SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Samsam oo Soo Gaartey Garoowe
» Samsam oo soo gaartey Woqooyi Bari...
» Samsam oo shuruud la'aan lagu siidaayey...

SomaliTalk.com | Feb 3, 2005

Dr. Ghanim Alnajjar:
Professor jaamacada Kuwait, Tifatire joornaalka "Gulf Studies Series Journal", Khabiirka madaxa banaan ee qaramaad midoobey u qaaabislan Soomaaliya oo uu 2001kii magcaabay Kofi Annan. xubin ka tirsan Amnesty International iyo arimaha xuquuqul Insaanka ee Ciraaq taas oo uu ahaa ilaa 2003.
ISHA: www.koerber.de

Diyaaradii sidey Samsam Axmed Ducaale ayaa maanta (Feb 3, 2005) 5:30 aroornimo ka soo degtey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, wax yar kaddibna waxay u kicitintay magaalada Garoowe oo ah caasimada DGPL. Halkaas oo duhurnimadii maanta Samsam lagu wareejiyeye DGPL. Waxaana Samsam halkaas keenay Dr. Ghanim Alnajjar oo ah ergeyga gaarka ah ee xuquuqda aadamiga u qaabilsan Soomaaliya.

Samsam waxa ay diyaaradu ka soo qaaday magaalada Hargeysa, halkaas oo xabsiga laga soo daayey shuruud la'aan.

Samsam waxa ay hadda joogtaa Garoowe ayadoo ay xornimadeedii mar kale u soo laabatay.

Warkaas waxaan ka helay Axmed Maxamuud Ducaale "Duuje" oo aan wax yar ka hor khadka teelfoonka kula xiriirnay asagoo jooga garoowe.


Samsam Axmed Ducaale oo Shuruud La'aan Lagu Soo daayey

War SomaliTalk ka soo gaarey hay'adda UNDP Soomaaliaya ayaa shaaca ka qaaday in Samsam Axmed Ducaale xabsiga looga sii daayey si shuruud la'aan ah, laguna wareejiyey hay'adda xuquuqda aadamiga si ay ugu qaado Puntland. Warkii oo aan turjumneyna waa kan:

Zamazam Axmed Ducaale oo Xabsiga laga sii daayey

Somalitalk.com waxay warkaan ka heshay UNDP xafiiskeeda Nairobi, Wed, February 2, 2005 10:48 pm

Hargeysa: Samsam Axmed Ducaale ayaa si shuruurd la'aan ah ayey u siidaayeen maamulka Somaliland waxayna ku wareejiyeen khabiirka madaax bannaan ee qaramada midoobey u qaabilsan xuquuqda aadamiga ee Soomaaliya, Dr. Ghanim Alnajjar, kaas oo Samsam u kaxayn doona gurigeedii gobolka Puntland.

Samsam Axmed Ducaale oo 17-jir ah waxaa la xiray 15kii Agoosto 2004, waxaana shan sano oo xabsi ah lagu xukumay 15kii December 2004 xukunkaas oo ay qaaday maxkamada Hargeysa - afar sano oo ah eedayn basaasnimo iyo hal sano oo ah eedayn been ka sheegid magac, aqoonsiga iyo qabiil. Waxaana looga shakiyey in ay akhbaar sir ah raadineysey guriga madaxweyne kuxigaha ee hargeysa ayadoo ka timid Puntand. Arimahaas oo ay Samsam beenisey.

Waxaa lagu eedeeyey saraakiil booliis ah in ay si xun ula dhaqmeen Samsam intii ay xirnayd. Kaddib markii uu khabiirka madaxa bannaani weydiiyeye, waxa ay Somaliland u xaqiijisay in eedaymahaas la baari doono, waxayna u xaqiijiyeen in ay si buuxda u qadarinayaan go'aan kasta oo ay Samsam Ducaale ka qaadato sii wadashada eedaymahaas ee maxkamad sharci ah.

Dr. Alnajjar waxa uu ku jiraa booqashadiisii afraad ee xaqiiqo raadis ah ee uu ku tegey gobolka ilaa markii loo magcaabay khabiirka madaxa bannaan ee arimaha xuquuqda insaanka ee Soomaaliya, waxaana magcaabay xog-haya guud ee qaramada midoobey Kofi Annan bishii June 2001. Shaqadiisu waa in uu qiimeeyo arimaha xuquuqda aadamiga ee Soomaaliya kaddibna uu arintaas warbixin ka siiyo guddiga qaraamada Midoobey ee Xuquuqul Insaanka.

Intii uu kujirey hawl galkiisan, Dr. Alnajjar waxa uu wada hadal dheer la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan Somaliland, oo uu kujiro madaxweyne ku xigeenka, wasiirada caddaalada iyo arimaha gudaha, xeer ilaaliyaha guud, iyo af-hayeenka baarlamaanka. Waxa kale oo uu la kulmay xubno katirsan mucaaradka, dadka matala degaanada iyo hay'adaha NGO iyo warbaahinta.

Waxyaabihii laga wada hadlay waxaa kamid ahaa xuquuqda dumarka iyo carruurta, xaalada xabsiga, jadwalka doorashada Somaliland, arinta socota ee la rabo in lagu asaaso guddi madax bannaan oo qaabilsan xuquuqda aadamiga, arinta muranka dhalisay ee loo yaqaan "Public Order Law" iyo arimo la xiriira.

Wada hadalkii uu la yeeshay wasiirada arimaha gudaha iyo caddaalada ee uu kala hadlay arintan "Public Order Law", waxaa la soo jeediyey in si degdeg ah loo derso sidii sharciga dib loogu laaban lahaa, si uu u noqdo sharci waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka. Wasiiradu arintaas waa aqbaleen in ay arintaas fiirinayaan iyaga iyo dhigooda kujira guddiga nabad geliyada qaranka.

Khabiirka madaxa bannaan waxa uu toddobaadna booqan doonaa garoowe, Boosaaso iyo dhulka ay aafeysay dhibaatadii badgariirku ee xaafuun.

Warkii oo Af-Ingriisi ah:
17-YEAR OLD ZAMZAM AHMED DUALEH RELEASED FROM PRISON

Hargeisa - Zamzam Ahmed Dualeh has been unconditionally released by the Somaliland authorities into the custody of the Independent Expert on the human rights situation in Somalia, Dr. Ghanim Alnajjar, who will then accompany Ms. Dualeh back to her home region of Puntland.

Seventeen-year old Ms. Dualeh was arrested on 15 August 2004 and on 15 December 2004 was sentenced to five years' imprisonment by the regional court of Hargeisa - four years for alleged espionage and one year for purportedly lying about her name, identity and clan. She was suspected to be obtaining secret information about the Vice-President's house on her visit to Hargeisa from Puntland. She denied the charges.

Allegations have been raised that Ms. Dualeh was mistreated by police officers during her detention. Upon the request of the Independent Expert, the Somaliland Government confirmed its commitment to investigate these allegations, and ensured that it would fully respect any decision by Ms. Dualeh to pursue these allegations in a court of law.

Dr. Alnajjar is on his fourth annual fact-finding visit to the region since being appointed Independent Expert on the situation of human rights in Somalia by UN Secretary-General Kofi Annan in June 2001. His mandate is to assess the prevailing human rights situation in Somalia and report his findings to the UN's Commission on Human Rights.

During his mission, Dr. Alnajjar held substantive talks with top Somaliland officials, including the Vice-President, the Justice and Interior Ministers, the Attorney General, and the Speaker of the House of Representatives. He was also able to meet with leading members of the opposition, representatives of local and international NGOs and agencies, and the media.

Amongst the matters raised during these discussions were women's and children's rights, prison conditions, Somaliland's election timetable, the ongoing efforts to establish an independent human rights commission, the controversial Public Order Law, and other related issues.

In discussions with the Interior and Justice Ministers regarding the Public Order Law, it was suggested that the members of Somaliland's National Security Committee, which has the prerogative of applying the law's provisions, urgently study the possibility of revising the law, with a view to reconciling it with international human rights standards. The ministers agreed to look into this matter with their colleagues in the National Security Committee.

The Independent Expert continues his mission this week with visits to Garowe, Bossaso and the tsunami-stricken Hafun-area.

Source: UNDP | Wed, February 2, 2005 10:48 pm

Faafin: Somalitalk.com | Feb 3, 2005 | Updated: Feb 4, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD