SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Iska Jir Cadowga kula jira  !! 

     ( BAAQ AY SOO SAAREEN AQOONYAHANNO SOOMAALIYEED

  • KU: DHAMMAAN WARBAAHINTA SOOMAALIYEED

  • KU: DHAMMAAN DADWEYNAHA SOOMAALIYEED

  • KU: MADAXDA SOOMAALIDA EE KALA DUWAN 

UJEEDDO: BAAQ 

TAARIIKH: 27/2/2005 | BAAQA OO AH .PDF

Sida dad badani ka warqabaan waxa beryahan soo if baxayey arrimo ku lid ah dhaqanka, walaaltinnimada, nabadgelyada iyo xurmo-wadaagga dadka Soomaaliyeed. Waxa waayahan danbe ku soo biiraya dhibaatooyinkii hore (dirir-qabiileedkii, dagaal-kooxeedyadii, dilalkii ku salaysanaa aqoonyahan-ugaadhsiga, afduubkii iyo dhacii), mashaakillo cusub oo loogu talagalay in xididdada loogu siibo dhammaan wax kasta oo wanaag ah oo ay Soomaaliyi wadaagi jirtay ama ka dhexayn jiray. 

Nasiibdarro, waxaa muddooyinkan dambe soo kordhayey shaqsiyaad fitna-wadeyaal ah oo Soomaalida ka mid ah, kuwaas oo ku dhaqmaya hab shaydaani ah oo ku dhisan labo-wajiilennimo iyo xeelado kale oo la yaab leh. Sida iyaga oo hadba iska dhiga qabiil, kuna muusannaaba afkiisa. Waxay shakhsiyaadkaasi isku hawlaan sidii ay isaga horkeeni lahaayeen shacabka walaalaha ah, waxayna aad u buunbuuniyaan arrimaha la xidhiidha qabyaaladda iyo qolo-qolaysiga indhaha la’. 

Dadkaa aan xilkaska ahayni waxay ka faa'iidaystaan xowliga ay ku socoto warbaahinta aan sharcigu hagin ee Soomaalida. Waxay sidoo kale fitna-wadayaashani ka faa'iidaystaan hadba dhacdada cusub ee arrimaha Soomaalida ku soo biirta;waxaanay adeegsadaan Suugaan, qoraallo iwm ah, kuwaas oo in badan oo ka mid ah ay ku saxiixan yihiin magacyo been-abuur ah. 

Sidoo kale, waxaa beryahan soo badanaya warbaahinta xummaan-abuurka ah ee caadaysatey iska-horkeenka iyo colaad hurinta, iyagoo faafiya ama abaabula barnaamijyo cadowtinnimo iyo cuqdad ku kala abuuraya Bulshada Soomaaliyeed.  

Haddaba si looga feejignaado waxyaabaha wiiqi kara qiimaha walaaltinnimo iyo dhaqanka ma-guuraanka ah ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, waxaanu soo jeedinaynaa talooyinkan soo socda; 

1.  Ugu horreyn waxaanu kula talinaynaa, dadka xumaan-abuurka ahi inay joojiyaan xumaanta iyo fidnada ay Soomaalida kula dhex jiraan.Waa in ay maanka ku hayaan in Allihii abuurtay uu la xisaabtamayo,ummadduna wax og iyo wax ogaan doona tahay oo aanay marnaba qarsoomaynin!. 

2.  Waxaanu warbaahinta guud ahaan u soo jeedinaynaa inay ka digtoonaadaan baahinta waxyaabaha naxliga,cudurka iyo fidno abuurka ah. Gaar ahaan warbaahinta ka qaybqaadata xumaanta, waxaanu kula talinaynaa inay mas'uuliyadda warbaahinta ee saaran siday tahay u gutaan, iskana hubiyaan ilaha ay xogta ka helayaan, kuna xisaabtamaan in taariikhdu is qorayso. 

3.  Bulshada Soomaalida meel kasta oo ay ku nooshahay waxaanu uga digaynaa inay ku baraarugsanaadaan, iskana jiraan waxyaabaha dadka lagu kala dilayo ee lagu baahiyo warfaafinta kala duwan, sida: Joornaalada, Idaacadaha,website-yada iwm. 

4.      Aqoonyahanka, waxgaradka, masuulinyiinta iyo madax-dhaqameedka qaybaha Soomaalida waxaanu ka codsanaynaa inay indhaha ku hayaan, xilka iyo waajibaadka kaga aaddanna ka qaataan ka hortagidda arrimaha dhibaatada iyo kala-dilka Soomaalida ku wajahan. 

5.   Waxaanu si weyn uga xunnahay dagaaladda,dilalka iyo khilaafaadka ka abuuran inta badan dhulka Soomaalidu degto,gaar ahaan colaadda gobolada dhexe, khilaafka Somaliland iyo Puntland,dilalka shakhsi-ugaadhsiga ah ee Muqdisho, mashaakilka dhex yaal qabaa’ilka Soomaalida Kiiniya qaarkood iyo xurgufta colaadeed ee mararka qaarkood ka dhex aloosanta qaar ka mid ah qabiillada Soomaaliyeed ee dega killinka shanaad ee ismaamulka Itoobiya.Isla markaana waxaanu ku talinaynaa in arrimahaas wadahadal iyo walaaltinnimo lagu dhammeeyo. 

Ugu danbeyn waxaanu ummadda Soomaalida meel kasta oo ay joogto ugu baaqaynaa inay ka fekeraan,ka shaqeeyaan,iskuna hawlaan wixii horumar, nabad iyo walaaltinnimo keenaya, kana fogaadaan waxkasta oo colaad, dhiig-daadin iyo deganaansho la’aan horseedaya. Waxaanu Alle ka baryaynaa inuu xaqa ina wada fahamsiiyo oo ina solansiiyo. 

Wabillaahi-Towfiiq 

Aqoonyahannadda baaqan soo saaray waxa magacyadoodu kala yihiin:  

  • 1. Axmed Warsame Cumar-daad                   - Belgium

  • 2. Siciid Axmed Maxamuud                           - Ethiopia

  • 3. Maxamed Baashe X. Xasan                       - UK

  • 4. Maxamed Cali Cibaar                                 - Holland

  • 5. Maxamed Yuusuf X. Cabdi “Kayse”              - Holland

  • 6. Cumar C/Nuur Nuux “ Nabaddoon”               - UK

  • 7. Maxamed Xirsi Guuleed                              - Sweden

  • 8. C/laahi Bootaan Xasan "Kurwayne"               - UK

  • 9. C/Sadiiq C. Maxamuud "Dhagasayn"              - Holland

  • 10. C/Casiis Xirsi Yuusuf                                - Belgium

  • 11. Cali Ibraahim Siyaad                               - Somalia

  • 12. C/casiis Daahir Axmed                             - Holland

  • 13. C/Risaaq M. Warsame "Baalle"                  - USA

  • 14. Yuusuf Aw-Xirsi Xuseen                         - Holland

  • 15. Maxamed Axmed Cusmaan                       - Holland

  • 16. Xasan Macallin Maxamuud                        - UK

  • 17. Xasan Bulxan cali                                    - Somalia

  • 18. Cabdi Nuur Salaad                                  - Holland

  • 19. Faaqid M. Cali " Cuuke "                           - UK

  • 20. Cawad C/Raxmaan Xirsi                            - Sweden

  • 21. C/Maalik C. Yuusuf "Napoli"                       - Holland

  • 22. Maxamed Xaaji muuse                             - Belgium

  • 23. Afyare Cabdi Cilmi                                    - Canada

  • 24. Maxamuud Yuusuf Garre                           - UK

  • 25. Axmed C. Maxamed "Khayre"                    - Holland

  • 26. Maxamed Jaamac Faarax                         - Norway

  • 27. Ustaad C/Wali Bashiir "Dalboon"                - Kenya

  • 28. C/Casiis Cali Maxamuud                          - UK

  • 29. Cali Cabdi Waare                                   - Holland

  • 30. C/Samad Xasan Maxamed                        - Sudan

  • 31. Cali Aadan Guuleed                                - UK             

  • 32. Xasan A. Xasan " Daa'uus"                        - Denmark

  • 33. Maxamed Dhagaafe Cilmi                         - Uganda

  • 34. Axmed M. C/Wahaab "Yariisow"                 - Holland

  • 35. C/Casiis Burhaan Cilmi                             - U.K.

  • 36. Ismaaciil Cabdi " Daqarre"                        - Somalia

  • 37. Maxamed C/Salaan Cigaal                        - Holland

  • 38. Shariif C. Maxamed " Stilla"                      - UK

  • 39. Cali Cabdi xasan                                 - Somalia

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh:

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2005


gawaaridii oo lagu xiray Calaamadaha soo dhaweynta  Photo By Cabdifataax Jaamac MireWaftigii DFKMG oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Boosaaso
Waxaa maanta Isku soo bax aad loo soo Abaabulay oo lagu soo Dhawaynaayo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha DFKG ay ka Dhacday Magaalada Boosaaso Guji... Feb 27

Beesha Hawiye oo Kulankoodii Maanta Ka Soo Saaray Go'aamo
Xubnaha Labada Gole ee DFKMG ee Beesha Hawiye ayaa shir Sedex cisho Socday ka dib waxay soo saareen shan qodob oo ay beesha wada saxiixday oo uu kamid yahay qodob ah "In caasimadda ay ka saaraan maliishiyaadka iyo hubkooda." Guji Feb 27

Maxkamada Somaliland oo Go'aan Ka Gaadhay Dacwada Doorashada Golaha Wakiilada
Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa dacwad uu sooqoray madaxwayne rayaale oo ... Guji... Feb 27

"Xukuumada (FKMG) ayaa ku kala Qaybsan Keenitaanka Ciidamada Shisheeye"
Sidaas waxaa yiri afhayeenka isbahaysiga dooxda jubba oo ay SomaliTalk maanta ku waraysatay Kismaayo.. Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
Link email tuugada

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD