SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY

Nin Somaliyeed oo lagu soo eedeeyay in uu dilay Xaaskiisii iyada oo uur leh

Warkan oo ah war dagdag ah kana soo baxay xarunta police-ka Magaalada- Stanvanger ee dalka Norway.

Warkan naxdinta leh ayaa Somalida dagan Norway waxay ku riday jahwareer iyo amankaag.
 
Waa markii sadexaad mudo bil gudeheed ah oo Somalida dagan Norway ay- geeysteen dilal iyo kufsi noocan oo kale ah.

Ninkan dilka gaystay aya la soo sheegay in isbitaal lagu hayo hada, ahna kan wacay poliska markii uu dilkani dhacay. Policku ilaa hada waxba nooma xaqiijin , waxayna wadaan baaritaan.

Gabdha uu dilay oo ilaa hada magaceeda aan la sheegin waxay jirtay 21 sano uurna waylahayd.

Ninkani  oo isna magaciisa ilaa hada aan la sheegin ,waxa uu isticmaalay mindi.

Sida an lawada soconaba waxaa  shalay la qabtay gacan ku dhiiglihii dilay gabadhii u dhalatay dalkan Norway, oo uu ilaa hada uu socdo dilkii uu geeystay , meel walba oo Tv iyo jaraaidkuna uga hadlayo ninkaas Somaliga ah.

Waxa kaloo week-gii nasoo dhaafay jiray in 4 wiil oo Somali ahaa lagu soo eedeeyay Kufsiino ay u geeysteen 41jir u dhalatay Norway.

Isku soo duuduub arimaha Somalida ee ka socda baryahan Dalka Norway ayaa ah runtii ah kuwo aad looga naxo , inta badana ay umada Somaliyeed ay iyadu isugaysatay.

Marka aad eegto isku xir la-aanta haysata Somalida dagan Norway, iyo sida ay ula qabsan la yihiin wadanka ay martida ku yihiin.

Waxaad arkaysaa wadamada kale sida Iiraanta, Pakistaan, Sirilaanka, PHilibiinta, Marookaanta, oo runtii aad ula haysta wadankan ay dagan yihiin, iyagoon waliba dhaqankoodii iyo diintoodiina si fiican u haysta.

Waxaad arkaysaa inta badan Somalida oo waxyaalo raqiis ah isku maaweeliya , naftoodana been ka sheega.

Waxaad la kulmaysaa iyaga oo ka sheekaynaya Ciraaq, Palestin iyo waxaan danba ugu jirin.

Waxay ilaaween toodii iyo waxa ka socda guryahooda.

Waxaad kaloo la kulmaysaa kuwo ku marmarsiyooda Diinta oo dumarkoodii been aan jirin ka dhaadhicinaya, manta waxay ka dilaacday Suuria, bari Masar , saadanbe Suudaan , hadana ku soo noqo Europe, wareer iyo jahwareer cusub caruurtii loogaysanayo,. Yaa arintaas masuul ka ah waa Aabaha Somaliyeed , ama wadaad ha isku sheego ama midka qaadka cuna ha noqdo runtii waa isku mid.

Wadamada aan kor ku soo sheegay inta badan diinta aan haysano ayay nala haystaan , waanan isku dhaqan dhow dhow nahay, hadana way la qabsadeen wadanka ama wadamada Europe.

Maxaa hadaba si naga ah ?. Maxaan diinteenii macaanayd sida ay tahay ugu dhaqmi waynay? , inta aan ku marmarsiyoonayno arimo kale oo aan dan noo ahayn.

Laqabsiga wadanka aad joogto waa wax muhiim ah , danteena iyo danta guudna runtii way u wanaagsantahay.

Sidaan ula wada soconana Somalida dagan wadanka Norway waxaan  noqonay kuwa ugu liita marka laga eego xaga shaqada, dad la socodka , waxbarashada, furitaanka, iyo dhaqanxumada kale.

Goorma ayaan ka badbaadaynaa eedayntaas?

Waa marka aan runta ka sheegno nafteena , qiranana eedayntaas.

Waxaad ogaataa hadii aan runta qirano in aan guulaysanayno, lana mid noqon doono walaaleheena kale oon kor ku soo xusay.

Mahadsanidiin.

Obs. Maqaalkan , mid ka duwan hadii aad hayso please soo dhiibo fikradada. Ogowna fikradaha kala duwan  waa horumarka umadi leedahay.

By Mahad turbashaash.     turbashaash@hotmail.com


USA: 8,000 oo Soomaali ah oo ay Dhici Karto in  Loo Tarxiilo Soomaaliya
» Maxkamada USA: Soomaaliya dadka waa loo tarxiili karaa
» Canada: Dhoofintii Nin Soomali ah oo La Baajiyey
» Newzealand oo Laga Waayey Calanka Soomaaliya
Dhammaan ka akhri halkan.... Guji.. Jan 13

Dowladda FKMG ah oo Heshay Kalsoonida Baarlamaanka
Ra’iisul wasaare Cali Maxamad Geddi oo si aad ah uga faraxsanaa in dowladiisa ay hesho kalsoonida iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa.. Guji....

Beelaha qaadacay Golaha Wasiiradda
Baaq ay soo saareen waxgarad ka kamid ah beelaha qaadacay dhismaha golaha wasiiradda ee.. Guji... Jan 13

Qaylo Dhaantii Culimada Iyo Waxgaradka Ee Waxyeeladii Badgariirka
Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday Xaafuun..
Guji Jan 13

»Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo laga dalbaday in ... [Khamiis]

Beesha Shiikhaal oo Qaadacday Golaha Wasiirada DFKMG
Nairobi: Shir ay iskugu yimaadeen Xildhibaanada, Aqoonyahanka, Ganacsatada beesha sheeqaal oo Guji... Jan 12

Golaha Nabad galyada & midnimada Somaliya
Kismaayo: Warsaafadeed uu soo saaray Jaamac Aadan Dheere oo ah... Guji... Jan 12

Yemen: Filan waa iyo Rajo Xumo
Soo Wajahdey Macalimiinta Soomaaliyeed... warbixin Jan 12

 

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Faafin: jan 13, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD