SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Gudi Loo xilsaaray Magacaabista Golaha Maxakamada islamiga ah Ee Dagmada Guraceel  Ayaa bilaabay  Howlohoodii ugu horeeyey
  • Wafi heerwasiiro iyo xubno kale Isugu Jira  oo ka socda Dowlada federaalka Ee Soomaaliya oo maanta ka soo dagay caasimada Puntland Garowe. 
  • Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Isboortiga Dhalinyarada iyo Haweenka Maamul goboleedka Puntland ayaa manta ka soo dagay gagida diyaaradaha ee magaalada boosaaso. 

Gudi Loo xilsaaray Magacaabista Golaha Maxakamada islamiga ah Ee Dagmada Guraceel  Ayaa bilaabay  Howlohoodii ugu horeeyey

Guriceel (Somalitalk)
Jimce:14/01/05

Waxaa manta laga hirgaliyey magacaabista  iyo soo dhisida golaha maxakada  ayada  oo gudigii loo xilsaaray soo magacaabista  xubna maxakamada iyo qorsha ay ku howl galidoonto maxakamadu ayaa manta  xubnihii loo xilsaaray howshaasi oo ka koobnaa 21xubnood ay shaaca ka qaadeen in ay ka koob naanayso maxakamadu Afarqaybood oo kala ah  

1)Maamulka, garsoorka , cidanka ,iyo golaha shuurada ,gudiga ayaa sheegay in maal maha soo socda ay magacaabi doonaan qaybaha ka harsan maxakamada ay na kamid noqondoonto  qaybta ugu horaysa oo ay qaban doonaana ay  tahay  magacaabisata gudoomiyaha Maxkada iyo kuu xiigeenkiisa  gudoomiyaha shuurada iyo kuxiigeenkiisa taliyaha ciidamada 

Maxakamadan ayaa noqondoonta Midka howlgasha dhaman deganada hoos yimaada  Gobolka galgaduud iyo tuulada matabaan oo ka tirsan gobolka hiiraan. 

Sababta loo hirgalinayo maxkamadan ayaa waxay tahay kadib markii ay soo bateen jidgooyada dhaca, iyo dil kala duwan oo ay caadaysteen burcadda hubaysan ee in muda ahaydba caadaysatay in ay galaan fariisinna u noqoto wadada laamiga ah ee isku xirta galkacyo iyo baladwayn. 

Deegaanka goboladaas ayaa waxay isku afgarteen sida looga hortagi karo burcadan in ay tahay oo akliya in lahelo maxkamad islaamiya iyo ciidan hubaysan oo ay samaystaan deegaano kamida goboladaas. 

Maalmihii la asaasay ciidankan ayaa waxay bilaabeen olohoodii ugu horeeyay oo ay ugu magacdareen ladagaalanka burcada hubaysan, isla mar ahaantaa waxadada u dhaxaysa dhuusa mareeb iyo matabaan ayaa lagu dilay burcad hubaysan oo jid gooyo dhigatay halka kuwa kalana gacanta lagu soo dhigay qaar kalana ay fakadeen. 

Wararka naga soo gaaraya deegaanadaas ayaa sheegaya in aysan u midaysnay dhisida maxkamada islaamiga aya doo ay sidoo kale la sheegayo in asaasida maxkamadan laga leeyahay dano gaara oo ay wataan qaar kamida culumaa udiin ka socda muqdisho aydoo ay jirto in hadana la sugayo dowlada federaalka ee soomaaliya xilga ay imandoonto dalka oo lafilayo soo caga dhigashadeeda dalka bishan aynu ku jirno. 

Hadaan dib ugu noqono ciidamada maxkama islaamiga ee laga asaasayo gobolada Galgaduud iyo hiiraan meelo kamida ayaa tiradooda lagu sheegayaa 90, askati oo kakala imaandoona dagmooyinka kala ah Dh/mareeb, Matabaan, iyo Guriceel oo noqondoonta saldhiga maxkamada islaamiga ah, isla mar ahaantaa ayaa la sheegayaa in gudiga shuurada tiradooduna noqondoonto afartan xubnood oo laga dhex dooran doono gudoomiyaha maxkamada islaamiga ah ee guriceel halka taliyaha ciidankana laga keenayo banaanka noqonna doona mid khibrad u leh howlaha ciidamada. 

Wafi heerwasiiro iyo xubno kale Isugu Jira  oo ka socda Dowlada federaalka Ee Soomaaliya oo maanta ka soo dagay caasimada Puntland Garowe. 

Garoowe (Somalitalk)
Jimce : 14/01/05

Waxaa maanta abaarihii 1:30pm ee duhurnimo ka soo dagay garoonka diyaaradaha kanoka ee caasimada Puntland ee Garoowe wafti sar sare oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka caafimaadka Prof  Dufle, Wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen suxufiyiin ka socotay wakaalada wararka ayna ka mid ahayd wakaalada wararka qaramada midoobay u qaabilsan.

Waftigan ayaa in muda ahaydba la qorshaynayay in ay soo gaari doonaan gobolada Puntland oo la filayay in uu ka mid noqodo ra, iisul wasaaraha DFKS Prof, Cali Maxamed Ceedi, lana filayay in ay booqan lahaayeen goobihii ay musiibada alla keenta ah ee ka dhacday gunta badwaynta India ee xeebaha Somaaliya.soo booqan lahaayeen. 

Ujeedada waftigan ayaa ka daybaysa kagadaal musiibadii ka dhacday xeebaha Somaaliya ee badwaynta India ee uu sababay badgariirkii Tsunami ee xeebaha salkooka ka dhashay,  

Waftigan ayaa goorihiiba markii ay ka soo dageen garonka waxaa ku soo dhoweeyay madaxsarsare oo ka kooban xukuumada iyo maamulka PL, waxaana si toosa loogeeyay xarunta madaxtooyada Pl ee garoowe, goorihiiba waxa ay kulamo la yeesheen madaxwaynaha PL Gen, Cadde Muuse Xirsi Boqor iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen gudigii loo xil saaray musiibooyinka dabiiciga ah uuna ka mid yahay wasiirka Dowladaha hoose iyo hourmarinta reer miyiga Cali C/di Awaare ayna wehliyeen wasiirka warfaafinta DGPL, C/saaq Yaasiin C/dule Geesood, waxa ayna ka wadahadleen qaabka ay u howl galayaan xeebaha soomaaliya ee uu ka dhacay bad gariirku. 

Waftigan ayaa la filayaa in ay todobaad yadan sii joogi doonaan gobolada PL waxaan la qorshaynayaa in ay gaari doonaan goobaha ay ka mid noqon doonaan xeebaha Garacad, oo ka tirsan gobolka Mudug, Xaafuun, bandarbayla, oo ka tirsan gobolka Bari, Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal, iyo gobolada shabeelada hoose oo ka tirsan gobolada soomaaliaya. 

Waa markii ugu horaysay oo wafti ka socda dowlada Soomaaliya ay soo gaaraan gobalo ka tirsas dalka Somaaliya ka dib markii la  magacaabay golaha wasiirada ee dowlada soomaaliaya balse waxaa lagu macnaynayaan in uu I maatinkoodu u lug lahaa ansixintii shalay la ansixiyay golaha wasiirada ee dowlada ku meelgaarka ee soomaaliaya waxaana laga yaabaa in ay horudhac u noqon doonto wax qabadkeeda koowaad oo ay dowlada soomaaliya wax ka qabato guud ahaanba dalka soomaaliya waxa ayna dowladu ku soo aaday xili al filayay lana hadal hayay in ay soomaaliay gudaha bishan soo caga dhigan doonto.

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Isboortiga Dhalinyarada iyo Haweenka Maamul goboleedka Puntland ayaa manta ka soo dagay gagida diyaaradaha ee magaalada boosaaso. 

Boosaaso (Somalitalk)
Jimce:14/01/05 

Waxaa manta lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee xarunta gobolka bari ee magaalada boosaaso wafti uu horkacayo wasiirka dhalinyarada isboortiga iyo haweenka PL wasiirka ayaa in mudo ahaydba waxa uu kamaqnaa dalka asagoo u kicitimay dalka dibadiisa kuna maqnaa arimo kaladuwan oo ku saabsan dhinaca nabadgalyada ganacsiga iyo howlo kale wasirka ayaa waxaa ku wehliyay safarkiisa lataliyihii dhinaca ciidamada daraawiishta madaxwaynihii hore ee maamul goboledka PL Cabdulaahi Cali Mire (Carays) safarkooda ayay ku kala bixiyeen meelo ay  kamidihiin  Ethiopia, Jabuuti, Kenya iyo Yaman. 

Wasiirka ayaa saxaafada maantaba u sheegay in ay wadahadalo la soo yesheen dhamaan dalalkaas aan kor ku soo xusnay waxa uuna sheegay in ay ahaayeen arimaha ugu mu hiimsan oo ay kawada hadleen dhinaca ganacsiga wadamadaas iyo PL dhexmaridoona ayna ku soo heshiiyen qorshahooda ganacsi, sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in dalka Ethiopia ay kawada hadleen dhinaca colaada ee ka taagan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland oo in muda ahaydba isku haystay deegaano ka tirsan gobolada Sool, iyo Sanaag ee haatan hoosyimaada maamulka PL, waxaa kaloo uu wasiirku shaaca ka qaaday in ay kulamo la yeesheen dowlada federaalka ee Soomaaliya kana wada hadleen sidoo kale arimo la xiriira dhinaca Puntland iyo Somaliland, ayadoo ay horayba casumaad u fidisay dowlada federaalka wasiirka iyo waftigiisa intii ay ku sugnaayeen gudaha dalka Ethiopia. 

Wasiirka ayaa ku soo beegmay xili ay Puntland ka jirto dowlad cusub oo lagu doortay in uu madaxwayne kanoqdo dalka Gen, Cadde Muuse kadib markii madaxwaynihii hore ee PL mudane Maxamed Cabdi Xaashi iyo qaar kamida golayaashiisiiba uu u dhamaaday xilkii maamulka Pl oo ku beegnaa gabagabadiisii 7,badii janaayo  bishan aynu ku jirno ee 2005ta  wasiirka iyo waftigiisa uu hogaaminayo ayaa maantaba u kicitimaya caasimada PL ee Garoowe waxaana la filayaa in ay la kulmidoonaan madaxwaynaha cusub si ay ugu soo bandhigaan waxyaabihii ay kula soo kulmeen safarkoodi. 

Wasiirka iyo waftigiisa ayaa kamid ahaa xukuumadii uu madaxwaynaha ka ahaa Maxamed Cabdi Xaashi ayna mudadii ay dhisnayd u ambabaxeen dalka dibadiisa ayagoo ugu maqnaa arimo ay dowladu u xilsaaratay. Hadaba waxaan lagaranayn jagada ay ka helayaan madaxwaynaha cusub iyo in ay ahaan doonaan tii horay loogu yaqaanay ee dowladoodii ay ka tirsanaayeen adeegana ugu maqnaa wallow ay horayba u haysteen mudada ka harsan xukuumadoodii balse aysan goobjoog ka ahayn sida ay wax u dheceen

Isku dubaridkii
sahrosiglan@mail.com

WARARKA KALE EE MAANTA

Warar Googoos ah [Qubane 14/01/2005]
»Norway: Nin Soomaaliyeed oo diley Xaaskiisii oo 9-bilood ah
»DFKMG: Wafti loo diray Muqdisho inta aysan dowladda tagin
»Muqdisho: Shineemo lagu qarxiyay xamar.
»Wiilka uu dhalay Amiirka Ingiriiska & fadeexada midabtakoor
»Khartoum iyo Maanta | Warbixin
»Maradona Iyo Muuqaalkiisa Maanta
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji Jan 14
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2005

Dowlada iyo Mucaaradka Suudaan oo Nairobi ku gaaray heshiis buuxa
Heshiiskan ay labada dhinac ku gaareen Nairobi waxa uu ka dambeeyay shir mud laba sano ka badan uga socday Guji... jan 11


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD