SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -WARAR

WARARKA MAANTA:::
  • C/LLAAHI XIRSI DIIRSHE "C/qaasim waa shaqsiga keliya ee maanta mudan xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya”
  • Baaq ku wajahan shirka soomaalida oo uu soo saaray Dhaqdhaqaaqa Islaamka Soomaaliya (Al-Islaax).
  • Guusha Nugaal University
  • PAKISTAN OO YEELATAY RA'ISAL WASAARE CUSUB: SHAUKAT CASIIS WASIIRKII MAALIYADDA
Baaq ku wajahan shirka soomaalida oo uu soo saaray Dhaqdhaqaaqa Islaamka Soomaaliya (Al-Islaax).
 
Ridwaan Xaaji C/wali.
8/9/2004

Waxaa baaqan soo saaray dhaqdhaqaaqa Islaamka Soomaaliya ee Al-Islaax oo uu ku saxiixanaa Afhayeenka Ururka Dr Ibraahim Dasuuqi iyadoo qoraalkan uu u qornaa sidatan.

Al-Islaax waa dhaqdhaqaaq Soomaaliyeed oo wadani ah ujeedadiisuna tahay sidii loo dhisi lahaa bulsho Soomaaliyeed oo ku dhisan walaaltinimo, sinnaan, caddaalad, dimuqraadiyad, iyo dhowrista xaquuqul-insaanka; Bulshadaas oo deriskeeda kula nool derisnimo-wanaag iyo iskaashi, beesha caalamkana iskaashi iyo is-afgarad.

Waxaa intaasi uu ku darayaa qoraalkan Xaqiijinta ujeedooyinkaana wuxuu dhaqdhaqaaqani u marayaa wadooyin ku dhisan nabadgelyo, wuxuuna dhaqdhaqaaqu ka soo horjeedaa dulmiga iyo gacan kahadalka, wuxuuna rumaysan yahay wadahadal.

Hadaba, iyadoo laga duulayo mabaadi`daas guud wuxuu dhaqdhaqaaqani cadeynayaa in:-

  1. Si buuxda uu u taageersan yahay shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda dalka Kenya, soona dhowaynayo natiijo kasta oo wax-ku ool ah oo shirkaa ka soo baxda, iyo dawladda lagu soo dhiso cid kastaaba madax haka noqotee, waana in dowladani noqotaa mid minimo qaran oo ilaalinaysa midnimada iyo Diinta shacabka Soomaaliyeed.
  2. Lasii wado geeddisocodka dibuheshiisiinta, dardar hor lehna la geliyaa dhisidda dowladda ka dib, lana dedejiyaa dhisidda dowladda.
  3. Hanti-isku-celinta, iyo in cid walba xaqeeda la siiyaa ay lama huraan u tahay dibuheshiisiin dhab ah oo dhamaystiran.
  4. Iskaashiga dawladda iyo ururada bulshada rayidka, iyo wadashaqayntoodu ay tahay wadada kaliya ee dib loogu disi karo Soomaaliyada cusub.

Baaq:

Dhaqdhaqaaqa Islaamka Soomaaliyeed -Al-Islaax wuxuu ugu baaqayaa:

  1. dhamaanba bulshada Soomaaliyeed inay gacan hiil iyo hooba ah u fidiso dowladda la filayo inay ka soo baxdo shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed.
  2. Dhamaanba inta hubeysan inay hubkooda ku wareejiyaan dawladda, dawladduna si wayn u hanato ilaalinta amniga.
  3. Bulshada Soomaaliyeed in laga waantoobo dagaalka iyo gacankahadalka, loona wada jeesto dibudhiska dalka hooyo.
  4. dowladda Soomaaliyeed ee la sugayo in la dhiso inay noqoto mid u qalanta xilka iyo hawsha sugeysa, waddankana u horseedda dimuqraadiyad, horumar, maamul hufan, iyo xoojinta bulshada rayidka ah.
  5. Dawladaha deriska ah inay gacansiiyaan xukuumadda Soomaaliyeed ee cusub, uuna noqodo xiriirka dowladaha gobolka ee xilligan cusub mid ku dhisan iskaashi iyo derisnimo wanaag.
  6. Beesha caalamku inay Soomaalida gacan ka siiso dibudhiska dalkooga.

Ugu dambeyntii, dhaqdhaqaaqani wuxuu u m

ahad celinayaa cid kasta oo gacan qabatay Soomaalida intey dhibaatadan kujireen; wuxuu u mahad naqayaa dawladaha IGAD, bahda IPF, Jaamacadda Carabta, Ururka Midnimada Afrika iyo cid kasta oo dibuheshiinta Soomaalida ka qeyb gashay.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Macalin Baadiyoow oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Dhaq dhaqaaqa Islaamka ee Soomaaliya Loona yaqaano AL-ISLAAX ayaa dhowaan waxaa magaaladda London uu warbixin ku siiyay Qaar kamid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan Britain, waxaana uu ka warbixiyay aragtidooda ku aadan shirka dib u heshiisiinta soomaalida oo xiligan galay marxalad gabo gabo ah iyadoo ay soo dhoweynayaan.
 
Baadiyoow waxyaabaha uu sheegay waxaa ka mid ah in Ururka Al-Islaax uu ka shaqaynayo marwalba helitaanka Dawlad Soomaaliyeed isla markaana marna aanay ka harayn nabadda Soomaaliya, waxaa kaloo uu sheegay in ay ka hartagayaan siyaasadaha bur burinta dib u heshiisiinta Soomaalida iyo in shareecada Islaamka aan lagu dhiqin dalka.
 
Baadiyoow oo aan wax ka waydiiyay ka maqnaansha Ururkoodan shirka Soomaalida ee Nairobi maadaama ay ka dhex muuqdeen Shirkii Carta ee lagu soo dhisay Dawladda Kumeel Gaarka waxaa uu yiri Dawladda Itoobiya ayaa naga Hor Istaagtay Shirkan in aan ka qaybgalno.
 
Waxaa kaloo uu ka warbixiyay aragtidooda Shirka dib u heshiisiinta oo uu sheegay in shirkan uu yahay mid aan loo kala maqnayn dhamaan Hogaamiyayaasha , dawladaha Gobolka iyo Caalamka oo muujinaya taageero ama Ictiraaf Dawli ah.
 
Badiyoow waxaa uu dhaliilay Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ee la dhaariyay oo uu ku sheegay in ay yihiin Kuwo liita xagga aqoonta iyo maamulka waxaana uu sheegay in %50 ay yihiin dhagoolayaal aan waxba soo marin oo uu ula jeeday aqoon iyo xil in aanay soo arag, Halka 15% ay yihiin Mustawe Jaamacadeed, 10% waxaa uu ku sheegay in ay yihiin Saraakiishii Ciidamada , waxaana aad ugu yar dadkii la soo shaqeeyay dawladii Hore ee Maxamed Siyaad Barre.
 
Badiyoow waxaa uu ku tilmaamay Hogaamiyayaasha Soomaalida in ay aaminsanyihiin kala adkaansho, waxaana dhanka kale uu khatar ku tilmaamay dhowr qodob oo kala ah:
 
1- hadii loo arko dawladan in ay tahay TNG labaad dhanka shacabka ay dhibaato keeni karto.
2- Baarlamanka oo u qaybsan dawladaha Dariska ah ama ay xildhibaanadu badankooda kala taageersanyihiin dawladaha Dariska ah.
3- Dhaqaalaha laga sugayo Beesha Caalamka oo ah Mid aad u liita. 
4- Dhibaato ka Dhalan karta hadii Dawladda Cusub ay ku dhawaaqdo hala soo qab qabto Culimada iyadoo Argagixso lagu sheegayo.
 
Ugu danbayntii waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan Baadiyoow in shacabka Soomaaliyeed 100% ay rabaan Dawlad Soomaaliyeed iyo in hubka laga ururiyo iyo caalamka oo ay ka Go'antahay Dawlad u helidda Soomaaliya.

Kala xiriri: ridwanhaji@yahoo.com


C/LLAAHI XIRSI DIIRSHE "C/qaasim waa shaqsiga keliya ee maanta mudan xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya”

C/llaahi Xisrsi Diirshe Daacad oo ka mid ah siyaasiyiinta waaya-aragga u ah xaaladda 14-jirsatay ee siyaasadda Soomaaliyaoo u warramayay wargeyska ayaa tilmaamay rajadiisa ku aaddan shirka geba-gebada ku dhow ee magaallada Nairobi uga socda dadka Soomaaliyeed.

C/llaahi Xirsi Diirshe Daacad oo dulmar ku sameeyey shaqsiyaadka imminka u sharraxan xilka Maddaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa tibaaxay in C/qaasim Salaad Xasan uu yahay kan keliya ee maanta mudan in uu xilkaasi qabto. ”Marka qofku ka hadlayo xil, sida midka Madaxweynenimo waa in uu ka fogaadaa nin jecleysi, laab la kac iyo wax naceyb aan ku dhisneyn danta guud, balse waa in uu ka hadlaa waxa dan u ah Ummadda markaasi madaxda loo noqonayo” ayuu yiri C/llaahi Xirsi Diirshe Daacad oo dhiniciisana sabab u raadiyey sababta uu C/qaasim ugu tilmaamay shaqsiga maanta mudan hoggaanka dowladnimo wuxuuna yiri ”Dhowr arrimood oo jiraba C/qaasim waa uu mudan yahay xilkaasi, mana qabo in cudur-daar looga dhigo saddexdii sano ayuu wax soo qaban waayay, waayo shaqsi keligii dowlad ma noqon karo, mar haddii dadkii iyo dadweynihii dunidaba gacan laga waayay micneheedu ma noqonayo shaqsigii hoggaanka hayay ma aha mid u qalma, balse haddii aan qodobeeyo fursadaha C/qaasim uu haysto ee aysan heysan ragga la tartamaya waxaan oran karaa C/qaasim: waa nin waayo arag u ah arrimaha Soomaaliya laga soo billaabo dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre illaa maanta, waa nin nabadeed, waxaana marqaati u ah saddexdii sano iyo dheeraadkii uu xilka madaxweynenimo hayay in uu ku dhameystay si nabad ah, isagoo weliba tallaabooyin nabadeed horey u qaaday, ayna jireen dad badan oo isku dayay in ay fidno abuuraan, balse waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa uu kaga dabaashay, waa shaqsiga keliya ee illaa iyo hadda metelaaddiisa dowladnimo taagan tahay, haya Docoment-gii intii uu xilka hayay, helay waayo aragnimo saddexdii sano ee uu madaxweynaha KMG ahaa, ay u muuqdaan wixii dhimmanaa, waxa dhameystirka u baahan, waxa maqan iyo halka ay ku maqan yihiin, heystana fursado badan oo dunida ah, maadaama uu saddexdii sanaba magaca Soomaaliya dunida oo idil ku metelayay, sidaa darteed qof cusub oo imminka la tijaabiyaa dani kuma jirto aragtideyda mar haddii uusan la imaan sifooyin la yaab leh oo horey loo tijaabiyey, waxaana qabaa in wax la dumiyo oo la qiri waayo wixii la qabtay waxaa ka haboon in wax la dayactiro, fursadda ugu weyn ee aan qabo in uu C/qaasim heystana waxa ay tahay iyadoo maanta dhammaan hoggaamiyeyaashii kooxaha ee Soomaalida ay maanta ku wada jiraan Baarlamanka, haddii ay iskaashadaanna ay wax wada qaban karaan”, ugu dambeyntii Mudane Daacad wuxuu ku booriyey shaqsiyaadka Baarlamanka ee maanta xilku saaran yahay in ay aragti dheeri ah u yeeshaan cidda ay xilka u dhiibayaan, isagoo sheegay in uu leeyahay ”Ogaada fursadda C/qaasim heysto cid haysataa in ay yar tahay”. w

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
 


 

Guusha Nugaal University

Bismilaah, Alxamdulillaah. Waxaa babaneysa dabeyshii guusha ee Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC), taasoo ah furutaankii Jaamacada Nugaal University ee bisha Septemper 2004. Waaga cusub ee noobaryeya waxa mahadiisa leh Alle. Waxaaana sabab u ah dadka beesha Sool, Sanaag iyo Cayn, iyo qaar ka mid ah Somalaiyweyn.

Waxaynu soo bilowney dhisidda Jaamacada Septemper 09/1999, maalintaas waxa hirgalay go'aamintii dhisida Jaamacada Nugaal University, shirkaas oo ka koobnaa 40 halyey ee u badnaa Aqoonyahano, uuna hogaaminayey Mohamed Askar Galaydh, shirkaas oo ka dhacay Minnesota U.S.A.

Waxa ku xigey Go'aankii ka dhacay magaalada Lascanod October 19/1999, kaasoo ay soo calaamadiyeen meeshii laga dhisi lahaa Jaamacada halyeyada kala ah: Mohamed Buraale Ismaaciil, Haashi Abdala Farah, Sheeq A/naasir iyo Daahir Haaji Khaliif.

Waxa ku xigey ololaha gaadhsiintii dhisida Jaamacada qaaradaha (continent) sida iyo gobolada Maraykanka: Europe, America, Asia, Africa, iyo Australia. Dhulkaas oo ay ku nool yihiin dadka u dhashay Sool, Sanaag iyo Cayn. Kuwaasoo lagaadhsiiyey go'aamadii lagu dhis lahaa Jaamacada Nugaal University.

Waxa ku xigey shirweynhii meel walba la isaga yimid ee Columbus Ohio 2001, kaasoo si qiiro iyo xamaasad leh la isugu raacay akidaada (adkeyn) go'aankii Minnesota September 9/1999 ee dhisida jaamacada Nugaal University Lascanod.

Waxa sii ambaqaaday halyeyadii Atlanta USA iyo kuwii Canada. Waxa aakhirkii isu taagey kooxaha reer Europe oo ku dhawaaqay inayba iyagu kaligood dhisaan Jaamacada Nugaal University. Odayaasha Lascanod Alle ayaa marinaya abaalkooda, maxaa yeelay iyagu marnaba gacanta kalama bixin hawsha Jaamcada.

Shaqsi shaqsi magacyadooda uma tirin karo umada ku dedaashey dhisida Jaamacada Nugaal University, haddana wada. Aniga oo ah Mohamed Askar galaydh da'dayduna tahaya siddeetan iyo dhowr sano, waxan u ducaynayaa dhamaan umada muslinka ah, waxan u ducaynayaa dhamaan beesha Sool, Sanaag iyo Cayn, in Alle siiyo muwaafaqo, nabadgalayo, barwaaqo iyo barasho cilimiga aduunka iyo kan aakhiraba, cilmigaa ah furaha guusha. "Aqoonta iftiinka raaca" (enlightenment).

Mohamed Askar Galaydh
<askargalaydh@hotmail.com>
Minnesota U.S.A


PAKISTAN OO YEELATAY RA'ISAL WASAARE CUSUB: SHAUKAT CASIIS WASIIRKII MAALIYADDA

Islamabad: Guriga Senate-ka ee waddanka Pakistan ayaa aqblabiyad buuxda waxay ugu doorteen Ra'isal Wasaare cusub Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistan oo ay ugu doorteen Shaukat Casiis, Mr. Casiis oo ahaan jiray Wasiirkii maaliyadda dalka Pakistan shantii sanadood ee ugu danbaysay Isla Markii la magacaabayba waxaa kor u kacay saamiyadda suuqyada ganacsiga ee waddanka Pakistan, waxaana farxad iyo rajo balaadhan ku soo dhaweeyey dhamaan shacabka Pakistan, oo hadal hayey afartii bilood ee ugu danbaysaba inuu Shaukat Casiis noqon doono Ra'isal Wasaarahooga Cusub.

Shaukat Casiis oo ay ku tilmaaman shacabka Pakistan Libaaxa dhaqaale ee aan la hinjin karin (the Ironic Lion of economical reform) ayaa lagu soo dhaweeyey magacaabistiisani rajo fiican oo la filaayo inuu dib u habayn balaadhan ku sameeyo dhaqaalaha waddanka pakistan Maadama oo uu shaukat yahay khabiirka dhaqaalaha waddankani muddo badanna ku hawlana wasaaradda maaliyadda iyo ganacsiga ee Pakistan, Magacaabida Shaukat waxay ka danbaysay markii uu is casilay Ra'isal wasaarahii hore ee waddanka Pakistan Mudane Mir Zafarullahi Khan Jamali oo sannadkii 2003 ay golaha baarlamaanka ee Pakistan u magacabeen inuu noqdo ra'isal wasaare, wuxuuna Casiis ka hellay golaha Senate-ka dalka pakistan aqlabiyad balaadhan oo ah tiro codod ah oo gaadhaysa 191 cod halka ay 151 cod ka soo horjeedsadeen afar codna ka aamustay.

James Wolfensohn with Pakistan's Foreign Minister Shaukat Aziz

Safiirka maraykanka u fadhiya islamabad
oo hambalyo ku qaabilay raisal wasaare casiis
 

Shaukat Casiis wuxuu ku dhashay Magaalada koonfurta waddanka pakistan ku taalla ee karachi 6 March 1949-kii, wuxuu dugsigiisi sare ka dhamaystay isla magaalada Karachi oo uu ka dhamaystay dugsiga Gordon, isla dugsiga gordon ayuu ka dhamaystay waxbarashadiisa sare, Wuxuuna ku biiray Mac-hadka ugu weyn dalka pakistan ee laga barto cilmiga dhaqaalaha (institute of Business Administration ) IBA, wuxuuna ka qaatay shahaadada sare ee cilmiga dhaqaalaha (Master of Business Administration). 

Shaukat wuxuu markii ugu horaysay ka hellay shaqo bangiga caalamiga ah ee (citibank) wuxuuna noqday mareeyaha suuq-geynta  bangiga (marketing Manager), qaybta karachi, sannadkii 1992-kii wuxuu shaukat noqday Madaxweynaha Citibank waaxda Karachi, isla sannadkii 1993-kii Shaukat waxaa loo dalacay Madaxweyne ku xigeenka Citibank ee waddanka pakistan isla lix bilood dabadeedna wuxuu la wareegay Madaxweynaha guud ee Bangiga Citibank ee waddanka Pakistan, laba sanadood ka dib wuxuu noqday Madaxweyne ku xigeenka bangiyada Citibank ee dunida oo dhan, balse sannadkii 1999-kii markii uu Madaxweyne Musharaf xilka ku qabsaday hawsha militery ayuu noqday wasiirka maaliyadda ee dalka Pakistan, ilaa wakhtigaasi ilaa hadda oo loo magacaabay wasiirka koobaad ee golaha wasaaradda pakistan wuxuu ahaa wasiirka Maaliyadda, khubarada u dhuun daloosha dhaqaalaha waddanka Pakistan ayaa ku tilmaantay shaukat inuu yahay ninka keliya ee ay taariikhda Pakistan ku xasuusan doonto inuu ka dhigay waddanka Pakistan mid suuqiisu fur furanyahay, maanta waxaa Magaalooyinka Pakistan aad ka helaysa dhamaan baananka caalamka ku yaalla oo dhan,wuxuuna u horseeday pakistan maal gelin shisheeye iyo dhiiri gelin ganacsatada waaweyn sidii pakistan looga dhigi lahaa meel dhaqaalaheedu noqdo mid ka ifa koonfurta aasiya, inkasta oo pakistan dhibaatada xagga dhaqaalaha ka haysata tahay dhaqaalaha badan ee lagu bixiyo ciidamada iyo gaashandhiga oo u dhigma %70 miisaaniyadda dalka oo dhan, waxaana suuqa saamiga ee karachi (Karachi Stock Exchange) noqday suuqa afraad suuqyada koonfur aasiya, marka loo eego awoodda saamiyada suuqyada gobolka ay ku wada yaalan.

 Ra'isal wasaare Casiis waxaa hor yaalla hawlo cul culus oo la filaayo inuu ka soo dhalaali doono, waxyaabaha la filaayo inuu hawsha ugu culus saaro waxay tahay inuu dhimo kharashka lagu bixiyo ciidamada waddanka pakistan (defence Budget), waxaa kale oo la filaya inuu yareeyo faqriga badan ee ka taagan meelo badan oo ka mid ah waddanka pakistan, si kasta ha ahaate ra'isal wasaare Casiis wuxuu hadda ku soo hagaagay wakhti ay nabadda labada dal ee Pakistan iyo India u egtahay mid hilaacaysa, iyada oo wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Mudane Khursheed Mahamoud Kasuri oo wada hadal kula leeyahay dhigiisa waddanka india magaalada New Delhi, ajandayaha miiska yaalana yahay sidii labada dal xidhiidhkooga la iskugu soo dhawayn lahaa arrinta jammu iyo Kashmir ee colaada ladabada dal ka dhigtay mid qarni iyo badh jirsatayna loo damin lahaa dhamaanteed. 

WAXAA SOO URUURIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
<diridhaba2001@hotmail.com>

Faafin: Somalitalk.com | Sept 9, 2004

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD