Cabdulaahi Yuusuf muxuu Hogaamiyaasha kale kaga duwan yahay oo loo daba
galay.
Walaal akhristow waxaad ogaataan in Homepage badan oo aan Maqaalo xiiso leh
u diro in aanay soo galin haddii ay soo galiyaana in ay Maqaalkayga hoosta
hoose haliyaan, sida Somaliweyn ay sameeyaan. Sababta ay Maqaalkayga hoos u
galiyaan way cadahay oo Durbaanka siday u rabaan uma tomo ee Walaal haddii
aad wax akhrinaysid bal Maqaalada hoose fiiriy waaba haddii Maqaalkayga la
soo galiyo e.
Bilowga Maqaalkii waa halkan.
Waagii aan Xamar soo galay ayaa waxaan maqli jiray Ciyaalka oo dhahaan ,,
Aabow Aabow Ninkaasi waa Qabiid ´´ xaqiiq ahaan haddii aad waydiisid wuxuu
Qabiid ku yahay iyo wuxuu sameeyey waxay kuugu jabaabayaa ,, Ninkaas Dadkoo
dhan ayaa yaqaanaan in uu Qabiid yahay".
Hadalka Ciyaalkaasi wuxuu markasta i xusuusinjirtay Islaantii Jigjiga ka
baxday iyada oo Nin Magan Garaad la yiraah Eed dusha uga tuuraysa oo
dhahaysa ,,Magan Garaaddow Maganta ka bax".
Maalin Maalmaha ka mid ah ayuu isagii oo Faras fuushan Islaantii ka dabo
yimid oo uu waydiiyey waxay ku galayso Magan Garaad. Islaantii waxay ku
jawaabitay ,, Maandhow wuxuu sameeyey ma arag ee Dadkoo dhan ayaa Maganta ka
bax wada wada lahaa".
Haddaba markii aan ka baxno shuqul Ciyaaleed iyo Sheekada islaantaa ee
Warbaahinta Xamar laga soo xigto iyo Dacaayada Alitixaad oo aad u dhabo
galno waxa Cabdulaahi Yuusuf laga sheegayo in uu galay ee Danbi ah oo aad
barbar dhigno waxa Somaliya ka dhacay iyo meesha ay xasuuqyada ugu daran ka
dhaceen waxa kuu soo baxaya wax duwan waxa la isku dayayo in la inaga
dhaadhiciyey.
Bal si aynu u kala hufno Runta iyo Beenta aynu dib u jaleecno Taarikhda
Cabdulaahi Yuusuf oo aynu ka bilowno Inqilaabkii 1977dii ilayn itaas ka hor
ma hayno Cabdulaahi yuusuf wuxuu gaystay.
Inqilaabkii 1977dii markii uu fashilmay Cabdulaahi Yuusuf wuxuu aasaasay
Jabhadii SSDF lamana hayo intii ay Jabhadaasi jirtay wax xasuuq ah oo Dad
maati ah loo gaystay wuxuuna Dagaalka ay Jabhadaasi Siyaad Bare la gashay uu
ahaa Dagaal hufan oo aan Magaalooyinka la isku hardiyin sida Jabhahii kala
ahaa SNM iyo USC ay sameeyeen oo iyaga Magaalonka la isku riiqmay Dad badana
lagu xasuuqay.
Ka dib Cabdulaahi Yuusuf waa la xiray oo Mingistaa xiray waxaana la soo
daayeya Dagaalkii sokeeyey oo la Xadka Kenya la isla jiiray wuxuuna
Cabdulaahi Yuusuf tagay Gobolada hadda Puntland loo yaqaan oo difaac ku
jireen waxaana markaas Jabhada SSDF ee Goboladaas ka dagaalamaysay Madax u
ahaa Maxamed Abshi Haamaan mana aynaan maqal wax Xaquuq ah oo ay Jabhadii
SSDF ee aaga Galkacyo ka dagaalamaysay ay gaysatay.
Waxa kale oo ay Jabhadii SSDF Dagaal kharaar la gashay Ururka Alitixaad oo
isku dayeen in inta ay Jabhada SSDF Dagaalka difaaca ah ku jirto in ay
Xukunka Dhulka hadda loo yaqaan Puntland la wareegaan. Waxaana meeshaa ka
dhacay Dagaal kharaar oo uu Cabdulaahi Yuusuf Alitixaad la galay oo aan isna
Magaalo lagu hardamin wax barakacna aan keenin laakin si xun loogu wiiqay
Awoodii Alitixaad ay ku lahaayeen Dhulka hadda Puntland loo yaqaan.
Waxaan hubaal ahaa haddii uuna waagaas Cabdulaahi Yuusuf Alitixaad fashilin
lahay in maanta sida Talibaan ay Ciidamo shisheeya ah Afqaanastaan uga
xoreeyeen in ay Ciidamo shisheeyaha Puntland Alitixaad uga xorayn lahaayeen,
Dad iyo Duunyana lagu riiqmi lahaa. waxaana la dhihi karaa Dagaalkii uu
Cabdulaahi Alitixaad la galay wuxuu badbaadiyey Dhiig badan oo reer Puntland
oo daadan lahaa.
Dagaalkii sadexaad ee uu Cabdulahi Yuusuf galay waa Dagaalkii sokeeye ee
Puntland ka dhacay Dagaalkaasna waxaa la dhihi karaa reer Puntland labada
dhinacba way Gab dirireen oo ma jiran barokac iyo xasuuq Maati loo gaystay
sida ka dhacdeen Xamar, Hargaysa, Burco, Baydhabo iyo Kismanyo.
Haddaba inaga oo og waxa Somaliya ka dhacay oo haddana og in dhibaatada
Somaliya ka dhacday meelaha ugu badan ee ay ka dhaceen in aanay ahayn
meelaha uu Cabdulaahi Yuusuf joogay ee ay ahaayeen Xamar, Baydhabo,
Kismanyo, Hargaysa iyo Burco oo la dhihikaro waxaa ka dhaceen Dagaalo
Malaayin Maati ah oo aan wax galabsan lagu xasuuqay haddana waxaa la yaab
leh in iyada oo la adeegsanayo Eragii ,, Aaabow Aaboow Cabdulaahi yuusuf waa
qabiid" in la inaga Indho saabo wixii dhacay.
Haddaba maxaa sal u ah eedaymaha aan Salka lahay ee Hogaamiyaasha reer
Puntland loo haysto?
Waa tan koobaade Dagaalka ugu badan wuxuu Cabdulaahi la galay Ururka
Alitixaad waxaana la dhihirkaa arintaasi waa tan Cabdulaahi Yuusuf tuke
canbaare ka dhigtay oo keentay in lagu eedeeyo danbiyo uuna galin meesha
Raga Somali barkeen qabaan aan waxba loo qabsan sidii aaanay qaangaarin.
waxaana hubaal ah in eedaynaha Cabdulaahi Yuusuf loo soo jeediyo in ay lug
ku leeyihiin Dagaalkii uu Alitixaad la galay iyo isaga oo laga aargoosanayo
Eraygii ahaa Somaliya Argagixiso ayaa joogta iyo Xiriirka uu Itoobiya la
leeyahay oo aan Alitixaad farxad galineyn.
Waxaa kale oo keenay Warbaahintii Puntland ka jirta oo waa hore loo siimobay
sida Radiyaal uu Yuusuf Garaad leeyahay oo Puntland laga furay. Wargasyo
badan oo Magac reer Puntland maqaar saar ahaan u sitaan oo Dibada iyo
Gudahaba laga yagleelay iyo Awooda Alitixaad ay gudaha Somaliya iyo Dibada
ku leeyihiin oo aan marna la dhayalsan karin.
Haddaba waxaas oo dhan iyo Warbaahinta Xamar oo hirgalin rabaan Warkii Muuse
Suudi ee ahaa in Qabiilka Hawiye iyo Isaaq cid aan ahayn in aanay xaq u
lahayn in ay Madexweyne noqdaan ayaa keenay in Madaxda reer Puntland loo
dabo kalo si Hogamiyaasha kale ka duwan.
Waxaa kale oo keenay in sidaas loo dabo galo iyada oo ay cadahayn in
Somaliya wixii ka dhacay iyo danbiyadii la galay sidii loo kala galay in aan
Dadka loo kala eedayn ee ay jiraan Beelaha Somaliya qaar aan danbiga loo
qabsan oo aad Moodid in ay Malaga Moodka mataano ahaayeen, ilayn isaga ayaa
wuxuu dilo loo dabo galin iyo qaar aad moodi in ay Birlabta Danbiga yihiin
oo xataa danbi aanay dalin loo qabsado, sida reer Puntland oo ay cadahay in
lagu heshiiyey Qofkii wax qoraaba ha dhaleeceeyo.
Mahadsanidin
jagne dahir <jagne3@hotmail.com>
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
»Baroortu
Suldaan Hure ka weyn [Jagne]
»Moorgan
baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay?
[jagne]