
kama ahan hirgelinteeda, mana ka tanaasulayaan awooddooda
sharci-darrada ah.
IGAD, sidoo kale, daacad kama ahan in laga gaaro
Soomaaliya nabad kama dambays ah (true and lasting peace),
waayo waxay wataan dano gaar ah oo ku saleysan faa'iido
degdeg ah (short gain). Waxaa yaab leh dalabka IGAD ee la
xiriira inay lix bilood dowladda cusub korka kala socdaan oo
la eegaan dhaqaalaha la siinayo.
Waxaan la wada soconnaa saddex sano oo
Afghanistan ay ka jirtay dowlad uu Mareykanku waardiye ka
yahay in lagu bixiyey balaayiin doollar, laakiin weli inuu
dalkii ku jiro nabadgelyo-darro iyo dhaqaale-xumo ka badan
intuu ku jiray waagii Talibaaniyiintu haysteen.
Waxaa kaloo jirta in qabqablayaasha dagaalka
Afghanistan ay awooddii dib u hantiyeen oo ay yihiin hadda
kuwa haysta xukunka. Yaa ku aflaxay lacagihii deeqda ahaa
ee lagu bixiyey Afghanistan?
|
Warqad furan
oo ku socota gudoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaalia (Guniin)
|
U hiili gabdha yar yar
ee Soomaalida (Foodlayda)
Gudoomiye Shariif Hassan Sheik Aden
Anigoo ku hadlaya gabdhaha yar yar ee Soomaaliyeed ee loo gaysto
dhibta aadka u badan waa gudniinka fircooniga ee qilaafsan diinta
islaamka waxaan kaa codsanayaa inaad baarlamaanka hordhigto in la
mamnuuco
gudniinka fircooniga.
Waa arrin waqti dheer laga seexday oo dawladihii hore ku fashilmeen
waxaan kaa codsanaynaa in uu noqdo waxqabadka koowaad ee
baarlamaanka aad adiga af hayeenka u tahay.
dadkii waa bislaadeen waala soo gaaray waqtigii la mamnuuci lahaa
waayo dadka badankood waa ogaadeen in aanay diinta shaqo ku lahayn.
Mahadsanid
Maxamed Korwaayeel
U doodaha foodlayda Soomaaliyeed.
korwaayeel@yahoo.com |
Dad yar iyo hay'adaha aan dowliga ahayn ee ka
socda dalalka deeqda bixiya ayaa afka ku shubtay kharashkii
waddankaas loogu deeqay. Iyadoo waxaas oo lacag ah lagu
bixiyey ayaa waxaa la soo weriyey usbuucii dhowaa in
Daalibaan ay dib u soo rogaal-celisay oo ay gobollo badan
soo kulaaleen.
Soomaaliya waxaa lagu qaylinayey afar sano in
lacagihii dalalka Carabtu bixiyeen inay jeebka ku shubteen
saraakiisha dowladda KMG ah ee lagu soo dhisay Djibouti.
Lacagta hadda loogu deeqi doono Soomaaliya ma
soo dhaafi doontaa Nairobi oo wax ma ka beddeli doontaa
sarrifleyaasha dollarka Muqdisho ee aaminsan in dollar badan
uu soo geli doono dalka haddii dowlad dhalato oo markaas
kaddib shillinku hoos u soo dhici doono?
"Soomaaliya dowlad waa yeelan kartaa, laakiin
masiibada lugaha kalama bixi doonaan illaa iyo inta
qabqableyaashu u horkacayaan dariiqa ay ku doonayaan inay ku
gaaraan haykal maamul," sidaa waxaa yiri diblomaasi
fadhigiisu yahay Brussels.
Sidaas awgeed, qabqablayaashii ku caan baxay falalka
waxashnimada inay u dallacaan xubno baarlamaan (parliamentarians)
waa wax aan la aqbali karin oo rajo xumo ku abuuraysa
dadweynaha caadiga ah.