SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mas'uuliyiin ka socday labada gole oo baaq dalbasho ah ka soo saaray xabsigii boosaaso loogu gaystay C/llaahi sh Xasan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi | Feb 28, 2005

 
C/llaahi sh Xasan oo ka mid ahaa wafdigii xaqiiqo raadinta ee ka socday AU iyo jaamacadda carabta ayaa lagu xiray magaaladda boosaaso ee ismaamul goboleedka puntland isagoo ku guda jira sida wararka halkaas ka imaanaya ay sheegayaan howshii loo xilsaaray ee xaqiiqa raadinta.
 
Siyaasiyiintan ayaa ka dalbaday maamulkaas in ay si dag dag ah u sii daayaan mas'uulkaas ku xiran puntland waxayna iyagoo intaas ku daray xubnahan in dhacdadani ay tahay mid laga xumaado oo dhibaato keeni karta hadii aan dag dag loo sii daynin.
 
Xildhibaanadan waxa ay arrintan dalbashada sii daynta u xilsaareen Cumar Xaashi Aadan oo wada dadaal uu ku samaynayo sidii uu ula xiriiri lahaa maamulka xiray C/llaahi Sh Xasan.
 
Siyaasi ka mid ah siyaasiyiintan soo saaray qoraalka ay ku dalbanayaan sii daynta C/llaahi Sh xasan ayaa ii xaqiijiyay in Mas'uulkan lagu xiray boosaaso uun aruurinayay figaradaha dadka qaba in aan la keenin wadanka ciidamo ka socda wadamada safka hore ee dalalka IGAD la isku yiraahdo, sababta xiritaankiisana ay ka dambayso arrintan.
 
Dhinaca kale wararka ka imaanaya ismaamulka puntland ayaa sheegaya in Wasiirka warfaafinta ee puntland uu si cad u sheegay in ay maamulkiisa xireen mas'uulkan waxa uuna intaas ku daray in la baarayo haddana uu ku jiro xabsiga dhexe ee boosaaso isagoo aan sheegin sabab cad oo lagu xiray.
 
C/llaahi Sh Xasan waa xildhibaan ka mid ah baarlamaanka waxa uuna ka mid ahaa wafdiga xaqiiqo raadinta ah ee ka socday AU iyo Jaamacada Carabta loona xilsaaray in ay soo sahmiyaan xaaladda ammaan ee meelo ka mid ah soomaaliya ka hor inta aan halkaasi la gaynin ciidamo ka socda wadamada IGAD si ay usoo ogaadaan sida dadka u rabaan ciidamad la geeyo dalka.
 
waxaana xabsiga la dhigay daraad xili ay Puntland booqanayeen wafdi ka socda Dowladda FKMG ah oo ay hogaaminayaan madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha iyagoo shalayna ku sugnaa boosaaso walina lama soo sheegin wax hadal ah oo ay labadan mas'uul ka yiraahdeen xirida Mas'uulkan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Feb 28

WARARKA KALE EE MAANTA HOOS KA AKHRI::::


Xubnaha Labada Gole ee Beesha Hawiye ayaa ugu baaqa cida xiratay Cabdulaahi Sh Xasan in ay sii daayaan ayna cadeeyaan sababta loo xiray marna ogolaanmayno go aamada ay soo saari doonaan gudiga xaqiiqo raadinta 

WD: Axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi

Kulankan waxa uu ka dhacay xarunta shirka Soomaalida ee Mbagathi waxaana ku doominayay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada ee Hawiye ahna Afayeenka Beeshaas Xidhibaan Cumar Xaash Adan. 

Waxaa kulanka Xaadir ku ahaa Wasiirada Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax Ganacsiga Al Xaaj MuUSE Suud Yalaxow, Awqaafta iyo Diinta Cumar Filish Hoowlaha Guud Cusmaan Xasan Cali Caato Dr Cali Baashi Cumar Rooraayer Caasho Caaji Cilmi Wasiirka Lacagta C/kariim Axmed Cali Wasiiro ku Xigeeno Wasiiro Xidhibaano gaaray 38 Xubnood. 

Ujeedada kulankani waxa ay ahayd iyadoo ay maalmahanba soo if baxayeen warar sheegaya in la xiray mas uul ka mid ahaa Gudigii Xaqiiqo raadinta oo iyagu maalmahanba Booqanayay Goobo ka tirsan Wadanka Soomaaliya.

Mas uulkan ayaa lagu xiray Garoowe oo ah xarunta Maamulka Waqooyiga Bari ee Soomaaliya laguna magacaabo C/laahi Sh Xasan hadaba Xubnaha labada Gole ee Beesha Hawiye ayaa iyagu manta Amuurtaas Daraadeed u qabtay shir ay diirada ku saarayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen C/laahi Sh Xasan xarigiisa,

Dhamaadkii shirkan ayaa Saxaafada la siiyay war Murtiyeed kooban oo ka soo baxay kulankaas iyada oo saxaafada uu ka hor aqriyay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada Beesha Hawiye ahna Afayeenka Beeshaas Xidhibaan Cumar Xaashi Adan. 

1-waxaa na soo gaartay in la xiray Muwaadinkaa Soomaaliyeed Markii Wafdigu Joogay Garoowe Xarigaas oo ah mid sharci daro ah waxa uuna ka tirsana Wafdigii ka Socday A-U waxa uuna ka tirsanaa Ragii Gobolada oo dhan soo maray oo xaqiiqo raadinta. 

gudiga naftirkiisu waxa uu ku salaysanyahay marka laga reebo Dadka Ajnabiga ah 4.5 iyadoo ninkaa si sharci daro ah loogu xiray Garoowe. 

2- Waxaan Baaqa Adag ku soo jeedinaynaa in Si dagdaga loo soo daayo C/laahi Sh Xasan oo xoriyadiisii dib loo soo celiyo laguna soo celiyo goobtii laga waday oo hoowsha looga diray oo ahayd Xamar lana cadeeyo sababtii loo xiray. 

3-waxaan usheegaynaa Gudigaas & cida uu siin doono warbixintaba in warbixinta Gudigaasi ay keeni doonaan aan u aqoonsanayno in uu yahay mid aan sharci ahayn maadaama ninkaas loo xiray lana yiri waxa uu ka war bixiyaa oo uu sheegaa wax anagu aynaa rabin. 

marka waxaa muuqata gudigaasi in ay ahaayeen gudi dhinac ushaqaynayay dadkii Dirsadayna wixii ay doonaan ka dhaadhicinayeen fikirkooda figrad ka soo horjeeda cid sheegi kartaana ayan jirin sidaa darted warbixinta iyo go aamada ay gudigaasi keeni doonaan ma ahan mid aan aqbalayno waxaan si cad ugu baaqaynaa cidii ninkaa xieray in ay si dagdaga u sii daayaan ayna cadeeyaan sababta loo xiray,


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ayaa kulankii Baarlamaanka ee Maanta warbixin ka siiyay xubnaha Baarlamaanka Safarkiisii Talyaaniga

WD: Axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi

 


sh xasn dalxa boqore

xubnaha baarlamaanka

dalxa, afay, kipligad

sakiyo_kipligad
Sawirada: Waxaa qaaday Idaawaqaca

Kulankan waxaa ka soo xaadiray xubno badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaana gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan oo ay dhinac Joogeen  gudoomiye ku xigeenka  Koowaad ee Baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo ku xigeenka Labaad Ismaaciil Cilmi Boqore,

 

Kulanku waxa uu ku biloowday aayadaha Quraanka ka dibna waxaa hadalkii furay Sh Xasan Sh Adan oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed isaga oo ku bilaabay waano& wacyi galin ku aadan Asluub wanaaga iyo wadan jacaylka iyo mas uuliyada saran Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed,

 

Sh Xasan Sh adan waxa uu ku dheeraaday in loo baahanyahay in qof waliba gintiga dhiisha iskaga dhigo sidii uu Dalkiisa u dhisi lahaa qaybna uga noqon lahaa horseedka nabada iyo isjacaylka umada Soomaaliyeed,

 

Intaas ka dibna waxaa hadalkii la wareegay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad  ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa oo Bilaabay warbixintii Safarkooda isaga oo ku bilaabay in safarkoodu ahaa mid guul u ah wadamada ay booqdeen iyo Soomaalidaba,

 

Maxamed Cumar Dalxa waxa uu sheegay in Safarkoodu ahaa mid ay kuwada Jireen 22 Xidhibaan isaga oo sheegay in ay la soo kulmeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Wadanka Talyaaniga iyo mas uuliyiin kale,

 

Prof Dalxa waxa uu sheegay in ay kawada hadleen wadanka Talyaaniga Amuuro la xariira dhinaca dhaqaalaha isaga oo sheegay in ay u balanqaadeen in hadii Soomaalida laga helo in ay wax qabsadaan laga taageeri doono dhinacyada Dhaqaalaha Siyaasada iyo waxyaabo kaloo badan,

 

Prof Maxamed Cumar Dalxa waxa uu mahad badan u celiyay Siyinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Safaarada Roba Dadwaynaha iyo Xubnihii Dalka Talyaaniga oo ay la kulmeen,

 

Waxaa kaloo ay mahad badan u celiyeen Ganacsatada Imaaraadka Carabta iyo Jaaliyada Soomaaliyeed eek u Nool Imaaraadka waxaa kaloo ay mahad aan la soo koobi Karin u celiyeen xubnihi baarlamaanka ee Wafdiga Sh Xasan ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Joma Kenyata,

 

Kulankani waa kii labaad ee Xubnaha Baarlamaanka ay iskugu yimaadaan iyadoo kulankii midkan ka horeeyay laqabtay 13/2/2005waxaa dib loo balamay kulanka midkan manta xiga maalinka Arbacada oo ay taariikhdu ku beegantahay30/2/2005

 

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa aysan wali wax go aana ka gaarin in Soomaaliya la keeno Ciidamo shisheeye amuurtan oo dhalisay muran xaga Afka ah ka dib marki Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed  dalbaday ciidamo shisheeye hase yeeshee Xubno ka tirsan Wasiiradiisa ayaa Amuurtaas gaashaanka ku dhuftay iyadoo laga Dhursugayo go aanka kama danbaysta ah ee Baarlamaanku ka gaaro amuurtaas.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2005


gawaaridii oo lagu xiray Calaamadaha soo dhaweynta  Photo By Cabdifataax Jaamac MireWaftigii DFKMG oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Boosaaso
Waxaa maanta Isku soo bax aad loo soo Abaabulay oo lagu soo Dhawaynaayo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha DFKG ay ka Dhacday Magaalada Boosaaso Guji... Feb 27

Beesha Hawiye oo Kulankoodii Maanta Ka Soo Saaray Go'aamo
Xubnaha Labada Gole ee DFKMG ee Beesha Hawiye ayaa shir Sedex cisho Socday ka dib waxay soo saareen shan qodob oo ay beesha wada saxiixday oo uu kamid yahay qodob ah "In caasimadda ay ka saaraan maliishiyaadka iyo hubkooda." Guji Feb 27

Maxkamada Somaliland oo Go'aan Ka Gaadhay Dacwada Doorashada Golaha Wakiilada
Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa dacwad uu sooqoray madaxwayne rayaale oo ... Guji... Feb 27

"Xukuumada (FKMG) ayaa ku kala Qaybsan Keenitaanka Ciidamada Shisheeye"
Sidaas waxaa yiri afhayeenka isbahaysiga dooxda jubba oo ay SomaliTalk maanta ku waraysatay Kismaayo.. Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
Link email tuugada

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD