SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

IDOORO AAN KUDAAYE HADDII KALE WAA KAA DULYAARMEYSA

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com  

Waa fariin deg deg oo aan doonayo in umada Somaliyeed ee kushirsan Nairobi-  gaar ahaan kuwa diyaarka u ah inaay codeeyaan- aan ladoonayo inaan akhristan oo ay bal fiiriyaan inaay soconkarto iyo inkale!

Siloo bad-baadiyo umada iyo shirkan soo socday labada sano iyo ‘Shii’, waa inaan doorana kan Somalida ugu mujrimsan sidaasna waxaan uleeyahey arimahan soo socdo awgood: 

Waa marka koobaade, shirka Nairobi iyo kii kahoreeyey shicaarkiisa qarsoon wuxuu ahaa “IDOORO AAN DAGAALKA JOOJIYA”, Somalida meesha tagtana waxay uhaystan meel looga takhaluso qab-qablayaasha! 

Waa tanlabaade, shirka waxa loo qabtey nimanka umada dhiigeeda cabey in dowlad loogu soo dhiso si’ay noo xukuman intii ay gooni gooni noo xasuuqilahaayeen! 

Waa tan sedexaade, hubka waxay uqaateen in mar uun madaxweyne layirahdo walow saacad kahor inta aanu qabriga lageyn! 

Waa tan sedexade, waxa kale oo aan ula jeeda hadalkii Somaliyeed ee ahaa “Kana siib, kana saar aan siduu yahey eegne” sow kulama habone maadama aan xabad isaga fujinweyney nimankan inaan xukum isaga fujino, waa tii naseegtey inaan Siyaad Barre usugno intaa uu kadhimanayo oo aan kadoor bidney inaan kaga tuurno qori caaradiis ilaa anagii nalakala tuurey! 

Waa tan afaraade, haddii ay iminka shirka lagu dooran waayo oo soo kala yaacan oo ay xabada horey kabilaaban, yaa kaa celinayo ileyn shirkan gaalo ay futada kadadaan kama danbeyso, bal waxan ognahey gaalo diyaar u ah inaay hubka sii qaataan haddii aanu soo bixin kay rabaan! 

Waa qodobka shanaade, haddii aan dooran kariwaayo Qaasim, Cadow ama Galayd iyo wixii lamid ah, waay iska tagayaan oo meelihii ay kayimadeen ayey ushaqo tagayaan! Laakinse Abdullaahi Yusuf, Yalaxow, Aaden Dheere, Aaden Madoobe iyo kawa lamidka ahi, xageey aadayaan? Jawaabta adiga ayaan kuu deeyey!!!

Sagaashamaadkii markii ay socotay heshiisiinta wadankii la oran jirey Liberia ayaa waxay wareysatey BBCda; qaybta Focus on Africa haweeney taageero u aheyd urur la’oranjirey UlIMU. Waxa laweydiyey cida ay sowdkeeda siisey doorasho ay markaas UN waday, waxay kujawaabtey arin aan isleeyahey waa inay Somalida dhaafin maanta: “Waxan codka siiyey Charles Taylor inkasta oo aan taageero u ahey xisbiga layirahdo UliMU”, waxa laweydiyey sababta ay codkeeda usiisey charles, waxay kujawaabtey “Si’aanu dagaalka usii wadin! 

Uga danbeyntii, Somalida  waxa lagu yaqaan qofkii maqaal qoraba in lagu tuhmo qabiil  iyo in hadalkii lasii raaco, anigu dadka Somalia dumiyey ee aan maanta urabo inaay naxukumaan waxba lama wadaago laakinse maslaxada Somaliyeed ayaan kafikirayaa. Haddii aan kuu sheego fikradan goorta ay igu soo dhacdey waad rumaysan laheyd, Salaada Subax goor aan wardinayo oo aan Allah baryayo!!!

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2004

Qaabkii ay u Dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG
Warbixintii Axmed Muuse.. Guji... Sept 16


»Dul-Ka-Xaadis: Maansadii 18 ee Doodwanaag [Anwar]
»
DULMI-DIID: Maansadii 19aad ee Doodwanaag [Xiirane]
»SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO... [Jantiile]
»Yaa  xaq u leh hogaaminta dowlada Mbagati? [Saciid Himilo]
»
2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»GARGAAR iyo DHAWR - Gabay::: [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 
» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

TAHNIYAD AROOS.

Maamulayaasha iyo howlwadeennada wargeyska Haldoor ee afka Soomaaliga ku soo baxa kana soo baxa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan  oo kala ah dadkan hoos ku xusan, ayaa waxey hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaan arooska iyo aroosadda Munniir Sheekh Cabdullaahi Xaaji Cabdi iyo Khadro Sheekh Ibraahim Sheekh Cabdiqaadir oo 13/9/2004, ku aqalgalay xaafadda Hillaac ee magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan Soomaaliya.

Waxey bahda wargeyska lammaanaha Alle uga baryayaan noolal aayatiin wacan nabad iyo wanaag badan guri lagu nastiyo kheyr oo lagu nagaadaa. Iyo iney noqdaan kuwii kala hela ubad dalkooda, dadkooda, danahooda, dariskooda iyo diintooda anfaca ee loo aayaa laguna aayaa.
Aamiin-Aamiin.
 
1- Abwaan Maxamed Cabdiqaadir [Stanza] Guddoomiye.
2- Mudane Mahad Xaashi  tafatire.
3- marwo  Khadro Cali Yuusuf    lataliyeguud.
4- Marwo  Sacdiyo Cismaan Cali  xogheyn.
5- Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib   xubinguddi.
6- Mudane Cabdirashiid Caalin   xubinguddi.

Hambalyada ku hagaaji:: ayaandhalad5@hotmail.com




HTML CD