SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waxaa maanta si rasmi ah oga bilowday magaalada kismaayo qaybinta deeq raashin ah ay bixisay hay'ada "world Concern" oo loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay musiibadii tsunami 

SomaliTalk | Kismaayo | Feb 22, 2005


Raashinka la qaybinayo

Waxaa maanta si rasmi ah oga bilowday xeryaha qaxootiga ee magaalada kismaayo qaybinta raashin mucaawino ah oo loogu tala galay dadkii ku wax yeeloobay musiibadaii badgariirka ee ku dhuftay xeebaha gobolkan jubada xoose iyo meelo badan oo caalamka ka mid ah ayadoo ay raashinkan qaybinayeen hay'ada afrek ee magaalada kimaayo oo ayada kala wareegtay hay adii keentay raashinkan oo ahayed hay ada world concern,

Bille cabdule cabdi oo ka mid ah ragii gudiga ahaa ee uu maamulka dagmada u xilsaaray  qaybinta mucaawindan ayaa waxa uu war baahinta u sheegay in raashinkan mucaawinada ah ay gaarsiin doonaan ilaa 35 xerro qaxooti oo ku yaala gudaha magaalada kismaayo iyo nawaaxegeeda asagoo tibaaxay in ay mucaawinadan isugu jirto raashinka kala ah bariis sonkor saliid digir boorash iyo waliba qalab kale oo ah jerigaamo joodariyo iyo macuun yar ayadoo uu sheegay bille cabdule cabdi in mucaawinadan ay tahay wajigii kowaad oo wax lagu siinayo dadka qaxootiyada ah ee ku dhaqan magaalada kismaayo ayadoo ay hartay sida uu sheegay wajigii labaad ee mucaawinda kaasoo lasiin doono dadkii ay  qalabka iyo hantida oga burburtay xeebaha gobolka jubbada hoose qalabkan lasiin doono dadka qasaaraha uu ka soo gaaray xeebaha gobolkan ayaa waxaa ka mid ah shabaagaha kaluumaysiga baroosimyaal iyo xargo iyo waliba alwaaxda laga sameeyo ddnyaha, 

Hadaba qaybinta mucaawinadan ayaa waxay timi kadib markii maalinimadii shalay ahayd uu gudoomiyaha isbahasiga dooxada jubba  xildhibaan barre aadan shire (bare hiiraale) uu ku baaqay in la qaybiyo raashinkan kadib markii muran iyo isqabqabsi xoogani uu ka dhex aloosmay ururada maxaliga ah ee ka jira magaalada kismaayo  balse uu hada sheegay bille in arintii la xaliyay isla markaana  hada ay toos u socoto howsha mucaawinada aydoo la arkayay baabuurta waaweyn  oo ay istaaf u yahiin baabuur tikniko ah oo uu leeyahay maamulka isbahaysiga dooxada juba oo la sheegay in amaanka ay sugayaan la arkayay manta ayaga oo daabulaya raashinkaasi ilsa markaana gaarsiinayay xeryaha qaxootiyada ee magaalada

Si kastooy ahaataba waa markii ugu horaysay oo raashin deeq ah la gaarsiiyay dadyowgii ku tabaaloobay musibadii bad gariirka ahayed ee tsunami iyo dadka qaxootiga ah ee ku dacdaraysan gobolkan jubbada hoose ayadoo la filayo in ay sii socon doonto qaybinta mucaawinda 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin SomaliTalk.com | Feb 22, 2005


Hay'adda 'HAPA' oo Kadigtey Ciidamo Lageeyo Soomaaliya
Hay'adda Nabad Raadiyaasha Geeska Afrika ayaa sheegtay in ciidamo la geeyo somaliya ay .... Guji... Feb 20

Waftiga Baarlamaanka FKMG oo Booqday Vatican-ka ee Rooma
oo ah xarunta looga taliyo Masiixiyadda, waxaana waftiga halkaas booqday hogaaminayey... Guji... Feb 19

Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ku geeriyooday Garoowe
Waxaana tacsi u diray madaxweynaha DFKM iyo... Guji Feb 18

Waraysi: Cusmaan Caato
Waraysi dheer oo
Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan oo ka tirsan IQRA uu la yeeshay Cusmaan Caato ayaa... Guji.. Feb 18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD