SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA/KENYA/KANADA

  • Baaq ku Wajahan Warkii Amb Kiplagath ee Gen  Morgan
  • Moorgan oo Ku Siqaya Kismaayo
  • Baaq Uu Soo Saaray Xoghaynta U/H/G/J/Hoose Ee Canada Tiradiisu O2/Se5/04.

Baaq ku Wajahan Warkii Amb Kiplagath ee Gen  Morgan

Sept 6, 2004

  • Haddii Kiplagath Ku Adkaysto Hanjabaadiisa Shaqsiyadeed Waxaan Qaadicidoonaa Dowlad kasta oo Kenya Lagu soo Dhiso iyo Waxkasta oo Kasoo Baxa Shirka Kenya , Waxaanan Shirka Kenya  u Aqoonsan doonaa Mu,aamarad

Anaga oo aad uga Xun eedaynta Qaawan ee Kiplagath u soo jeediyay Gen. Maxamed Saciis Xirsi (Morgan), Waxaan Baaq u Soo Jeedinaynaa , Wadanada IGAD, Wadanada Daneeya Arimaha Soomaaliya Iyo Dhamaan Beesha Caalamka. Waxaan ogaysiinaynaa arimahan:- 

Tan iyo Markii uu Bilowmay Shirka Dibu heshiisinta Soomaalliyeed Waxaa Jiray Gobolo Xoog lagu haysto Kuwaas oo ay kamid yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Shabeelada Hoose.

Gudiga Fududaynta IGAD Marna kamo aysan Hadlin waxa Laga yeelayo Goboladaas, Sidoo Kale Axdiga Faderalka Kumeel gaarka Laguma Cadayn Masiirka Gobolada Xooga Lagu daganyahay.

Sidoo Kale Waxaa Xaqiraad Loogaystay Beelaha Ka soo Jeeda Dhulka Lahaysto oo Xubnahoodii Baarlamanka lagu abaal Mariyay Kuwa Xooga ku Dagan Dhul aysan u dhalan,, 

Mida kale Waxaa Gabi ahaanba Dhamaday  Shirkii Dibu heshii siinta waxayna IGAD Go,aamisay in Ergadu ay ku Laabtaan Degaanadoodii ay ka yimaadeen ee Soomaaliya , Gen.: Maxamed Saciid Kamid Maaha Xubnaha Baarlamanka Waxa uu ahaa Ergadii Xiligeedii Dhamaaday Mana Jiro Hab uu ugu soo laabto Kenya. 

Hadaba Anaga oo ah Ergadii rasmiga ahayd, Xubnaha barlamanka, Waxgaradka , Siyaasiyiinta , Aqoonyahanada iyo Guud ahaan Dadka u Dhashay Jubooyinka ee Ka qaybqaadanaya Shirka Dib u Heshiisiinta Somaliyeed Waxaan ugu Baaqaynaa in Amb. Kiplagath uu Ka Noqdo Hanjabaadiisa . 

Haddii Kiplagath Ku Adkaysto Hanjabaadiisa Shaqsiyadeed Waxaan Qaadicidoonaa Dowlad kasta oo Kenya Lagu soo Dhiso iyo Waxkasta oo Kasoo Baxa Shirka Kenya , Waxaanan Shirka Kenya  u Aqoonsan doonaa Mu,aamarad Lagu garabsiinayo Danbiilayaasha Xasuuqa, Dhaca , Dilka Iyo fara Xumaynta ku haya Maatada Ku noo Gobolada Jubooyinka iyo Shabeelada Hoose.  

Madaxa Warfaafinta Ururka SPM.
Dr. Mohamed/shugri Ahmed.  

Kala xiriir: cumar133@hotmail.com


Moorgan oo Ku Siqaya Kismaayo

Sida ay werisey BBC-da qaybta afka Ingiriisiga ee UK, ugu yaraan 50 gaari oo ah kuwa gaashamaan oo ah ciidamada Morgan ayaa la sheegay in ay joogaan meel u dhow Kismaayo. Waxaa warku intaas ku daray in Isbahaysiga Dooxada Juba ay difaac ku jiraan isla markaasna uu halkaas Axadii shalay iska hor imaad u dhexeeya labadaas qaybood uu ku dhexmay aagaas. EEG Militia advances on Somali port.


Baaq Uu Soo Saaray Xoghaynta U/H/G/J/Hoose Ee Canada Tiradiisu O2/Se5/04.

 Bismilaahi Alraxmaani Alraxiim.

  • Ku:Ummadda Soomaaliyeed Oo Neceb Dulmiga Boobka Dhaca Iyo Gumaysiga kiisii Hore Iyo Kancusubba.
  • Ku: Dhamaan Ummadda Waamo (J/L)Cidkasta Oo Ay Leedahay Meelkasta Oo Aad Jogtaan Dalka Gudihiisa Iyo Dibaddiisa.

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

Baaqan Oo Aanu Soosaray Idunkuna Wajihan Hadii Aad Tihiin Ummadda Dulman Ee Waamo Meelkasta Oo Aad Jogtaan Dibadda Iyo Gudaha ,Kadib Markaanu Aragnay In Aanay Waxba Ka Soo Socon Taloyin Iyo Tusaale Aanu Ugu Baaqnay Urur Goboleedka Dowladaha Bariga Afrika Iyo Tuugada Iskubahaystay Dhaca ,Boobka ,Dilka ,Barakicinta Ummadda Waamo Ee Dulqaadaka Badan. In Qofwaliba Oo U Dhashay Waamo Kuna Abtirsada Meelkata Oo Aad Jogtaan Aad U Istaagtaan Dalkiina Iyo Dadkiina Ladamacsanyahay In Laidanka Dhaxal Wareejiyo Oo Ay Utashadeen Gumaystayaasha Cadaawadda Dheer Inaka Dhaxaysay Iyo Calooshood U Shaqaystayaasha Raqiiska Ah Oo Ay Heleen. Dhaaxaanu Aamusneen Dhaaxaanu Sabureeynay Maanta Waa Kama Danbeen Ee Ciddii Fadhiday Kac Kii Taaganow Dhaqaaq, Dhegna Jalaq Ha U Siin Addon.Xabash, Cafar.Gaal,Calooshii U Shaqayste Isku Bahaystay Doodsiinta Xaqaaga. Raaca Fariinta Kitaabka Quraanka Oo Idanfaraysa In Aad Iska Qaadaan Duliga.

Bismilaahi Alraxmaani Alraxiim .Fainqaataluukum Faqaatiluuhum OwliyaaiShaydaan Ina Shaydaana Kaana Lirabihi Kafuuran.

S/Alcadiim. Bismilaahi Alraxmaani Alraxiim . Walaa Tahinuu Walaa Taxzanuu Wa antum Alaclowna Wallaahu Macakum. S/Alcadiim. Wabilaahi Towfiiq.

Xoghaynta U/H/G/J/HOOSE Ee Canada.

Kala xiriir: A.Moamed <allore7@sympatico.ca>


PUNTLAND & HEESTA (HADDII AAN BARBAARTII , BASANOOW DARAADA UGA SOO BANAAN....)

Mar hadii ka lulashadii hogaamiyaha Pl ay dhamaatay,kaligiina uu yahay kan 40 meeyo soo xushay,banaankana la dhigay ninkii tuugada ugu cilmiga badnaa, waxay illa tahay in madaxwenaha lagu soo dhaweyn doono goortuu tagu Puntland heesta soo socota :-

 
" Haddii aan barbaartii , baxsanoow daraadaa uga soo banaan baxay cidlo heygu baylihin..)
 
Intaasna waxaa u sii dheer isagoo ah kii Baydhabo xoreeynteedii qaybta weyn ka qaatay,fagfagtii qabiilka goosashada raba riyadoodii beeniyey, lana hubo in uu ka dulqaadi doono Somaalida kuwa dulmiga wada ee dhulka ayan laheyn xooga ku heysta ayaa waxyaabahaas oo dhan ay ku tuseeysaa rajadiisu heerka ay gaarsiisan tahay eeyba ka muuqato sidii loogu soo dhoweeyey Imaaraadka ee hadda booqashada ku joogo.
 
Ee waxaan bogaadinteyda ka dib ku oran lahaa, Lotta continua....
 
Aardoon <burashadley@hotmail.com>

Afeef: Aragtida Qoraalkaas waxa leh qoraaga ku saxiixan


Warsaxaafadeed ay IGAD ka soo saartay Arrinta Gen,Morgan

 Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi

kulan ay iskugu yimaadeen Guddiga fududeynta shirka ee IGAD ayay ka soo saareen war saxaafadeed ay ku cambaareynaa Gen morgan oo ka maqan shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee ka socda dalka kenya mudo dhowr bilood ah.

 

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI
warsaxaafadeedkan ayaa ka dambeeyay kadib markii la sheegay in ay jiraan warar sheegaya in Gen, uu abuubulayo weerarro dagaal oo ku wajahan magaalada kismaayo iyo agagaarkeeda,waxayna wakiilada IGAD ee shirka ku sheegeen warsaxaafadedkooda in falalkaas uu morgan wado ay lidi ku yihiin dadaalka nabad raadineed ee soomaaliya loogu jiro oo hadda ku dhaw gabagabo in uu wiiqi karo isla markaasna uu abuuri karo jawi naxdin leh.
 
waxa ay xuseen in ay dhowr jeer u direen casuumad iyo baaqyo si uu shirka ugu soo laabto balse aysan ka helin wax jawaab ah oo ku aadan baaqyadoodaas sida ay ku sheegeen warkooda Guddiga,waxayna uga digeen in uu joojiyo weeraradaas la sheegayo in uu wada Gen moragan hadii uu ku kacana ay maxkamad la hortagi doonaan.
 
waxaa kale oo ay Guddigu sheegeen in ay ka qaadayaan talaabo caalami ah shaqsi walba oo isku daya in uu gacan taageero siiyo moorgan,iyo waliba dowladii iyagana talaabadaas mid la mid ah u sahla in ay la tiigsan doonaan sharci caalami.
 
waxay ku soo gabagabeeyeen warsaxafadeedkoodaas in ay midnimada soomaaliyeed iyo nabad ku wada noolaansho ka dhacda soomaaliyeed ay muhiim mida ay raadinayaana ay tahay sidaas darteedna aysan u dulqaadan doonin cidii carqalad ku noqota Nabad ka dhalata soomaaliya.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2004


Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay? [jagne]

GEEL NINKII DHICIN LAHAA UU DHACAYO LAMA DHICIN KARO [B.M]
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD