SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

22 Feb. 2005 

  • ·        Dhacdooyinkii dagaalada ee ugu danbeeyay

  • ·        Itoobiya oo mar kale ku celisay inay Soomaaliya ciidamo keenaysa

  • ·        Guddigii xaqiiqo raadista oo Gaalkacayo booqdey

  • ·        Gaadiidka dadweynaha oo gabaabsi ku noqdey Magaalada Adis Ababa

  • ·        Eritreya oo ay cuno yari ka jirto

  • ·        Iyo barnaamijkii Aragtida Halgamaaga

====================== 

Dhacdooyinkii dagaalada ee ugu danbeeyay 

2/02/05, Laandheer oo ka tirsan degmada Danood waxaa isku dhacay oo dhacay dagaal ba’ani dhexmaray dadwaynaha rayadka ah ee dega nawaaxiga Laandheer iyo cutub ka tirsan ciidanka nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya. Waxaana cadawga halkaas lagaga dilay 10 askari, qaar badan oo kalana waa lagaga dhaawacay. Shacabka waxaa goobtaas kaga shihiiday 3 qof. 

10/02/05 Magool oo ka tirsan gobolka Qorraxay, dagaal CXO uu ku qaaday ciidanka gumaysiga Itoobiya waxaa ciidanka nacabka lagaga dilay 8 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay. 

16/02/05 Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo, dagaal dhaba-gal ah oo lagu qaaday kolonyo ciidamada gumaysiga ah oo jidka socotay waxaa cadawga lagaga dilay 11 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaana kolonyadii ciidanka gumaysiga ahayd halkaas lagu horfadhiyay muddo 2 habeen ah. 

18/02/05 Ceel-xaar, oo ka tirsan gobolka Qorraxay, weerar uu CXO ku qaaday saldhigii ciidanka gumaysiga ee ku yaallay degmada Ceel-xaar waxaa cadawga lagaga dilay 12 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay. 

dhinaca kale sidii caadada u ahayd gumaysigu dhib aad u badan ayuu ku hayaa shacabka, hadday noqon lahayd naftooda iyo hantidoodaba. Waxaa wali sidii u socda dilkii, kufsigii iyo dhibaatooyinkii kale ee gumaysigu ku hayay dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya. Waxaa sidoo kale aan kala go’ lahayn boobka aan loo miidaan dayin ee cadawgu ku hayo hantida shacabka. 

Waxaana ugu danbeeyay dilka, iyo gufsiga loo gaysto shacabka dhacdooyinkan soo socda. 

25/01/05 Qaruud oo ka tirsan Iimay wuxuu cadawgu ku dhaawacay nin shacab ah oo magaciisa la yidhaahdo C/llaahi Axmed Cabdi. 

17/02/05 isla Qaruud oo ka tirsan Iimay, wuxuu cadawgu ku kufsaday, jidh-dil ba’ana ugu gaystay gabadha lagu magacaabo Nimco Maxamed Xaaji. 

Itoobiya oo mar kale ku celisay inay Soomaaliya ciidamo keenayso                                                                  

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Itoobiya Bereket Simon ayaa mar kale ku celiyey in xukuumaddiisu ay ciidamo nabad ilaalin ah u dirayso dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Itoobiya waxay mawqifkan ku celisay xilli ay sii kordhayso diid mada shacabka soomaaliyeed uu diiddan yahay in ciidamada Itoobiyaan ah la keeno dalka Soomaaliya. 

Wasiirka Itoobiya oo u warramayay wakaalada warar goboleedka Qaramada Midoobay ee IRIN ayaa sheegay in Itoobiya ay go’aan ku gaadhay inay qayb libaax ka qaadato qorshayaasha nabad ilaalinta ee Soomaaliya loo    tegayo.

Itoobiya waxay hadda ka hor daboolka ka qaadday inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirayso dalka Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka noqda ciidamada nabad ilaalinta ee dalalka IGAD ay Soomaaliya u dirayaan, hase yeeshee waxaa arrintaas aad uga dhawaaqay oo mawqif diidmo ah ka muujiyay siyaasiyiin badan oo soomaali ah iyo inta badan dadwaynaha soomaaliyeed oo aan ku kalsoonayn

xukuumadda Itoobiya.

Ururrada bulshada rayidka, Wadaada Diinta, iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ee magaalada Muqdihsho iyo weliba qaar ka mid ah saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa iyaguna si weyn uga soo horjeestay in ciidamo Itoobiyaan ah la keeno gudaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii u denbeeyay ka dhacay laba bannaanbax oo lagaga soo horjeedo imaatinka ciidamo shisheeye ah, gaar ahaan kuwo Itoobiyaan ah.

Wasiirrada guriyaynta iyo hawlaha guud iyo ammaanka gudaha ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa iyaguna ka mid ah siyaasiyiinta sida cad ugu gacan saydhay in ciidamo Itoobiyaan ah la keeno dalka Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in dadwaynaha soomaaliyeed ay isu diyaariyaan difaacida ciiddooda hooyo.

Guddi xaqiiqo raadis ah oo Gaalkacayo booqdey

Guddigii xaqiiqo raadista ee koobnaa Jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo saraakiishii hore ee Soomaaliya ayaa beryahan socod ku marayay meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa shalay soo booqdey Magaalada Gaalkacayoee Gobolka Galguduud.

Gudigan oo dhammaadkii toddobaadka soo gaadhay magaalada Baladweyne, halkaasoo uu kula shiray qaybaha kala duwan ee buslahada, wuxuuna soo kormeeray magaalada, iyagoo booqdey xarumihii burburey ee dawaladii  Soomaaliya, sida xeryaha Ciidamada iyo xarumihii Maamulka Gobolka.

Guddigu inta ay joogaan Magaalada Gaalkacayo waxay dhegaysan doonaan mawqifka bulshada rayidka ah iyo masuuliyiinta Gobolka ee ku aadan in Soomaaliya lakeeno Ciidamo ka socda IGAD, sida goobihii hore ee ay soo mareen. Kuwaas oo guddiga gaadhsiiyay mawqifkooda ah inayna marnaba ogolaan doonin in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda dalalka safka hore ee IGAD.

 Gaadiidka dadweynaha oo gabaabsi ku noqdey Magaalada Adis Ababa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adisb Ababa ayaa sheegaya in Ciidamada Wayaanuhu bilaabeen olole hor leh oo ay ku taxaabayaan Gaadiidka dadweynaha. Kuwaas oo ku daad gureynaya Ciidamada ay u rarayaan dhinaca Waqooyi ee dalka Itoobiya oo ah Soohdinta ay Itoobiya la wadaagto wadanka Eritrea.

Hadaba, sida ay sheegtay Idaacada ku hadasha afka Oromada, waxaa gabaabsi noqdey dhamaan gaadiidka dadweynaha gaar ahaan Magaalooyinka waaweyn, halkaas oo dadweyihii adeegsan jirey gaadiidku ay hoganayaan boostejooyinka laga raaco baaburta.

Warku wuxuu intaa ku daraya, ilaa intii Eritrea ay ku gacan sartey 5 qodob ee Meles Zenawi soo jeediyey si xal nabadeed loogu helo soohdinta labada dal, waxay Itoobiya bilowday tabaabushe dagaal, iyadoo kordhisay Ciidamada kaga sugan soohdinta labada dal, gaar ahaan aaga Baadame, halkaas oo ay todobaadkii hore Jamciyadda Quxumaha ka dhaxaysa ay ka digtey dhaq-dhaqaaqa ciidan ee ka socdaa in uu keeni karo dagaal mar kale ka dhex aloosma labada dal.

Eritreya oo ay cuno yari ka jirto.

Sida ay sheegtay hay’ada Cuntada aduunka ee WFP waxaa cunto yari soo wajahdey wadanka Eritrea, taas oo sheegtay in laga joojiyey hal milyan (1 million) oo Eritrean ah cuntadii gar-gaarka ahayd ee la siin jirey, kadib markii wadamada deeqda bixiya ay si caajis ah uga jawaab bixiyeen qaylo dhaanta gargaarka laga codsadey.

Hay’adda WFP waxay intaas ku dartey in 70,000 oo tan (70,000 tonnes) oo ah kaydii ugu danbeeyey ee ay haysay ay bixisay, isla markaana aysan filaynin wax gargaar ah ilaa laga gaaro bisha June ee sanadkan.

Madaxa WFP ee wadanka Eritrea Jean Piere Cebron ayaa walaac ka muujiyey xaalada soo food saartey, iyadoo Qaramada midoobey bishii Janaayo, 2005 ay ka digtey in 2/3 ay dadweynaha wadanka Eritrea u baahan yihiin gar gaar cunto             

Radio Xoriyo, 22 Feb. 2005

Axmed Xiddig 

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Afeef:aragtida warkan waxaa leh radio xorriyo

Faafin SomaliTalk.com | Feb 23, 2005


Kismaayo: Raashin Loo Qaybinayo Dadkii ay Soo gaartey Aafadii Badgariirku
Waxaana raashinkaas qaybinayahay'adda... Guji... Feb 22

Wafti Kasocda DFKMG oo Sahan ugu Bixi Doona Puntland
Waftiga oo uu hogaaminayo
wasiirka badda iyo kaluumaysiga waxaa kamid ah... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD