Horudhac.
Inta aanan mowduuca
guntiisa durba u dhaadhicin,hadaan ka jawaabo su'aasha
ah xasilooni la'aanta Somaaliya ka jirta mudo 14 sano ka
badan yaa loo tiiranayaa,waxaad moodaa inay cadahay
Somaalidu maaha dad kala garqaata isla markaana waxaad
arkaysaa dad badan oo wax qoraa inay xaqiiqda iska indho
tiraan,iyadoo laga yaabo iney ka leeyihiin aragti gaaban
oo islamarkiiba dhamaneysa.
Somaliya waa 18
gobol sidii dawladii ugu danbaysay ee wadanka
maamulaysay ay ku ogeyd,laga bilaabo 90-aadkii ilaa
dhamaadkii 94-kii wadanka waa kacsanaa intiisa badan,oo
dagaalo ahliya ayaa si bahsan uga socday,hadey noqon
laheyd Koonfurta,Waqooyiga, Bariga ama Galbeedka
Somaliya.Hayeeshee waxaad moodaa wixii intaa ka
danbeeyey iney dagaaladii soo gabagaboobeen oo gobolada
badidooda ay ka idlaadeen dagaaldii ahliga ahaa ee
soconayey marka laga reebo Muqdisho,Kismaayo iyo
Gedo.Dagaalada Kismaayo iyo Gedo waxay mar walba
ahaayeen kuwo xal u helidooda ay fududeyd hadiiba dawlad
dhexe oo Somaaliyeed la helo,hayeeshee tan Muqdisha ayaa
noqotay midaan xal loo heli karin sideydoontaba ha
ahaatee.Hadaba waxaan oran karnaa waxaa xasilooni darada
ka jirta Somaliya masuul ka ah asaasna u ah Muqdisha
mudadii 14-kii sano eenu soo dhaafnay ama ku jirno.
Ciidamo shisheeye
ma loo baahan yahay,kuweese noqonayaan?.
Dabcan waa dabeecad
addunka oo dhan ka jirta hadii dal uu xalin waayo
dhibaatooyinkiisa gaarka ah ee ku wajahan mustaqbalkiisa
siyaasadeed iyo amaankiisa in lala xaliyo oo la taageero
wixii dadkaa ay ku heshiiyaan,amaba looba taliyo hadey
tashan waayaan,waxaana Somaaliya maanta lagama maarmaan
ah in la helo ciidamo shisheeye oo hubka naga qaada noon
soo cesha nidaamkii iyo kala danbeyntii,maadaama aanu
anaga is aamini weynay.Baahida ugu weyni ee Ciidamada
shisheeye keenaysa waxaa ka mid ah dadkii oo aan is
aamineyn ogoleyna in hubka mid kood midka kale u dhiibo
si qarannimo loo gaaro,waayo mar hadii dawladi jirto
waxaa mamnuuc in hub cidi haysato oo aan dawlada aheyn.
Ciidamadu yey
noqonayaan,taa ikhtiyaarkeeda malaha dawlada
Somaaliyeed,dawladu waxe ka soo baxaday waajibaad
saarnaa oo ah inay ka fikirto qaabkii lagu soo celin
lahaa nidaamkii iyo kala danbeyntii,taana waxay ula
muuqatay in la helo ciidamo ka caawiya sugida amaanka
goobaha muhimka ah sida Dekadaha Aiportyada IWM.Isla
markaana hub ka dhigista kala qeyb qaata.Hadaba si taas
ay suura galiso dawlada waxay codsi u gudbisay Midow-ga
Afrika iyo Jamacada Carabta,iney siiyaan Ciidamo
arimahaa kala shaqeeya.
Intaa kadib waxay
dawladu mudan tahay inay ka sugto jawaabta ay ka
baxshaan codsiyadoodii Ururada ay u gudbiyeen,iyo cidii
wax u ogolaata,maah maah Ingriis ah baa waxey
aheyd(Dawarsaduhu dookh maleh)oo micnaha loola jeedaa
yahay qof hadii uu tuugsi tago wixii dadka uu tuugsaday
u ogolaadaan ayaa qasab ku ah inuu qaato oo isagu kla
doorasho iyo ikhtiyaar midna ma leh.Dawlada Somaliyeed
codsigeeda waa dawarsi cidii wax u ogolaato ayeyna ka
qaadaneysaa oo ikhtiyaar iyo kala doorasho maleh.Sidaa
aawadeed waa inaanu soo dhaweynaa cidkasta oo wax noo
ogolaata si aan xal u gaarno,isla markaana ay hor
kacayaan madaxdii ay noo dooreen dadkii ina matalayey.
Yaa diidan
Ciidamada Shisheeye ?
Waxaan shaki ku
jirin in Somaalida inteeda badan ay ogol yihiin
ciidamada shisheeye noocey doonaan ha ahaadeen, saf
danbe ama saf hore intaba,taa waxaa kuu cadeynaya
socdaalka ay ku mareen Madaxda Dawlada, gobolo dhowr ah
dadkii degenaa sidey u soo dhaweeyeen codsigooda
ciidamada shisheeye,waxaa kaloo soo dhaweyn la kulmay
waftigii xaqiiqo raadinta ee ka socday Midow-ga Afrika
Igad,iyo Jaamacada Carabta,marka Xamar laga
reebo.Waxaanu ognahay in Xukuumada Prof-Geedi ay u
codooyeen arinka Ciidamada oo isku duuban,laguna
asixiyey cod aqlabiyad ah taas oo ku tuseysa
dimuqoraadiyad,laakiin wasiirada qaarkood aysan fahmi
karin,waxa cod qaadista la yiraahdo iyo
dimuquraadiyada,intaba.Waxaa iyana cod ogolaansho iyo
diidis laga sugayaa inay u qaadaan Xildhibanada
Baarlmaanka oo la'ogyahay dhanka ay u badin doonto
miisaanka,taas oo noqon doonta ogolaansho madaama 90
wasiir oo xildhibaano ah ay horay u ogolaadeen hadana
codqaadista xildhibaanada ka qeyb qaadan doona iyo
xildhibanada intooda kel oo iyana codka kalsoonida siin
doona dawlada,waayo taa waxaan kuu cadeyneysa,maadamaa
Somalida loo qeybshay 4.5,waxaa ogolaansho laga haystaa
3.5 iyo halka haray nus ka mid ah.
Hadaba yaa
diidan,waxaa diidan xaga Madaxda dawlada ku jirta marka
aan ka bilowno dhowr wasiir labab ha ugu
darnaadeen,magaalooyinkana waxaa sawaxan la abaabulay oo
diidmo ah iyo qaraxyo dhoolatus ah oo loo geystay
waftigii xaqiiqo raadinta laga ahayaa Magalada Muqdisha
dadka ku nool,hadaba ma waxaa mata la Somaali afartaa
wasiir iyo Muqdisha mise dawlada inteeda kale iyo
dhamaan gobolada wadanka?.
Dadaka rer Muqdisha
iyo hogaamiyayaashooda waxaa ku adag iney qaataan
nidaamka xukuumiga ah nidaamka dawladnimo oo sheegaya in
talada loo dhiibo oo ay dawlada kaligeed taliso,waayo
waxa ugu badan ee ololaha wada waxaa ka mid ah
Ganacsasde sharci daro ku shaqeysta,oo waxaad Muqdisho
arkaysaa nin kaligii deked leh halka kuwii caamka ahaa
ay xiran yihiin uusanna ogoleyn in la furo, waayo
dhaqaalihiisii baa meesha ka baxaya,waxaa arkaysaa nin
beerihii bariiska daroogo u badalay oo ka baqaya in
sharciga la horkeeno, hadaan la hor keeninna ugu yaraan
ka baqaya dhaqaalihii u ka heli jiray meesha oo ka
baxaya isna,waxaa kaloo diidan kan haysta hantidii ma
guurtada aheyd, hadey ahaan laheyd mid gaar loo lahaa
iyo mid dawladeedba oo ka baqaya in laga qaado hadii
Sharcigii la soo cesho.
Waxaa kaloo Ololaha
dhinac kaga jira koox diimeed aan cidi diinta u wakiilan,
oo aan hadana la garaneyn cida ay u shaqeynayaan,laftoodana
danbiyo ka galay dadka iyo dalkaba,dadkana diinta ugu
gabada,oo sheega in Ethopia aan col nahay sidaa
daraadeed ay jihaadayaan hadii la keeno wadanka ciidamo
Ethopian ah.
Ciidamada Ethopia
waxay ka mid yihiin ciidamada Midow-ga Afrika oo
sharciyan hadii laga codsado aan cidi u diidi karin ka
qeyb qaadashada arimaha midowga Afrika,tan labaad
Ethopia iyo Somaliya waxay la mid yihiin dunida kale ee
caalamka,oo in badan diriray hadana heshiiyey,Jabaan
waxaa Nucliyeer ku garaaca 1945-kii Maraykanka, waxaa la
garaacay magaalo la yiraahdo Hero-shima dalka Jabaan
kamid ah, Jabaan waa is dhiibi waayey waxaa lagu daray
Negosaaki oo ah magaalo kale oo Jabaanka ka
tirsan,markaa Jabaan waa is dhiibay oo dagaalkii
Maraykanka ayaa ku adkaaday,saas oo ay tahay qasaaraha
loo geystay Jabaan ma keenin inuu diido inuu la heshiiyo
Maraykanka,oo maanta waxaa ka dhaxaysay xiriir ganacsi
iyo xiriir siyaasadeed intaba.Hadaba anaga oo Ethopia
kaga adkaanay dagaalkii ugu danbeeyey inaan maantana la
heshiino ma ah wax lalayaabo ama la biciidsado.
Dhanka kale waxaa la
weydiiyey Ciidamada Ethopia ka qeyb qaadshadooda arinta
ciidamada Somaliya Generaal Cali Samatar oo US jooga
waxaa weydiisay BBC-da ninkii dhagaystay,Cali Samatar
wuxuu ahaa masuulkii ugu sareeyey Somalida oo maamulayey
dagaalkii 77,maanta wuxuu cadeeyey ineysan waxba ku
jabneyn in Ethopia aan la heshiino oo aan kaashano is
fahamnana.C/laahi Yuusf waa ninkii ka qeyb qaatay
dagaaladii Somaliya Ethopai la gashay sida kii 1964-kii
iyo kii 1977-kii taa oo uu C/laahi Yuusuf uga kasbaday
dawladii Rayidka aheyd ee 1964-kii in loo diro Koorso
Militray loona diray Midowgii Sofyeeti,iyadoo looga
dhigay C/laahi taa abaal marin, guusha uu ka keenay
dagaalka aawadeed, ay Somaliya la gashay Ethopia
dhinicii uu isaga masuulka ka ahaa xaga
dagaalka.Inkastoo guud ahaan Somalida dagaalkaa looga
adkaaday.Sidoo kale waxaa uu C/laahi Yuusf si baaxad
weyn uga qeyb qaatay kii 1977 oo la'ogaa iyana
dhniciisii guulaha uu ka soo hoyay,maanta inuu la
heshiiyo iyana waa wax dabiici ah.
Si kastaba ha ahtee
waxaan hadalkayga jeclaan laha ainaan ku soo gabagabeeyo
in Somaalidu fahmaan macnaha dawladnimo,rer Muqdishana
aysan dhibaato ku noqon la qabsiga nidaamka dawlnimo,ee
aad moodo in uu ku yahay cadow.
Cabdilaahi
Cali Cabdi(Xanaf)
xanaf2007@yahoo.co.uk
Khartoum Sudan
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan