SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIRIDHABA

"MADAXWEYNE RIYAALE WUXUU SANNADKII MUSHAHAR U QAATA 500'000$ Dollar, Halka uu Madaxweyne Bill Clinton uu Mushahar u qaadan Jiray 200'000$ Dollar Sannadkii."   Hadaladii Mohamed Xaashi Cilmi ka sheegay shirka jaraa'id
 
Hargeysa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), in uu baalmaray ku dhaqanka Dastuurka Qaranka, taas oo sababtay burbur dhaqaale oo waxyeeleeyay dalka, sidaana waxa uu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Shirka jaraa’id oo Maxamed Xaashi ku soo bandhigay Dhaliilaha hoggaamineed ee Guddoomiye Qaybe muddadii uu xilka hayey, waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiiladu ka gaabiyey xilkii ay ummadda u hayeen, adeegena u noqdeen Waaxda Fulinta (Xukuumadda) oo uu sheegay in awooddihii Waaxyaha Qaranka oo dhami gacanta u galeen.

Waxa kale oo Inj. Maxamed Xaashi tilmaamay in Dastuurka Qaranku weli qabyo yahay oo qaybo badani dhiman tahay, taas waxa uu dhaliisheeda dusha ka saaray Golaha Wakiilada oo uu sheegay in ay si badheedh ah uga dhego adaygeen in ay u soo bandhigaan Xukuumadda qodobo ka mid ah Dastuurka.

Inj. Maxamed Xaashi ayaa war-saxaafadeed uu ka akhriyay Shirkaasi jaraa’id oo uu ku faah-faahiyay dareenadii Dadweynuhu ka bixiyeen Istiqaaladii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Qaybe, iyo sida uu u arko waxqabadkiisa, waxa uu qornaa sidan:-

“Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), markii uu iska casilay xilka Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, dadweynaha reer Somaliland waxa uu muujiyey dareeno aad u kala duwan:-

  • - Qayb u riyaaqday is-casilaada Guddoomiyaha.
  • - Iyo qaar ka xumaaday is-casilaadiisa.

Haddii aan iska baal maro Shakhsiyadda Guddoomiyaha iyo Taariikhdiisa ee ka soo horjeedka Jiritaanka Somaliland, oo aan isku koobo wax qabadkiisa intii uu xilka hayey, waxa aan kala ogaan karaa labadaa fikradood ta toosan:

Guddoomiyuhu ma yahay nin la mahadiyey oo istaahila Baroortii ay muujiyeen Taageerayaashiisu. Mise waa nin la eeday oo Istaahila Farxaddii ay muujiyeen kuwii ka soo horjeeday. Bal aan raadka Qaybe iyo sida uu u hoggaaminayo Golaha aan dib u raadno ilaa 1997-kii.

Dawladda Somaliland waxay u qaybsan tahay saddex Waaxood oo xilka u siman, oo mid waliba u madax bannaan tahay xilkeeda oo kala ah:-

  • 1. Waaxda Fulinta (Xukuumadda).
  • 2. Waaxda Xeer-Dejinta (Baarlamaanka/Guurtida iyo Wakiilada).
  • 3. Waaxda Garsoorka.

Haddaba, Waaxahaa Qaranku ma yihiin kuwo siman? Mise Waaxda Fulinta ayey awooddihii oo dhami gacanta u galeen? Maxaase sababay?

Taladu waxay murkacatay, markii ay Golaha Wakiiladu ka gaabiyeen xilkii ay ummadda u hayeen, adeegana u noqdeen Waaxda Fulinta. Waxa aan qarsoodi ahayn in Dastuurku qaybo yahay oo qayb wayni dhiman tahay. “Xeer baa Qeexi” oo aan shir-guddoonku ku tala jirin in uu Golaha soo hor dhigo Xeerarka dhiman si loo dhammaystiro.

Dhaliisha qabyada Dastuurka waxa ka masuul ah Golaha Wakiilada, siiba Shir-guddoonka, Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa koowaad (Md. Cabdiqaadir Jirde aw Cali, oo isagu marar badan shirarka guddoomin jiray). Waxa ay si badheedh ah uga dhaga adaygeen in ay u soo bandhigaan Xukuumadda Qodobka Dastuurka 130-5 ee u qoran sidan:

“Dastuurka Qodobka, 130, (5):----------Waa in la diyaariyaa Xeerarka Dastuurka waafaqsan, waxaana lagu keenayaa Xeer walba ugu yaraan muddada uu u xaddido Golaha Wakiiladu.”

Qabyadaa Dastuurku waxay xagal-daac ku keentay:

  • 1. Hab-sami u socodkii Maamulka iyo hor-u-markii dalka, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo noloshiii dadka dhinac kasta oo ay tahay.
  • 2. Ma aha arrin ay il-duufeen ee waa mid ay ku talagaleen iyaga oo ugu danaynaya Madaxweyne lacagta badan uu qaato.

Waxa arrintani horseeday musuq-maasuqa iyo talaxgabka Waaxaha Qaranka iyo hay’addihii Dawladda.

Waxa isweydiin leh, waxa looga war-wareegayo dhammaystirka Dastuurka?

Xaqiiq ahaan waxa jira qodobo xasaasi ah oo loo mari la’ yahay dhammaystirka Dastuurka. Waa qodobka taabanaya Mushaharka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Mushaharka iyio Gunnada: Qodobka 87: Mushaharka, gunnada iyo hantida Dawladda ee ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynuhu ku dhaqmaan waxa qeexaya Xeer.

Arrintani waxa ay sababtay in aan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanku ka gelin dood Mushahar, Gunno iyo xuquuqda Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa toona, waxaanu qaataa Madaxweynuhu lacag dhan $500,000 sannadkii, taas oo ka badan laba Jibaar Mushaharkii Madaxweynihii Maraykanka (Clinton) qaadan jiray oo ahayd $200,00 sannadkii.

Haddii aan si kale u dhigno, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland maalintii waxa uu qaataa $1400, waxana xusid mudan kharashka aan ku jirin sida: Nalka, Biyaha, Shidaalka, ilaa Mafiiqaha iyo Shaqaalaha oo laga bixiyo Wasaaradda Madaxtooyada.

Awoodda dhaqaale ee ku ururtay gacanta Madaxweynuhu intaas uun kuma eka. Waxa ku soo hoyda adduun badan oo aan Miisaaniyadda gelin sida:

Lacagta adag ee ka soo hoyata Xoolaha la dhoofiyo, Dekedda Berbera, Haamaha Shidaalka ee Berbera, iwm oo ah $51,400,000 ilaa 1997-2003. Waa intii Guddoomiyuhu xilka hayey.

Si arrimahan dabool adag loo saaro, Md. Qaybe, waxa uu baal maray ku dhaqanka Dastuurka Qodobka 55-7 u soo bandhigidda Xisaab-xidhka Miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti-dhawrka Guud.

Waxyeelada Guddoomiyuhu kuma koobna burburka dhaqaalaha oo qudha. Balse waxa Xukuumaddu ku dhaqantaa Xeerka deg-degga ah oo Goluhu diiday, iyada oo ayna jirin sabab loo isticmaalaa. Xeerkani dad badan oo Muwaadiniin ah, ayaa xorriyadooda laga qaadaa.

Dastuurka Qodobka 92-3: Waxa Xeerkan deg-degga ah dib-u-eegid ay labada Gole ku samayn doonaan saddexdii (3) bilood hal mar….Xeerkaa deg-degga ah labada Gole maxay uga aamusan yihiin?

“Lugo dhooqo, hadba midbaa la saaraa” ee Shir-guddoonka Golaha Wakiiladu ma dherer le’ka Xilka loo igmaday.” ayuu hadalkiisa ku gunnaanaday Maxamed Xaashi Cilmi.

Intaa ka bacdi Weriyayaasha ayaa waxa Maxamed waydiiyeen su’aalo, waxayna u dhaceen sidan:-

S: Maxamed, waxa la yidhi, Salaadba waqtigeedaa la Tukadaaye. Miyaanay ka habboonayn in aad ka hadasho arrimaha xilligii Qaybe iska casiley xilka Guddoomiyaha?

J: Iminka ayay cusboonaatay arrintii oo Khamiistii dhoweyd baan soo maray Golaha Wakiillada, weli sidii bay u socotaa arrinta ninkii Looyarka ahaa [Mudane Maxamed Jaamac]. Kolkaa iyadaa laba-kaclaysay, dabadeedna jaaniskii hore haddii uu I dhaafay, dee kanba waan ka faa’iideysanayaa.

S: Miyaan la odhan karin hadalkaagu waa mid aad ku taageerayso mucaaradaddii Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee ku kacsanaa Guddoomiyaha Golaha?

J: Horta anigu fikraddayda ayaan ka hadlayaa, ma filaysaa in Guddoomiyuhu [Qaybe] yidhaahdo lacagtaa maqan guddi ayaan u saarayaa ka soo shaqaysa. Waa maya. Inay ka dabatagaan miyaad ka filaysaa lacagta intaa le’eg? Iyana waa maya. Miyaad filaysaa inuu Qaybe Golaha Wakiillada horkeeno oo yidhaahdo qodobkaa qeexaya Mushaharka iyo gunnada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ka dooda? Kolkaa khasaaraha u weyn ee ummadda ku dhacay waxa uu kaga dhacay Golaha Wakiillada, gaar ahaan Shirguddoonka ayuu kaga dhacay.

S: Markaa adigu dadka qaybtii ka xumaatay iscasilaaddii Qaybe ma waxaad u aragtaa kuwo khaldan?

J: HAA, weliba isagu inuu yimaaddo (Mudane Qaybe inuu noqdo guddoomiyaha Golaha) maan jeclayn. Waayo, nin Somaliland aamminsanba ma aha.

S: Qoraalkaaga waxaad ku xustay “haddaan baal maro shakhsiyadda Guddoomiyaha iyo taariikhdiisa ka soo horjeedda jiritaanka Somaliland…” Maxaad ku caddaynaysaa arrintaa?

J: Waxa jira waraaqo badan oo uu qoray, mana qarsan jirin. Iyada oo xaalku sidaa yahay oo Qaybe yahay ninka Somaliland ugu neceb, marka laga reebo Ina Cumar Geelle [Madaxweynaha Jabuuti], ayaa Alle ha u naxariistee, Maxamed Cabdulle oo Sakhraan lagu naanaysi jirey oo laba sannadood sugayey in Guddoomiyaha Wakiillada loo sharraxo, ayaa mar uun la keenay Qaybe oo joogey Addis Ababa. Kolkaa Qaybe nin Somalilander ah inaanu ahayn cid waliba way ogtahay. Berigii dhoweyd ee qaybta lagu yareeyey [beesha] Harti [saami qaybsigii Baarlamaanka ee shirka Mbagathi] wuu ka xanaaqay [Qaybe]. Dee, Mbagathi maxaa naloogu badin waayey miyaad ka filaysaa Guddoomiyaha halkan joogaa inuu yidhaahdo.

S: Dadka badankiisu waxay aaminsan yihiin in wax waliba ka go’aan Madaxweynaha, Qaybe-na wuxuu sheegay in sababta mucaaridku u eryanayaa ay tahay inuu yahay nin Madaxweynuhu ku tiirsan yahay. Sidaa darteed-na waxa la filayaa in mooshinkii iscasilaaddiisa la baabi’iyey markii uu Madaxweynuhu soo farageliyey. Markaa haddii dadkiiba aaminsan yahay in wax waliba ku xidhan yihiin Madaxweynaha oo uu isagu magacaabi karo Guddoomiyaha Wakiillada ama Guurtida ama ridi karo, yaad ku canaananaysaa arrinta?

J: Inta aan u jeedaaba waa intaas. Maxaa halkaa gaadhsiiyey [awoodda Madaxweynaha] baan leeyahay inay arrintu sidaa ahaato? Waa dhaqaalahan faraha badan ee la bixinayo. Dhaqaaluhuna waxa uu ka yimi shaqadii ay ka seexdeen Golaha Wakiilladu. Waa halkaa meesha aan eedda ka saarayaa [Wakiillada], waxa weeye, waxan maanta ay ugu wada xidhmeen [Madaxweynaha].

S: Waxaad iftiimisay in Madaxweynuhu qaato Shan Boqol oo kun oo Doolar sannadkii, taas oo aad sheegtay inay laba jibaar ka badan tahay Mushaharka Madaxweynihii hore ee Maraykanka [Clinton]. Maadaama, aad hore isugu sharraxday Madaxweyne, metelan haddii aad ku guulaysan lahayd. Lacagtaa ma diidi lahayd?

J: Anigu, HAA. Waxaan tusaale kugu siinayaa kolkii lay magacaabay [Wasiirka Ganacsiga] askari ma dalban oo ma odhan gaadh iga qabta, sidaydii baan isaga noolaa oo gurigeygii baan ku jirey. Kolkaa, waxa weeye, qofku waa inuu marka hore ogyahay in Adduunyadani temporary [wax muddo gaaban jiraya] tahay oo qof waliba camalka uu sii dhigtaa aakhiro kaga horreeyo. Kolkaa 60 sannadood markaan soo jirey waxa ii hadhay waa wax yar. Markaa ma qabo qofku xoolo ummaddeed inuu ku xisaabtamo, anigu ma qabo. waayo, haddaad adigu lacag i amaahiso adiga uun baa igu leh, haddii aan dhinto taada uun baa la ii raacayaa iyo carruurtaada. Laakiin, bal hadda ka warran ninka – ka waalan ee silsiladda ku xidhan, ka TB-du hayso ee daawada la’, ummadda baahan waxooda mid waliba u raacayo iyo waxay dhaleenba.

S: Maadaama arrimaha aad sheegtay muddo dheer soo jiitamayeen. Sidee adigu u aragtaa in lagu xakamayn karo kharashka faraha badan ee madaxda sare ee dalka?

J: Waxa lagu xakamayn karaa, qoladan [Golaha Wakiillada] oo hawshooda qabsada, waayo, horta xeerka ayay Golaha keeni lahaayeen. Waxa laga doodi lahaa Mushaharka Madaxweynaha maxaan ka dhignaa. Waxa laga doodi lahaa Bisilkiisu muxuu noqonaya, haddii uu dhinto ama shaqada ka tago carruurtiisu maxay helaysaa. Waa laga doodi lahaa, go’aan baana laga gaadhi lahaa. kolkaa dembi isaga ma saarnaadeen.

S: Marka la eego marxaladihii dalku soo maray. Ma kula tahay in laga gudbi kari lahaa mushaakilaadkii dowladda horyaalley, haddii aan madaxdu aanay farsamooyin kale [kharash iyo xaalmastuur] wax ku furfurin?

J: Horta, caqliga way ka fog tahay taasi. Sidiisaba laaluushku waa xaaraan. Midda kale, haddii aanad barin [dadka] kuugu iman maayaan. Anigu markii aan Wasaaradda Ganacsiga tegey, Odayaal badan baa kuyuu [queue, saf] ii soo qabsaday oo doonayey Shidaal, markii aan ku idhi aniguba ma lihi way iga tageen, way isu sheegeen oo cidi iguma soo noqon. Markaa ninku isaga ayaa samaysanaya oo abuuraya, laakiin wax loo dhashay ma aha, wax xaq ahna ma aha. Waayo, waxaad deeqsi ku noqon kartaa waxa aad adigu leedahay, laakiin, wax ummaddeed deeqsi kuma noqon kartid.

S: Inta aan ka hadlayso golahan oo waqtigiisii dhammaad yahay, miyaanay kaaga haboonayn inaad ka hadasho doorashada baarlamaanka in la soo dedejiyo, gole aan beelo ahayn ee la soo doortayna uu meesha yimaaddo?

J: Horta, arrintan joogta ayaynu ka hadlaynaa marka hore, laakiin, waxaad ka soo qaaddaa Golihii deegaanka ee la soo doortay. Xisbi baa la doortay ee qof lama dooran. Isha ay leedahayna waad aragtaa maanta oo waa kuwaa isku wada maran. Qofku ka jooga ha ahaado ama ka imaya ha ahaadee, isaga waxa laga filayaa - aasaaskii iyo jiritaankii [integrity] baan jirin. Golaha yaa haga? Shirguddoonka ayaa hagi lahaa, sharciyada iyaga ayaa keeni lahaa oo ka shaqayn lahaa. Markaa waxa weeye, hawshii ay qaban lahaayeen – ninka madaxda ahi awood buu leeyahay inuu wax toosiyo, dadku hoosta waxba kama toosin karo, way adag tahay. Kolkaa awooddii ay wax ku toosin lahaayeen baa meesha ka maqan.

ENINGEER MOHAMED HASHI ELMI

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyeey:
mohamed abdi hassan <diridhaba2001@hotmail.com>

»MADAXWEYNE RIYAALE IYO MUQUUNINTA SHACABKA [Diridhaba]

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2004
 

Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay Mashruuca Abuubakar
Soomaalidii xalay isugu timid mu'tamarka ka socda Minneapolis ayaa mashruuca Abuubakar u ballan qaaday in.. Guji... Sept 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD