SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AMIIN

MASRIYAD KA DIIDAY JARMALKA IYO MARAYKANKA MALAAYIIN DOOLAR
 

     Naag u dhalatay dalka Masar laguna magacaabo Zuheyr Ismaaciil Ibraahiim laguna naanayso (Ummu Shariif) oo ku nool magaalada lagu magacaabo Qana ee ku taal koofrunta dalka Masar ayaa gebi ahaanba diidday lacag gaaraysa 1-milyan oo dollar oo ay u soo bandhigtay shirkad soo saarta daawooyinka oo laga leeyahay dalka Jarmalka, sidoo kale ayay haweeneydaasi u diidday dalab kaa la mid ah oo kaga yimid dalka Mareykanka.

Islaantaan ayaa hantidan lala soo doontay kaddib markii ay soo saartay daawo cusub oo ay ku daawaysay illaa iyo 22 cudur oo intooda badani ay ku dhacaan maqaarka bani’aadamka, mar ay ka hadlaysay dalabka hantidaan ee la soo hordhigay iyo sababta ayay u diidday ayay Zuheyr waxay tiri: “Aad bay iigu sahlan tahay inaan malaayiiintaa lacagta ah qaato, balse waxaan sugayaa dalab iiga yimaada dalkayga ama ugu yaraan waddamada Carabta, ma ahan in wax soo saar carbeed ay si sahal ah uga faa’iidaystaan dalal shisheeye ah”.

Zuheyr oo la hadlaysay wargeyska Sharqal-awsat waxay sheegtay in daawadaan cusub ay ka soo dhex saartay qaar ka mid ah geedaha ayna ku guulaysatay inay ku daawayso 22 cudur oo maqaarka ku dhaca iyo cudurro kale oo ay ka mid yihiin: tinta oo si lama filaan ah madaxa uga duusha (Bidaarta deg deg ah), nabraha ka soo baxa maqaarka sare ee jirka, kuwa loo yaqaan findoobka iyo tiro aan yareyn oo ah cudurrada maqaarka sida hambalaaluqa ama waxa loo yaqaan dab-dhulka, cambaarta madaxa ka soo baxda ama goosayga, roob sugowga, sidoo kale waxay islaantaasi daawadaasi ku daweysay xanuunka ilkaha, madax xanuunka iyo hargabka,  waxaase la yaab leh markii la ogaaday in daawadaasi ay ku jirto maaddo haddii si aad ah loo horumariyo wax weyn ka taraysa difaaca iyo la dagaallanka iyo weliba daaweynta cudurka AIDS-ka.

Markii ay arrintaan soo if baxday ayaa daawada ay soo saartay islaantaasi laga diiwaan geliyay dalka Mareykanka iyadoo markiiba uu islaantaasi soo gaaray dalab ka yimid qaar ka mid ah shirkadaha Mareykanka ee ka ganacsada daawooyinka, balse Zuheyr waxay ku adkaysatay mowqifkeedii iyadoo weli taagan in dalkeeda iyo waddamada carabta ay ka sugayso codsiyo kuwaa la mid ah.


Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

Mar ay ka hadlaysay qaabka ay ku soo saartay daawadaan iyo waxa ku kalifay, waxay tiri “wiil aan dhalay ayaa maqaarka sare ee madaxa waxaa kaga dhacay cudur sidii cambaarta oo kale ah, daawo kasta oo ay dhaqaatiirta u soo qoreena waxba way ka tari weyday, waxaan aaday magaalada lagu magacaabo Sanbalaawiin oo ka tirtsan Gobolka Daqheliya halkaas oo ay Hooyaday dagenaydoo wax wayn ka taqiinay isku daaweynta dhirta iyadoo harey uga baratay ayeeyaday oo aad loogu amaani jiray dhir isku daaweynta, waxay I soo siisay daawo ay ka soo saartay dhowr dhir oo ay isku dardartay, waan la soo cararay oo wiilkaygii madaxa ka mariyay, waxaase la yaab lahayd in  markiiba wiilkayga uu iigu caafimaaday, waxaan isga kaddib ku daaweeyay dad badan oo cudurada maqaarka la il darnaa waxaana ka mid ahaa Injineer iyo weliba nin Dhaqtar ahaa.

Lix saacadood oo keliya ayay ku qaadanaysay in ay diyaariso daawo 5cm ah kaddib markii ay isku qooshto dhir kala duwan, dadka ay daweynaysayna waxay daawadaa ku siinaysay lacag la’aan, dadka deriska la ah islaantaas waxay  sheegeen in dhammann dadkii ay daaweysay ay ka wada caafimaadeen cuduradii ay qabeen kaddib markii saddex jee oo kelya ay ku dhayday daawadaas.

Guriga islaantaas ayaa noqday meel ay dadku isku ciriiryaan markii ay wada maqleen daawada ay soo saartay iyagoo ka dalbanayay in ay daaweyso

Nin lagu magacaabo Axmed Cabdil Muncim oo  deggan magaalada Al-Uqsur ee dalka Masar oo ka mid ahaa dadkii caafimaadka ku helay daawada islaantan oo la hadlayay wargeyska Asharqalawsat ayaa waxa uu yiri “waxaa igu dhacay cudur dhinaca maqaarka ah, jirkeyga oo idil ayaa is bedalay waxaa igu dhacay ka sokoow cudurka I hay cuqdad nafsi dadkii waan ka xayirmay oo banaanka waan mari waayay waxaan adeegsaday daawooyin fara baday waxna waa tari waayeen, noloshii ayaan ka quustay xanuunkii iyo cudurkiina sidii ayuu  ii hayay nasiib wanaag qaar saaxiibadeyda ka mid aha yaa markii dambe ii sheegay islaantaan oo markii aan u tagayna daawooyinkii ay ii soo qortay uu ILAAH igu caafiyay.

 AMIIN YUUSUF KHASAARO
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2004

Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay Mashruuca Abuubakar
Soomaalidii xalay isugu timid mu'tamarka ka socda Minneapolis ayaa mashruuca Abuubakar u ballan qaaday in.. Guji... Sept 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD