SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya. 

Asad Caddaani Ibraahim
Laascaanood Somaliya
assadlaska@yahoo.com


Sida aynu ognahay Soomaaliya waxay dawlad La’aan Ahayd Muddo dhan Shan iyo Toban Sanno  oo xidhiidh ah, waxayna mugdiga ku soo kacaa ku faysay muddo iyana ku siman toban sanno bur burka ka hor, waxaana intaas oo dhan jiray marxalado kala duwan oo ay soo mareen bulshada Soomaaliyeed,Dagaalo sokeeye, Gaajo ay u ledeen ama u dhamaadeen 350 kun oo qof, ayna ugu darnayd sannadii1992kii. 

Xilligaas oo is caydhsigii Caydiid Iyo Siyaad, uu keenay in Baydhabo laysla jiidhay loona bixiyey magaaladii dhimashada, taas oo markhaati cad u noqotay bahal nimada Soomaali dhexdeed halka uu gaadhay, taariikhda aduunkana gashay. 

Waxaa kale oo intaas u dheeraa jiritaankii Soomaaliya oo  hawada u baxay, taas oo keentay in uu maamuuskii qaran lahaa uu masaxmo iyana ay keentay in Soomaalidii Karaamadeedii ,jiritaakeedii iyo dad nnimadeediiba u lumay. 

Waxaa maanta la hadal hayaa in Ciidamo la kiino, soo celiya nidaamkii iyo kala danbayntii, iyada oo laga dhaxlay shirarkii hore ee marka laysku afgarto in maamulka la dhaqaajiyo ba ay soo baxayeen kuwo laba masfac iyo hal suug, wata oo  gaadhaan gegida diyaaradaha , dekada , iyo goobaha dadku ku badan yihiin dabadeedna la beegsada oo maalinba meel weerar ku qaada, dhiciseeyana maamulkasta oo la soo dhiso sida , Kii Cali Mahdi, iyo C/qaasim oo tusaale inoogu filan. 

Iyada oo hadaba laga duulayo waayo aragnnimadaa hadii la yidhi ciidamo isku dhafan oo shisheeye hala keeno ilayn innagu is maqli weynaye maxaa ku jaban?. 

Waxaa iyana jirtay in ummadda Soomaaliyeed Beelaha Hawiye ee Muqdisho ku dhaqan u xayirnayd muddo dhan  15 sanno, taas oo Soomaali oo dhami lahayd noo taliya Laakiin ay xaaladoodu ku soo biyo shubatay. 

  • Soomaali:-  Reer Muqdishoow Noo Taliya.
  • Reer Muqdisho :-  Idiin Talin mayno,Tashanna mayno.
  • Soomaali:-    Aanu Idiin talino.
  • Reer Muqdisho:- Noo talin maysaan.
  • Soomaali:-         Aan Kal Tagno.
  • Reer Muqdisho:-   Kala Tagimayno.

Oo ay reer muqdisho Hor iyo dabadiid noqdeen, jeclaysteena in ay hantida sida fudud ku soo galaysa iska gurtaan, gegida diyaaradaha ee nin waliba mid iska yeeshay,badeecadaha cashuur la’aanta ku soo dega ee socda ilaa Afrikada Koonfureed, oo dhamaantood ah Hanti qaran, waa arrin aanay Soomaali u sii dulqaadanayn. 

Waxaa iyana isweydiin mudan walaalkay Fahad Yaasiin Kooxahan uu tilmaamayo ee Itixaad Al-Islaami, Salafiya Jadiid,Salafiya Qadiima, Al-Islaax, iyo kuwa kale ee iyaguna qarsoon miyaanay ahayn kuwo Fashilaad Siyaasadeed uu kaga habsaday Geeska afrika, oo ilaa iyo xilligan aan joogno aan laha hayn wax Faa’iido ah oo aan ka ahayn in ay shirkiyaadka la dagaalamaan, talaabooyinka kale ee ay qaadaanba ay noqdeen kuwo aan la mahadin, laga Soo bilaabo Saliid Ilaa iyo Luuq ,Baladxaawo iyo goobo kale oo tiro badan, maanta oo ay xaaladu marayso sidii Guuguulihii, oo ay ahayd Guuguuloow Gaabso Yaan Gaadh lagaa qabane , maxay Siyaasada Soomaaliya ka tari karaan aan ka ahayn in ay Isqarxiyaan sida kooxa aan la aqoon ee ismiidaamiya. 

Arrinta kale ee iyana la yaabka noqotay waxa weeye, Itoobiya maxaa iyada kaliya ciidamada looga tilmaamay , Soomaali dhexdeeda ayaa Itoobiyaanka iska xun, iyadii ayaa qarankeedii diiratay, oo maanta laba isku aragtiya aysan jirin, waxaadna moodaa walaal kay Fahad Yaasiin in uu Muqdisho uun aragtida Siyaasadeed ee laga qabo Ciidanka ay ku soo noq noqto maskaxdiisa , taas oo ay ugu wacan tahay xidhiidhka Gaarka ah ee uu mindhaa la leeyahay Muqdisho, waxaa haboonaan lahayd in uu Fahad Muusanowga ku yara daro xoogaa dheeli tir ah oo uu Fikrada Dadka ku dhaqan Puntland iyo Gobollada dhexe, Bay Iyo Bakoolna u tooga Hayo. 

Maanta Soomaali waxaad moodaa inteeda badani in ay Soo dhaweynayaan Kenida ciidamada shisheeye iyada oo aan Itoobiya si gaar ah Sumad loogu yeelin,laakiinse ay jiraan Koox muqdisho ku salaysan iyo qaybo ka mid ah warbaahinta Muqdisho oo aad ugu jibaysan toosh ku ifinta Ciidamada Shisheeye, waxaana haboon in Fahad uu ogaado in aanay Dadka Muqdisho ku nool ahayn Dad ku hadli kara Fikirka Bulshada Soomaaliyeed ee ay yihiin qayb ka mid ah. 

Ugu danbayntii anigu waxaan qabaa Ciidamada Shisheeye oo Soomaaliya La keenaa ama Itoobiya Ha ku jirto ama yaanay ku jirine, ay Dadka Soomaaliyeed ee qalbigooda uu ka dhintay waxa la yidhaahdo qarannimadu ay yeelanayaan wax mideeya, isla markaana ay soo yaraan karto kala qaybsanaantii hore u jiri jirtay. 

Hal Soo dhaweeyo ayaan qabaa Ciidamada Shisheeye, Itoobiyana waa run Cadow ayey inoo ahaan jirtay , laakiin hada mindiyaha aynu inagu isu qaadanay ee isku qudh goynay , ee aynu ilaa iyo maanta isu sidano ayaa ka soo soke maray, waxaan odhan lahaa reer muqdishoow in badan ayey gacan tiina ku jirtay badbaadinta qarannimada Soomaaliya , Maantana way ku jirtaaye hadaba sidii aad kaalintiina u gudan lahaydeen falowgeed qabta, wixii horena halla ilaawo. 

Fahadna waxaan ku odhan lahaa Ururadan Islaamiga ah ee aad Guubaabinaysidna , waxaan u malaynayaa in ay kaa Caqli Badan yihiin , Guuguulihiiyoow Hadaad Gu’ga U ooyeydid, Oo aad mooday inuu Kaligaa Gubayo Jiilaalku, Abaar Gaag mareebtaa dhacdiyo Gaatamoo kale,…………………… Gaagaabso Yaan Gaadh Lagaa qabane , ayey adeer ku jiraane cagta u dhig nimaankaas, mana aaminsani in ay maanta Soomaali xamali karto Kooxo hadana isa soo maqiiqa , is qarxin iyo fawdo kale. Intii hore inagu Filan. 

Asad Caddaani Ibraahim
Laascaanood Somaliya
assadlaska@yahoo.com

Faafin SomaliTalk.com | Feb 23, 2005

Muqdisho:- Soo Dhaweyntu Daacad Maka Tahay.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE
Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin..Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD