SOMALISKA RIKSFÖRBUNDET I SVERIGE (SRFS)
URURKA ISBAHAYSIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ISWIIDHAN
WAR SAXAAFADEED
Kalfadhigii
ururka Isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed ee Sweden 2005
Ururka
Ibahaysig umadda Soomaaliyeed ee Iswiidhan oo ah dallad ay ku
kulmaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee ka jira dacallada wadanka
Sweden ayaa kalfadhigiisii sanadlaha ahaa ku qabsaday magaalada
Stockholm ee caasimadda Sweden. Shirka waxaa ka soo qayb galay
dad kor u dhaafay 100 qof oo isugu jiray wakiilada urur
xubneedyada, wakiilada odayaasha golaha dhexe, guddiyada kala
duwan ee ururka iyo xubno marti dharaf ah.
Ururka
isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed waxaa la aasasay 1995, waxaana
lahaa fikradda aasaaska iyo abaabulkaba caalimka weyn ee
Soomaaliyeed, Sh Cumar Faaruuq oo waagaas ku noolaa dalka
Sweden. Sheekhu wuxuu berigaas ku aasaasay ururka nadaam ku meel
gaadh ahaa oo ku salaysnaa beelo. Maanta ururka Isbahaysigu waa
mid ka jira wadanka sweden oo dhan, kana baxay nadaamkii beelaha
ee lagu dhisay, isaga oo u gudbay nadaam urur xubneedyo ah.
Urur
xubneedyada rasmiga ah ee isbahaysigu waxay hadda yihiin 60 urur
oo ku kala baahsan dalka kuna kala foogan adeegyo iyo hawlo kala
duwan oo ay ka mid yihiin:
- ·
Xoojinta
dhaqanka ummadda Soomaaliyeed
- ·
Afka hooyo
- ·
Dugsiyo
caruureedyo
- ·
Samofal
wadankii ah
- ·
Kobcinta
aqoonta xubnaha
- ·
Raadinta
xuquuqda dadka Soomaaliyeed iwm.
Ururka
isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed wuxuu sanadkiiba hal mar qabtaa
shirweyne ay ku kulmaan wakiilada urur xubneedyada iyo wakiilada
odayaashu. Shir sanadeedkaas oo lagu magacaabo ”kalfadhi”, waxaa
laysku waydaarsadaa warbixino kala duwan oo ku saabsan waayaha
umadda soomaaliyeed ee Sweden iyo aduunkaba. Maamulka ururkuna
wuxuu ku soo bandhigaa si loo ansixiyo waxqabadkii sanadkii
tegey iyo qorshaha ay ku talogaleen sanadka soo socda. Labadii
kalfadhiba mid ahaan ayaa lagu doortaa maamulka ururka oo ka
kooban:
- ·
Guddiga fulinta
2 sano
- ·
Guddiga
hantidhawrka 2 sano
- ·
Guddiga soo
diyaarinta doorashada 2 sano
- ·
Guddiga
hawlwadeenka golaha dhexe 1 sano. (guddigan sanad walba waa
la doortaa).
Haddaba
kalfadhiga sanadkan 2005 muu ahayn sanad doorasho ee wuxuu ahaa
kalfadhi caadi ah oo lagu ansixinayey qorshaha sanadka soo socda
iyo waxqabadka sanadkii tegey. Haddii laga tegi waayo waxaa la
dooranayey guddiga hawlwadeenka golaha dhexe iyo xubno ka
bannaanaaday guddiga fulinta ururka.
Waxaa jirtay in
guddoomiyihii ururka Isbahaysiga loo doortay sanadkii 2004 uu
iska casilay xilkiisii bishii okt 2004. Sidaas darteed waxaa
kalfadhigan lagu doortay guddoomiye cusub. Guddoomiyaha cusub ee
la doortay oo loogu codeeyey si aan kala hadh lahayn waxaa loo
doortay mudane Cabdulqaadir Makaraan oo hore u hayey jagada
xoghaynta guud ee Isbahaysiga. Jagadii xoghaynta guud ee
ururkana waxaa loo doortay mudane Cabdibashir (Maxamed Xirsi) oo
hore ugu magacwnaa xoghaynta warfaafinta isla markaana joogay
xafiiska ururka. Jagadii warfaafinta ururkana waxaa loo doortay
mudane Cabdulqaadir Salaad (Loonge).
Sidoo kale
wuxuu shirku dib u doortay guddigii hawlwadeenka golaha dhexe ee
hore u jirtay oo ka koobnaa todoba xubnood oo kala ah:
-
1.
Mustafa
Maxamed Diini
-
2.
Ibraahim
Cumaan Buraale
-
3.
Maxamuud Sh.
Dhoore
-
4.
Khaliif
Maxamed Xaaji
- 5.
Suldaan Maxamed
Suldaan Garyare
- 6.
Yaasiin Maaxi
Macallin
- 7.
Bashiir
Cabdulle Cusmaan
Doorashooyinka
ka sokow waxaa shirka lagu soo qaaday arrimo badan oo dhaliyey
dood iyo talooyin lagu ballamay. Waxaa laga hadlay sidii
samafalka Sweden ee geyigii soomaaliyeed loo xoojin lahaa. Waxaa
laga hadlay sidii cudurka musuqmaasuqa bulshada, Soomaaliyeed
looga gaadhi lahaa. Waxaa laga hadlay khatarta qaadka iyo
halista tubaakada oo gurmad u baahan. Waxaa laga hadlay sidii
sumacadda umadda soomaaliyeed ee Sweden loo difaaci lahaa.
Kalfadhigu
wuxuu ku soo gebogeboobay si wanaagsan oo farxad leh. Waxaana
hogaaminta iyo isku xidhka ummadda Soomaaliyeed looga tegey
xubnaha guddiga fulinta oo uu horkacayo guddoomiyaha cusub.
Waxaanay kala yihiin xubnaha guddiga fulinta ee isbahaysigu:
Cabdulqaadir
Maxamed Nuur (Makaraan) Guddoomiye
Cabdi-Mahdi A. Warsame G/ku xigeen
Xuseen Salaad Khasnaji
Maxamed Xirsi (Cabdibashir) Xoghaye
Maxamed ciise Arrimaha Bulshada
Yuusuf Maxamed Kulmiye Dhalinyarada &
Sportiga
Maxamed Siciid Sh cali Waxbarashada
Khadiijo Maxamuud Arrimaha dhaqanka
Cabdulqaadir Salaad (loonge) Warfaafinta
Maxamuud Dayib Xuseen Xiriirka Ururrada
Sacdiyo Cabdullaahi Xirsi Haweenka iyo carruurta
ALLAA MAHAD LEH
Maxamed
xirsi (Cabdibashir)
Xoghayaha guud ee Isbahaysiga Soomaaliyeed
+46-737596464 (gacanta)
+ 46-8-166961 (xafiiska)
Email:
srfs@telia.com