SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
Booliska Britain oo ka digaya Khatarta Gudniinka Gabdhaha Soomaaliyeed.
 
Ridwaan Xaaji C/wali
2.4.2005, London.
ridwanhaji@yahoo.com
 
Waxaa laga soo saaray dalkan Britain sharci cusub oo la xiriira gudniinka gabdhaha FEMALE GENTAL MUTILATION (CIRCUMCISION)  oo kuseeya dhamaan dadyawga kala kala gadisan ee ku dhaqan dalkan britain, taasi oo ah in aan la ogolayn in gabdhaha ku nool dalkan Britain aan lagu gudi karin dalka gudihiisa iyo dibadiisa sida lagu soo bandhigay shir wayn oo shalay ka dhacay Magaalada london oo ay ka soo qayb galeen Madax ka tirsan Booliska dalkan Britain gaar ahaan kuwa qaabilsan ka hortagga xad gudubyada Caruurta.
 

Shirkaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Ururo Soomaaliyeed oo ka hawlgala dalkan waxaa looga danlahaa in lagu baraarujiyo Soomaalida ku dhaqan dalkan sharcigan cusub oo dhigaya in cidii jabisa sharcigan uu mutaysanayo 14 sano oo xarig ah (14 years of imprisonment) , waxaana Caroline Hamilton oo kamid ah Booliska ka hortaga Xadgubyada Caruurta Waraysi aan la yeeshay ay ku sheegtay in ay uga digayso waalidiinta gudniinka Gabdhaha.
 
Mar aan waydiiyay in ay jiraan dhibaatooyin kale oo ay Boolisku ka tabanayaan Soomaalida waxaa ay tiri''' Waxaa kaliya oo aan ka warhaynaa in Waalidiinta Soomaalidu ay dilaan ama Gacan qaad u gaystaan Caruurtooda oo sidaasi daraadeed waxaan leenahay arintaasi haka feejignaadaan inkasta oo ay jecelyihiin Caruurtooda oo aan ka war hayno'''
 
Waxaana intaasi ay ku dartay in ay jiraan Mas'uuliyiin lala kaashanayo sidii loo heli lahaa dadka ku xadgudba sharcigan cusub iyadoo lala kaashanayo Dhakhaatiirta, Macalimiinta iyo Soomaali kala shaqayn doonta Booliska arintan.
 
Sharcigan waxaa lagu fulinayaa qof kasta oo isku daya in uu Gudniin ku sameeyo Gabdhaha noocuu doono ha ahaadee (Sunni ama Fircooni) oo sharcigu uu si siman ugu xukumayo 14 sano oo xarig ah, waxaana arintaasi ay Britain u aragtaa Xadgudub Xuquuqda Bani'aadmka iyo Caafimaad daro.
 
Dr. Faadumo Xuseen oo ah Haweenay Caafimaadka ka shaqaysa waxaa ay sheegtay in dhibaatooyin Gudniinka Fircooniga ah uusan dhamaad lahayn oo Caafimaad daro ay la kulmaan Gabdha inta aan la guursan ilaa xiliga guurka, waxaana ay ugu baaqday Soomaalida in laga tago caadadan oo aan ku salaysayn.
 
Qaar kamid ah Madhabta Islaamka waxaa ay qabaan in laga maarmi karo Gudniinka noocyadiisa kala duwan oo aysan wax dhibaata ah lahayn, waxaana inta badan ay ku talinayaan Culimadu in mar hadii sharciga dalkan uusan ogolayn oo diintuna aysan ku qasbayn qofka in uu Gabadhiisa Gudniin Fircooni ah ku sameeyo uu ka maarmi karo.
 
Saciid Cabdi Waaxid oo kamid ah Mas'uuliyiinta soo qaban qaabiyay kulankaasi ayaa isna sheegay in Soomaalida Dalkan ay la gudboon tahay in ay dhowraan sharcigaasi oo ah ayuu yiri mid dhibaato u keeni kara qofka mar hadii uu ku mutaysanayo 14 sano oo xarig ah, waxaa kaloo uu intaasi ku daray in ay ka shaqayndoonaan sidii Soomaalida dalkan loogu wargalin lahaa waxyaabaha khuseeya.
 
Maryan Mursal oo kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed oo iyaduna ka soo qaybgashay shirkaasi ayaa waxaa ay ku tilmaantay Gudniinka Fircooniga ah in uu yahay dhibaato loo gaystay inta badan dumarka Soomaaliyeed oo ay mudantahay in laga tago wixii hadda ka danbeeya. waxaa kaloo ay si wayn u muujisay wal walkeeda ku aadan dhibaatada guud ahaan haysata Dalka Soomaaliya.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD