SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo 

Feb. 04, 2005 

  • Dagaallo ciidamada cadowga Itoobiya lagu jabiyay.
  • Maraykanka oo Itoobiya ku qasbaya inay tallaabo ka qaado xasuuqii Gambella.
  • Shir gudniinka gabdhaha ku saabsan oo Jabuuti lagu qabtay
  • Xukuumadda Itoobiya oo qas ka abuurtay gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya
  • Iyo barnaamijkii Aragtida Halgamaaga

=================================== 

Dagaallo ciidamada cadowga Itoobiya lagu jabiyay.

Dagaalka gobonimo doonka ah ee u dhaxeeya ciidamada xoryenta Ogadenya iyo kuwa cadowga Itoobiya ayaa si joogto ah uga socda gobollada Ogadenya oo dhan, waxaana goobaha dagaalka mar kasta lagaga awood roonaadaa ciidamada kar-karka ah ee nidaamka Addis Ababa xasuuqa ku keenaya dhulka Ogadenya. Dagaalladii ugu denbeeyay ee ka dhexdhaca cwxo iyo ciidamada gumaysiga itoobiya waxay u dheceen sidatan:

- 21/01/05 Hodan-weyn oo Gobalka Nogbeed ka tirsan dagaal ka dhacay ayaa ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 5 askari, 4 kalana laga dhaawacay.

- 21/01/05 baadiyaha Sagag iska hor imaad dhex maray haftood-hurayaasha jwxo iyo naftood-halaaga yaasha cadowga itoobiya ayaa naftood-halaagayaasha nacabka gumaysiga itoobiya lagaga dilay 3 askarihalka dhaawucuna gaadhay 4 kale.

Meesha layidhaahdo Barqo-maal oo Sagag u dhow wuxuu CWXO 26/01/05 gacanta ku dhigay koox dabaqoodhi ah oo  cadowgu soo dirsaday. Kooxdaas dabaqoodhiga ahayd ayaa guryohoodii loo kala diray, ka dib markii laga qaaday hubkii ay wateen.

- 27/01/05 Gacandhiile oo Sagag duleedkeeda ah ayaa ciidamada cadowga itoobiya dherbaaxo xoog lehloogu gaystay waxaa cadowga halkaas lagaga dilay 20 askari, waxaana laga dhaawacay inta la hubo 13 askari.

-Kuus-cawl oo u dhow magaalada Fiiq ayaa iyana 28/01/05 ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 5 askari, iyadoo dhaawucuna gaadhay 7 askari.

- 28/01/05 Meel u dhaxaysa Iimey iyo Gudhis ayey CWXO isku heleen Dabaqoodhi uu soo dirsaday Cadowgu. Waxaa dabaqoodhiga halkaas lagaga dhaawacay 4, kuwaasoo gacanta lagu dhigay, hase yeeshee la iska sii daayay, ka dib markii laga qaaday hubkii ay wateen.

Maraykanka oo Itoobiya ku qasbaya inay tallaabo ka qaado xasuuqii Gambella

Dawlada Maraykanka ayaa xukuumadda Addis Ababa ku cadaadinaysa inay maxkamad soo saarto ciddii ka denbaysay xasuuqii Gambella oo dad boqollaal gaadhay lagu dilay, qaar kale oo badana guryohoodii laga gubay.

Waxaa muhiim ah in la ciqaabo dadkii masuulka ka ahaa xasuuqii dadka rayadka ah ee Gambella ku dhaqan loo gaystay bishii Disember ee sannadkii 2003 iyo horraantii 2004, kuwaasoo ay ku jiraan masuuliyiinta xukuumadda, booliska iyo millaatriga xasuuqaas lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan uu soo saaray safiirka Maraykanka u fadhiya dalka itoobiya.

Safiirku wuxuu bayaankan soo saaray, ka dib markii dhammaadkii toddobaadkii hore booqasho ku tegay gobolka Gambella, isla markaana uu wada-hadallo la yeeshay madax dhaqameedyada qabaa’ilka ku dhaqan gobolka Gambella.

Xasuuqaas loo gaystay dadka Gambelaha ah ayaa lagu dilay in ka badan 1000 qof oo u dhashay qabiilka ugu wayn qabiillada ku nool gobolka gambella, waxaana la xaqiijiyay in ciidamada millatariga ee Wayaanuhu ay si toos ah xasuuqan u fuliyeen.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR oo shaqaaleheedii gobolka kala baxday markii ay shaqaaqooyinku dheceen, ayaa hada sheegtay inay dib ugu soo noqotay meelihii ay ka hawl-geli jirtay.

Shir gudniinka gabdhaha ku saabsan oo Jabuuti lagu qabtay

Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa badhtamihii toddobaadkan lagu qabtay shir heer gobol ah oo lagaga hadlayay cidhib-tirka gudniinka fircooniga ah, waxaana shirkaas ka soo qayb galay afar waddan oo Qaaradda Afrika ku yaalla iyo dalka Yeman.

Shirkan, oo socday arbacadii iyo khamiistii, waxaa ka soo qayb galay wakiillo 300 oo qof gaadhaya, kuwaasoo kala ka yimid wadamada Eritereya, Soomaaliya, Suudaan iyo Itoobiya iyo waliba aqoonyahano ka socda Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, sidaas waxaa sheegay Ururka UNICEF ee Qaramada Midoobey.

Shirkan waxaa soo qabnaqaabiyay wasiirrada caafimaadka ee dalalka Geeska Afrika. Dalka Jabuuti, oo shirkan martigeliyay, ayaa qalinka ku duugay heshiiskii xuquuqda dumarka afrikaanka ah ee sannadkii 2003 lagu gaadhay magaalada Maputo. Heshiiskani wuxuu wadamada saxiixay ku waajibinayaa inay la dagaallamaan gudniinka fircooniga ah.

Xukuumadda Itoobiya oo qas ka abuurtay gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Itoobiya ayaa la sheegay inay ka denbaysay muran ka abuurmay guddoomiyihii degmada Dolow oo xilkiisii laga qaaday, arrintaasoo keentay in buuq wayni uu ka dhasho deegaannadaas.

Dadka ka soo horjeeda in guddoomiyaha xilkiisa laga qaado ayaa sheegaya inay xukuumadda Addis Ababa si cad faraha ugula jirto maamulka gobolka Gedo, iyadoo xilka ka qaadaysa qofkay u malayso inaanuu siyaasadeeda fulinaynin.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya waxay dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo, soo galaan mar kastoo ay doonaan, iyagoo xadgudubyo badan u gaysta dadka soomaaliyeed ee deegaankaas ku dhaqan.

Feb. 04, 2005

C/Nuur Sh.Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari.

Afeef: Warkaas waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2005


Warmurtiyeed kusaabsan Soomaaliya oo laga soo saaray shirkii abuja
» Lix Qof oo kudhintay Dagaal ka dhacay Kismaayo
» Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG oo warqad ka helay UK
» Xuseen Caydiid oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Kenya
 Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Samsam oo Soo Gaartey Garoowe
» Samsam oo soo gaartey Woqooyi Bari...
» Samsam oo shuruud la'aan lagu siidaayey...
...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 3

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD