SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Jawaab qoraalkii Ururada Islaamiga ah ee uu Fahad qoray.

Waxaan jeclaaday inaan fikirkay ka dhiibto qoraalkaaga ku yaal SomaliTalk ee ku saabsan mawduuca kor ku xusan. Qoraalkaaga waa mid runtii ka turjumaaya aragtidaada ku saabsan ciidamada shisheeye ee wadanka iman doona haddii ilaah idmo iyo sida aad u aragto qatarta ay lee yihiin. Waxaa xaqiiq ah inay jiraan dad badan oo Somali ah oo aragtidaas kula qaba (Ha ahaado wadaad ama warlord ama sarkaal hore ama mid qabiil ama reer sheegta inuu madax u yahay). Waxaa kale oo iyadana sidoo kale xaqiiqdii jira dad kale oo Somaliyeed oo u arka xal iyo lama huraan in ciidan shisheeye wadanka la keeno(Kuwaana waxay lee yihiin intaan kor ku soo xusay iyo dawlada inteeda badan). Marka inaga oo aan waqtiga isga lumin inta badan labada nican aan  bal wax ka iraahdo tan culimada.

Waxaa run ah inaad ururada Islaamka ah iga badiso, haddana taas aniga waxba uma arko. Maxaa yeelay Islaam aniga macnihiisa waa ii Ilaahay subxaana watacaalaa iyo Sunadii nabi Max'ed SCW, mana arko macnaha ay samaynayso ururadaan islaamka ah ee tirada badan. Sidaa awgeed waxaan isku jamcinayaa dhamaantood si aan u taabto gunta qoraalkaygan.

Somaaliya muda 15 sanadood ah ayey dawlad la'aan ahayd. Dawlada la'aantaas dhibaata badan ayey shacabkii, dhulkii, hantidii, iyo sharaftii Somaliyeed u geysay, aduunkuna qaati bilaahi ayuu ka gaaray wadankaan fawdada ah ee masaakiintiisii intaa hardaamada, dhaca, dilka iyo boobka lagu hayo. Sida aad maanta ku talinayso in laga hortaga ciidan shisheeye ee ay Itobiya ku jirto, ayuu intaa adduunku ku talinayay in Somalia sida loo dhaamo oo wax lala qabto. Dadka Somaaliyeed intay dhibaatadan ku jireen wadaad Somaliya kama maqnayn, marka maxaa keenay inay joogaan wadankii ay ku dhashayn ogolaadana in ummada intaas oo silic ah loo geysto? please don not insult my intelligence by pointing to the so called "Maxakamadaha Islaamiga ah or Dalada culimada" many Somalis know that there are not a solution but part of the problem. Jihaadku goorma ayuu wajib yahay? Ma marka Itoobiya la maqlo ama la arko ayuu waajib yahay mise mar alaale iyo marka ummada masaakiinta xadgudub intaas le'eg loo gaysto ayuu waajib yahay? Maxaa keenay wadaadadan hadda banaanbaxay inay barya ama baad ku maraan meelaha Isbaarooyinka yaaliin, masaajidadana kaga hadlaan Itoobiyaan halagu jihaado? Mise Jihaadku Mooryaanta fawdada wada ma qabto?

Waxaa jira in la doortay dawlad, laguna doortay wadanka Kenya. Dawladan waa tii sadexaad ee la doorto intii wadanku burburay. Intaa shirarka la qabanaayey wadaada amiinsan in Somalia Islaamka lagu maamulo waa tagi kareen (Tagaana ma ogi) Lakiin intaba ma maqal mana arag Somali doorata dawlad Islaam ah (sababtu nooc walba ha ahaato) Dabcan shacab wax ma dooran ee dad shacabkii matalaaya ayaa doortay. Haddaba maxay ku dhacdaa in mar walba ay wadaadadu ama ururada Islaamku googta heshiiska iyo dhismaha dawlada ka maqnaadaan? Ma fawda doonbaa? Mise hadalkooda waa hanaloo yeeray maxaa yeelay dadka ayaan qayrka ugu dhawnahay? Mise afkay uga hartay oo itaal iyo xoolo iyo aqoon dawladeed ayanan lahyn? Hadiise ay meeshii tagi waayaan. Xagee ayey ka keensadeen inay diidaan go'aan ay dawladi qaadatay? Waxaa cad in dawladu ay tahay mida kaliya ee ummada afkeeda ku hadli karta lagalana tashan karo. Wadaadku haddii uu lee yahay inaga awood ilaahiyan ah ayaan lee yahay oo anigaa dawlada ka saxsan, hade isaga iyo dawladu way adag tahay inay wadanka wada joogaa.

Keenista ciidanka shisheeye waa laga maarmaan biyo kama dhibcaan ah (Aniga arigtidayda) Wadankii waxaa ka buuxa hub aan cadadkiisa la aqoon, aminigiisa aad ayuu u xun yahay, dawladii ma laha ciidan iyo awood ay hubkii ku qaado, waxaa wadankii cunaha ku dhagan niman baada dadka ku dhargay oo aan xal ogolayn marnabana aan ogolaanayn inay wadanka qoorsagaarada ka qaadaan. Marka maxaa xal ah? barya laga daal ilaah ka cabsi haddalkiisa daa, dawladkasta oo la soo dhiso cunaha ayay qabtaan, meel kasta isbaara u taal. Xalku waa in marka xoog la isticmaala oo sharciga dawlada oo ay fulinaayaan ciidamo ay lee yihiin dawladihii dhismaha dawladan naga caawiyey lagu qaadaa oo umada duliga laga xoreeyaa. Dawladu waa Somali, dhulku waa Somali, dadkuna waa Somali. Itobiya kaliya maahan kuwa wadanka ciidanka keenayaa. Maxaa Itobiya kaliya isha loogu hayaa kuwa kaleba saw gaalo ma ahan. Waxaa cad in ilaahay ka jecal yahay gaalka xaqa iyo cadaalada ummada ku dhaqa wadaad sheega danta gaarka ah leh ee ummada raba inuu waliguu ceejada ku haya.

Gabagabadii hadalkayga. Waxaan dhawaan ka soo noqday Atlaanta, Georgia. Waxaan halkaas ku soo arkay wiil deganaa gurigii aan martida ku ahaa. Markaan iswaraysanay waxa uu ii sheegay inuu ahaa dhalinyaradii ku dhashay Xamar kana qaxay dagalkii ahliga ahaa ka dib. Waxaa uu degay Boosaaso oo uu markii danbe sarifle ka noqday. Waxaa weydiiyay haddii uu yaaqaan Xasan Dahir Aweys iyo haddii uu iisdheegi karo sida ay wax u dhaceen. Waxaa uu iisheegay in dhalinta wadaadada ah aay aad u wanaagsanaayeen oo ay magaalada amnigeeda ay wax badan ka qabtee, lakiin ay haayeen ciidan qaalma rogad iyo tababaro ku sameeya magaalada daafaheeda. Talona ay faraha ka baxday markay weerareen oo ay qabqabteen odayadii gobalada oo shiraaya. Sababta aan u weydiiyay Mr. aways waxay ahayd in ay aad ii dhibtay waraysiyadiisii kusoo baxay shabakadaha Internetka kuwaas oo ku saabsanaa keenisya ciidan shisheeyey wadan. Xasan waxa uu yiri "Hadaba i dhegeyso haddii wadanka ciidan shisheeye la keeno walaahi Jihaad ayaan iclaaminaayaa" Jihaadku ma mid Xasan uu meel ku qortayaa? yuu laynayaa? Yaa isga la socda oo u dagaalamaya? Ma dhalinyaro Somaliyeed oo madaxa ka xaday oo uusan dhalin ayuu xabada ku dilayaa? Nimanka odayaal gurigoodii iyo gogoshoodii ku weeraray ee afduubay adeer wax walba ka filo. Ciidan shisheeye, maadama ciidankii wadanka uu caado qaatayaal wada noqday waa la keenayaa, bal aan aragno Xasan iyo ragiisu inay Jihaadaan? Waxaadse ogaataa in ciidanka dalka in badan lagaga soo dhaweyn doono. Haddii soomalida soo dhaweysaana ay gaalo noqonayaan kuwa jihaadaana ay janadii galayaan ilaahybaa xisaabteeda og, dalada culiimada iyo maxkamada islaamka ee Moqdisho iyo Marka kal jirta Musilnimadeena kuma xirna, wadankuna intaas waa ka badan yahay 

Issa Jama Nur
issajama@hotmail.com

Afeef: Aragtida ra'yigan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin SomaliTalk.com | Feb 23, 2005


Kismaayo: Raashin Loo Qaybinayo Dadkii ay Soo gaartey Aafadii Badgariirku
Waxaana raashinkaas qaybinayahay'adda... Guji... Feb 22

Wafti Kasocda DFKMG oo Sahan ugu Bixi Doona Puntland
Waftiga oo uu hogaaminayo
wasiirka badda iyo kaluumaysiga waxaa kamid ah... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD