SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO

Shacbiga : Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska -shub, dheheen..

Bile Jaamac (Gaagaale )

Oslo, Norwey

 sharmarke10@hotmail.com

 

Shariff Hassan Sheikh Adan, Beesha  Digil-Mirifle | Waa ganacsade ganacsi ku leh Dubai.
Sawirka: China News
Xil-dhibaanada Baarlamaanka Federalaaka ee ku-meelgaarka ee jamhuuriyadda Soomaaliya, waxeey xalay- 15 Sep 2004 doorashii dhacday, ugu shubeen codkooda ama vot-koodii tiradiisa badneeyd : Shariif Xasan Shiikh oo u dhashay Digil iyo Mirifle ama Raxan-weyn.

Shiikh Aden Maxamed ( Aden Madoobe ) - Digil iyo Mirifle ama Raxanweyn u dhashay, asagana iska-shub eey dhaheen.

Labadaan nin, oo soomali ahaana isku reerka ah, ayaa wareega sadexaad iskugu soo baxay oo Final-aha isku soo fariistey, qofkii noqon lahaa Af-hayeenka ama Speaker-ka, Baarlamaanka TNFG ( Transitional National Federal Goverment) .

Shariifka, aad iyo aad buu ugu farxay, jagadaas loo dhiibay ee 5-ta sanno ah.

Shariifka, asagoo uurka ka hadlaayana, wuxuu u duceeyey, Dir, Daarood iyo Hawiye intii u codeeysay oo jagadaan u garatey.

Shiikh Aden Madoobe, waxaa uu cod ahaan helay : 105 xil-dhibaan oo u codeeysay, laakiin hal-dheeri, eey guusho aheeyd, waxaaba laga hormaray ilaa 51 cod ama vote oo Shariifka ayaa ka sareeyey.

Gudoomiyahii Baarlamaank ee Xirsi Bulxan Faarax oo da`weyni meesha ku sii haye inta laga dooranaayo, Af-hayeenka baarlamaanka, ayaa markeey doorashii dhamaatey, ku sharfay - Shiikh Aden Madoobe, bal in uu laba kalmo oo usluub, ku jirto meesha ka yiraahdo, - Waan Aqbalay in leyga guuleeystey, waana la shaqeeyn doonaa, walaalkeeyga soomaliga ah, ee loo doortey jagadaan waa Shariifkee - ka dibna xil-dhibaanada u sacbiyaan Shiiikha Adena, oo meeshaas taariikhda berri lagu faano uu ka dhaxli lahaa.

Shiikh Aden Madoobe, caradoo carooday ama xanaaquu -xanaaqay, wuxuu caayey xil-dhibaanadii iyo systemkii meesha ka jiray ee doorashada aheeyd.

Odaygii, Xil-dhibaan Xirsi Bulxan ahaa, afka uu qabsaday oo jahwareeray, hadalada ka soo yeeraaya - Shiikha Aden Madooba ah.

Xil-dhibaanadii, meesha fadhiyey markeey arkeen, Shiikha in uu Shariifka guusha u diidan-yahay ayagana laaluu-sh- qaatayaal ku tilmaamay, foori iyo sawaxan eey kala hortageeyn odaygii Shiikh Aden ahaa oo meesha taagan, waxaanba ku xasuustey - sannad hore Oskarka markii la siiyey Michael Moore soo saarihii filimkii Bowling for Columbine oo - Shame on you Bush-dhahay, arinta dagaalkii Iraq awgiis, kooxdii meeshaas fadhiday oo foori kala hortagtey Michael Moore qaarna raali ka ahaa oo u sacbiyey.

Hadda Shiikh Aden Madoobe, 100-ka , asaga doortey hadalkiisa waa u sacbinaayaan, kuwa kalena waa ku foorinaayaan, waana arin la fahmi karo oo OK ah.

Shiikh Adenoow, ogo-loow, in Shariifka shanta sanno soo socoto, "soomaali " kala shabiyo, si sharci ah.

Shiikh Adenoow, sheeydaan hanagu noqon oo shar u horseeda, bur-burka baarlamaanka TNFG.

Shiikh Aden, baarlamaankaan cusub 20% wax ma qoraan, mana akhriyaan si fiicanna waad u ogtahay arintaas, laga yaabee in eey isku-qaladeen - shariifka iyo shiikha - hadeey taas dhacdayna ka raali noqo, Al-Gore-ba, wuxuu doorashada Bush -kaga adkaaday, kumaan-kun, oo aan wax qorin waxna akhrin, inteey la haayeen Al-Gore ugu rida beey, wax qaldooma iyo kuwo eey ugu ridaan Bush iyo kuwo kale oo musharax Pat Buchanan la dhaho ugu rida- shiikh Aden raali raali noqo.

Shiikh Adenoow, SRRC weey kuu dadaashay, fiiri Iimaan Hiloowle SRRC oo Hawiye ah, taladooda markuu diiday ......hal cod oo kaliya .....ayaa doortey, macno kale hadaan u dhahno, asaga ayaa is-doortey, oo cid dooratey ma jirto.

Shiikh Aden Madoobe, xalay waa ceeboowday, xushmadna ma aha, in - microphonka- aad ku caytanto, caradaada in aa qarsato baa fiicneeyd, oo usluubka ku jiray.

Shiikh Aden, midda kale dawladaha carabta iyo kuwa kale ee muslimiinta, shariif- markeey maqlaan waa jalboonaayaan oo dano badan baa noogu jira sidaas , Shariif Xasan -ul- shaaficiyal li-soomaalul - Qaadiriya- wal-ahlul sunna Wal-jamaaca.

Shariif Xasanow, waxaan ku leeyahay xil-adag baa qaaday ee iska ilaali ceebo waaweyn, 5 -ta sanno ee soo socda.

Heesta eey qaadi jirtey Allaha u naxariistee Magool, ayaa aheeyd :

-Nin lagu Seexdoow, Ha Seexan xil-baa sidaa e ha seexan-

Shariif Xasan, Cabdulaahi Cadaw iyo Cabdulaahi yuusuf .....laba Cabdulaahi kee is-leedahay waa la shaqeeyn kartaa, website-kaada noogu soo qor aa usbuucaan ka sii sheekeeysanno, fadhi-ku-diriryada ..

Gaba-gabo, xil-dhibaanadiina baarlamanka Dawladda Federalka Ku-meelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waa ku mahadsantihiin kuligiin, dul-qaadka iyo xil-kasnimada aad muujiseen xalay, 15 Sep, sidoo kale waxaan ku farxay markaan maantey laanta soomaliga ee bbc-da ka maqlay - Asli Xasan Cabaade in eey, lix-saacadood calankii Soomaaliga ahaa iyo dhar calan soomali u eg, la taagneey banaanka hawlka doorashada ka socotey.

Bile Jaamac (Gaagaale )

Oslo, Norwey

 sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2004

Qaabkii ay u Dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG
Warbixintii Axmed Muuse.. Guji... Sept 16


»Dul-Ka-Xaadis: Maansadii 18 ee Doodwanaag [Anwar]
»
DULMI-DIID: Maansadii 19aad ee Doodwanaag [Xiirane]
»SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO... [Jantiile]
»Yaa  xaq u leh hogaaminta dowlada Mbagati? [Saciid Himilo]
»
2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»GARGAAR iyo DHAWR - Gabay::: [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 
» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

TAHNIYAD AROOS.

Maamulayaasha iyo howlwadeennada wargeyska Haldoor ee afka Soomaaliga ku soo baxa kana soo baxa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan  oo kala ah dadkan hoos ku xusan, ayaa waxey hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaan arooska iyo aroosadda Munniir Sheekh Cabdullaahi Xaaji Cabdi iyo Khadro Sheekh Ibraahim Sheekh Cabdiqaadir oo 13/9/2004, ku aqalgalay xaafadda Hillaac ee magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan Soomaaliya.

Waxey bahda wargeyska lammaanaha Alle uga baryayaan noolal aayatiin wacan nabad iyo wanaag badan guri lagu nastiyo kheyr oo lagu nagaadaa. Iyo iney noqdaan kuwii kala hela ubad dalkooda, dadkooda, danahooda, dariskooda iyo diintooda anfaca ee loo aayaa laguna aayaa.
Aamiin-Aamiin.
 
1- Abwaan Maxamed Cabdiqaadir [Stanza] Guddoomiye.
2- Mudane Mahad Xaashi  tafatire.
3- marwo  Khadro Cali Yuusuf    lataliyeguud.
4- Marwo  Sacdiyo Cismaan Cali  xogheyn.
5- Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib   xubinguddi.
6- Mudane Cabdirashiid Caalin   xubinguddi.

Hambalyada ku hagaaji:: ayaandhalad5@hotmail.com




HTML CD