SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

TACSI: Islaan Muxammed Islaan Muse

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN 

 
Anagoo ah qoyska reer Aw-Cismaan Maxamed Xaaji Cali (majeerteen), waxaana tacsi walaaltinimo, tolnimo iyo Islaamnimo u diraynaa dhamaan Reer Nugaaleed , gaar ahaana qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Islaan Muxammed Islaan Muse.   Geeridu waa xaq, waxaana inoo banaan inaynu niraahno, Ilaahoow adigaa na unkay, nana leh, adiga ayaanuna xagaaga u soo noqonaynaa.
 
Marka cidkasta oo Allah oofsado, waa cid gacan fiican gashay, waana aayad Alle oo in lagu qanco ay tahay, marka waxaanu leenahay Ilaahay Samar iyo iimaan ha inaka siiyo Islaan Muxamed isagana Janadii fardowsha iyo danbi dhaaf eebe aynu u rajayno oo Allah uga barino.
 
Islaan Muxamed Wuxuu ka wada dhintay reer Puntland, gaar ahaana reer Nugaaleed.  Isaga iyo dhamaan isimada iyo nabadoonada dhawaanahan ku geeriyooday (sida Nabadoon Caydaruus) waxaanu eebe uga baryaynaa towfiiq, danbid dhaaf, naxariis iyo inuu waafajiyo qowlka thaabitka ah (Ashhadu anlaa Ilaaha Ilalaah, Wa Ash-hadu Ana Muxamada Rasuulu Laah), maxaa jeelay eraygaani waa furaha towfiiqda iyo jannada.  Inaga iyo intii aduunka saarana inooga daba naxariisto.  Aamiin.... 
 
Baashe:  Abdulahi Maxamuud Aw-Cismaan,   Abu-Dhabi,UAE
Aabe: Xassan Aw-Cismaan                          Garoowe
Aabe: Ismaaciil Aw-Cismaan                        Garaowe
Hooyo: Xaliimo Aw-Cismaan                        Garoowe
Hooyo: Maryama Aw-Cismaan                     Garoowe
Dr. Cismaan Maxamuud Aw-Cismaan,            Garoowe
Sheikh: Axmed Maxamuud Aw-Cismaan,       Garoowe
Dr. Maxamed Xassan Aw-Cismaan,               Minneapolis, USA
Dr. Ali Xassan Aw-Cismaan,                         Garoowe
Maxmuud Ismaaciil Aw-Cismaan                   Garoowe
Aidaruus Maxamuud Aw-Cismaan                 USA
Eng. Mursal Maxamuud Aw-Cismaan             USA
Naaleeye Maxamuud Aw-Cismaan                Thailland
Dr. Cali Maxamuud Aw-Cismaan                   UK
Yusuf Maxamuud Aw-Cismaan                     Qatar
Fadumo Ummad                                       USA
Hooyo: Shahmad Axmed Xalwo                  USA
Xaliimo Maxamuud Aw-Cismaan                   UK
Xalwo Xassan Aw-Cismaan                         USA
Nasro Abdullule Gaashaan                          USA
Farah Maxamuud Aw-Cismaan                     Canada   
 
Farah M. Aw-Osman
Ottawa, Canada
 

Islaan Maxamed Islaan Muuse oo xalay ku geeriyooday Garoowe

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed Ayaa Tacsi u diray Alla u naxariistee Islaan Maxamed Islaan Muuse oo xalay ku geeriyooday Garoowe Allana  uga baryay in Janadiisa Fardoowso ka waraabiyo

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed,ayaa isaga oo ka hadlay maanta Xarunta Madaxtooyada ku meelgaarka ah ee Nairobi Tacsi Tiiraanyo badan u diray Eheladii iyo Qaraabadii Alaha u naxariistee  Islaan Maxamed Islaan Muusse oo Xalay ku geeriyooday Magaalada Garoowe. 

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa u tacsidiisa ku yiri waxaan umada Soomaaliyeed iyo Isimadaba uga tacsiyadaynayaa Geerada naxdinte leh eek u Timid Islaan Maxamed Islaan Muusse, 

Madaxwayne Yusuf waxa aan alla ugu Baryayaa in alle ka waraabiyo Janadiisa Islaan Maxamed Islaan Musse Dadkii Eheladii iyo Dhamaan shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo, 

Sidoo kale waxaa Tacsi gaarsiiyay Umada Soomaaliyeed iyo dhamaan Qaraabadii iyo Ehelkii Islaan Maxamed Islaan Muusse, Marwada Koowaad ee Soomaaliye Marwo Xaawo Cabdi Samatar Rabina uga Barisay in Janadiisa Fardoowso Galiyo Islaan Maxamed Islaan Muuse, 

Waxaa kaloo Tacsi Tiiraanyo badan u diraya Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Islaan Maxamed Islaan Muusse Axmed Cabdulaahi Yuusuf, Xasan Abshir Faarax Maxamed Cawil, Cabdi Casiis Faarax Dhagawayne, Xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, 

Alla u naxariistee Islaan Maxamed Islaan Muusse waxa uu Tiir adag u ahaa Salaadiinta Waqooyiga Bari ee Soomaaliya iyadoo lagu Xasuusto Qaybtii uu ku lahaa Dhisida Maamul Hoosaadka Puntuland Islaan Maxamed Islaan Muusse waxa uu ahaa nin Alle ka cabsi badan Cibaado badan deeqsi ah laguna yaqaano Nabad ka shaqayn Alaha u naxariisto Amiin

Waraysi: Cusmaan Caato
Waraysi dheer oo Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan oo ka tirsan IQRA uu la yeeshay Cusmaan Caato ayaa... Guji..

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2005


Bom Lagu Qarxiyey Muqdisho::
Ugu Yaraan labo Qof ayaa kudhintay & lix dhaawac ah..
Kismaayo Hal qof ayaa dhintay, hal dhaawac ah...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

WARBAAHINTA ADDUUNKU WAXAY KA QOREEN SOOMAALIYA

Wafdi ka socda DFKMG ah oo booqanaya Jowhar iyo Baladwayne
iyo Xaflad ay ardeyda Soomaaliyeed ku qabteen magaalada Karachi ee waddanka Pakistan ka akhri halkan... Guji... Feb 16

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD