SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

CARRABKII QALALNAA!!

(Qoraal ku saabsan Dhibaatada Soomaaliya)

Qore: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

September 6, 2004

Waxaan ahayn Soomaali, balse maanta waxaan u muuqdaa inaan ahay dhul-laawe, waxaan waayay bilicdii Soomaaliya, waxaan is weydiiyay su’aasha ah maxaan loo burburiyay Soomaaliya, waxaan inta badan ka murgaa dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Waxaan hilaami Karin noloshii macaanayd ee aan Soomaaliya ku qabay, waayo hadda waxaan ahay ruux Qaxooti ah oo ku nool dal shisheeye, waxaan xusuustaa inta badan dadkii aan isla dagganayn xaafad qura, dariskii iyo xushmaddii dadka Soomaaliyeed ay isku hayeen, waxaanan illoobi Karin naxariistii ay inta waaweyni u hayeen dhallaanka iyo xushmadii ay inta yaryari u haysay dadka waaweyn. 

 

Soomaaliya waa dalkaygii hooyo; Waana meesha aan Dunida ugu jeclahay, balse waxaa haleelay burbur baaxad weyn oo sababay inay isaga yaacaan noolihii kala gaddisnaa ee ku noolaa sida: Dadka, shimbiraha, Xayawaannada duur-joogta ah, iyo wax walba oo socon karay ama haadi (duuli) karay. Waxaa sidoo kale si daacadnimada ka baxsan loo burburiyay bilicdii iyo meelihii il-qabadka lahaa ee lagu aqoonsan jiray Soomaaliya. 

Soomaaliya waxay ahayd dalka ugu nabadgalyada fiican waddamada Afirka, haatanna waa meesha ugu dhibaatada badan guud ahaan Waddamada la isku yiraahdo Geeska Afrika, inkastoo ay dhibaatooyin la mid ah kuwa Soomaaliya ka jira laga heli karo waddamada nabbadu ka jirto qaarkood. Soomaaliya waxay lahayd ciidan had iyo goor heegan u ah inay ka difaacaan dalkooda hooyo codowga dibadda iyo kan gudaha, maantana waa meesha keliya adduunka ee ay ku tartamaan qabasashadeeda cadowgeeda iyo kan Islaamka sida: Itoobiya, Mareykanka, Yuhudda iyo Waddamo kale oo aan halkaan ku soo koobi karin.

Dadka Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 10-milyan in ka badan kala bar waxay ku nool yihiin xerooyin qaxooti oo ku yaal waddamada dariska la ah Soomaaliya, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, waxayna magan u yihiin dilka, dhaca, aflagaadaynta iyo ihaanaysi.

Markii Soomaaliya ay Dagaallada sokeeye ka qarxeen waxay dadku billaabeen inay u qaxaan hadba halkii ay gaari karaan, dadkii u qaxay dalalka dariska ah sida: Kenya iyo Itoobiya waxay la kulmeen dhibaatooyin kala geddisan oo ay ka mid yihiin dil, dhac, kufsi, gaajo, xanuuno aan dawo lahayn iyo dhibaatooyin kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin, waxaana xerooyinkii ay ku jireen dadkaasi buux dhaafiyay qabuuro ay ka buuxaan dad u dhintay dhibaatooyinki loo gaystay. sidoo kale dadkii u qaxay dalalka Yurub iyo Waqooyiga America waxay la kulmeen dhibaatooyin ka baaxad weyn tii ay la kulmeen dadkii u qaxay waddamada darsika ah iyadoo ay u dheer tahay: Cilmilo aysan garanayn oo ay magan u noqdeen, dad aan ku midab ahayn oo ay la darseen, diimo aysan aqoon u lahayn oo ay la kulmeen, shaqooyin aanay qaban jirin oo ay naftu ku qasabtay inay qabtaan, dhaqamo iyo caadooyin aanay aqoon u lahayn oo lagu qasbay inay raacaan iyo sharciyo qallafsan oo lagu xukumay ama lagu sandulleeyay.

Somali guerillas

Dadkii qaxay waxay u qaxeen si ay u badbaadiyaan nafafkooda iyo nafafka qoysaskooda, haddana ma haystaan daryeel, ma haystaan nolol ku filan oo mustakafi ah, sidoo kale waxaa haysata dhibaato aan xagal-daaco lahayn, guud ahaanna shacabka Soomaaliyeed way ka siman yihiin dhibaatooyinka isugu jira dilka, dhac, kufsi iyo barakicin joog ah; gudaha ama dibadda kay doonaan ha joogaane. 

Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo dalkayga waayo ma aqaan wax aan ku masaalo ama aan ku tilmaamo, wuxuu iiga wacan yahay dunida oo dhan, waxaaan rajeynayaa in ruux walba uu laabta ku hayo in Soomaaliya mar kale laga heli doono Saaxada Adduunka. Waxaan ka codsan lahaa hoggaamiyeyaasha dagaalka inay u naxariistaan walaalahooda ku dhibaataysan gudaha iyo dibadda dalka, si kuwa dibadda jira ay dib ugu soo laabtaan kuwa gudaha joogana ay nolol wanaagsan u helaan. Waayo shacabku gudaha ha joogo ama dibadda ha joogee waxay diyaar u yihiin inay dib u arkaan Soomaaliya oo Qaran ah iyo iyagoo dib ugu soo laabtay dhulkoodii Hooyo. (Beloved Country).

Intii dalka dumisay iyo intii ka maqnayd burburka waxaan ugu baaqi lahaa inay ka qaybqaataan dib u dhiska iyo dib u istaajinta ama dib u hagaajinta dalkii shalay burburay iyo inuu ruux walba ku dhiirrigeliyo qoysaska iyo saaxiibada kaleba inay dalka dib u dhisaan.

Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya ay dib u noqoto Qaran leh qiimihiisii hore, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu soo laabtaan dadkoodii hooyo oo aysan hilaami karin.

ILAAHAY SOOMAALIDA KHAYR HA SIIYO

"Aamiin"

Waxaa Qoray: - Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)
 jantiile12@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kus axiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2004


Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay Mashruuca Abuubakar
Soomaalidii xalay isugu timid mu'tamarka ka socda Minneapolis ayaa mashruuca Abuubakar u ballan qaaday in.. Guji... Sept 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD