SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Nin Diin la dirir ah,Ummad la dirir ah xalkiisa kuwii doortay buu u yaal !

Maxaad ka taqaan Madaxwaynaha DFKMG ah Col.C/laahi Yuusuf Ax'ed?Waa Nin ad-adag,dagaalyahan ah in badana sheegtay in uu safka hore istaago goobta dagaalka,waxa uu meelo badan ka sheegay in uu baaba'a iyo burburka Qaranka soomaaliyeed ku sugnaa muddada shan iyo tobanka(15) sano ah uu isagu Qof ahaan u horseeday,waxaa xusid mudan in Madaxwayne C/laahi mar ay idaacadda BBCda waraysi la yeelatay (xiligii musharaxnimadiisa Jagada madaxwaynenimo ee uu maanta hayo) isagoo ka jawaabayana su'aal ku saabsanayd sida uu xalka u arko haddii uu guulaysto wuxuu sheegay Madaxwaynuhu in loo baahan yahay in la helo ciidamo hub ka dhigis sameeya si awood dadka hubka looga dhigo,waxaana isla jawaabtiisaas loo tibaaxay  Madaxwayne C/laahi in ay imaan karto dagaal dad badan ay ku naf waayaan hanti badana ay ku lunto waxaana uu ku jawaabay madaxwaynuhu "Dadka in la laayo dantoodaa ku jirta" hadalkaas waxaa kaaga muuqanaya in uusan madaxwaynuhu aqoon in Dadku yahay hantida ugu muhiimsan ee qaran kasta, sidoo kale marka aan dib u jaleecno Madaxwayne C/laahi xilkan kii uga horeeyey ee uu ahaa Madaxwaynihii DG/Puntland waxaa xusi karnaa in markii loo doortay madaxwaynaha maamul goboleedka puntland 1998 uu waxqabad ka bilaabay dhismaha ciidan farabadan iyo soo daabacasho lacag been abuur ah oo shilinka soomaaliga ah, xiligaa deegaanka Puntland wax awood ah oo ka soo horjeeday ma jirin,Siyaasiyiin ay is-hayaan ma jirin,cabsi in deegaamo kale looga soo duulo oo muuqatayna ma jirin balse baahidda Madaxwayne C/laahi baa mar kasta ah in uu ciidan helo,ciidamadaas oo uu ka faa'iidaystay markii xiligiisii dhamaaday ee uu diiday in uu u hogaansamo Xeerkii KMG ahaa ee u qornaa DG/puntland taas oo u sahashay inuu dib ugu qabsado si xoog ah Puntland waxaana Madaxwaynuhu u gaystay gumaad foolxun Shacabka reer Puntland iyadoo uu deegaankaas uu ku laayay Dumar,Caruur iyo Nin door farabadan oo ay ka mid ahaayeen Issimo,Maalqabeeno iyo Aqoonyahano waxaana uu Madaxwaynuhu awood sheegashadaas ku guulaystay in isagoo Puntland gacanta si xoog ah ugu haya madaxwaynana ka ah uu ka qaybgalo shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya taas oo uu ku gaaray in uu ku guulaysto jagada Madaxwaynenimo ee DFKMG ah ee soomaaliyeed ee uu maanta hayo(WIIL HOOG) mar kale ayuuna haddana dalbaday baahidiisii joogtada ahayd ee Ciidamo in uu helo tilaabadan ayaa markan u muuqata in Madaxwaynuhu uu wax walba ka jecel yahay in uu Muqdisho tago isagoo horkacaya cutubyo ciidamo ah oo si aad ah u gaashaaman taas oo uu hadda olole wayn ugu jiro Madaxwaynuhu sidii dawladiisu ay cod uga heli lahayd Golaha Baarlamaanka in loo guuro meel aan ahayn Muqdisho,Madaxwaynuhu marna iskuma mashquulin bal in ay isku soo dhawaadaan Hogaamiyeyaasha Kooxaha hubaysan ee Muqdisho si ay talo midaysan uga yeeshaan dhismaha qaranka xalna loogu gaaro wadahadal maadaama ay ka midyihiin Golayaasha Dawlada(Golaha Wasiirada iyo kan Baarlamanka) wuxuuna u muuqdaa Madaxwaynuhu mid aan fursad siinayn saaxiibadiisa ay xilwadaaga yihiin xiligan, Madaxwaynuhu safaradiisii uu ku aaday xaga gudaha dalka wuxuu magaala walba uu tagay ka jeedinayey khudbaddo uu ku dhaaranayo kuna sheeganayey in uu yahay Ninka ugu geesisan ugu dagaalyahansan ugu kartida badan maanta Soomaaliya isla markaasna haysta hubka ugu faraha badan,waxayna tani muujinaysaa in madaxwaynuhu yahay Nin isku kalsoon dhinac kasta oo tilaabada uu qaadayana u arka mid uu u madaxbanaan yahay dhamaan Awoodaha Goloyaasha fulinta iyo sharci dejintana ay hogaamintiisu hoos yimaadeen(Bilaawe Cadde).

Dhinaca xiriirka mar madaxwaynaha waraysi isla idaacada BBCda ay la yeelatay lagu waydiiyey xiriirka isaga iyo carabta u dhaxeeya waxuu yiri "Carab iyo Islaamba Aduunka kale baa ka badan" hadalkan waxuu madaxwaynuhu hilmaamay in uu madaxwayne ka yahay Dal Dadkiisu 100%  islaam yihiin kana mid ah Ururka Islaamka ee Aduunka ahna Dal carbeed oo ka tirsan Jaamacadda Carabta,Madaxwaynaha ma xiriir la'a asxaab farabadana ma laha xaga Caalamka balse saaxiibkiisa koowaad waa meles Sanawiga itoobiya dabcan isaga ayaana uga filnaaday dunida inteeda kale.

Dhinaca Diinta Madaxwayne C/laahi Yuusuf isagoo ka waramaya Dagaalkii dhex maray Isaga iyo ururka Al-itixaad waraysi uu siiyey Idaacadda BBCda wuxuu yiri "waxaan aragnay iyagoo gacanta ku dhigay Dumarkii iyo Caruurtii oo Diinta baraya" isagoo ulajeedadoodii sii cadaynayana wuxuu yiri madaxwaynuhu "waxay doonayeen in ay diinta wax ku xukumaan Annaguna arintaas aad baan uga soo horjeedsanay".xaga aqoonta Diineed waxaa Madaxwaynaha laga cabiri karaa sheekadaan dhex martay Isaga iyo qaar madaxdiisii maamulkii DG/puntland ah xiligii uu madaxwaynaha ka ahaa Maamulkaas mar uu booqasho ku soo maray laba dugsi oo ku yaal magaalada Boosaaso oo la kala yiraahdo  IIMAAMU SHAAFICI iyo IIMAAMU NAWAWI waxaana uu  Madaxwaynuhu si uu u ogaado raga lagu magacaabay dugsiyadaas uu waydiiyey madaxdii la socotay Nimankaas(Shaafici&Nawawi) cida ay yihiin waxayna u sheegeen in uu Iimamu Shaafici yahay Iimaamka mad-habka Soomaalidu ay ku dhaqanto Nawawina uu yahay raga mad-habkaa ugu waawayn markaas buu wuxuu yiri Madaxwayne C/laahi Yuusuf "way fiican yihiin haday isku meel yihiine Nimanka managa hubtaan oo mayihiin rag Qaadiriya ah oo ahlu dariiqa ah?"Hadalkan ayaa ka yaabiyey madaxdii markaas la socotay waxaana mid ka mid ah ku yiri isma diidana Madaxwayne.
Haddaba Col.C/laahi Yuusuf Ax'ed oo loo garanayo in uu yahay Nin Diinta la dirirsan waxna ka aqoon isla markaasna ku sifoobay Shaqsi xasuuq waxaa maanta xalkiisa uu u yaal kuwii iyagoo wakiilka ka ah Ummadda Soomaaliyeed u doortay xilka uu hayo ee Madaxwaynenimo iyagaana shacabku ka sugayaan in ay khatartiisa dhinac kasta Diin,Dad iyo Dalba ay isha ku hayaan waxaana leenahay gabagabadii (Nin lagu seexdoow ha seexan)

Wargal Soomaaliyeed (Somali Journalist)

Dr.Ax'ed Ciise Qullaan
ahmeding@hotmail.com 

Qoraalkii Hore e Qulaan.....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaag kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 12, 2005
 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD