SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Samsam Axmed Ducaale oo La Sheegay in Jeelka laga Siidaayey, laguna Wareejiyey Hay'aadaha Xuquuqda Aadamiga
"iyo Shaqada hay'adahaas Xuquuqda aadamiga ee ku sugan Hargeysa oo La Xadiddi doono"

Hargeysa | Febraayo 2, 2005


Axmed Siciid Cige oo Ka Warbixinaya Wareejinta Samsam lagu wareejiyey Qaramada Midoobey


Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Samsam Axmed Ducaale lagu wareejiyey Hay'adaha xuquuqda Aadamiga ee Qaramada midoobey si ay ugu qaadaan Boosaaso.

Hay'adaha xuquuqul Insaanka ee lagu wareejiyey Samsam weli xaaladeeda war kama soo saarin.

Ilaa hadda maamulka Hargeysa waxay ku adkaysanayaan "in aan Samsam lagu kufsan Xabsiga", arintaas oo khilaafsan sheegashadii ay Samsam ka sheegtay maxkamada Hargeysa horteeda. Waxa ay sheegeen in mar kale Samsam "la baaray oo la waayey wax sheegaya in la kufsaday" balse aan si rasmi ah adduunka loogu shaacin waraaqahaas la sheegay in lagu cadeeyey in la baaray.

Waxayse murankaasi kala caddaan doonaa marka ay Samsam si xor ah ula kulanto saxaafada xorta ah.

Wararka kale ee ka imanaya Hargeysa ayaa sheegaya in la xadidi doono shaqada hay'adaha Xuquuqul Insaanka ee kusugan Hargeysa, maadaama ay hay'adahaasi guteen waajibkoodii.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2005

GABAYGA MAANTA: GOGOL: [WT: Fagare]
Dhegeyso Gabayga Gogol oo Cod ah... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD