Fariin ku socota shacbiga Reer
Djibouti
Qeybtii..1aad
Geelle: Wuxuu Mudnaa in la siiyo Billadda Nabadda
Adduunka .(Nopel Peace Prices)
- Waxa qorey; Xasan Maxamed Xaaji ( Duusoos).
Telka;00254723912472.Nairobi/Kenya
Madaxweynaha Jibuoti Ismaaciil Cuimar Geelle ayaa ku
tilmaamay in doodad ku saabsan in ciidamo la keenno iyo
in kale ay tahay wax dadka Soomaaliyeed waqtiga looga
luminaayo.
Waxaa haboon inaynu dib u jaleecno,tariikhda facaweyn
ee ummadda reer jibuoti, dhaqanka, dhaqaalaha iyo
habka farsugyada bulshada ay ku ebyaan arimahooda.
Jibuoti waxaa la oranjiray faranceSomaliland,ama
dhulka Farance ee Afar iyo Issas.
Tirada reer Jibuoti waxaa lagu qiyaasay tirakoob la
sameeyay 60% ay yihiin Soomali,35% Afar-15% ay
yihiin Carab iyo Farance.
Dadka reer jibuoti Somali ama afar midkuu doono ha
noqdee waa bulsho ku dhagan dhaqanka iyo
caadooyinka,oo ixtiraama aad u wey u hayaan
dhaqankooda,xeerka iyo axwaasha dadka oo ku qotonta
isqadarin,xushmad,taas oo kolsooni wey ku abuurtay
bulshooyinkaas..
Taariikhda iyo ka hadalkeedu yaan waxba ku dheeraan
ee dulcda maqaalkeena aynu uga goleenahay in aynu ku
cabirno 28 sanna ee ay jirtay Jamhuuriyadda Jibuoti
waxyaabihii u qabsoomay intii ay hogaaminaayeen
madaxweynayaasha Al- xaaji Xasan Guuleed Abtidoon.
Iyo Ismaaciil Cumar Geelle.
Wuxuu qoraalkii hore i noo joogtay murankii u
dhaxeeyay Dowladda jibuoti iyo maamulka waqooyi
galbeed oo la xaliyay Khilaafkii ka dhashay shirka dib
u heshiisiinta oo gaaray in xataa u gudbo dhinaca
Ganacsiga iyadoo Horgeysa lagu gubey badeeco sigaar
iyo alaabo kale ee uu lahaa Ganacsade reer jibuoti oo
la yiraahdo Cabdiraxmaan boore.
Waxaa dalka jibuoti lagu qabtay shir ay ka qeybgaleen
lixdan aqoonyahan oo Soomali ah iyo goob
joogayaal,laguna falaanqeynaayay dib u heshiisiinta
iyo sida ugu wanaagsan ee loo dhisikaro Dowlad qaran .
Waxaa taas xigay shirir kale duwan oo rugcadaaga
siyaasadeed iyo Ganacsatada soomaaliyeed ay ku
eegayaan qoraaladii aqoonyahanka kuna biirinaayaan
aragtidooda Siyaasadeed ee ku wajahan dib u
heshiisiinta soomaalida.
Kolkii lagu jiray qabanqaabada shirkii dib u
heshiisiinta Carta,waxay dowladda jibuoti ay goboladda
dalka soomaaliya ku kale diray ,wafuud,si ay kulamo
ula yeeshaan dadka Soomaaliyeed.waxay tageen gobolada
.Muqdishu,Hiiraan.Bey.Garowe iyo meelo kale,siiba
meelaha qaar waxay geeyeen daawooyin ka lagula tacaalo
shubanka oo ka jiray halkaas,sida Hiiraan.
2 bishii may 2000 waxaa tuulada carta ee dalka jibuoti
ka furmay shirkii odayaal dhaqameedyada
soomaaliyeed,kaas oo saldhig u dhigay shirkii dib u
heshiisiinta qoran ee loo fadhiyay mudada lixda
bilood halkaas,oo ay ka qeyb galeen2500-3000 ergooyin
iyo ka qabeyb galayaal soomaaliyeed.
Shirkaas waxa ka soo baxday dowlad KMG oo uu
Madaxweyne loogu doortay mudane Cabdiqaasin Salad
Xasan.waxaa la ilaabikarin doorkii lixaadka lahaa ee
shacbiga reer jibuoti u taabo geliyeen shirkaas,waxaa
marqaati madoonto ah in sidii ansaartu u soo
dhaweeyeen Mujaahiriinta in ay reer Jibuotina ay u soo
dhaweeyeen ergooyinkii iyo ka qeybgalayaasha
shirkaas.waxay uga baxeen aqaladoodu raaxada iyo
nasashada xilliyada kuleelaha ee ku yiil dusha buurta
owliyeed ee Carta.
Waxaa dalka Jibuoti martigiliyay sanadkii 2003
aqoonyahano ku xeel dheer Afka si ay u smeeyaan
eraybixin soomali ah,iyadoo aan la qaban intii ka
danbeysay sannadkii 1972 qoraalkii afka soomaaliga
kadib.
Isla sannadkaas waxay Jibuoti qabanqaabisay shirkii
Hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed,kaas oo ku
soo beegmay shirkii Uruka PEN , madaxweynuhu waxa uu
is tusay baahida weyn ee ummmadda u qabto hurumarinta
Af-kooda hooyo.taas oo noqondoonto taariikh dhaxalgal
ah oo la xusuusandoono.
Dowladda Jibuoti oo uu hogaaminaayo xisbiga talada
dalkaas hayo RPP iyo shacbigooda marnaba kama
caajisaan is barbartaaga ummadda Soomaaliyeed tan iyo
kolkii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Maalmulka Jibuoti door lixaad leh ayay ka qaateen
shirka dib u heshiisiinta qaran ee mudada labada sanno
iyo dheeraad uga socday, loo fadhiyay Mpgath dalka
Kenya.
Jibuoti waxay shirkaas la
socodkiisa,hagaajintiisa,aar”a ku biirintiisa,isku
soo jiid jiidka siyaasadaha isdiidan ee ka
qeybgalayaasha shirka u xilsaaratay ,wasiirkeeda
arrimaha dibadda mudane Cali Abdi Faarax,waxay kaloo
dowladda Jibuoti Soomaaliya u soo magacowday danjire
fadhigiisu ahaa Magaalada Muqdishu tan iyo kolkii
waraaqihiisa aqoosiga danjironimo u gudbiyay Cabdi
qaasim Salaad Xasan
Wasiirka arrimaha dibadda Cali Cabdi Faarax,waxa uu
xil ka saaray sidii loo bad baadinlahaa shirka kolkii
ay shirku ka baxeen TNG iyo golaha
samatabixinta,shirkuna uu ku sigtay in uu
burbro,markuu muddo cakiran ayaa waxaa leysugu tagay
shir madaxeedkii IGAD ee Yugaadha lagu qatay
sannadkii 2003.warbixintii Jibuoti ay ka jeedisay
halkaas ayaa noqotay mid loo riyaaqo oo wax weyn ka
bedashay rajadii shirka.
Shir madaxeedkii Kambala waxa uu ahaa mid dardar lagu
gelinaayay shirkii fadhiidka noqday Kenya.waxaana la
guaansaday in dib u habeyn lagu sameeyo qodobadii
murunka dhaliyay ,leysuguna yimaado shirkii safari
park ee Magaalada Nairobi.
Intii uu socday shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya
ee Kenya,waxaa dalka Jibuoti ku kulmay Ganacsatada
soomaaliyeed ,oo halkaas ku balanqaaday in ay la
qashaqeynayaan dowladda halkaas ka soo
baxda.,wajigiisa labaad waxaa lagu qatay ,magaalada
Nairobi.
Markii lagu calaamadeeyay dalka soomaaliya liiska
argagixisadda ,ee la shaaciyay in ay xarumo lagu
tababaro ciidamo ku leeyihiin soomaaliya.
Madaxweynaha Jibuoti waxa uu adduunku u sheegay in aan
arrintaas lagu dagdagin ,loo fiirsado inta aan lagu
dhaqaaqin howl gal,iyadoo aan lagu kalsoonaan Karin
ilaha wararkaas laga helay,oo uu warkaas yahay warar
siyaasadeed.
Waa socotaa.
Waxa qorey; Xasan Maxamed Xaaji ( Duusoos).
Telka;00254723912472.Nairobi/Kenya