-
Warmurtiyeed
kusaabsan Soomaaliya oo laga soo saaray shirkii
abuja
-
Lix
Qof oo kudhintay Dagaal ka dhacay
Kismaayo
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG oo
warqad ka helay Ingiriiska
-
Xuseen
Caydiid oo la kulmay Safiirka
Jarmalka u fadhiya Kenya
Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Ahna
Raysulwasaare ku xigeen Eng Xuseen
Maxamed Faarax Caydiid, ayaa Galabta la
kulmay Safiirka Jarmalka
Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii
abuja ee AU-da oo soomaaliya ciidan
loogu ogolaaday.
Canab
Mumtaz | Somalitalk.com | Nairobi, Kenya
canabmumtaz@hotmail.com
| Feb 3, 2005
Wadamada
ku bahoobay IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto
kana qaybgalayay kulankii Abuuja ee
madaxda ururka midnimad afrika ayaa soo
saaray warmurtiyeed aad u dheeraa oo
looga hadlayay xaaladda soomaaliya iyo
sidii loo taaba galin lahaa dowladii
lagu dhisay dalka kenya oo ay soo qaban
qaabiyeen wadamada IGAD.
Warmurtiyeedkan oo aad u dheeraa nuxur
ahaan marka la soo koobo waxa uu ka
hadlayay sida ay dowadda FKMG ahi ugu
baahan tahay ciidan suga amniga dalka
inta ay dowladdu ka noqonayso mid xoogan
amaanka dalkana hanan karta. waxaana ka
mid ahaa qodobadan.
1.Inay
jirto baahi degdeg ah si ammaanka loo
sugo oo gacan loogu siiyo dowladda
federal-ka ku-meel-gaarka Soomaaliyeed (DFKMGS)
inay si sugan dib ugu degto Soomaaliya,
isla markaasna si taabbo gal ah loo
dhaqan geliyo waxyaabihii ka soo baxay
hannaankii nabadayntii IGAD .
2-Djibouti, Itoobiya, Kenya, Suudaan,
iyo Uganda,waxay si dhab ah gacan uga
qayb qaadanayaan howl-galka lagu gacan
siinayo nabadaynta iyagoo keenaya
ciidamo iyo/ama qalab.
3-Waxaa
la farayaa Xog-haynta IGAD iyadoo
kaashanaysa Midowga-Afrika inay keento
dhaqaale lagu daboolayo kharajka lagu
caawinayo howl-galka nabadeynta.
4-Waxaa
la farayaa wasiirada gaashaan-dhigga iyo
Taliyeyaasha ciidammada inay si degdegah
u kulmaan isla markaasna go'aamiyaan
iyagoo la tashanaya DFKMGS kalana
xaajoodaan oo isku raacaan si tafaftiran
qaababka ciidammadaas loo geynayo
Soomaaliya.
5-Waxaa
awood loo siiyay Guddoomiyaha IGAD ee
hadda xilka haya inuu u howl galo
wadammada gobolka,dowladaha xubnaha ka
ah Midowga Afrika iyo beesha caalamka
inay xaqiijiyaan sidii loo heli lahaa
ciidan, dhaqaale, iyo farsamo kasta oo
gacan lagu siin karo howl lagu caawinayo
nabadaynta.
6-Waxaa
laga codsanayaa dowladaha xubnaha ka ah
Midowga-Afrika inay iyagan awood u
siiyaan in la geeyo ciidammo gacan ka
gaysta howl-galka nabadaynta Soomaaliya
i slamarkaasna muujiyaan rajadooda ku
aaddan sidii ay Qarramada midoobay u
meel marrin lahaayeen.
Ciidamadan
waxaa laga kala keenayaa dhamaan
wadamada IGAD ku jira waxaana loo
xilsaaray in xoogga saaro arrintan
Madaxweynaha Ugandha isagoo isku duba
ridi doona waxii qarash ah ee ay u
aaahan yihiin iyo sida loo habaynayo
ciidamadaas ay IGAD ugu yaboohayso
dowladda Somaliya.
Wadamada
IGAD ee gacanta ku hayay shirka somalida
uga socday labadii sano ee la soo
dhaafay dalka kenya waxay balan
qaadayaan sida ay hadalka u dhigeen in
taaba gal ka dhigi doonaan waxqabdkan
dowladan iyagoo ka caawin doona
dhinacyadda amaanka xagga dhaqalahana u
waydiin doona wadamada deeqaha bixiya in
aysan somaliya ka qasaarin shirkii la
soo waday labadii sano ee tagtay.
Waxaa la
filayaa waxa ka dhaqan gala qorshaha
cusub ee ay IGAD wado kuna aadan
ciidanka soomaaliya habkii ay dowladda u
maarayn lahayd iyo sidii qaybaha diidan
hadiii ay IGAD keenaan ciidamaas ugala
xaajoon lahayd waxaana socda hadda
wadahadal ku aadan sidii ay dowladdu uga
midaysmi lahayd howlgalinta ciidaamadaas.
Canab
Mumtaz | Somalitalk.com | Nairobi, Kenya
canabmumtaz@hotmail.com
| Feb 3, 2005
Lix qof ayaa
dhimatay, ku dhawaad kow iyo toban qofna way ku
dhaawacmeen, dagaal qaraar oo saakay ka dhacay
isgooska somali star ee magaalada kismaayo,
dagaalkan oo u dhaxeeyay isbahaysiga dooxaga juba
iyo kooxda la magac baxaday golaha nabadgalyada iyo
midnimada qaranka.
cabdi
qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Dagaalkan qaraar ee
sakay dhexmaray ciidamada isbahaysiga dooxada jubba
iyo ciidamada golaha nabad galyada iyo midnimada
qaranka ayaa waxa uu bilowday abaare afartii saac oo
rubi dhiman ee subaxnimo ayadoo dagaalkan uu ka
bilowday isgooska somali star ee xaafada calanleey,
la isuna adeegsaday dagaalkan hubka noocyadiisa kala
duwan.
Dagaalkan ayaa
dadka ku dhintay waxa ay gaarayaan lix qof ayadoo
dhaawacuna uu ahaa kow iyo toban qof isla markaana
ay dadka dhintay ay ka kala tirsanaayeen labada
garab ee halkaasi ku hardamaysay ayadoo sidoo kale
ay jiraan dad rayid ah oo ay wax yeelo ka soo
gaartay daagaalka.
Dagaalkan saaka
dhexmaray ciidamada isbahasiga dooxada jubba iyo
ciidanka golaha nabadgalyada iyo midnimada qaranka
ayaa waxa uu dhashay kadib markii rasaas lagu furay
gawaari kolonyo ah oo tikniko ah oo markaasi
waardiyaynaysay gudoomiyaha isbahasiga dooxada jubba
Col. Barre Hiiraale ayadoo halkaasi ay ka bilaabatay
iswaydaarsiga raasta islamarkaana la isu adeegsaday
hubka noocyadiisa kal duwan.
Hadaba dadkii ku
soo dhaawacmay dagaalkaasi ayaa waxaa la keenay
isbitaalka guud ee magaalda kismaayo ayadoo halkaasi
lagu dawaynayo xaaladooda caafimaad .
Ma jiraan ilaa iyo
iminka cid kala dhex gashay labadaasi maleeshiyo ee
ku dagaalamaysa bartanaha magaalada kismaayo ayadoo
ay rasaastu socotay waqti ka badan lix-saac
islamarkaana ay wali is horfadhiyaan
maleeshiyooyinkii halkaasi ku dagaalamay.
Sidoo kale waxaa
laga dareemayaa wali magaalada kismaayo abaabul
xoogan oo ay wadaan labada garab ee dagaalamaya
ayadoo isbahaysigu uu soo hub aruursanayo sidoo kale
ciidanka kalana la sheegayo in uu gurmad oga
imaanayo deegaanka saldhiga u ah ee beerxaani.
cabdi
qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Wasiirka
Arimaha Gudaha Soomaaliya Ahna Raysulwasaare
ku xigeen Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid,
ayaa Galabta la kulmay Safiirka Jarmalka
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi
Waxaa
maanta magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ku
kulmay Raysul wasaare ku xigeenka ahna
Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xussen Maxamed
Faarax Caydiid iyo Safiirka Jarmalka ee
wadanka Kenya, Bernd Braun.
Waxa kulanka
Xaadir ku ahaa Xoog hayaha koowad ee
Arimaha Siyaasada Wadanka Jarmalka ee
Soomaaliya Lorenz Barth iyo la taliyaha xaga
Arimaha Soomaaliya ee Wadanka Jarmalka &
Xariiriyaha Labada Dal Ibraahin Cali Xasan.
Waxaa
kulankaa ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha
Soomaaliya Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid,
oo isagu ku dheeraaday Xiriirka Saxiibtinimo
ee Labada Dal waa Soomaaliya iyo Jarmalka'e
isaga oo xusay taariikhda qotada dheer ee
labada Qoowmiyadood.
Wasiirka
Arimaha Gudaha Soomaaliya Eng Xuseen Maxamed
Faarax Caydiid, oo sii hadlay waxa u sheegay
in Doowlada Soomaaliya ee ugubka ah uga
baahantahay Gargaar dhinacyo badan isagoo
walibana xusay in isaga oo ku hadlaya Magaca
Doowlada Federaalka ku meelgaarka ah ee
Soomaaliya Wadanka Jarmalka uga mahad
celinayo Deeqdii ay ugu deeqeen Umada
Soomaaliyeed Xiligii Sunaamiga,
Wadanka
Jarmalku Fatahaadii Badaha Soomaaliya waxa
uu ku deeqay 500,000 oo Uuro isaga oo sii
marsiiyay WFB ,
Waxa
isaguna halkaa ka hadlay Safiirka Jarmalka
oo sheegay in Wadankoodu uusan marna ilaawi
doonin Soomaaliya isaga oo xusay in
Doowladiisu horay u sii anba qaadi doonto
wax ka qabashada Dhibaatooyinka
Dhaqaalle,Caafimaad,Waxbarasho, mid nololeed
iyo mid siyaasadeedba,
Kulankan
waxa uu ku dhamaaday guul& is afgarad Buuxa
iyadoo ay labada dhinacba balan qaadeen in
ay dhinacooda ka dadaali doonaan
Guddoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Ku meel gaarka
Soomaaliyeed warqad ka helay afhayeenka aqalka loo
dhan yahay ee Ingiriiska Hor.Micheal J.Martin Mp,
Warqadaas oo ku saabsaneyd murugada ay aqalka loodhan yahay ee
dalka Boqortooyada Ingiriiska ay uga xunyihin
waxyeeladii dadka Soomaaliyeed ka soo gaartay
dhibaatadii Tsunami ee gobalada qaarkood waxyeeleysay.
Af-hayeenka baarlamaanka Ingiriiska waxa uu warqadiisa
ku xusay xiriirka soo jireenka ee waligood ka
dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ingiriiska,waxa uu dadweynaha
soomaaliyeed u rajeeyay in ay si dhaqso leh uga soo
kabtaan dhibaatadaas intii dhimatayna samir iyo iimaan
,intii waxyeelada ama dhaawacana ilaah ka bogsiiyo.
Warqada waxaa soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliyeed waxaa warqada soo gaarsiiyay Ergayga
gaarah ee dowlada boqortooyada Ingiriiska Mr Devid
Bell.
Guddoomiyaha baarlamaanka fedaraalka KMG ee Soomaaliya
ayaa isna sida maanta laga soo xigtay xafiiska
guddoomiyaha diray warqad jawaab celin ah oo
Af-hayeenka baarlamaanka Ingiriiska loo mahadcelinaayo
warqadii uu ummada Soomaaliyeed ula mirugoonaayay
dhibaatadii ka soo gaartay Tsunami.
Guddoomiyahawaxa uu ka dalbaday Af-hayeenka in uu
kaalin ka qaato nabadeyta ,dib u dhiska dalka iyo soo
celinta xiriirkii saaxibnitimo ee waligood ka
dhexeeyay Soomaaliya iyo Ingiriiska,gaar ahaan
xiriirkii labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo kan
Ingiriiska..
Faafin:
Somalitalk.com | Feb 3, 2005
Kismayo:
Waraysi Somalitalk ee Jaamac
Aadan Dheere
Gudoomiyaha "golaha nabadgalyada & midnimada qaranka"
Guji
»NOLOSHA
SOOMAALIDA:SOMALI LIFE FOR DUMMIES | M.Ahmed
»Haddii
Samsam soo Baxayso maxaa Samir naloo ka Waayey c/waxid
»
GABDHAHA [GABAY]
[WT. Stanza]
»UJEEDDO
BADAN: Faalladii Isniinta ee Fahad
»GABAY:
GAASHAANDHIG
[WT. M. Cibaar]
»
Ciraaq: Doorasho
duulaan iyo doolar ka danbeeya, ayaa ka dhacday
»
MUQDISHO
MAAMUUSKEEDII DIB | Khaliil
»
Sidaad
Kaga Taxadari Kartid in Aqoonsigaaga La xado |
Daray
» DGPL
Ma
C/laahi baa Magacaabay mise Cade?
| Dhooye
» FAALLO:
Heshiis Lagu Siray Reer
Puntland