SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

BURHAANTAADU BAAS IYO BARWAAQO MID UUN BAY NOQON 

W/Q:Ahmed Ali Adan (AC) email: ahmedaliac@hotmail.com
C/O:  Muqdisho, Somalia, Hiliwaa.  ahmedaliac@yahoo.com  

             Ka dib dhibkii dheeraa ee aan ka dhaxalnay dhacdooyinka silsiladda ahaa, ee dhaawacay qaranka iyo qalbiga qofkasta 14 sano kadib, waxaa suuragshay in shirkii ka soconayey mudadda dheer dalka kenya laysku afgartay yagleelidda barlaman soomaaliyeed oo ah udub dhexaadka dowladnimo kana kooban 275 xubnood.

          Waxaa in badan shacabka ka mid ihi dhaawilayeen in mar hadii shacabku noqday hiyin u dhugul dhibka iyo goodiska iska soo dabadhacaya in wax u samaan doonaan, mar hadii loo yeelay dhagarqabayaasha sidii ay doonayeen oo ahayd in ay ka muuqdaan nidaamaka dowliga ah ee xiliga kala guurka. Iyadoo aan lagu dooranin wax hagaajin iyo howlwanaagsan oo ay horay ugu soo qabteen shacabka, ayaa si mar’uun loo soo afjaro dhibaatadda iyo diifta ragaadisay ee gadaal uga reebtaty asaagood qaybaha kala gadisan ee bulshadda aawadeed loo sameeyey arinkaas oo xalkiina halkaas galay.

       Durbadiiba waxaa soo baxaya in la arkayo kuwo kabiyo diidsan, oo bilaawahoodana gasha kala baxay, kol hadii ay isu arkayaan in ay guusho tahay in ay xagoodda soo marto gar iyo gardaraba. Waxay ahayd markii saxansaxo udgoonbadan, daruuri cirka isku gadaantay, lana dareemay iftiin iyo neecaaw qaboow, kolkii saqdii dhexe habeenimadii arbacadda ee 15kii september si toosa loogu xirnaa waxa ka dhacayey howlka shirarka ee xarunta Mpagathi, aydoo loo codaynayey afhayeenka barlamanka federalka ah ee soomaaliyeed hogamin lahaa mudadda shanta sano ee soo socota…saacado dheer ka dib waxaa lagu guulaystay in ay soo afjaranto doorashadii 12:15 ee saqdii dhexe ee habeenkaas, dadwayne farabadan oo soo maaliyeed si toosana ula socday ayaa aad ugu riyaaqay sida ay wax u dhacayayeen, iyagoo ku tilmaamayey in somalia oo bur bursani ay hadana maanta lagu kala baxayo codka dadka iyo dimoqoraadiyad. Arinta la yaabka leh se waxa ay noqotay erayo u dhawaaqayey sidan oo ka soo yeerayey musharixii kaalinta labaad “waxaan u arkaa doorashadda mid cadaalad daraa oo wax laysdaba mariyey, lacago laaluush ahna la adeegsaday”… taas dadka soomaaliyeey waxay la noqotay nabar aad filaysay naxdin malahan, waayo horayba waxaa loo aaminsanaa in kooxa hubaysan ee soomaaliyed ay ku shaqeeyaan mabda, ah laygama mudna.

         Dhanka kale isla habeenkaas waxaa jiray, dhinac kale oo dadku dhegaha u raaricinayeen taas oo ahayd dagaal lasii filayey uu ka qarxay goboladda jubooyinka.. Cajiib waxaa qosol ah in xildhibaanadda habeenkaas wax dooranayey kuwo ka maqani ay dagaalkaas ku lug lahaayeen amaba ay hugaaminayeen. Xitaa hadii loo doortay in ay metalaan hanbadii ay soo reebeen waxay weli u sii hamuunqabaan in ay wax sii laayaan.!!      Hadaba mudanayaal burhaantiinu baas iyo is bedel mid un bay noqon, ee aynu dhowrno.

    Si taxadar leh isha u mari magacyadda mudanayaasha cusub, adoon ku fududaan caadifad qabiilna aanay ku qaadin. Waxaa kaaga dhexmuuqanaya in badan oo magacooda la kahanjiray, dalka iyo dadkana u horseeday baaba, an. Waxaadse dibnaha qaniintaa kolka aad aragto rag ku howlanaa badbaadinta dadka iyo dalka oo dibadda ka jooga golaha cusub ee barlamanka federaalka ah, iyadoo marka magacooda la soo qaatana aad durbadiiba ku xasuusanayso wax qabad iyo aqoon, dagaal oogase xaqiray. In kastoo waayaha soomaalidu aanay na baraynin, in lagu xusho shaqsiga gelaya nidaamka dowliga ah, aqoontiisa waayo aragnimadiisa iyo kartidiisa, balse uu qabiil wax waxwalba ka so keeyo. Hadana maanta waxaan lahaa ninka loo caleeemo saarayo xalinta mushkiladda gaamurtay ee siyaasadda waa in uu noqdaa rugcadaa xanbaarsan khibrad iyo waayo aragnimo durugsan, awoodna u leh ka biyo keenidda iyo raadinta ceel duugnaa dhowr qarni, kana dabaaasho hagar daamooyinka cadawga soomaaliyeed iyo qabyaaladda oo ah nabr aan dawo lahayn… su’aashuse waxay tahay hadiiba la helo ninka nuucaasiaya qab-qablayaasha dagaalku masiini doonaan jaanis uu ku guto waa jibaad kiisa qaran?.. Jawaabta waxaan u daynaynaa waqtiga iyo waayaha.

      Hadaba hay’adda sharcidejinta oo ah mida u xilsaaran gacanku haynta iyo ilaalinta shuruucda dalka, ayeey u taalaa oo masuuliyadi ka saarantahay in ay soo saaraan xukuumad u adeegta shacabka soomaaliyeed ee dhibaataysan, isla markasna mudnaanta siisa Amniga, Caafimaaka, Waxbarashadda iyo qaybaha kale ee adeega bulshadda.

       Ugu danbayn dardaarankii mudane/marwo waxaad ahaydba shalay, maanta waxaad tahay mas’uul ay maatadiisu  ku dayacanyihiin bad iyo beri daafaha dunidda, waxaad ka soo jeedaa wadan dadkiisu uu isla qabwaynyahay, qabyaaladise ka xaag badisay lehna xeeb aad u balaaran oo nimco dhex ceegaagto dadkiisuna tiro ahaan aad u yar marka loo eego baaxadda dhuleed oo wax badan ka soo hara, aysana jirin wax kala sooca sida dhaqanka, afka, diinta, midabka iyo qowmiyad  oo dhamaan isku wadda mid ah… sidaas darteed hogaanka soo baxa ma aynu eersan doonee adiga ayan ku eersan doonaa waayo wixii soobaxaba adiga ayaa inoo soo saaray.. mar hadii ay sidaas tahay ha fududaan oo ka fiirso ninka aad siinayso codkaaga marka laga hadlayo awoodda ugu sareeysa dalka, waa in aad ku xulataa in aanu xusuuq gaysanin, waa in aad ka yeelin in aad u codayso doolar kasta oo uu kuugu baaqo, midka  ku shaqeeya rabitaanka cadawga iyo afkaartooda.. waxaan kuugu soo afjarayaa haystii hoboladda waa beri ee ahayd..

  •  Howlaha arladda hadii lagugu aamino
  •  Umadda u shaqeeyiyo adeegaa lagaa dhigo
  •  Ha is oranin cidi kuma arkaysee aqalo jeexo
  •   Ha is oranin cidi kuma arkaysee ina adeerso 
  •  Ha is oranin kani kuma adeecine qalin ku aarso
  •  Ha is oranin kanaa kula u jeedaa owr u buuxi !!
  •  Nin xil qaaday eeeeeeeeed qaaadyeeeeeeeeeeey!

W/Q: Ahmed Ali Adan (A.C)                 E-mail: ahmedaliac@hotmail.com

C/O:  Mugadisho, Somalia, Hiliwaa.                   Ahmedaliac@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2004

Qaabkii ay u Dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG
Warbixintii Axmed Muuse.. Guji... Sept 16


»Dul-Ka-Xaadis: Maansadii 18 ee Doodwanaag [Anwar]
»
DULMI-DIID: Maansadii 19aad ee Doodwanaag [Xiirane]
»SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO... [Jantiile]
»Yaa  xaq u leh hogaaminta dowlada Mbagati? [Saciid Himilo]
»
2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»GARGAAR iyo DHAWR - Gabay::: [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 
» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

TAHNIYAD AROOS.

Maamulayaasha iyo howlwadeennada wargeyska Haldoor ee afka Soomaaliga ku soo baxa kana soo baxa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan  oo kala ah dadkan hoos ku xusan, ayaa waxey hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaan arooska iyo aroosadda Munniir Sheekh Cabdullaahi Xaaji Cabdi iyo Khadro Sheekh Ibraahim Sheekh Cabdiqaadir oo 13/9/2004, ku aqalgalay xaafadda Hillaac ee magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan Soomaaliya.

Waxey bahda wargeyska lammaanaha Alle uga baryayaan noolal aayatiin wacan nabad iyo wanaag badan guri lagu nastiyo kheyr oo lagu nagaadaa. Iyo iney noqdaan kuwii kala hela ubad dalkooda, dadkooda, danahooda, dariskooda iyo diintooda anfaca ee loo aayaa laguna aayaa.
Aamiin-Aamiin.
 
1- Abwaan Maxamed Cabdiqaadir [Stanza] Guddoomiye.
2- Mudane Mahad Xaashi  tafatire.
3- marwo  Khadro Cali Yuusuf    lataliyeguud.
4- Marwo  Sacdiyo Cismaan Cali  xogheyn.
5- Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib   xubinguddi.
6- Mudane Cabdirashiid Caalin   xubinguddi.

Hambalyada ku hagaaji:: ayaandhalad5@hotmail.com




HTML CD