SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wafdi uu Hogaaminayo wasiirka badda iyo kaluumaysiga dowladda FKMG ah oo bari sahan ugu baxaya gobolada puntland. 

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Kenya
canabmumtaz@yahoo.com Feb 21, 2005

Wafdigan oo ka kooban sideed xubnood waxaa horkacaya wasiirka badda iyo kaluumaysiga Xasan Abshir Faarax waxa ayna ka dagi doonaan magaalada Garoowe oo ah magaala madaxda puntland Xubahan wafdigan oo kala ah. 

  • Wasiirka badda iyo kayraadka.Xasab Abshir Faarax.
  • Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaalid Cumar Cali.
  • Deeqa Col u Joog Wasiir ku xigeenka Iskaashiga Gobolada.
  • Mire Xaaji Faarax Wasiir ku xigeenka lacagta.
  • Maxamad Axmad Kulan wasiir ku xigeenka Dastuurka iyo arimaha Federaalka.iyo
  • Saciid Maxamuud…..Wasiir ku xigeenka horumarinta reer miyiga.

Wasiirka ka mid ah wafdigan oo lagu magaabo Khaalid Cumar Cali ahna wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda FKMG ah ayaa ii sheegay in wafdigan uu yahay mid sahan ah kana mid ah wafdiyadda ay dowladdu u dirayso gobolada dalka oo dhan si ay usoo qiimeeyaan xaalada ka jirya goobahaas ee nabad galyo. 

Wafdigan waxaa kale oo ay u baxayaan ayuu intaas ku daray wasiirka in ay u tacsiyeen intii uu ka tagay islaankii(suldaankii Allaha u Naxariisto) ee dhawaan ku geeriyooday halkaasi iyo beesha uu ka tagayba. 

Wafdiga inta ay halkaasi joogaan waxa ay kula kulmi doonaan Madaxda maamulkaas iyagoo u bandhigi doona barnaamijyadda dowladda ee ku saabsan ka sidii loo heli lahaa amaan iyo nabad galyo si dowladda ay ugu fududaato fulinta qorshaheeda shanta sano. 

Wafdigani waxa ay booqan doonaan inta ay halkaasi joogaan meelo badan oo ka mid ah gobolada gaalkacyo,garoowe,boosaaso iyo meelo kale oo ay mid tahay xadka qaybiya labada maamul iyo ee Puntland iyo Somaliland. 

Sahanka wafdigan ayaa qaadan doona mudo todobaad ah kadibna waxa ay dib ugu soo laaban doonaan magaaladda Nairobi.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Kenya
canabmumtaz@yahoo.com

Faafin SomaliTalk.com | Feb 21, 2005


Hay'adda 'HAPA' oo Kadigtey Ciidamo Lageeyo Soomaaliya
Hay'adda Nabad Raadiyaasha Geeska Afrika ayaa sheegtay in ciidamo la geeyo somaliya ay .... Guji... Feb 20

Waftiga Baarlamaanka FKMG oo Booqday Vatican-ka ee Rooma
oo ah xarunta looga taliyo Masiixiyadda, waxaana waftiga halkaas booqday hogaaminayey... Guji... Feb 19

Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ku geeriyooday Garoowe
Waxaana tacsi u diray madaxweynaha DFKM iyo... Guji Feb 18

Waraysi: Cusmaan Caato
Waraysi dheer oo
Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan oo ka tirsan IQRA uu la yeeshay Cusmaan Caato ayaa... Guji.. Feb 18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD