SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO

Wafdigii Xaqiiqo Raadinta oo ku sugan Gaalkacyo kualamana la yeeshay Madax ka tirsan Maamul G/PL

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mr. Maxamed Warsame Cabdule (Jabhad)

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga DGPL Mr. Siciid Qoorsheel

wasiirka xiriirka caalamiga iyo qorshaynta DGPL Dr. Cabdiraxmaan Faroole

Colonel Peter Marwa

Dr A. M. Kambudzi

General Cismaan Badmaceeye


xarunta gobolka oo loogu diyaar garoobayo soo dhowaynta xubnaha gudiga xaqiiqo raadinta

(Gaalkacyo Somalitalk) Waxaa Shalay oo ay Taariikhdu ahayd 21-02-2005 soo gaaray magaalada Galkacyo waftigii ka socday gudigii xaqiiqo raadinta ee isugu jiray AU, IGAD, League of Arab States, iyo Dowlada federaalka ee Soomaaliya ayagoo baryahan socdaalku marayay magaalooyinkamida Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Baydhabo, Jowhar, Baladwayne iyo Galkacyo.

Waftiga oo ka koobnaa sadex iyo toban xubnood ayaa Shalay si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Galkacyo waxaana kamidahaa madaxdii ku soo dhowaysay garoonka wasiirka xiriirka caalamiga DGPL Cabdirixmaan Maxamed Faroole, wasiirka Shaqada, Shaqaalaha iyo ciyaaraha DGPL Siciid Qoorsheel, Wasiir kuxigeenka ganacsiga iyo warshadaha DGPL C/laahi Maxamed, gudoomiyaha gobolka mudug Maxamed Warsame Jabhad, Duqa magaalada galkacyo Xuseen Jamac Yabaq, taliyaasha Daraawiishta, booliska , asluubta, ardayda dugsiyada hoose dhexe qaarka tirsan shacabka iyo madax kale oo farabadan. kadib soo dhowaynta waftiga ayaa kulmo ayyeesheen madaxda dowlda PL iyo xubnihii ka socday gudiga xaqiiqo raadinta, waxa uunaku saabsanaa shirkooda howlaha ay qabandoonaan maalinnimada Maanta waxa ayna kaga wadahadleen kulanka labada dhinac ay yeesheen ayna isku afgarteen in ay xubnaha dowlada PL ay tusi doonaan goobaha ciidamada oo isugu jira xarumahii hore iyo kuwa kale oo ay sameeyeen maamulka PL, waxaa kaloo Xalay ay kawada hadleen in ay tagi doonaan magaalooyinka kale ee PL oo ay ka mid yihiin Garoowe, Boosaaso iyo Kuwo kaleba hadii ay u suurto gasho waxaase ay shegeen gudiga xaqiiqo raadinta in ay caawaba go,aan ka gaari doonaan tagitaan kooda gobolada kale ee PL. mar ay ka hadleen Hogaamiyaha Wafdiga xaqiiraadinta Dr A. M. Kambudzi waxaa kaloo isaga ka hadlay kulankaa Colonel: Peter Marwa oo ah Madaxa amniga IGAD.

Warbixin Gaaban oo uu Gen: Cusmaan Badmaceeye siiyaya Saxaafada ayaa waxa uu ku sheegey in ay aad ugu Farxeen sida loogu soo dhaweeyey Gobolda Puntland iyo Soomaliya Guud ahaan waxaa kaloo uu ka war bixiyay socdaalkoodii ay ku soo mareen Magalooyin ka mida Soomaaliya oo arinta ay u socdeen aad loogu taageerey walow ay jiraan ayuu yiri Dad diidan in la keeno Ciidamada safka Hore lakiin ay dadku ka siman yihiin in ay taageer san yihiin in la keeno Ciidamo Shisheeye oo hub ka dhigista ka qayb qaatan.

waxaa kaloo saxaafada ay wax ka waydiisay in lagaga hor yimi diidmo iyo Qilaaf Magaalada Baydhabo ayuu Beeniyay Gen Cusmaan.

Wafdigaa ayaa waxaa ay kala ahaa yeen oo ka kala socdeen

a. Midowga Afrika:

  • Dr A. M. Kambudzi - Team Leader

Col. Jaotody Jean de Matha - Senior Military Officer;

  • b. IGAD
  • Colonel: Peter Marwa,
     
  • c. Jaamacada Carabta
  • Mahmoud Gaafar Elsouri
     
  • d. IGAD Member States
  • i. Dawlada Uganda:
  • Colonel: Clovis Karyebara, Military Planning Officer;

    Major: Charles Bakahumura, Military Planning Officer;

    ii. Dalaka Kenya

    Colonel J K Termed
     

    iii. Dalaka Ethobia
    Lieutenant Colonel: Gebre Alemseged

    e. Dawlada Federaalka Soomaaliyeed

  • 1- General Osman Sheekh Ali (Military)
  • 2- General Mohamed Haji Mohamed (Police)
  • 3- General Siciid farah Warsame (Military, Provisional)
  • 4- Captain Adan Amed Omar (Police)
  • 5- Mr Idd Beddel Mohamed
  • sahrosiglan@hotmail.com

    Faafin SomaliTalk.com | Feb 23, 2005


    Kismaayo: Raashin Loo Qaybinayo Dadkii ay Soo gaartey Aafadii Badgariirku
    Waxaana raashinkaas qaybinayahay'adda... Guji... Feb 22

    Wafti Kasocda DFKMG oo Sahan ugu Bixi Doona Puntland
    Waftiga oo uu hogaaminayo
    wasiirka badda iyo kaluumaysiga waxaa kamid ah... Guji...

    Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

    © www.SomaliTalk.com

    SEARCH

     



    HTML CD