SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Dood kulul oo ka dhex taagan Golaha wasiirada kuna aadan Qaabkii Soomaaliya Nabad galyo loogu soo dabaali lahaa. 

Xiisadan kulul ee ka dhex taagan gollaha wasiirada ayaa ka dhalatay kadib markii Wasiirka koowaad  Cali Maxamad geddi uu magacaabay sadax guddiyo uu ka mid ahaa kan nabad galyada soona qiimeeya sida somaliya gaar ahaan caasimada ay kutagi lahayd dowladda FKMG ah, Guddigii loo xilsaaray nabad galyada waxaa ka mid ahaa wasiirka Amniga oo soo saaray qoraal dheer oo uu kaga warbixinayay shaqada hortaala wasaaradiisa ee wax ka qabashada Nabad galyada Somaliya waxa uuna ku sheegay qoraal dheer in ciidamo ajnabi la’aantood aysan dowladani shaqayn karin waxa uuna xusay in hubka somaliya yaala aan la aruurin karin waxaana jira ayuu yiri maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadanin ayna dhib badan tahay sida loogu guulasto hubkooda sidii looga qaadi lahaa sida uu hadalka u dhigay W/Amniga Qaranka Maxmad Qanyar Afrax. 

Maxamad Qanyare Afrax oo qoraalkan ka jeedinayay Kulan ay lahaayeen Golaha wasiirada waxaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah Gollah wasiiradda oo sheegay in Somaliya aysan u baahnayn ciidamo shisheeye xiligan xalkuna uu ku imaan karro wadahadal iyo in meel dhexe la iskugu yimaado sidaasna hubka hal meel loogu aruuriyo,waxayna soo jeediyeen wasiiradaas in ay Dowladani tahay mid dib u heshiisiineed ee aysan ahayn mid milatari oo si xoog ah ku keenaysa xal,doodan ayaa keentay in Ra’iisulwasaare Geddi uu kala diro Gollaha wasiiradda isagoo dib u magacabay Guddi ka kooban 11 xubnood oo isaga shir gudoomiye u yahay si ay iskugu habeeyaan qorshayaashi ay soo bandhigeen sadaxdii guddi. 

Xoogga Buuqan ayaa ku salaysan dalabka ciidamo ka socda qaarada Afrika oo gacan ka siiya dowladda sidii ay ugu guulaysan lahayd in la helo ciidamo ajnabi oo dhexdhexaad ah,wasiiradda qaarkood ayaa qaba in hogaamiyaayashi isa soo dagaalay aysan wali ku dhex jirin kalsooni ay iskugu wareejiyaan hubka ay haystaan,waxaana wali muuqata in aan lagu guulaysan dib u heshiin buuxda oo dhex marta hogaamiyaasha siyaasadeed ee madaxda ka ahaa dagaaladii soomaaliya ka dhacayay waxii labaatankii sano ee la soo dhaafay. 

Somali Prime Minister Ali Mohamed GhediRa'iisul wasaaraha Cali Mamaxad Geddi mar uu waramayay TV iyo Idaacad lahadasha Muqdisho Waxa uu xusay in Dowladda FDKMG ah aysan barnaamijkeeda ay hadda wado ugu jirin ciidamo ka howl gala dalka soomaaliya si ay hubka u aruuriyaan waxa uuna intaas ku daray Geddi in ciidamada dalka ku sugan ay yihiin kuwo dabooli kara baahida looga baahan yahay ciidamo ajnabi ah oo dalka yimaada. 

Somali President Abdullahi Yusuf AhmedWarar Xog-ogaal ah ayaa sheegayay in Madaxweynaha Dowlada FKMG ah iyo Ra’iisul wasaare Cali maxmad Geddi ay arrintan iskaga hor yimaadeen ku saabsan baahida ciidan ee dowladdu qabto, Madaxweye C/llaahi yuusuf waxa uu qabaa in ciidan la'aantiis aysan dowladda KMG ahi talaabo qaadi karin waxa uuna sheegay in maliishadka is dilay aysan lahayn kalsooni ay hubkooda iskugu wareejiyaan mana ahan mid uu sinaba u yeelayo in dowladdu ay ka howlgasho somaliya iyadoo ka fara maran ciidan afrikaan ah.
 
Shirkan uu haatan ka qayb galayo Madaxweynaha ayaa la filayaa in laga soo saaro go'aamo ku aadan sida Afrika ay uga qayb qaadan karto sidii dowladda FKMG ah loogu dhiiri galin lahaa nabad in ay ku soo dabaasho dalka soomaaliya Madaxweynuhuna uu marka ka dalban doono ciidamo.
 
Laakiin hadii loo ogolaado lama oga waxa ay ka yeeli doonaan hogaamiyaal siyaasadeedyo hadda ka biya diidsan ciidan la geeyo somaliya waxaana la sugayaa waxa Gollaha wasiiradda ka soo baxa kulamooda ugu horeeya maalmaha soo socda.
 
Magaalada mogadisho oo ay baryahaan ka dhacayeen dilal loo gaysanayo saraakisiishi ciidanka kala duwan ayaa qaar badan oo ka mid ah baarlamaanka iyo wasiirada ku abuurtay,halka qaarkoodna ay qabaan wax aan loo rafaadin inaan laga salgaarin ee ay tahay in dalka la tago lana ogaado halka uu ka jiro dhibka waxayna ku waramayaan hogamiyaasha ka soo jeedda mogadisho qaarkood in arrintani aysan walwal badan ku abuuri doonin dowladda oo ay ka dagi doonto caasimada waxna ka qaban doonto amniga iyo kala dambaynat Shacabka.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com
canabmumtaz@hotmail.com | Feb 1, 2005

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2005


"Qaadkii" oo Ku yaraaday Kismaayo
» Kismaayo: Cashuur Dheeraad oo lagu Soo rogey Qaadka
» Labo qof  oo habeen hore lagu dhaawacay kismaayo
» Beesha Gabooyaha oo Mar Labaad Ka Qaday Dawlada PL
» Beesha Tanade oo Warqad Furan u Diray Gen. Cadde
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 30

Co.Barre Hiiraale: "Waan Xariirnay Moorgan Lakiin..."
»Barre Hiiraale oo Waraysi siiyeyey Somalitalk
»Wasiirka A/Dibadda oo wareysi siiyey Sharq-Alwsat
»Kulankii Golaha Wasiirada ee Maanta
Wararka oo dhan halkan ka akhri... GUJI... Jan 26

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD