Suadi Arabia : Nidaam Faasid ah oo Shareecada Islaamka Ka Dheer
Waxaa la aasaasay dalka sucuudiga 1902
waxaana aasaasaya ABDI AZIIZ BIN ABDUL-RAHMAN AAL SUCUUD oo magacana u
baxshay kadib markii uu isku dayay in uu Carab mideeyo in kasta oo lagu
sheego in Abdul aziiz uu la dagaalamay gumaysigii BRITISHka garanigii 19aad
ayaa waxa uu ka dhigay boqortooyo dhaxaltooyo oo reerkiisa gaar u ah, waxa uu
kula dardaarmay in xukunku uu gacantooda ku jiro wax walba ha ku qaadatee
walow diinta islaamku aysan banaynin dhaxaltooyo oo islaamku ogolyahay
WADAHADAL [DISCUSSIONS] ama waxa la yiraahdo AL-SHUURAA oo ah wada tashi ayaa hadda
dadka qaadaa dhiga siyaasada bariga dhexe waxa ay qabaan in boqortooyada
aasaaskeedu uu ka dambeeyay reer galbeedka si islaamka lagula dagaalamo.
Dalkan oo ah dhulka ugu barakaysan ee ay ku
yaalaan meelaha ugu daahiran ee dhulka kan aan ku noolahay ee AL-MAKKAH & AL
-MADIINA ayaa moodaa in xurmada qofka islaamka ee wadanka u dhashay loo hayo
ay ka qayma sareeysaa kan loo hayo qofka reer galbeedka ah doonayana in uu
dhulka & adoomada alle fasahadiyo, waxaad dhulka sucuudiga ku arkaysaa iyadoo
gabdhihii muslimaadka ahaa loo diidan yahay inay suuqa wax ka soo gataan ama
gaari wataan iyagoo xijaaban aanan u baxayn wax aan dantooda ahay halka kuwa
gaalada ay daadsan yihiin xeebaha iyagoo qaawan aan naas galis qabin oo wada
cawro ah waliba ku dhex wata baabuur meeshii ay doonaan taga ku waas oo
ciidamda calooshood u shaqaystayaasha ah ee usrada waardiyaha ka hayaan
maalin walba.
Akhristayaal cadaalad darada ka jirta
boqortooyada sucuudiga waxa ay gaadhay heerka ugu saraysa iyadoo xukunka ay
fuliyaana xukuumada faasidka ah ay ku fuliyaan oo kaliya kuwa iyagu fuqarada
ah ee aan haysanin luqmatul cayshka ama waxa loo yaqaan "QUUTUL DARUURIGA "
[THE DAILY LIFE] bacdamaa haddii dambi lagu helo qof reer boqor u shaqeeya aan lala hadli
karin iska daa waxa ay dhaleen ama waxa ay sii dhaleen tan oo ka dhigin
waaba haddii sharci islaam lagu dhaqmo qolo waa lagu xukumi qolada kale
shareecada islaamku ma qabato.

Makka Al-Mukaramah |

Madiinah al-munawarah |
Sida ku qoran xeerka xukunka sucuudiga waa
"ISLAMIC LEGAL SYSTEM " iyadoo sharciga islaamku yahay kan ugu sareeya ee
wax lagu kala xukumo waa sida ay qoreen Wasaarada Arimaha gudaha ee
sacuudiga [THE SAUDIAN INTERIOR MINISTRY] dhaqanka ayaa ka sareeya sharciga islaamka walow aan dhag jalaq loo siinin
muftiyada waaweyn ee shareecada islaamka iyagoo kuwa qaarkoodna la yaso
maadamaa aysan wax sharaf ah ku lahayn boqortooyda agteeda maadama aysan ka
iman qoys la yaqaan taas oo ah beenin & ku tumasho kitaabkii ilaahay.
MAGACYADA LIXDA
SOOMAALIDA EE LA DILEY |
Abdullah bin
Adam Abdullah, Abdul Fattah bin Ali Hassan, Hussein bin Harun Mahmud,
Ali bin Sheikh Yussef, Abdul Nur bin Mohammad Wahili iyo Abdullah
bin Hassan Abdi.
[Waxaa magacyadaas laga soo
xigtey hay'adda sucuudiga wararka u faafisa ee loo yaqaan
SPA news
agency.] |
GOORMA AYAA LA XIRAY
LIXDA SOOMAALIDA AH |
Lixda Soomaalida
waxay ku xirnaayeen xabsiga magaalada Jeddah, Saudi Arabia ilaa
bishii May ee sannadkii 1999, xilligaas oo lagu eedeeyey dembi la
xiriira tuuganimo. Xilligaas waxaa lagu xukumay shan sano, taas oo u
dhammaatay - Bishii May ee sannadkii 2004 waxaa lala dhacay Jeedal.
Martin Hill oo ka tirsan Amnesty International ayaa sheegay arintaas,
asagoo intaas ku daray in lixdaas Soomaalida ah si qarsoodi ah loogu
xukumay qoor-gooyo ayagoo aan la ogeysiin, lana diley maalintii
Isniinta ahayd ee April 4, 2005, arintaas oo Amnesty International
ay ku tilmaantay mid caddaalada ka fog. |
BANNAANBAX LOOGA SOO
HORJEEDO SUCUUDIGA |
 
Ka AKhri
halkan bannaanbaxa.... |
Waxaa naxdin lahayd qisadii ISNIIINTII
(APRIL 4, 2005) ka
dhacday dalka sucuudiga oo ahayd dhacdadii ugu xumayd ee ku dhacda shacbiga
soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan taas oo ah waxa laga wada naxo kadib
markii si shareecada islaamka & qaanuunka caalamiga ka baxsan lagu daldalay
dhalinyaro soomaaliyeed oo aan waxba galbasan meel fagaara ah , Waxa ay
mudan lahayeen haddii falka ay sameeyeen in gacmaha laga gooyo ee dilka waa
arin ah "EXTRA JUDICIAL KILLING", waxaa shacbiga soomaaliyeed saaran
raadsashada xuquuqda dhalinyarada soomaaliyeed sida xaq darada ah diinta
islaamkana aan waafaqsanayn loogu laayay waxaa taas looga baahan yahay inay
horkacaan garyaqaanada, xeer ilaaliyayasha & culumida shareecada islaamka ku
takhasusay si markaas cadaalada & maxkamad islaami ah la horkeeno xukuumada
faasidka ah ee reer boqor dambiyada ay ka galeen muwadiniita sucuudiyaanka,
soomaalida & dhamanaba dunida islaamka ee ka xoogsada gudaha wadanka.
Xukunkan ayaa waxa uu u dhacay si aan
shareecada islaamka waafaqsanayn anigoo culumo badan oo soomaaliyeed arintaa
kala sheekaysatay ayay dhamaantood ii sheegay inay ka xumaadeen falkan arxan
darada ah ee sucuudigu kula kacay dhalinyaro soomaaliyeed oo si sharci ah ku
joogay kana xoogsanay dalkaas mudo dheer oo dhowr sano. Wasaarada arimaha
gudaha ayaan wax macquul ah u cuskan daldalka loo gaystay dhalinyaradaas lagu
laayay meel fagaare ah oo ku taala bartamaha magaalada RIYADH, waxa ay
sheegeen in mudo lix sano ah ay xirnaayeen dhalintaan oo ay dhac & falal
burcadnimo ah ka dhex wadeen boqortooyada laakiin arintaa waxa ay ahayd arin
been & propaganda ah oo qoyska reer boqor ku raadsanyo sumcad iyadoo la
ogsoon yahay in uu ka mid yahay dalalka ugu hooseeya ee DIIWAAN "RECORD" ahaan lagu
tunto xuquuqda aadanaha iyadoo qofka la xiro ama la dilo oo qoorta laga jaro
iyadoon wax maxkamad ah la soo taagin & iyadoon la isu ogolaan in aad
hesho QAREENO [ADVOCATE ama FREE LAWYERS] madax banaan si uu dacwadaada ula socdaan.
Waxaan dalka Sucuudiga ka jira nidaam aan
ku dhisnayn shareecada islaamka & qawaaniinta caalamiga ah ee ka
jira aduunka aan ku noolahay, boqortooyadan oo ku dhisan hal qoys kama dhacaan
wax la yiraahdo doorasho ay dadku ku doortaan hogaankooda saxda ah
dhalinyarada diinta faafisa ama ducaada ayaa la xirxiraaa lana laayaa
walibana waxaa lagu sheegaa in ay yihiin
"KOOX DHUNSAN" Waana sida wasaarada arimaha
gudaha ee NAYEF BIN ABDUL AZIZ uu haysto ay ugu yeerto ducaada xaqqa ee
dalkaa iyadoo mar mar na ay dhacdo inay ugu yeeraan argagixisada , ujeedada
wasaarada ayaa ah in dagaal ay ku qaadaan mucaaradka ka soo horjeeda
qoyskooda & danaha reer galbeedka walow RECORD xun uu ka yaalo wadamada reer
galbeedka ayay wax ay qancin ka raadshaan mar walba reer galbeedk iyagoo
sheega ama ku faana inay la dagaalamaan kooxo mayal adag oo lid ku ah danaha
maraykanka & reer galbeedka kale walow taas ay reer marya dheer ay guul
daraysateen
Ogaadana in dalkaan uu kow ka ahaa
duulaankii gardarada ahaa ee lagu qaaday dalka Ciraaq 2003 ee uu horboodayay
maraykanku si shacbiga reer ciraaq la isaga horkeena loona qabsado saliida
ciraaq si markaasna loo damaanada qaado nabad galiyada yuhuuda maadama
hanjabaad badan & cabsi badan ay yuhuudu ka qabeen madaxwaynaha reer ciraaq
ee SADDAAM HUSIEN.
Sucuudiga oo dawlada islaam ku sheeg ah
waxa ay u muuqatay inaysan ka qaybgalayn dagaalkan kadib markii ay caalamka
u sheegtay in aan loo baahnayan in maraykanku adeegsado xoog si uu u rido
xukuumada shacabka ciraaq ee uu hogaaminaya SADDAAM HUSEIN in kasta oo
aduunka kale loo sheegay in aan sucuudiga dagaal garab siinayn maraykanka &
acwaantiisa ayaa haddana waxa uu siiyay garoomo diyaaradeed dakadaha ay
adeegsanayeen saanad & hub iyagoo waa qoyska reer boqore maraykanka ka
gargaaray qabsashadii & burburintii magaalada FALLUUJA ee kal hore la
burburiyay taas oo ka dhigan inay ka qayb qaateen dagaalada ciraaq & la
safnaa haddana la safan gaalada kana soo horjeeda dhalinyarada reer ciraaq
ee maraykanka ka xoraynaya dalka ciraaq
Qofna kama qarsoono cadaalada darida ka
jirta dalka sucuudiga haddii ay ahaan lahayd dadka u dhashay dhulka ee
sucuudiyaanka ah & ajaanibta xoogsatada ee ka soo haajiray wadamada faqiirka
ee AFRICA & ASIA waxaa kaloo dad cumaal ah ay ka yimaadaan wadamda reer
galbeedka kuwaas oo si aad ah loo ilaaliyo xuquuqdoodana la dhawro halka
kuwa ka soo xoogsi tagay wadamada islaamka ah ee waqooyiga afrika , bariga
afrika lagu tunto xuquudooda oo aan la siin xaqii shaqadooda haddii ay ka
hadlaan lagula degdego in loo tarxiilo dalkii ay ka yimaadeen amaba xukun
degdeg ah oo qoor gooyo lagula degdego iyadoon wax lagu dilayaa ay tahay
dhulmi & in xaqiisa la duudsiyo
Ugu dambayntii waxaan shacabka soomaaliyeed
u soo jeedin lahaa in la midoobo si wadajir ah u dhisano dowlada
soomaaliyeed oo muhiim u ah ogaanta dadkeeda haadu banaanka ku dal dalanayso
meel kastna daadsan si markaas xuquuqdeena aan u raadsano si wadajir ahna
uga hortagno cadowgeena kuwa ku soo gabanaya diinta islaamka ee garab marsan
, xukuumadaha gaalada ee dariskeena & kuwa dabadhilifka u ah ee amxaaradu
wadato ee ay ugu horeeyaan Madaxwayne ku sheega Abdullahi yuusf "GABOWE" &
Raisul wasaare ku sheega ALI MAXMED "GEEDOW "
Waxaa tacsi balaaran gaariinayaa dhamaan
umadda soomaaliyeed & eheladdii ay ka geeriyoodeen wiilasha 6 ah ee sida
shareecada islaamka ka baxsan loogu laayay dalkaas SUCUUDIGA ay mas,uul ka
yihiin nidaamka MUJRIMIINTA ah ee MAAFIYADA AH kana soo horjeeda shareecada
islaamka & qawaaniinta caalamiga ah !
Waxaa Qoray iskuna soo duba riday.
Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi
ahmedpo@hotmail.com
Oslo Norway
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga kusaxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com