SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 


DADKA MARAYKANKA OO U DAREERAY CODBIXINTII MADAXWEYNAHA::::

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com
 
pop E-mail: diridhaba@myfastmail.com

Gobolada beriga dalka maraykanka ayaa badankood dadka ku nooli ay hadda u dareeren cod bixinta doorashada dalka maraykanka iyada oo cad ceedu ay dhinaca beri ka soo bildhaantay saacaduna tilmaamayso 7:00 subaxnimo, goobaha cod bixinta layman dhaadheer ayey codbixiyeenadu hadda taaganyahiin, goobaha laga cod bixinayo hadda ayaa waxaa ka mid ah gobolka harta location  New-hampshire waxaa ka furan ilaa iyo 30 goobood oo laga cod bixinaayo, gobahani oo iskugu jira qaar casri ah oo lagu codaynaayo Computerada loo yaqaano "Touch screen" iyo qaar kale oo iyaguna lagu codaynaayo Kaadhadh adag oo loo yaqaano "punch cards".

Bush                                             
Madaxweyne Bush iyo Haweenaydiisa Laura oo ka cod bixinaya Crawford

Madaxweyne George W. Bush ayaa goor dhawayd wuxuu codkiisa ka dhiibtay meel aan ka durugsanayn qasrigiisa magaalada crawford ee gobolka Texas halkaasi oo uu joogi doono ilaa lagaga dhawaaqayo natiijada doorashada waxaa ku wehelinaya haweenaydiisa Laura iyo labadiisa hablood,

                                               
Senator John Kerry iyo Inantiisa venessa kerry oo ku sii jeeda qasirigooga boston
 

Sidoo Kale Senator John Kerry ayaa isaguna wuxuu mar dhaw codkiisa ka dhiiban doona meel u dhaw  qasrigiisa magaalada Boston ee gobolka Massachusettes wuxuuna ku sugnaan doona halkaasi ilaa inta laga soo saarayo natiijada kama danbaysta ah waxaa Senator Kerry ku weheliya Haweenaydiisa Tereza Heinz iyo labadiisa hablood iyo weliba Ninka kula jira tartanka una xil saaran Madaxweyne xigeenkiisa Senator John Edwards iyo haweenaydiisa Elizebeth iyo caruutooda.

Cod-bixinta ayaa socon doonta ilaa iyo fiidka gobolada galbeedka dalka maraykanka (West Coast) markaasi oo la soo afjari doono lana bilaabi doono tirinta deg dega ah (computerized randomly ballot counting).

                                 
Haweenaydii ugu horaysay ee dhiibata codkeeda gobolka new-hampshire

Lama saadalin karo cidda ku guulaysan doonta tartankani aqalka cad iyada oo saadashii ugu danbaysay ee la soo saaray 12 saacadood ee ugu danbaysay ay tibaaxayso in labada nin ee tartamaya Senator John Kerry iyo Madaxweyne George W. Bush aanu midna sheegan karin cod uu dheeryahay ka kale taasi oo lagu tilmaamay doorashadani "doorashada dhimashada" (dead heat election).

gobolada Florida oo kal hore afar sanno ka hor ay ka dhacday muran xagga cododka ah iyo weliba gobolka kale ee Ohio ayaa waxaa jooga kumanaan goob joogayaal ah oo labada xisbi ka kala tirsan iyaga oo si hufan u kormeeraya cododka la tirinayo, dhinaca kale waxaa ku sugan gobolka Florida iyo Ohio goob-joogayaal reer Europe oo markii ugu horaysay doorkani goob joogayaal ka noqon doona doorashadan maraykanka.

                                        
Eeg electoral vote-ka Arbacada iyo saadashii ugu danbaysay
 

 

laba iyo tobanka saacadood ee soo socda ayaan idiin soo gudbin doona horumarka kolba labada dhinac ka gaadheen cod bixintani si toos ah ula soco Somalitalk.com haddii alla idmo.

QORAALKII HORE EE DOORSHADA...

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan

diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

WAA KUMA KEERRY... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2004

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 


USA: November 2deedu Waa Maalintii Codbixinta
: Waxaa aad muhiim u ah in aad ogaatid waxa lagaaga baahanayahay si aad codkaaga u bixisid iyo goobaha codbixinta... Guji...
USA:Muran ka taagan habka loo doorto madexweynaha Dalka Maraykanka [Faalladii Aden Gaas]

SomaliTalk oo Doorashada USA ka Waraysatay  Wardheere
: Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu Maxamuud Nuur Wardheere sheegay in... Guji..

 



HTML CD