SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalaay Hargeysa Sadex Bilood Hala-Siiyo.

 

Asad Caddaani Ibraahim.


Laascaanood, Soomaaliya


assadlaska@yahoo.com

Jan 16, 2005

MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

Sida aynu la socono waxaa walaalaheena ku dhaqan Hargeysa Iyo Burco muddo dheer ay u hanqal taagayeen in ay noqdaan dawlad Madaxbanaan oo ay iyaga magac Gumaysigu adeegsan jiray la jeclaysteen in kastuu magacaasna weedha “soomaali” aad ku arkaysid,

 

Ragga aad u jidhdiida Soomaalinnimda ee u heelan magacaas aan kor ku soo xusnay ayaa maalin maalmaha ka mid ah yidhi  isaga oo Hargeysa Jooga , “Waar yaadhaheen oo idinkaaba Soomaalinnimada wali niyad u sii hayee, waa maxay magacan (Somaliland),isagaaba laynagu aqoonsan waayey, waar maynu la baxno (Jamhuuriyada Badda Cas) si aynu magac Soomaaliba uga dheeraano”.

 

Bulshada habkaas u fakaraysa, oo iyagu u ooman in ay soomaalidiidnnimada geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaan, ayaa waxa xilligan Soomaaliyeey ku soo fooleh Doorasho ay aaminsan yihiin in ay aqoonsiga ku helayaan, taas oo ah tan Golaha ay u yaqaanaan Golaha wakiilada oo ay laga ma maar maan tahay in ay ka dhacdo dhulka ay u yaqaanaan (Somaliland) bisha sadexaad ee sannadkan.

 

Waxaana la wada ogsoonyahay in ay wadamo badan oo ay la kulmeen kuwa u ololeeya soomaalidiidnnimadu ay saraakiisha dawladahaasi ay ugu afgobaad sadeen horta bal doorashadaas qabta oo haka dhacdo dhamaan dhulka aad u taqaanaan   (Somaliland) , taas oo ay ugu sheekeeyeen markaas ayaanu idin la raadinaynaa waxaad ku beer cadaateen, oo waliba Soomaali dhexdeeda marka hore looga baahan yahay in aad ka soo heshaan taageero, marka danbena dalalka Hareeraha Idinka xiga.

 

Hadaba sidee ayey noqon kartaa xaalada Beelaha Degaa Hargeysa Iyo Burco Marka ay u suurta gali weydo in doorsho ka dhacdo dhulka Xilligii Gaalka Gumaysiga ah ee Ingiriisku Carriga Joogay loo yaqaanay (Somaliland)?.

 

Ugu horayn waxaa meesha ka baxaysa Riyadii ay la yimaadeen hanaanka Xisbiyada waxay  ku magacaabeen ee ay ka hawlgaliyeen Goobaha ay degaan Beelaha Hargeysa iyo Burco.

 

Taas oo ku noqotay Gidaar , waayo?.Waxay ka guureen habeeleedkii oo waxay qaateen Nidaam soo dadajiyey gabagabdii Riyadii gooni isu taaga, dhulka loo aqoon jiray wixii ka horeeyey 01/17/1960 Somaliland, taas oo ay Siyaasiyiinta Hargeysa iyo Burco ku guul daraysteen in ay runta u sheegaan shacabkooda ay jaah wareeriyeen kuna qafileen waxaan suurta galayn, iyaga oo ku andacoonaya waana laynayaa dadka runta uma sheegi  karo.

 

Waxa kale oo u sii dhamaysay hanaankoodan ay ku tilmaamaan xisbiyada badan Dawlad Goboleedka Puntland si Buuxda Gacanta ugu dhigtay dhamaan dhulka ay isku dayi karaan maamulka waqooyi galbeed in ay ka dhacdo waxa ay u yaqaanaa doorashada, marka laga reebo goobo yar yar oo tuulooyin ah oo ay haatanba gardaro qaawan ku joogaan.

 

Feejignaanta Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo doorshooyinkii dhawaan ka dhacay ee xalaasha ahaa ee kudayoshada mudnaa oo iyaguna midnimada shacabka reer Puntland qayb libaaxle ka qaadanaysa sidii looga dheerayn lahaa in maamulka Hargeysa soo hungureeyo in ay doorsha goobaha qaarkood ay sidoodii sanaadiiq tuugo ah ugu soo diraan.

 

Waxaan iyaguna haba yaraatee aqbali doonin ku shubasho Xisbiyada la loolama Xisbiga isku magacaaba in uu hogaanka hayo ,kaaso  la aaminsan yahay in uu hore ugu shubtay Codadka xilliyadii dawladaha hoose iyo tan hogaanka sare.

 

Arrimahaas oo dhami waxay soo afjarayaan riyadii ku salaysanayd gooni isu taaga, waxaana halkaasi ka soo baxaysa in ay ku guul daraysteen dhamaan dadka aaminsan waxa loogu yeedho (Somaliland), in ay aduunweynaha ka dhaadhiciyaan in dhulkaasi yahay goob ay ka taliyaan isla markaana ay ka qabteen dhamaan doorashooyinkii ay iyagu u eekaysiinayeen in ay yihiin kuwo xalaal ah, hasa yeeshee ka Araday dhamaan habka sharciga ah ee ay doorashooyinku u dhacaan, sida Tirakoobka, Warqada aqoonsiga, mandaqadaha doorashooyinku ka dhacayaan oo aan la xadidin, isla markaana ayba jiraan siyaasiin ka soo jeeda Burco oo aaminsan in doorashooyinkii hore ee dhacay ay dhamaantood ahaayeen “Halbooli ahi Nirig Xalaal Ah Ma Dhasho”, oo ay haayeen wax aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah ee doorshooyinka loo qabto.

 

Waxaa hadaba haboon waxaa soo dhawaaday xilligii ay dhamaan bulashada degtaa Hargeysa iyo Burco Runta isu sheegi lahaayeene isla markaana ogaan lahaayeen in aanay wax doorasho ahi ka dhici Karin dhul aan ahayn inta ay dhulkii loo yaqaanay 01/07/1960 wixii ka horeeyey Somalinad ka degaan beelaha Hargeysa iyo Burco, Soomaalaay hala siiyo Sadex Bilood Maamulka Hargeysa si ay u soo afjarmaan wax yaalo badan oo loogu sheekeeyey Bulshada iyo aduun weynahaba.

 

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

Asad Cadaani Ibraahim.

Laascaanood Puntland J.F.Soomaaliya.

assadlaska@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: Somalitalk.com | Jan 16, 2005

Canada: Wasiirad Isku Casishey Arin La Xiriirta Pizza

AKHRI BOGGA MAQAALDA: www.somalitalk.com/maqaallo

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD