SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar Qubane Ah::: Jan 14, 2005

  • NORWAY: NIN SOOMAALIEED OO DILEY XAASKIISII OO SAGAAL BILOOD AH 
  • Wafdi loo dirayo Magaalada Mogadisho ka hor inta aysan dowladda tagin.
  • Shineemo lagu qarxiyay xamar.
  • Wiilka uu dhalay Amiirka Ingiriiska oo fadeexo midabtakoor ah hareysay
  • Khartoum iyo Maanta | Warbixin
  • Maradona Iyo Muuqaalkiisa Maanta

NORWAY: NIN SOOMAALIEED OO DILEY XAASKIISII OO SAGAAL BILOOD AH 

Dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway ayay la yaab iyo argagax ku noqotay markii shalay 13/01/05 la sheegay in nin soomaaliyeed uu toorrey ku diley afadiisii oo uur 9 bilood ah lahayd. Booliska magaalada Stavanger (galbeed) Norway, ayaa saxaafadda u sheegay in gabadhu ay noolayd markii isbitaalka magaaladaas ku yaalla lasoo gaarsiiyey, hase yeeshee ay 2 saacadood ka bacdi dhimatay. Dhakhaatiirta ayaa waxay isku dayeen inay ilmaha caloosheeda ku jira oo markaas noolaa bad-baadiyaan, iyagoo isku dayey inay qalliin ku sameeyaan meydkii hooyada, nasiib darrose kuma aanay guulaysan.

“ in muddo ah waxaanu islahayn way ku guulaysanayaan, oo ilmaha waa la badbaadinayaa, laakiin markay saacaddu ahayd 14:25 ayaa naloo xaqiijiyey in ilmihiina uu dhintay” Joornaalaka Aftenposten ayaa booliska kasoo xigtey.

Boolisku waxay sheegeen in gabadha dhimatay (hooyada, 21 jir) ay dhabarkeeda ku yaalleen dhaawacyo badan oo middi ah, tooreydii gabadha lagu dileyna waa la helay.

Ninkii gabadha qabey (30 jir) oo isla markiiba meeshii lagu qabtay, ayaa isna waxaa ku yaalla dhaawacyo fudud, isbitaalka ayaana la dhigay.

Booliska ayaana ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sida dhaawacyadani ninka u gaareen.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in ninku uu isagu booliska wacay, arrinta meesha ka dhadayna u sheegay.

Ilaa hadda boolisku ma aanay waraysan ninka, lamana hubo sida wax u dheceen. Maanta 14/01/05 ayaa la filayaa in la warysto, waxayse boolisku caddaynayaan in aanay wax hubaal ah ilaa hadda jirin.

Booliska ayaase waxay is weydiinayaan: ninka ma laba qof inuu diley baa lagu eedaynayaa mise hal qof?

“Ilaa hadda waxaanu ku eedaynaynaa halqof inuu diley” booliska ayaa sidaas laga soo xigtey.

Gabadha ayaa lahayd uur sadkiisii go’ay, waxaana u dhimmanaa maalmo yar, sida la filayey. 

Gabadha dhimatay, Allah ha u naxariistee, ayaa waddanka ku timid qaxootinimo laba sano ka hor, iyadoo dhawr bilood ka bacdi ninkeeda dacwad kusoo gelisey, iyagoo labaduba hadda haysta dhalasho soomaali ah.

Soomaalida Norway iyo falalka dilka!

Dadka soomalaiyeed ee ku dhaqan dalka Norway ayaa waxay ka welwel qabaan falalka dilka ah oo kusoo badanaya dhexdooda. Norway waa dal yar oo kooban, nolosha lagaga noolyahayna lagu tilmaamo inay tahay tan adduunka oo idil ugu sarraysa. Sida la xusuusto saddexdii sannadood ee danbe waxay Norway noqotay lanbar 1,  xagga nolol wanaagga.

Haddana sidaas oo ay tahay dadka ku dhaqan ee soomaaliyeed waxaa waayadan danbe kusoo badanayey falalka dilka ah. 

Bishii Oktoobar, ayay ahayd markii gabadh norwiiji ah meydkeeda laga helay qolkii ay ka deggeneyd kolleejkii ay dhiganaysey.

Ninkan (Hashin) oo la raadinayey muddo laba bilood ah, lagana soo qabtay tuulo ku taalla dalka Nederland, waxyar krismaskii ka hor, ayaa sida la sheegay farihiisa laga helay gabadha dhimatay Hedda Karterudseter (19) jirkeeda. Joornaalada kasoo baxa magaalada Oslo ayaa maanta soo sawiray Hashim, kana soo xigtey inuu qirtay inuu gabadha surkeeda farihiisa ku qabtay habeenkii la diley. Maanta ayaa waraysi dheer boolisku ka qaadayaan. 

Bishii Ogos ee isla sannadkii dhammaaday ayay ahayd markii nin soomaaliyeed si argagax leh toorrey ula dhex galay dad saarnaa tram (bas sida tareenka biraha raaca) ka dhex shaqaynayey Oslo. Halkaas nin ayaa ku dhintay qaar kalana way ku dhaawacmeen. Arrintaas ayaa dareenka dadka reer Norway aad u kicisay. 

Falal badan oo dil ah ayaa kuwaas kasii horreeyey.

Qaarkood waxaaba lagu diley dad soomaaliyeed, waxaase ugu naxdin iyo murugo badnaa ninkii soomaaliyeed ee halmar wada gawracay 2 ilmood oo uu isagu dhalay oo saqiir ah iyo xaaskiisii, nin soomaaliyeedna uu dhaawacay. 

Arrintan falalka dilka ah ee ay dadka soomaalida ahi geysanayaan ayaa u baahan in asbaabteeda la raadiyo, dawladda Norway iyo jaaliyadda soomalaiyeedna ay wax ka qabtaan.

Cabdisamad Xoday 
hoday30@hotmail.com

Norway: Nin Somaliyeed oo lagu soo eedeeyay in uu dilay Xaaskiisii iyada oo uur leh  
USA: 8,000 oo Soomaali ah oo ay Dhici Karto in  Loo Tarxiilo Soomaaliya


Wafdi loo dirayo Magaalada Mogadisho ka hor inta aysan dowladda tagin.

Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha gudaha iyo kan amniga qaranka ayaa lagu wadaa in ay ka mid noqdaan wafdigaas tagaya magaalada Mogadisho ka hor inta aysan dowlada si rasmi ah u caga dhiganin.

Wafdigan ayaa la tashi la sii samayn doona qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool xamar si ay ugu sii diyaar garoobaan soo dhawaynta dowlada iyo meelihii ay ku dagi lahaydba.

Hogaamiyaasha ka soo jeeda caasimada kuna jira dowaladda iyo baarlamaanka ayaa horay u balan qaaday in hubkooda ku wareejinayaan gacanta dowladda si uu u noqdo hubkaasi mid sharciyaysan oo Qaranka uu yeelanayo,waxaa kale oo ay balan qaadeen in ay ku wareejinayaan dowaldda meelaha muhiimka ah ee dowladda ay leedahay sida Radio Mogadisho.Madaxtooyada.Dakada,Garoonka,Warshadaha iyo meelo kale oo badan,waxaaana wafdigan la dirayo laga sugayaa in ay meelahaas oo dhan ku soo wareejiyaan gacanta dowladda.

Dhinaca Kale waxaa la diyaarinayaa ciidamadii la gayn lahaa dalka soomaaliya,kuwaas oo sida la sheegay ilaalin doona amniga dowladda inta laga helayo ciidan midaysan oo ay dowladda leedahay,ciidamadan oo kala imaanaya wadamada ku jira ururka midnimada Afrika waxaa dhaqalahooda bixin doona Qaramada Midobay iyadoo ay horjoogayaal u noqon doonaan qaar ka mid ah Saraakiisha soomaaliyeed.

Wali ciidamadan la iskuma afgaranin oo waxaa jira qaar ka mid siyaasiyiinta oo diidan,halka culumada iyo shacabkaba ay diidan yihiin,laakiin dowladda ayaa horay dalabaadyo badan gaarsiisay midawga afrika sidii loo siin lahaa ciidamo ay ku socodsiiso amaanka gudaha iyo howlaha dowladaba.

Shineemo lagu qarxiyay xamar.

Qaraxan oo ay ku dhinteen dad gaaraya sadex qofood ayna ku dhaawacmeen afar kale ayaa ka dambayay ka dib markii bam lala beegsaday shineemadaas xili habeen ah oo ay socotay ciyaal u dhaxaysay kooxaha ka jira dalka Britain oo ay dhalinyarada si aad ah u xiiseeyaan teamamka ka jira dalkaasi sida Liverpol.

Qaraxan lama oga cida gaysatay iyo sababtaba,ma jirto cid sheegatay inta la ogyahay qarxintaas balse waxaa jiray in waayadan dambe si aad ah looga cabto shineemoyinka marmar badana ay isku dhacaan dadka deegaanka iyo milkiilayaasha shineemooyinkaas kuna eedeeya in saq dhexe ay filimaan keenaan.

Canab Mumtaz
canabmumtaz@yahoo.com 
Nairobi, Kenya

Dowladda FKMG ah oo Heshay Kalsoonida Baarlamaanka


Wiilka uu dhalay Amiirka Ingiriiska oo fadeexo midabtakoor ah hareysay
                             [Wargeyska The Sun: "Hitler youth”]

Midabtakoor iyo faquuqa loo geysto qowmiyado ku nool dunidan daafaheeda ma ahan wax hada ku cusub ee waxey aheyd mid waligeed soo taagneyd tan iyo seman aad u fog. Waxaase intaas u dheer dagaal diimeed iyo mid xadaaradeed oo ilaa imankadan dhibteeda lala ciirayo. Sida aanu ogsoonahayna mustamacradii Ingiriiska waxey maalin maalmaha kamid ah aheyd awoodihii ugu waa weynaa gumeystayaalkii boobka iyo kala qeybinta darran u geystay caalamka aakhirkiina keenay iney maanta weyso qeyb kamid ah awoodii ay laheyd. Hadaanba iyada loo talin.

Hadaba wiilka uu dhalay amiirka dhaxalka leh ee dalkaasi Ingiriiska Amiir Harry iyo guud ahaan qoyskaasi reer Boqor ayaa hareeysay fadeexo la xirriirta midab faquuq ah, kadib markii Amiirkaasi Harry la yiraadho uu soo xirtay dhar Unifoom ah oo gacanta bidix kaga sawiran tahay astaantii lugu yaqiinay Naasiyiinta Jarmalka ee gumaadka weyn ugeystay dadkii Yahuuda ahaa ku noolaa Yurubta bari waqtiyadii u dhaxeysay dagaaladii koowaad iyo labaad ee dunida.

Amiirkan oo ka qeybgalay xaflad ay koox ugu maamuusayey mustacmirada dalkaasi waa sida wargeyska qoraye ayaa Amiirkan yari oo gacanta koob qamri ah ku heysto soo xirtay calaamadii astaanka u aheyd kooxihii faquuqa caanka ku ahaa ee Hitler. Dhacdadan ayaa waxa ay durba luxay dareenka Yahuuda ah ee dalkaasi ku nool. Waxaana ay sheegen in falkani yahay mid dib u xasuusinaya dhaawacii loo geystay yahuudii ka badbaaday gumaadkii Hitler.

"Ma ahan mid dha dhan leh" ayuu yiri ninka la yiraahdo Lord Janner oo ah siyaasi katirsan xisbiga Labour isagoo u waramayey isla wargeyska dhacdadan soo bandhigay. Ninka kale oo isna kamid ah  jaaliyada yahuuda dalkaasi  oo dareenkiisa ku aadan arritan ayaa sheegay ineysan aheyn wax talaabo noocaas ah oo kaftan geli kara, waxaana uu yiri " Auschwitz" oo keliya ayaa ku dhimatay halmalyan oo Yahuud ah.

Dhowrka toddobaad ee fooda nugu soo haya  waxaa lugu wadaa iney dunidu xusto 60 sanno guuradii kasoo wareegtay markii Naasigii Hitler iyo askartiisi laga xoreeyey Auschwitz.

Khabiiryahan la yiraahdo Dick Arbiter oo isagu ku xeel dheer arimaha qoyska reer Boqor ayaa sawiradii wargeyska The Sun ku tilmaamay "Musiibo" . Dhinaca kale siyaasin badan oo dalkaasi ayaa waxey qabaan in si deg deg ah loo joojiyo howlaha meleteri ee wiilkan wado.. "Askartii kasoo qeyb qaadatay dagaalkii 2aad ee dunnida si qalbi jab ah ayey ugu xumaadeen filkii Amiir Harry. Waayo askartaasi dalkooda ayey u dagaalameen qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa saaxiibayaalkood ku waayey sida ay qaar kale oo tobanaan kun ah ay u waayeen ehelkooda iyagoo la dagaalamayey Naasiyiintii Jarmalka" ayuu yiri  Mr Arbiter oo u warameyey telefeyshinka SKY News.

Goor dambe ayaa Amiir Harry waxaa bixiyey raaligeyn isagoo sheegay iney aheyd dhar qaladan uu qaatay waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka kale ma ahan markii ugu horeysay ee Amiirkani uu cinwaanada waaweyn ee wargeysyada kamuuqto mar sii horeysay ayuu waxyeelo u geystay sawir qaade wargeys kaasoo uu kula kulmay goob lugu caweeyo.

Wargeyska The Sun oo arrintan soo shaac bixiyey ayaa maanta cadadkiisi soo baxay waxa uu xusay in Amiir Harry keliya uu soo xiran astaantii Naasiga balse walaalkiis kale ee William uu isna qarsaday madaxa isagoo xirnaa dharkii Naasiga.

Isku sooo wada duuboo ma ahan markii ugu horeysay ee fadeexooyin nooca ay tahay hareyso qoyska reer Boqor ee dalkaasi, balse tani waa midii ugu yaabka badneyd ee soo wajahda taariikhdana baal dahab ah ka gashay.

Waxaa isku soo duwday; Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com 

MASHRUUCA:- TARTANKA 2aad EE QUR’AANKA


Khartoum iyo Maanta

Kaddib markii sagaalkii bishan qalinka lagu duugay heshiis kamadambeys ah oo lagu soo afjarayay colaadda-sokeeye ee dalka Suudaan ka aloosneyd mudda cagacageyneysa rubuc-qarni, ayaa waxaa caasimadda dalka ka socda dammaashaadyo iyo dibadbaxyo loogu riyaaqayo guusha la gaaray.

Dhammaanba warbaahinta dalka ayaa ku mashquulsan faaqidaadda iyo falanqeynta wajiga cusub ee siyaasadeed ee dalka iyo maanta, taasoo ah mid meela badan laga eegi karayo, waa marka la maandhugta bogga cusub ee furmay iyo hannaansocodka iyo heykalka diblamaasiyadeed ee dalka Suudaan; oo ay isagu harqiyeen dagaalla sokeeye oo ay dad badani ku nafwaayeen.

Suudaan oo ah dalka qaaradda Afrika ugu baaxadda weyn ayna ku taalla caasimadda ugu ballaaran, ayaa tan iyo markii uu gobanimadiisa ka qaatay gummeysigii Britain, sannaddii 1956-kii, ayaa la oran karayaa waxaa ka jiray ismaandhaafyo tira badan, maxaayeelay dalweynahan Suudaan waxaa ku dhaqan oo daga qiyaastii 500 oo qabaa'il, waxaana looga hadlaa luuqada iyo lahjado kala jaad ah.

Laakiin luuqadda wax lagu barta waa luuqadda Carabiga, waloow hadda la hadal-hayo in tacliinta sare ay noqon doonta mid luuqadda Ingiriiska wax lagu barta mustaqbalka dhaw waa sida la tibaaxaye. Siyaasinyiinta dalka ayaa carrabbaabay in marka dib loo budul-raaca taariikhda dalka tan iyo dawladdii Ismaaciil Al-Azhari, ra'iisulwasaarihii ugu horreeyay, ee hannaanka dawladnimo kala wareegay gummeystayaashii dalka u arriminayay kahor dhalashadii madaxbannaanidiisa, in Suudaan ay maanta un qaadatay xornimo buuxda oo dhab ah waxaana sidaas sheegay madaxweynaha dalka mudane maarshaal Albashiir maruu warfidiyeenka iyo shacabka madasha shirka kala hadlayay.

Dhanka kale Khartoum, ayaa sannadkan 2005, nasiib u yeelatay in ay majaraha u qabata dhaqanka Carabta, waxaa loo caleemasaaray in ay tahay caasimadda dhaqanka shacuubta Carbeed.

Taasi waxyaalaha ay ku muteysatay waxaa ka mid ah in ay noqotay caasimadda ay dadka aan u dhalan luuqadda carabiga ay wax ku bartaan luuqadda Carabiga, maxaayeelay jaamacadda caalamiga ah ee Afrika oo kaliya ayaa waxaa machadkeeda barashada luuqadda waxaa ka faaiideysta oo barta luuqadda Carabiya dhammaanba dhallinyaro ka kala timid shanta qaaradood, kuwaasoo marka dambe luuqaddaasi qalaad ee ay u dhalan waxbarashadood heerka jaamacadeed ku dhiraandhiriya siyaaba door ahna uga macaasha diiniyan iyo maaddiyanba.

Isku soo duuboo, waxaa Khartoum sannadkan soo salaamay shan ciidood oo wada socda: Ciidda sannadka cusub, tan masiixiyiinta [Chrismax], midda loogu dabbaaldagayo heshiiska la gaaray, tan kale loogu dammaashaadayo noqoshada caasimadda Carbeed iyo ciidda sannad-guuradii sagaal iyo afartanaad ee dalka markuu meel iska dhigay heeryadii gummeysiga.

Laga soo billaaba maalintii is-afgaradka nabadeed laisla meeldhigay ilaa iyo maanta waxaa taleefishinada iyo warbaahinta qaranka laga baahinayaa heeso nabadeed oo ay abwaannada qaranka ku farayareysteen ayna ku luuqeynayaan fannaaniinta dalka laga tixgaliyo.

Waxaa la oran karaa magicii magaalada ee ahaa Khartoomtii nabadda maanta ayunbuu gardhalad yahay ee geeddisocodkiisii iyo gundhiggiisii laisla gunbaaray.

By: Stanza.
ayaandhalad5@hotmail.com

Yemen: Filan waa iyo Rajo Xumo


Maradona Iyo Muuqaalkiisa Maanta

Xiddigii kubada cagta ee Diego Maradona, waxa uu kamid ahaa raggii ugu magacaga dheer ee soo mara taariikhda ciyaaraha kubada cagta inta la xasuusan yahay. Lama soo koobi karro muuqaalkiisi guud waqtiga uu ahaa nin lugtiisa laga dambeeyo. Waayaha iyo waqtiga sida aad doonta marna kuuma soo maraane ee waxaad kala kulantaa wareer iyo wanaag midba sida ay kuu soo wajahdo.Maantase muxuu ku sugan yahay ciyaaryahankaasi beri qiimo lahaa?

Diego Maradona oo waqtiyadii dambe u batay dhinaca balwada iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa  la ildaran cuduro muddadii 17-ka sanno aheyd  uu hoy u ahaa maandooriyaha Kookaayiinta. Maradona oo mar ahaan jiray wadnihii Argentin ayaa maanta si kedis waxaa soo qabatay indhaha kaamiradaha caalamka.
Wakaalada wararka ee AP oo arrintan qortay mid lugu tilmaami karro filanwaa ayaa sawirkii ugu ee ay   soo gudbiso wuxuu ahaa mid muujinaya sida uu miisaanka jirka u kordhay kadib markii uu gaaray 120 kilo, taasoo ah mid dadkii lasoo shaqeeyey iyo guud ahaan bulshada ciyaaraha ku abuurtay mutacajab.
Sidoo kale guud ahaan xaaladiisa caafimaad oo aad u liidata ayaa waxaa la sheegay in 38% oo kiliya uu jirkiisa xamili karro cudur kasta oo soo wajaha noloshiisana qatar ku ah kusugan yahay.

Maradona ayaa markii ugu dambeysay waxaa ka qeybgalay ciyaar lugu qabtay magaalada Munche ee dalka Jarmalka, wixii ka dambeeyey waqtigaasina hadba waxaa lugu daweynayey xarumo caafimaad oo kala duwan oo ay kamid tahay cisbital ku yaala dalka Kuba. Muuqaalkiisi ugu dambeeyeyna waxa uu tilmaamaya inaanu guud ahaan caafimaadsu caadi aheyn isagoo gaaray gacmaha laga qabto.

Waxaa isku soo duwday;
Ikraam Cali-kaar 
ikraam@journalist.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2005

Dowlada iyo Mucaaradka Suudaan oo Nairobi ku gaaray heshiis buuxa
Heshiiskan ay labada dhinac ku gaareen Nairobi waxa uu ka dambeeyay shir mud laba sano ka badan uga socday Guji... jan 11


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD