SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY

Safarkaygii Oslo::: warbixin nolosha Soomalida Oslo

 

Waxay ahayd markii iigu horeysey ee aan u safro dalka Norwey waxaan gegida dayuradaha ka dagay habeenimo 9 :30 fiidnimo anigoo ku jeeda casuumaad iiga timid ururka NORSOM ee jaaliyada Soomaaliyeed ee Norwey iyo Somali Welfare Organisation SWO si ana uga qayb galo shir looga hadlayay barashada Soomaalida iyo Xaquuqda Aadmiga waxaa casuumad iisoo gaarsiiyay Maxamed Cilmi.

 


Bulxan, Aamina, Saida, Axmed

Axmed, MCilmi, Bulxan

Markaan ka dagay Garoonka Diyaaradaha Oslo waxaa iga soo qaday taxi uu waday nin Soomaliyeed oo markaan soo dagay isoo qaaday intaan jidka kusoo jirney wuxuu ninkaasi igula dardaarmay wax aad u fiican oo ahaa cabsida Ilaahay waana ku farxay wuxuu i keeney Hotel ku yaal bartamaha Oslo oo la yiraahdo Ankar markaan galay waxaa igu soo dhaweeyey Cabdi raxmaan Timocade oo ka tirsan NORSOM ahna shaqsi ad uga shaqeeya horumarinta Sports ka dhalinyarada Soomaaliyeed isagoo waday kooxda Norwey mar aan july kula kulmay dalka Holland halkaasoo uu Timocadde ii tusey qolkii aan degi lahaa wuxuuna ii sheegey in ay hotelka degen yihiin dadkii lagu martiqaaday shirkaa in ay ka hadlaan ama ay ka bixiyaan qudbadaha kuwaas oo kala ahaa Axmed Cabdi Salaan oo ah Madaxa Ideecada iyo Tv ga Horn Afrik Dr Bulxan oo ah ditoor wax ku bartay USA isla markaana xiligaa ka yimid Hargeysa iyo Aamina Warsame oo ka socotay ururka Haweenka Somaliland kana soo safartay Hargaysa iyadoo markeedii hore ka soo shaqaysay Soomaaliya isla markaana ku noolayd Sweden hadana howlaheeda ka wada Hargaysa .

 

Waxaan tagay qolkaygii markaan soo arkey ayaan soo dagay siu aan dadkii aan isla daganayn isku barano waxaa albaabka left ama isu gudbiyaha guryaha iridkiisa aan ku arkay isagoo isna soo dagay Axmed Cabdi salaan waan isa salaanay salaan kadib waxaa misna is baranay Dr Bulxan iyo asxaab kaloo joogtay Goobtaas Aamina waxaan la kulmay subaxdii danbe

 

Shirka Siduu ahaa

 

Waxaan subaxdii ka qayb galay shirkii waxaa ugu horeyntii kalmadaha lahaa Aamina Warsame oo ka hadlaysay doorla haweenka iyo tacadiyadii loo gaysan jirey iyo waliba xaalada maanta waxay qaadata kalmado ku saabsan moowduuca haweenka markii ay ka baxday waxaa sii raaciyay faalo dheer oo xiiso lahayd Dr. Bulxan waxaa ku xigsaday aniga oo kalmado ku saabsan doorka dhalinta ka sheegey goobtaas waxaa ku xigey Axmed Cabdi Salaan oo ka hadlay doorka saxaafada nabada iyo colaada iyo dhibaatooyibnka ay la kulmeen xiligii dowladii dhacday iyo xiligaanba kalmadaha Axmed Cabdi Salaan oo aad uga yabaiyay dadkii dhagaysanayay ayaa noqday kuwa usoo reebey xusuus sideey ii sheegen reer Norwey markuu dhamaaday Shirka ayaa waxaa yimid gabdho Soomaaliyeed oo ka socday Ururka Haweenka Soomaaliyeed waxay codsadeen in ay dadka safarada dheeer uga yimid reer Norwey ay iyagu marti qaadan maalintaa laba maalin kadib oo ku beegneyd Sabti isla sabtiga ayaa waxaa is hor fariistay martidii ka kala timid Somaliya Somaliland iyo Brussels intaba iyo Jaaliyada Soomaaliyeed waxaa la isla soo qaday doodo ku saabsan qurbo jooga kulankaasoo loogu magac daray Danta Qurbo Jooga Soomaaliyeed iyadoo la isku dhaafdhaafsaday fikrado badan oo ay u badnaayeen in ay shacabka Soomaaliyeed ee reer Norwey isku dayaan in ay kordhiyaan xiriirka ay la leeyihiin dowlada iyo saxaafada dalkaasiba habeenimadii waxaa casuumaad sameeyey Ururka Haweenka oo ay hor kacaysay Ayaan Yaasiin  halkaaso o ay uga hadashay taariiqda ururkaasi iyo wax qabadkiisa xaalada dhabta ah ee Soomalida

 

Dowlada Norwey Maxay Ka Aaminsan tahay Soomalida

 

Waxaa jira maalmahaan danbe walaacyo kusoo badanaya reer Norwey kadib markii uu wiil Soomaaliyeed oo xanuunka Maskaxda qabaa uu dilay qof u dhashay dalkaasi Norwey taasoo keentey walaac badan oo ku soo siyaaday Soomalida halka ay dowlda Norwey bilaawday in ay aad uga hadasho Soomaalida oo ay ku tilmaameen in ay yihiin dada an samayn Integration ama is dhexgal bulsheed iyo waliba in ay yihiin dad inta badan iyaga kaliya isku dhex mereysta sidoo kale ay sheegen in ay yihiin dada an waxba usoo kordhin wadankaas taas ayaa raad xun ku reebtey Soomaalida oo runtii aad uga wlaacsan sida ba an oo ay weerar ugu heyso dowlada dalkaasi Dowlada Norwey iyo Soomaalida waxaa ay kala taagan yihiin laba meelood oo kala fog taaso xataa ay jiraan in ay soo if baxayaan dodo ku saabsan in ay Soomalida aan sharciga lahayn ay dowlada ka saarto dalkeeda lacagatana ay ka jarto halka  uu gobol dalaaksi ka mid ah uu sheegey hadii ay dowlda taasi ku kacdo inuu gobolkaais qaadanayo dadkaa hadii kale ay badanayaan dhaca iyo falal danbiyeedka  dhibaatooyinkaas dhan markaaan waydiiyay aregtida dadka waxaa iisoo baxay in ay dhibaatooyinkaas ay Soomalida naftooda qayb ku leeiyihiin sababtoo ah iyagu ma codeeyaan sidaas darted waxa soo baxa xisbi ku ah liddi dhanka kale xiriir lama lahaa saxaafada dalkaasi ayaa ala leeyahay oo marka lama arko wixii wanagsan Axmed Cabdi Salaan oo ka hadlay arintaas ayaa sheegey in ay saxafadu mar kastaa waxa xun soo raadiso balse waxa wanaagsan ay tahay in ay iyagu la raadiyaan una sheegaan waqti dheer si ay u suuro gasho in ay saxaafada timaado.

 

Maxay qabtaan Soomaalida dalkaasi

 

Soomalida waxay ku leeyihiin dalkaasi dukaamo kala duwan maqaayado aniga ahaan waxaan boqday maqaayada Hillac iyo mid lagu sameyo raashinka carabta iyo Soomalida oo la yiraahdo Baab Al Mandab sido kale waxay leeyihiin dukaamada internet ka iyo Taleefoonada balse ugu badnaan waxaa ay leeyihiin kana shaqeeyaan Taxi oo ay wadaan dhanka wax barashada waxaan soo arkey lana kulmay ardey badan gaar ahaan waxaan soo arkey gabdho dhalinyaro ah oo barta  Kalkaalisonimo oo aad runtii u dadaal badnaa waxay ii sheegeen in ay yihiin 9 gabdhood oo iksu xiran oo barta kalkaalisonimo gabdhahaas aya Soomaalinimo jacayl fasax usoo qaatay maalmihii aanu joognay si ay waqtiga noola qaybsadaan Asbuucaas oo aan runtii ugu yeeri karo Asbuucii Soomaalida waxaan soo arkey ururo badan oo Soomaliyeed oo runtii ku haya Norwey shaqo wanaagsan oo loo riyaaqi karo halka ay ka maqan tahay wada shaqayn iyo isku duubni balse uu urur kastaa hayo shaqo ay ka faaiidi karaan umada Soomaaliyeed ee dalkaa ku nool dhanka diinta Islaamka waxay ahayd inta badan dalalka Yurub ee aan booqday aad beey uga sareysey waxaa ku yaalay Masjid la yiraahdo Towfiiq Islamic center waxaana ay dadku u badnaayeen dad Soomaaliyeed oo diinta aad ugu dhagan una ilaashada dadka qaar waa ay shaqeeyaan waana dadka soomaliyeed ee kaliya ee aan ku arkey Yurub oo xiriir joogta ah leh iskana war qaba waxaa ka jirey ururo dhalinyaro iyo sport waxa au ahayd Oslo safarkeygii iigu xiisaha badnaa Yurub   

 

Sheikh Ahmed, Saida" <saidavip1@yahoo.com>

 

Maxaad ka taqaana habka wax barshada jaamacadaha Brussels : Warbixin kooban...  Guji.. Sept 20

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2004

Galayax iyo Gabayadii[Qormadii Shaafici]
Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise? [Cali-Koor]
SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]
Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa [Eelay]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD