SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUUDAAN

Doorashada ururka ardeyda Soomaaliyeed oo ka dhacday Khartoum.

Waxaa Sept 3, 2004 magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan, ka dhacday doorashadii sannadlaha aheyd ee ururka ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan.

Waxaa goobaha codbixinta ay la karaardhaafeen codbixiyaasha Soomaaliyeed ee doorashada ka qeybqaadanayay oo raxanraxan iyagu isula socday si ay ugu codeeyaan asxaabtooda sharraxan.

Waxey doorashadu abbaarihii sagaalkii subaxnimo ka billaabatay gudaha kullaajada ay daganyihiin ardeyda ee jaamacadda caalamiga ah ee Afrika, waxaana daar weyn oo halkaas ku taalla ku codeeyeen hablaha oo tiradoodu boqol iyo googo' lagu qiyaasay waa sida hadalka loo dhigaye.

Halka ay raggu ku codeeyeen daar kale oo ku taal gudaha kulliyadda shareecada ee isla jaamacadda caalamiga ah ee Afrika. Ka hor inta ay codbixinta dhanka ragga billaabanin waxaa halkaas ka baxay barnaamijyo doora oo ay soo qabanqaabiyeen guddigii sii galbanayay, waxaa ka mid ahaa waxqabadkii ururka ee sannadkan, waxaa kaloo halkaasi ka hadleen mufakiriin iyo odayaal Soomaaliyeed iyo waxgarad kale oo ka mid ahaa da'yarta Soomaaliyeed ee goobta joogay.

Dhanka kale waxaa madasha joogay maansooleyaal Soomaaliyeed oo magac ku leh jaaliyadda Suudaan iyo bulshaweynta Soomaaliyeed intuba. Maansaruugyadan ayaa in mudda ah dadka ku maaweeliyay madasha, waxey abwaannada goobta ku sugnaa ay si xeeldheer u faaqideen una falanqeeyeen xaaladdda dalka iyo xal u helidda dhibaatooyinka dalka ka aloosan iyo midnimada.

Abwaaniinta goobta joogay ayaa ahaa kuwa ka mid ah bahda doodwanaag iyo qaar kale.

Suugaanyahamiinta maanta goobta ku sugnaa qaar ka mid ah ayaa murashixiin ahaa oo u tartamayay jagada guddoomiyaha ururka ardeyda Soomaaliyeed ee Suudaan.

Doorashadan maanta dhacday oo si heersare ah loo soo agaasimay loona soo agloolay, ayaa waxaa xiriirinayay guddoomiyaha guddiga wada tashiga ee isagu jagada sii banneynayay mudane Aamiin Cabdi Digaale, oo si taxana ah u qaadaadhigayay barnaamijtii goobta ka baxayay ee guud.

Waxaa kaloo waxqabadkii ururka ee sannadka soo bandhiyay xoghayaha ururka ee xilka ka dagayay mudane Liibaan cabdirashiid oo si hufan oo hiiladeysan codkarnimana ka muuqata u soo gudbiyay barnaamijka, wuxuuna Liibaan taabtay kuna fogaaday ka hadalka qorshihii ururka ee sannadka.

Dhanka kale waxaa si dagan oo dangaradnimo ah suaalaha dadweynaha uga jawaabayay guddoomiyaha ururka ee sii galbanayay mudane guuleed Maxamed Cali.

 
Doorashadu si wacan oo wanaagsan ayey u dhacday, waloow uu jiray wa xoogaa muran afeed ah oo madasha ka dhacay oo ka dhashay dadka oo badna iyo wakhtiga oo aad ciriiri u ahaa awgeed.

Murankan ayaa ka billoowday goobta kaddib markii ay soo galeen daarta codbixinta guddigii doorashada si ay xilka ula wareegaan una gudagalaan howlahoodii ku aaddanaa sidiii loo codeyn lahaa.

Waxaana sababay barnaamijyadii madasha ka baxayay oo badnaa iyo dadka oo soo daahay iyo guddiga doorashada oo soo dagdagay waa sida hadalka loo dhigaye.

Si kastaba ha ahaatee wax dhibaata ah ma dhicin oo waxaa barnaamijtii sii qaadaa dhigay guddoomiyaha mudane Guuleed oo si xilkasnimo ah dadka ugu qeybiyay suaalaha iyo jawaabtooda.

 
Dhanka kale murashixiinta tartamayay ayaa cagacageynayay 60 murashax oo doonayo in ay ururka majaraha u qabtaan sannadka 2004-2005. Tirada loo baahanyahayna waa 22 xubnood.

Isku soo duuboo waxaa ay soo afjarantay codeyntu abbaaraha labadii duhurnimo.

Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Suudaan ayaa si weyn u hadal hayaan cidda sannadkan xilka dhabarka u ridan doonta ee hagi doonta kunka iyo dheeraadka ardey ee Soomaaliyeed ee Suudaan ka dhigta jaamacada kala gaddisan.
Haddaba waxaa si weyn loogu dhagraaricinayaa loogana dhursugayaa natiijada oo lagu wada in saddaxda maalmood ee nagu soo socda lagu dhawaaqa waa sidi caada aheyde.

Ugu dambeyntii Walaalaha Soomaaliyeed ee madasha codbixinta joogay wajiyahooduna farxad weyn iyo reynreyn ka muuqatay ayaa u hambalyeeyay guddiga soo socda ee doonta daadihin doona, halka ay duca iyo cafis ku sagootiyeen kuwii  gaariga ka sii dagayay maanta.

 
By: Stanza Somalitalk.com
     Khartoum Suudaan.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2004

Minneapolis: Kulan Diineedka 4aad
Mu'atamarka 4aad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika waxaa si toos ah loogala socon karaa PalTalk. Qolka sida tooska ah looga shegeysan karo ka eeg halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD