SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD

In ka badan 500 oo arday oo Seminaar loogu soo gabagabeeyay magaalada Laascanood

Waxaa lagu soo gabagabeeyay machadka Al-imaam Al-shaafici ee magaalada L/caanood 04/09/2004 Seminaar wacyigalin ah oo u socday saddex maalmood in ka badan 500 oo arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Ujeeddooyinka seminaarkan waxaa ka mid ahaa:

In kor loo qaado aqoonta iyo wacyiga ardayda.

In sare loo qaado hanka ardayda, lana dareensiiyo xilka ka saaran horumarinta bulshadooda, laguna dhiirrigaliyo curinta, hal abuurka, kartida iyo waxqabadka.

In ardaydu is bartaan, isuna kaashadaan wanaagga iyo wax u qabadka bulshada.

In ardayda looga faa’iideeyo wakhtigooda, fursadna ay u helaan inay korodhsadaan aqoon ka dheeraad ah midda fasallada.

In laga hortago dhaqamada silloon ee doolka ah, ardaydana looga digo.

In la baro ardayda sokeeyohooda iyo cadawgooda.

In lagu tababaro qaababka wax loo akhriyo iyo sida loo sameeyo cilmi baadhista.

Seminaarkan waxaa lagu qaatay duruus ka tarjumaysa baahida bulshada gaar ahaan dhallinyarada, waxaana ka mid ahaa Hanweynida, Kaalinta dhallinyarada kaga aaddan wax u qabadka diinta, Hababka wax akhriska iyo Duullaan maskaxedka gaaladu ku hayso muslimiinta, waxaana soo jeediyay duruustaas culimo iyo macallimiin ay ka mid ahaayeen Sh. C/naasir X. Axmed iyo Sh. Axmed Max’ed Suleymaan. Waxaa kale oo feer socday duruusta nashaadyo iyo tartanno ay ardaydu fulinayeen sida cilmi baadhisyo ay ka soo diyaariyeen mawaadiic la xidhiidha arrimaha bulshada iyo taariikhdii asxaabta.

Xafladdii xiritaanka Seminaarka oo ay ka soo qaybgaleen culimada, ducaadda, macallimiinta iskuullada iyo dadweyne kale ayaa waxaa ka soo jeediyay hadallo isugu jira mahad naq iyo dhiirrigalin Sh. C/naasir X. Axmed iyo Sh. Axmed Max’ed Suleymaan, iyagoo carrabka ku adkeeyay kaalinta bulshada kaga aaddan faafinta diinta iyo horumarinta bulshada. Gabagabadii xafladda ayaa abaalmarinno dhiirrigalin ah la guddoonsiiyay ardaydii ku guulaysatay imtixaannada iyo tartannadii cilmibaadhista.

Seminaarkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga hirgaliyo gobolka Sool ayaa ardaydu aad ugu farxeen, ugana faa’iidaysteen, iyadoo ay arday badani nasiib u yeelan waayeen inay ka faa’iidaystaan Seminaarkan goobta lagu qabtay oo cidhiidhi ahayd awgeed. Maamulka Seminaarka ayaa sheegay in seminaarro noocan oo kale ah loo qaban doono ardayda xilliyada fasaxa sannad walba Ilaahay idankii.

Waxaa xusid mudan in maalmahaan ay magaalada ka socdeen dhaqdhaqaaqyo sare loogu qaadayey aqoonta iyo wacyiga bulshada reer L/caanood, laguna dardargalinayey dacwada magaalada. Hawlahaasna waxaa ka mid ahaa: ololaha ciribtirka qoris iyo akhris la’aanta, barashada afka carabiga, Seminaar ku saabsan dacwada oo loo qabtay haweenka iyo muxaadarooyin taxane ah oo ka baxayey masaajidda waaweyn ee magaalada.

Xafiiska dacwada iyo tacliinta ee L/caanood

dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2004

Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay Mashruuca Abuubakar
Soomaalidii xalay isugu timid mu'tamarka ka socda Minneapolis ayaa mashruuca Abuubakar u ballan qaaday in.. Guji... Sept 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD